Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

 

Farta Oo Dhaxda La Qaniino, Maanta Nooguma Horeyso

 By: Abdallah Moallim Mahamud  

   email: Moallem10@hotmail.com  

April 05, 2005

   Isku soo celceli ,Mudane Cabdirizaq Xaaji xuseyn qoraalkaagi waxaan kaga jawaabaynaa dowlada Cabdullahi Yusuf madaxweynaha ka yahay fashilaad ku timaado mas'uuliyadeeda qaadimaaayo qabiilka uu ka dhashay, sidoo kalana wasiirka Koowaad iyo Ah-hayeenka Barlamaanka mas'uuliyada fashilaad ku timaado dowladan ay xubnaha ka yihiin, qaadimaayaan qabaa'ilka ay ka soo jeedaan,masuu'iyada waxaa dhabarka u dhiganayo ayaga oo kaliye shakhsi ahaan.      

     Mudane, talooyinka aad soo jeedisay waxay ku biya shubanayaan hogaanka Soomaaliyeed yaan loo dhiibin cid ku ab-tirsato reeraha Soomaaliya lagu tiriyo in ay yihiin qabaa'ilka ugu waaweyn, isla markaasna dad badan oo aad adiga ka mid tahay ku tiriyaan in ay iyaga yihiin caqabada ugu weyn ee hortaagan in Soomaaliye mar kale lugaheedi dib ugu istaagto, soona ceshato waddankooda oo ku dhaqmo kala danbayn iyo Sharciga oo lagu kala danbeeyo.

 Faruurya qaniinsi iyo farta oo dhaxda la qaniino waxay nagu bilaabatay sida aad adigaba fariintaada ku sheegtay 1960, adiga oo aan haddana bixin cadayn aan ahayn, dul marid aad mathal u soo qaadatay oo ku aadan Hadalladi Hogaamiyihi weynaa Aadan Cabdulle Cusmaan(Adan cadde) uu idinkula talin jiray kolki uu ahaa Madaxweynaha Soomaliya oo aad adigana mar ka ahayd Wasiirka kowaad, marna ahayd wasiir ka tirsan dowladi Cabdurashid Cali Sharmarke.

 Tala xumada Soomaalida ma'ahan Qabiil kaliye ee waa iyada oo aanan maanta faraha lagu hayn Ruux lagu tilmaami karo halyey ku wacan Hogaaminta marxalada xun oo ay maanta  Soomaali ku jirto. Sababaha loo la'ayahayna hogaan noocaas ah waxaa asbaabteeda mid ka mid ah iska leh, qaar badan oo xubno ka ahaa dowladi xilka Soomaaliyeed la wareegtay 1960 oo iyaga dhegaha ka furaystay talooyinka mudnaa tixgelinta weyn ee uu u soo jeedin jiray Madaxweyne Aadan Cabdule Cusmaan.

Fiiro gaar ah, Hogaamiye fiican iyo mid xunba waxaa samayn karo waqtiga ee dadka ma samaysan karaan waqtiga ay doonaan ,taana waa mid ilaahey u gaar ah, ee hogaamiye wacan dalkeena ilaahey ha u soo diro ,amen.

  Mudane ,aniga wax fiican ayaan sheegay kolkuu shirka Mbagathi socday, waana la qaadanwaayay ,maantana waa kaa qaar badan ayaa farta dhaxda qaniinayo, kaa yeeli mayno, waayo goorti lagaa rabay ma'aadan keenin talooyin ummadda Soomaliyeed  u horseedi karo xisbi aan qabiil ku tiirsanayn , haddaba haddii aad doonayso taladaada oo la qaato  waxaan kaa codsanayna adiga oo ummadda u ictiraafo qaladaadki aad gashay waagi aad gacanta ku qabatay mid ka mid ah hay'adaha u sareeyo ee dalka Soomaliya  laga maamulo.

 Mudane ictiraaf afkaada ka soo baxo waxuu abuuri karaa laba arrimood oo muhim ah oo xal u noqon karo arrimaha Murugsan ee ummadda Soomaaliyeed ,lagagana bixi karo kooxahan midba mar noo sheegayo in uu isaga yahay muwaadin ku maqan danaha ummadda Soomaaliyeed iyagoo oo aan ognahay in ay ku taagan yihiin Beer horay loogu falay oo la yiraa aniga ,qabiilkayga iyo mar uun madaxweyne I dheh.

 Ictiraafka denbiga ,wuxuu nabigeeni (korkiisa nabad ha ahaatee) ka yiri " Bani'aadam oo dhan waa Gefayaal  ,kuwa gefana waxaa ugu khayr badan kuwa ka towba keeno gefkooda".

 Icitiraafka qaladaadki madaxdi hore ,ha ahaadeen kuwi sida dimoqaraadiga ah lagu soo doortay, ama ha ahaadeen kuwi xukunka Soomaliya Maroorsaday 1969 wuxuu keeni karaa..

1)    in la helo hogaamiye ku fekero war ummaddan uma baahno cid ku hogaamiso dan qabiil ee waxay u baahan yihiin hogaamiye dantooda ku  ilaaliyo in ay hal qowm oo isku diin ah  oo aan kala maarmin yihiin.

2)    In la helo qaar maanta hurdada kaga kaco ictiraafkiina ,kuna dhiirado iyagana in ay tilaab noocaas ah qaadaan ,farahana kala baxaan denbiyada ay maanta Soomali u gaysanayaan ,dadkana u horseedaan wado ummadda Soomaliyeed ku kulmin karto khayrka waddankeena oo sinaan iyo cadaalad loo qaybsado.

