April
06,2005
Salaan
nabadgelyo iyo mid naxariis dushiina ha
ahaato
Ceebtiisa
ma’arke calooshiisa u shaqayste
cadadooda ma dhafaan illaa ay naftooda u
baqaan oo ay gasho meel halis ah
Ayaandarada shacabka somaliyeed haysata
1)
Nidaamdaro iyo kala danbeen
la’aan inuu dalka kujiro kuwii ay
dantooda aheed oo shaqadoodii bilaabay
iyagoo isku dayaaya inay abuuraan
dagaalo sukeeyo looxyo ay isku
qarinayaan sita.
2)
Dawladii dhawrka sano lasugaayay
oo iska soo wada hor jeeda
3)
barlamaankii lagu dhibtooday
sameentiisa wuxuu rababa haku
salaysnaado xaq iyo xaqdaro oo kuraastii
uu ku fadhiyay
ku ciilbaxay labana u kala jabay
.
Deriska
oo mar walba lagu shiro waxna aysan ka
soo bixin mudo dheer iyo midgaban
Shirarka
markay dhamadaan jabhado loo kala baxo
oo aan la rabin in dawlad lahelo koox
waliba ay rabto inay fakirkeeda
kushaqayso
Somaalida madaxdooda ma waxay
yihiin kuwa ku taqasusay qaabka jabhado
loo naqdo waxna loo burburiyo welina aan
baran qaabka wax loo wado dhiso nabadna
loogu wada nolaado ?
Gurigeena
kuma heshiin karno deriska gurigiisa waa
ku heshiinkarnaa anagoo
cid aan lasoo tashanay aysan
jirin
ulla jedadeenana ay tahay
mid shaqsi, gurigeenana hadaan
tagno waxa uu shaqsi walba uu dono uu
sameeyo.
Danta
guud qof walba siday isaga la tahay haku
doono .
Heshiiska
aan banaanka ku galno gudaha shaqo kuma
laha waxaan saxiixnana maba dayno
danteena waxay na amarto xumaan iyo
samaan iyadaan ku tashanaa jidgoyadeena
inay notaal wasiirana aan noqono iyadaa
wax walba noga weyn.
Markii
dowlada lamagacaabay lagana maray
dhibaatoyin badan barlamaankii uu
ansaxiyay dowladii laba ayay ukala
jabtay barlamaankii waa uu kala saftay
jabhadahiina waa ey bilowdeen shacbigana
waxuu sugo waa madafiic iyo cabsi
.
Waxaase
ayaan daro ah qaladkii ay koxo galaan in
marwalba qalad kale lagu saxo dhiigna
loo dadiyo iyadoo aan natiijo laga
keneen mugdina uu ku jiro wadada natiijo
lagu keni karo mar walba layska indha
tiro dhaqaalana lagu bixiyo dad walaalo
ah oo islaama dadinta dhigooda
iyado mar walba loo arko in
natiijo lagu garaayo
Isbaroyinka
sii badanaayo qadistooda in dhaqaalo
lagu bixyo si dadka magaalada ku nool ay
u helaan maciishad raqiisa ay ku nolaan
karaan
Waxaa
kasahlan in midi midi lagu taago
Talo
xume runtaa looga kala tagaa inuu arinka
noqon dono
Ayaan
darada shacabka haysato ruux sheeq
sheganaayo hadana leh shacabka muqdisho
waa uu ku yaryahay 15sano ay dowlad
la’aan
ku jireen isagoo daliil ka
dhigtay raguu ku tilmaaay inay mujrimiin
yihiin inay dhintaan kuwa jidgoyada
looga kala tagay aysan dhibaato ku heen
xisaabtana aysan ugu jirin kuwa
jidgoyada iyo nidaamdarada ku
halaagsamay bad iyo beri maydadkooda aan
la arag kuwa ku harayna sun bada logu
soo shubaayo ay ku halagsamoyaan diin
la’aana ay ku dhacday kuwa
nidaamrada ka hajiray meel
fiyowba aan loo jedin .
Dan
dhaqaale in la difaaco laguna ganbado
diin iyo qabiil waxaa ka wanaagsan
iyadoo ilaah loo towbad keeno danta guud
la difaaco ilaahay waxuu raali ka yahay
la sameeyo xumaha layska reebo wanaagana
lays amro laguna dhaqmo axadiithkii
nabiga calayhi salaam lagana bilaawo kan
dadka kuu xigo inuu umuda dulmiga ka
qaado aad ku wanisid una sheegtid ama
aad gacantaada kula dirirtid ama afkaaga
ama aad qalbiga ka nacdid kasoo ah
imaanka kan ugu daciifsan
Wabillahi
tawfiiq
Cabdullahi
Maxamed Nuur
Abdullahi05@swissonline.ch
Wariye
Mudulood.com