May
03, 2005
Ugu horeyn waxaan Halkan ugu
hanbalyeynaynaa Mudane Cali Maxamed Geedi wasiirka koowaad tegitaanka uu tegay
magaalada madaxda Soomaaliyeed Muqdisho ,waxaan
iyadana wasiirka kowaad uga mahad celinaynaa shakiga uu ka saaray
shacab badan oo Soomaaliyeed ee lagu bahdilay Wasiirka Kowaad wuxuu doonayaa
in caasumadda Soomaaliya laga bedelo Magaalada Muqdisho.
Muqdisho waa candhadi waddanka Soomaa-
liyeed ,haddaba waxay sua'aasha tahay Naaso ku yaalo neef candhadiisa bukto
caana la cabo ee lagu bogsado ma leeyahay iyada oo aan candhada daawo loo
helin? Jawaabta uu ruux walbo oo
caqli saliima leh ka bixinayo su'aashan, waa maya, caano
ma leh naaso ku yaalo candha bugto.
Intaa markuu
qofka beni'aadamka isweydiiyo, welina baahi u qabo cabitaanka caanaha neefkaa
buko, waxaa u soo baxayo in uu ku dhaqaaqo daawo u doonida candhada bukto si
uu kaga bogta cabitaanka neef caaniihiisa ummadda Soomaliyeed ka badan yihiin
daawo keddib, haddii si caddaala ah loo maareeyo qeybsiga waxgalka maandeeq
guud ahaan.
Muqdisho waa
magaala madaxda Soomaa- liyeed waxaana la isku raacay in nabad Soomali weyn ku
deggeyso inteeda badan ku xiran tahay, xal u helida magaalada Muqdisho oo
yeelato hal maamul oo ay u dhan yihiin kaabayaasha maamul oo ay leedahay
magaalo ay ka jirto kala danbayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo.
Halkaa markaan
marayno, inta aanan xal u raadin arrimaha murugsan iyo nabadgalya la'aanta ka
jirto Caasumadda Soomaaliyeed Muqdisho,waa in aan isweydiinaa dowladda
Nayroobi lagu soo dhisay ma jirtaa dowlad ama dad is xilqaamay oo ka horeeyay
ee isku dayay in ay nabad ku soo dabaalaan magaalada Muqdisho tan iyo iyo inti
xukunka laga tuuray dowladi uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Bare iyo ilaa
hadda oo ay weli bahalo galeen tahay .jawaabta su'aashan ,waa haa ,waa jiraan.
haddaba sidaa darteed waa in aan isweydiinaa maxaa keenay in ay fashil ku
dhamaadaan dhamaan dadaaladi ay la yimaadeen dowladihi ka horeeyay meeshi la
doono ha lagu soo dhisee tan hadda Nayroobi lagu soo dhisay iyo haddii ayba
jiraan odayaal,culumaa'udiin,aqoonyahan iyo cid kala oo isku dayday taaba
gelinta xal loo helo Muqdisho oo uu ka jiro maamul ku tiirsan kala danbayn iyo
sharciga oo lagu dhaqmo.
Annaga oo gadaal
dheer aanan ugu noqon
asbaabihi fashilka ku keenay dowladihi iyo akhyaarti horay iskugu
dayay xal u helida arrimaha Murugsan ee
ka taagan magaalada Muqdisho, waxaan isweydiinaynaa Dowladan miyaynan ku
saxsanayn qaabka ay u mareyso nabad waarto oo dalkeena lagu soo dabaalo in ay
kaga duwanaato waddadi ay horay u mareen kooxihi ka horeeyay oo ay howhsooda
ku aadan caasumada Soomaliya gaar ahaan iyo guud ahaan dalka Soomaliyeed
fashil ku dhamaadeen. Jawaabta su'aashan iyadana waa haa, laakin waxaa
su'aal ka taagan tahay qaabka ay dooaraty dowladan in ay wax ku xaliso ma ku
saxsan tahay boqolkiba boqol, diyaarsa ma u tahay in ay la saanqaado is faham
guud oo dalkeena ku soo dabaali karo nabadgelyo waarto.
Khilaafka ka
dhexeeyo kooxaha ku mideysan dowladan intuu doono ha la ekaadee Dowladan waa
ka nasiib badan tahay kuwi ka horeeyay waayo waxaa ku dhan dhamaan
qabqablayaashi dagaalka iyo qabqablayaashi Siyaasada.
Madaxdi
dowladan waxay bilaabeen qayla dhaan ah war adduunka ciidan hanala soo gaaro ,xamar
ma tegi karno iyada oo aan la nabadayn waayo dowladihi naga horeeyay
fashilkooda badanaa wuxuu salka ku haayay ku degdegida tegitaanka magaalo ay
joogaan bahalo galeen kuugula gorgortamayo jeebki ii buuxi,isbaaraydayda iyo
garoonkayga sidooda ha u shaqeeyaan ama qaniinyadayda xanuunkeeda albaabka
danbe ayey kaala baxaysaa.