  Mudane, Soomaali qabiilkeeda waa bukaan daawayntiisa ay u baahan tahay mudda dheer oo la furfuro ,taana waxaa lagu heli karaa helitaanka hogaamiye si dhab ah u garto in xalka Soomalida ku jiro arrimahan aan hoos ku soo xusi doono.

1)      in wax walba lagu dhameeyo wada hadal fadhigiisa yahay aniga ,adiga iyo isaga maxaa noo dan ah , maxaan ku gaari karnaa in aan si nabad ah  oo aan lays riix-riixayn ,jirana aynan ku jirin aan ku wada cabno caanaha Maandeeq weel aan ku wada qasbanahay ,midkeenana haddii loo diido aynan noo sahlanayn in aan aniga iyo adiga cabno isaga oo aan naga daadin.ama naga carayn

2)       In aan hogaamiyaha howsha nagu maamulayo tilmaantiisa lagu salayn qabiilka oo uu dhashay ee kartidiisa hogaanimo laga fiirsho astaantiisa wax-galnimo, usluubtiisa hore loogu yaqiin,dad-la-dhaqankiisa ,garashadiisa ,dad la tashigiisa intee ayuu gaarsiisan yahay, qalbigiisa ma fiyow yahay,nin sabar leh ma yahay ,marki gacan bir ah loo baahdo ma yahay ninkeedi,iwm oo fiican oo dhan.

Mudane in aad mar labaad fariin aad horay u soo dirtay ku soo celiso waxaan ka dhadhaminaynaa in ay tilmaameysaa raja xumo iyo quus aad ka joogto, hore u socodka dowladi lagu soo dhisay Mbagathi.

 Taana iyada oo jirto, haddana adiga lagaa-ma-rabin dadka in aad raja xumo uga muujiso rajada kaliye ee ay maanta gacanta ku haaayaan. dad badan oo Soomali ah marnaba kuma talinin in hogaanka Soomaliya loo dhiibo Madaxweynaha hadda haayo Cabdullahi Yusuf iyo rag kale oo aan horay u tilmaanay magacyadooda,kuna sheegnay in ay ayaga ka mid yihiin mushkilada Soomaliye ee xalka u baahan , laakin nasiib darro faaski waa ku dhacyay madaxeena ,waxaana hogaanka Soomaliye loo dhiibay gacan ku dhiigle ,waxaana wasiiradiisa loo magacaabay gacan ku dhiiglayaal waddanki la haray.haddaba Su'aasha waxay tahay, ma waxaan niraahnaa ma aqbalayno dowladan ,kana shaqaynaa sidi ay u dhici lahayd, misa arrinta waxaan ka fiirinaa dhinaca waqtiga oo waxaan dowladan u soo jeedinaa qaabka ay ku shaqayn karto haddii la heli karo irid looga bixi karo isqabqabsiga maanta ka dhax jiro dowlada dhaxdeeda. waxaan qabnaa tan labaad in la qaato, in dowlada iyo ragga ka soo horjeedo lagula taliyo ,wixi danta Soomaliyeed ku jirto iyagana ka badbaadin karo qasqaas ay haddaba ku jiraan haddii ay ku dhaqmaan talooyinka wax ku oolka ah ee loo soo jeedinayo

    Dowladan waxaan u soo jeedinaynaa ,gaar ahaan Madaxweynaha,wasiirka kowaad iyo kooxaha tageersan in aynan marnaba ka tilaabsan xaqiiqada dhulka taal oo ah in dowlada ay hogaanka ka yihiin loo dhisay in ay dalkan ku soo dabaasho kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo, taana ay ku imaan karto oo kaliye wada hadal iyo is faham dhax baro iyaga, xubnaha dowlada jeel la ah iyo xubnaha aan ku tala ahayn dowlada ,kana feker duwan.

  Dowlada waa in ay ka tanaasushaa ku dheganaashada ciidamada deriska la ah Soomaaliye, asbaaba badan oo aan qoraal kaliye lagu soo koobi Karin ,waana in ay ku dhegtaa dowlada oo si ku meel gaar ah u degto magaalada Jowhar.

 Dhinaca kale ee ku dhegan xabashi imaanmeyso wallow dad badan aynan aaminsanayn, dhab ahaan waxa ay diidan yihiin in ay xabashi tahay , haddana waxaan u soo jeedinaynaa dowlada haddii ay ka harto ku dheganaashada ciidanka xabashida, iyagana waa in ay ka haraan ku dheganaashada dowlada ha degto magaala Muqdisho ,waana in ay aqbalaan ciidan afrikaan iyo carab ah oo aynan ku jirin ciidamada dowladaha safka hore ,

Tan waa midda kaliye oo ay maanta ku badbaadi karto dowladi ka soo baxday shirki labada sano loo fadhiyay Mbagathi ,dalka Kenya .

   Haddii uu jiro gef naga dhacay ma'ahan mid ula kac nooga soo baxay,warkana waxaan ku soo gegebeynaynaa, Soomaaliyey aan u wada duubano sida aan waddankeena nabad ugu wada noolaan lahayn ,taana waxay ka soo go'I kartaa annaga oo isla garano in ay danteena tahay mid kaliye.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

  _

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul