|
GUUXA
MUDULOOD QEYBTA 7AAD
Fiiro
Gaar
ah ; (wacbudhan+harti
abgaal+waceysle = ABGAAL
)
waxaa
iga caawiyay qariiradan (qaab masawirkaan) maamulaha
www.cadayga.com
(mahamed
hassan )
YAA XUKUMAY
CADAALAD DARADA MUDULOOD???
by: Jama
Hussein Hassan Jamamoobleen@aol.com
Sidaynu
wada ognahayba, Soomaaliya dalka la yiraahdo waxaa wada degan ummad hal
jinsi kasoo wada jeeda, isku af ah, haddana isku diin ah, qaarkoodna isku
heebtirsada, taas oo ku tusinayso sida ay isaga xigaan kuwa kale, Runtii waa
astaamo dunida ku yar in ummad intaa isku hesho.
Iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaan ognahay in aanay guud ahaan soomaali
ka faa,iideysan wanaagaasi aan kor kusoo xusay, gaar ahaana mudulood. Waayo
cadaalad daradii ka dhax dhacday mudulood dhaxdiisa, shaqsayaadkii sameeyay
cadaalad darada, waxay ku adeegteen magaca wada dhalashada mudulood.
Hadaba su,aasha meesha taalo ee isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, yaa
xukumay cadaalad darada mudulood?, su,aashan oo aan dhowr jeer kusoo daray
maqaaladeydii hore, ayaa jawaabteeda ninba si u arkaa muduloodka dhexdiisa.
waxayse soomaali hore u tiri, sedex lalama dago, sedexna lalama garantamo.
Waa tan koowaade, sedexda aan lala degin ayaa waxay yihiin, (fulay
daandaansi badan, doqon fiiro taqaan, iyo baqiil damac badan), Murtidan ama
maah maahdan ayaa waxay kasoo fushay qof la darsay ruux ama shaqsiyaad
baxaalligiisu ama dabeecaddiisu sidaas yihiin, waxayna ila tahay in laga
fogaado dadyowga noocaas ah. Nasiib darro haddii aan mudulood nahay waxaa
hogaanka noohayo dad ku sifoobay maah maahdaas aan kor ku soo sheegay.
Malahaygu waa in aanan loo baahnayn faahfaahin dheeraad ah iyo sida
maahmaahdani iyaga u quseyso, ninkii garaad leh uun baa og luggooyada ay ku
sameeyeen laba beel ee xaqooda la duudsiyay, (moobleyn iyo hiilibi) oo
hadana ay waxba usoo naaso cadeyn inta ka hartay dowlada.
Waa tan labaade, sedexda aan lala garantamin ayaa waxay yihiin, (Nin aanan
rabbi aqoon, Nin aanan run aqoon iyo Nin aanan rag aqoon), runtii soomaalidu
waxay tiraahdaa musiibo iyo magac maalin bay baxaan, taas oo aan ula jeedo
murtidan ama maah maahdan ayaa waxay oranaysaa, (nin aanan rabi aqoon) ma
orankaro umad muslim ah ma yaqaanaan (rabi) waayo taasi micno kale ayay
yeelanaysaa, waxaanse kasoo qaadanayaa laba kale ee ah (nin aanan run aqoon
iyo nin aanan rag aqoon).
Runtii intii aan ku gudo jiray qormooyinka guuxa mudulood ayaa waxaa in
badan ii imanayeen emailo qaarkood aad la yaabayso, oo runtii aan is iri
reeraha sed buur saday xaalkooda runtana ka fog, ragna ma yaqaanan, rabina
tiisi u daayay anigu. Waayo in badan oo dadka emailladaas isoo diray ayaa
waxaa ay lahaayeen waxaa la gaari doonaa waqti ay soomaali nabad qabto,
muduloodna xisaabtamo. Markaas ayaan waxaan soo xusuustay murtidan ama maah
maahdan oranaysa, (Nin aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto).
Marka hada waxaa meesha nooga cad in aanan lala garantami karin raga ama
dadyowga ku sifooway maah maadan, (nin aanan run aqoon iyo nin aanan rag
aqoon) mana laga sugaayo inay xaliyaan qilaafka dhexyaalo beesha mudulood.
Waana rag aanan waxa jooga garan ama rabin rabin in ay gartaan, warkeedaba
daa inay ka fekeraan waxa soo socdo.
Hadaba maxaa la gudboon beelaha magacoodo, sharaftooda iyo jiritaan koodo
lagu tuntay?, mise waxay rajo ka leeyihiin in wax laga siiyo inta ka hartay
xukuumada uu hogaaminaayo cali maxamed geedi. Waxaanse kula talin lahaa inay
u istaagaan xaqooda, ayna waxba ka sugin dad aanan run iyo rag aqoon.
______________________________________
|