Tan waxay abuurtay
qayla dhaan ka soo yeeray laba koox oo iyagana dowladda ku jiro ee aanan
haddana isku mabd'a ahayn balse ay kulmisay dan ku meelgaar ah.kooxda hore waa
waddaniyiyiin aaanan diidanayn in dalkeena nabda ku soo dabaalidiisa loo
kaashado ciidama ay nagu kaalmeeyaan addunweynaha nabada jecel balse waxay
diidan yihiin ciidamadaas in ay ku jiraan dowladaha safka hore iyaga oo
arrinta ka fiirinayo, in dowladahan deriska nala ah imaantinkooda huwan hub ka
dhigida maleeshi- yaadka Soomaaliyeed in ay abuuri karto ku dhex wedida
danahooda gaarkaa oo ay ka leeyihiin dalka Soomaaliyeed ,sidaa darteed in ay
haboon tahay in marka horaba laga dheeraado aqbalaada ciidan dhib ka imaan
karo berri ,abuuri karana murugada hadda noo taal mid ka sii xun.
Kooxda labaad
waa qabqablayaasha dagaalka horay saaxib ula ahaa dowladda Xabashida
iyaga ma jirto waxay diidan yihiin marka laga reebo in ay ogyihiin imaantinka
ciidan xabashi leedahay abuuri karo aar goosasho salka ku hayso balamadi ay
uga baxeen saaxibkoodi hore, sidaa darteedna tan waxay abuurtay in ay ku hoos
ganbadaan fikirka ay qabaan kooxda hore oo mabda'ooda ku saleeyay waddaniyad
ka tarjumayso guud ahaan danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Aan u dhaadhacno
gundhiga qoraalkan waa "sidee qoona loo xagtaa ilkana ku nabad
helaan",waa sidee xabshi imaantinkooda looga maarmaa,muqdishana nabad ku
heshaa, somaalina u wada shaqaysaa si sinaan iyo wadajir dabada ku hayso.
Beryahan waxaa
batay is eedeyn abuuri karto fogaynta xal
u helida khilaafka u dhexeeyo garabyada kuwada jiro dowlada loogu magac daray
dowladi dib-u-heshiinta ummadda Soomaaliyeed, eedeynta dhinac walbo ka soo
yeerayso waxaa looga kori karaa iyada oo Cabdullahi Yusuf iyo Geedi ka
tanaasulaan ku dheganaashada imaantinka ciidamad dowladaha safka hore iyo
wasiirada hogaamiya kooxaha hubaysan ee reer Muqdisho xooga ku haysto oo
ciidamadooda dibadda ka geeyo magaalada gudaheeda ,taa ka horna isbaarada ay
ayaga leeyihiin ka qaadaan waddoonyinka magaalada si ay tan u abuurto cabsi
gelinta kooxaha yar yar oo aan iyaga cidna ka amar qaadan.
Aan xabashi ayaa
soo socoto kaga gudubno howl ,waxqabad iyo idinka oo magaalada Muqdisho
banaanka ka geeyo Mooryaanta qoryaha
u garaarsan dano shaqsi bahdilay ummadda Soomaaliyeed oo uu horboodayo,
waddankoodina u diiday nabad iyo kala danbayn. Muqdisho kolkaad hubka banaanka
ka geysaan halkaa waxaa ku ekaanayo eediina ah ciidamada xabashida dalkeena
lama keeni karo. Sababta xabashi dalkeena ku hungaryaynayso baabi'iya ,dalkana
u horseeda nabad ,naftiinana ka badbaadiya tarriikh ka xun midda aad hadda
dhax dabaalanaysaan.
Wasiirka kowaad
isagana waxaan kula talinaynaa in uu ku dheganaado ka warwareegida dowladiisa
in ay howl ka bilowda magaalada Muqdisho tan iyo inta qabqablayaasha wasiirada
isu beddelay garanayaan in la isku bartay qaab dhaqankoodi ay hore ugu
bahdileen ama ku fashiliyeen saanqaadka dowladihi ku degdegay tegitaanka
Magaalada Muqdisho iyada oo bahala galeen ah..
Dowladaha IPF,Dowladha Igad iyo dowladaha
u istaagay soomali oo la gaarsiiyo iyaga oo dib u soo ceshto kala danbayn
waddankooda ka hergasho waxaan ka codsanaynaa in aynan ka dayn culayska ay ku
haayaan dhinacyada isku haayo maareynta arrimaha Soomalida inti waddanka
soomaliyeed ku tilaabsanayo in uu dib ugu istaago lugihiisa.
02/05/2005
by:
Abdallah
Moallim Mahamud
email:
Moallem10@hotmail.com
_