Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 
Ayax Teg Yeey Amxaarana Reeb
 
Dr.Ali.A.Hirabe          Hirabe_a@hotmail.com
 
 

May  12, 2005

Qowleeysatadii cadaanka Qarnigeey Qotamiyeen Qarankusheega Qaloocan Qaalibuu nala ahaa. Rag baa Qeeydka u xeeytay in eey Qiraan oo Qeeylo dhaan Qabiil ugu yeertay Iyadoo laga xaalmarin reer xamar xasuuqii xamar weeyne iyo xoolihii laga boobay xal noo noqan meeyso dalka waa nabadeeysmay haddii xaqa laga rooro oo xaaraanta loo xusul duubto xaayoow xijkiisa xaaraan qadcan waaye.

  Dalkaani waxaa uu soo maray gumeeysi dheer kana soo bilaabmay 1889 markii uu Talyaaniga iyo Ingriska eey isku afgarteen kala lahaanshaha waqooyiga iyo koonfurta Somalia, hadaba waxaa uu gumeeysiga dalkaan joogay ilaa 1960, waxaa la dhaihi karaa gumeeysiga cadi waxaa uu dalkeena xukumaayay ilaa 71 sanno, dhibka, dilka, boobka, kufsiga  iyo gumaadka  uu umada u geeystay waxaa lagu iloobay xornimadii la qaatay 1960, dowladii dhalatay xiligaas dhibka iyo gumaadka  umada Somaliyeed lagula-kacay kama eey sameeyn dacwad ku wajahan xoogaga gumeeysiga tacadigii eey badeen umada eey u qaadeen masuuliyada dowladniomo, balse waxaa eey badankood ahaayeen kuwa ku soo barbaaray gumeeysiga si xukunka loogu dhiibo, dowladaa wax horumar ah oo eey umada u qabaty ma jirin, sida cisbitaalada, jidadka,skoolaadka iwm, balse waxaa eey aheeyd mid uu masuqmaasuqa la degay, sida oo kale waxaa dalka xilgaa ka bilaabmay biliqo xoogan oo lagu waday dhismayaashii iyo hantidii ma guurtada aheeyd ee uu ka tagay gumeeysiga in eey boobaan shaqsiyaadka ka maxad noqday dowladaa,waxaa jiray oo dhib ah waxaa lagu iloobay Siyaad Bare 1969 kii  markii uu xukunka qabtay, cid u raacatay dacaw ma eeysan jiran kuwii boobay hantidii qaranka lahaa, balse waxaa bilaabmay boob horleh oo ka dhacay dalka, sida beeraha, dhulka iwm

  Xukunkii militeri ee uu Siyaad madaxda u ahaa waxaa uu geeystay oo dhib iyo gumaadba ahaa waxaa lagu iloobay 1991 waxii ka danbeeyay ee ka  dhacay dalka ee ahaa dagaalkii ahliga runtiina uu weli socdo, runtii lama soo koobi karo waxa uu Siyaad umada ku sameeyay, waxaase jira qormooyin faro badan oo laga sameeyay dhibka iyo tacadiga uu kula dhaqmay umadiisa somali, Aqristow sow uma muu qato in marwalba aan ku iloobno dhibka umada soo gaaray si sahal ah,maanta kuwa u ololeeynaya in dalka Ethiopia la keeno sow maaha in aan maanta iloowno waxa eey umada badeen kuwa hogaamiyayaasha dagaalka ah noqdayne dowlad, sow ma noqoneeyso in aan wada iloowno wax walba oo lagula kacay umadaan somaliyeed,waxaa socda in umada laga tirtiro wax walba oo xasuuq, kufsi, dhac, boob, dil iwm  laga bilaabo 1889 ilaa  iyo maanta,haddii xoogaga Ethiopia eey u helaan amar ah in eey dalkaan ku soo celiyaan nabada waxaa dhaceeysa in somali eey u kala baxdo laba:  amxaaro kalkaale iyo amxaaro diide, waxaana eey mudan doontaa jab iyo halaag ka daran midka eey reer Ciraaq ku jiraan maanta.

  Waxaa wax walbaa lagu gaari karaa nabada, waayo haddii nabadi eey timaado waxaa qofwalbaa oo Soomali ah u soo noqoneeysa xaquuqda uu leeyahay iyo mida asaga lagu leeyahay, waxaa uu qofwalbaa heli karaa fursad uu ku soo ceshado waxii laga dhacay ama laga boobay, waxaa uu qofwalbaa uu furi karaa kuna soo oogi karaa  dacwad cidii uu ku tuhmaayo in eey qalad ka gashay asaga ama reeraha uu ka dhashay,marka aqristow sow ma haboona in nabada laga shaqeeyo si loo gaaro nolol ku dhisan cadaalad iyo wada noolaasho.Soomalida waxaa eey dhahdaa nabada waa lagu tarmaa colaadana waa lagu tirmaa.

  Waxaan maqaalkaan ku soo gababgabeeynayaa ninka mooryaanka ah ee waxdilaaya ama wax kufsanaaya  waxaa ka daran kan hubka soo siisay ee amxaarka ah,waayo haddii mooryaankaa uusan wadan laheeyn hubka amxaaro kuma in uu dilo shacabka, boobana hantida qaranka,wax walbaa waxaa masuul ka ah amxaaro oo ah hooyada mooryaanta,kuwa u hamuun qaba amxaaro in eey dalka soo gasho ogaada waxaad geleeysaan taariikhda qoran ee weli socota,taariikhda ma duqowdo mana baabado weligeed ee wax wax la aqrin doona marwalba. Ninwalbow hagaaji aayahaada si aadan u gelin taariikhda mugdiga ah.


by: Dr:Ali A.Hirabe
email: Hirabe_a@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul