Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Soomaali aragtayaa yaab aragtayaa!

Yaasiin Maaxi – Scadanevian, Sweden maaxi@hotmail.com

Waxaan ogsoonahay in aay bulshada soomaaliyeed hide u leedahay ineey wixii aqbaar ah hab oral ah isugu tabiyaan, habdhaqankaas oo saldhigiisu yahay kutiri-kuteen, hada iyo wixii  ka danbeeyna aan rajeeynaayo in laga gudbo, isla markaana la hormariyo hanaanka wax qorista kaasoo soomalida u leh qiimo aad iyo aad u wayn waxtarna u leh.

Soomaali aragtayaa yaab a ragtayaa!

Hada ka hor ayaa wxaa la yiri ”Furuq markii la arkaa waraabow fara ka leef noqdaa”

Sanadahaan waalida aan aragnay waa waali waali dhaaftay, waxaanse jacleystay maanta in aan halkaan ku soo gudbiyo mowduuc ah kor ku xusan, taas oo aan ula jeedo in soomaalida beryahaan danbe la soo baxday dhaqamo cusub oo aan horay cariga soomaaliya loogu arag kuwaas oo Illaaheeysw  xarantinimeeyey. Dhaqamadaas xun oo aan halkaan ku soo koobi karin ayaa waxaa ka mid ah: dilka, kufsiga, xatooyada, lacag been abuurka, xaasidka, daneeysiga, boobka, dhaca, indho cadeeynta, maamul xumida, nin tooxsiga, fowdada, xashiishada, khamriga, maroorsiga, jiingad fuqsiga, iimaan laawaha, afmiishaarka, labo wajiilaha, kii wax bartay oo qalinka wax ku xadaayo isagoo shaati madaxtinimo soo gashtay, hadoow xaajigii tuug noqday xadaayo beeshiisa, qabiyihiina qaadanaayo ama quudanaayo, sharaftii soomaaliyana dhulkii lagu tuuray cidna dhulka ka qaadeeynin, ma abaal gudee waan aargudaa, Xanta xag-xagadka xumaanta oo la jecelaaday, xabad katoogashada xinjir bixinta oo la fududeeystay, tarbiyad xumi, siyaasada faasidka ah ee uu naxwaheedu noqday ”waxna aan qalano midiyahana aan qarsano”. Taas waxaa sii dheer safka hore iyo hogaanka ummada oo u batay danaystayaal dhuuni raac ah iyo odayaal matalaayo siyaasiga, dhaqtarka, sarkaalka, injineerka, gasoorka, iyo kuwo kale ayagoon garasho iyo garaad u lahayn.

Waxyaalaha la yaabaka leh ay keeneen waayaha iyo xiliga adag ee la maraayo ayaa waxaa ah ayadoo la hormariyey magudbanimada, saaqidnimada, mashaqeeystanimada, khaa`inimada, daacadnimo darida, garasho xumida, muslinimo diidka, soomaalinimo diidka, qaraabanimo diidka, duubabnimo diidka, walaaltinimo diidka, War caamadii aragnayee aawday culumadii soomaaliyeed?

Waxaanan shaki ku jirin in shisheeyaha aan ku dhax nool nahay iyo kuwa dunidaba eey nala yaaban yihiin sidii cid la arkaa u  lahayd;  aniga ayaa gob ah, aniga ayaa dad badan, aniga ayaa degmo fiican, anigaa ayaa carab ah, aniga ayaa ……. aniga ayaa …………aniga ……….aniga……inata soo hartayna waa gun wax magarato ah waxeeyna mudan yihiin inaa aniga hogaamiyo.

Anigoo hadalkeega soo koobaayo ayaa waxaa la yiri:

Dad wada fiican qofkii raadiyaa dad la`aan baa ku dhacda.

taas waxaan ula jeedaa in ummada soomaaliyeed aay leedahay dad xun kuwaas oon qaarkood kor ku soo xusay iyo dad fiican oo iyana ah tiro sidaa u badneen, islamarkaana dadaal aan muuqan ku jira. ileen inta xun ayaa soomaalidii u badataye.

Nin hal ka luntay haan maran ayuu gacanta geliyaa!

Si nafta aan u qancino, helida nabad waarto waa inaan umarnaa dhabe kasto,weligeenana aan ka quusan hanashada helida mustaqbalkeena waana inaan marnaba rajada la lumin

”wixii rag u kaco, Rabina aqbalo waa rumoobaan”

Anigoo la hadlaayo inta tirada yar ee wanaaga wada ayaan waxaan leeyahay sidan:

Nolashu waxeey ku dhisan tahay mabaadii ah: aan ogolaano cid walbo ineey noolaato, barano wax la wadaaga dadka kale, iskaashiga wax wad qabsiga, dulqaadka, aaminaada wanaaga, dadaalka waxbarashada iyo shaqada ineey yihiin waxyaabaha kaliya ee aan horumarka ku gaari karno. sidaas ayaan ku talinayaa cidii aay dhibeeysana ha iska waranto.

Hadal yar iyo howl badan, inta aan kor ku soo sheegay ayaan waxaan rabaa inaan ku xoojiyo gabay uu tiriyey halyeeygii soomaaliyeed Cabdulle Raage Illaaheeysw  ha u nariistee isagoo tilmaamaayey ummda soomaaliyeed dhaqamada xun ee ku soo kordhay cariga wuxuuna yiri:

Inta doqon firiid yahay

dibu socod Wadani yahay

Dabaalna wax garad yahay

Denbiilena garsoor yahay

Daacadina hungoow tahay

Darajana qabiil tahay

Deblana janan ka adag yahay

Dulmina xaq ka mudan yahay

Daacadina hungoow tahay

Inta dira-diraalaha dalacaad iyo sharaf helo

Midka daawo taliyana dariiqyada ku sugan yahay

Inaan tiriyo deeleey dareenkeeyga ma ogola.

Allaa wax og !

Yaasiin Maaxi – Scadanevian, Sweden maaxi@hotmail.com



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul