Qowleeysatadii cadaanka
Qarnigeey Qotamiyeen
Qarankusheega Qaloocan Qaalibuu
nala ahaa. Rag baa Qeeydka u
xeeytay in eey Qiraan oo Qeeylo
dhaan Qabiil ugu yeertay Iyadoo
laga xaalmarin reer xamar
xasuuqii xamar weeyne iyo
xoolihii laga boobay xal noo
noqan meeyso dalka waa
nabadeeysmay haddii xaqa laga
rooro oo xaaraanta loo xusul
duubto xaayoow xijkiisa xaaraan
qadcan waaye.
Dalkaani
waxaa uu soo maray gumeeysi
dheer kana soo bilaabmay 1889
markii uu Talyaaniga iyo
Ingriska eey isku afgarteen kala
lahaanshaha waqooyiga iyo
koonfurta Somalia, hadaba waxaa
uu gumeeysiga dalkaan joogay
ilaa 1960, waxaa la dhaihi karaa
gumeeysiga cadi waxaa uu
dalkeena xukumaayay ilaa 71
sanno, dhibka, dilka, boobka,
kufsiga iyo gumaadka
uu umada u geeystay waxaa lagu
iloobay xornimadii la qaatay
1960, dowladii dhalatay xiligaas
dhibka iyo gumaadka umada
Somaliyeed lagula-kacay kama eey
sameeyn dacwad ku wajahan
xoogaga gumeeysiga tacadigii eey
badeen umada eey u qaadeen
masuuliyada dowladniomo, balse
waxaa eey badankood ahaayeen
kuwa ku soo barbaaray gumeeysiga
si xukunka loogu dhiibo,
dowladaa wax horumar ah oo eey
umada u qabaty ma jirin, sida
cisbitaalada, jidadka,skoolaadka
iwm, balse waxaa eey aheeyd mid
uu masuqmaasuqa la degay, sida
oo kale waxaa dalka xilgaa ka
bilaabmay biliqo xoogan oo lagu
waday dhismayaashii iyo hantidii
ma guurtada aheeyd ee uu ka
tagay gumeeysiga in eey boobaan
shaqsiyaadka ka maxad noqday
dowladaa,waxaa jiray oo dhib ah
waxaa lagu iloobay Siyaad
Bare 1969 kii markii
uu xukunka qabtay, cid u
raacatay dacaw ma eeysan jiran
kuwii boobay hantidii qaranka
lahaa, balse waxaa bilaabmay
boob horleh oo ka dhacay dalka,
sida beeraha, dhulka
iwm
Xukunkii
militeri ee uu Siyaad madaxda u
ahaa waxaa uu geeystay oo dhib
iyo gumaadba ahaa waxaa lagu
iloobay 1991 waxii
ka danbeeyay ee ka dhacay
dalka ee ahaa dagaalkii ahliga
runtiina uu weli socdo, runtii
lama soo koobi karo waxa uu
Siyaad umada ku sameeyay,
waxaase jira qormooyin faro
badan oo laga sameeyay dhibka
iyo tacadiga uu kula dhaqmay
umadiisa somali, Aqristow sow
uma muu qato in marwalba aan ku
iloobno dhibka umada soo gaaray
si sahal ah,maanta kuwa u
ololeeynaya in dalka Ethiopia
la keeno sow maaha in aan maanta
iloowno waxa eey umada badeen
kuwa hogaamiyayaasha dagaalka ah
noqdayne dowlad, sow ma
noqoneeyso in aan wada iloowno
wax walba oo lagula kacay
umadaan somaliyeed,waxaa socda
in umada laga tirtiro wax walba
oo xasuuq, kufsi, dhac, boob,
dil iwm laga bilaabo 1889
ilaa iyo maanta,haddii
xoogaga Ethiopia eey u helaan
amar ah in eey dalkaan ku soo
celiyaan nabada waxaa dhaceeysa
in somali eey u kala baxdo laba:
amxaaro kalkaale iyo amxaaro
diide, waxaana eey mudan doontaa
jab iyo halaag ka daran midka
eey reer Ciraaq ku jiraan maanta.
Waxaa
wax walbaa lagu gaari karaa
nabada, waayo haddii nabadi eey
timaado waxaa qofwalbaa oo
Soomali ah u soo noqoneeysa
xaquuqda uu leeyahay iyo mida
asaga lagu leeyahay, waxaa uu
qofwalbaa heli karaa fursad uu
ku soo ceshado waxii laga dhacay
ama laga boobay, waxaa uu
qofwalbaa uu furi karaa kuna soo
oogi karaa dacwad cidii uu
ku tuhmaayo in eey qalad ka
gashay asaga ama reeraha uu ka
dhashay,marka aqristow sow ma
haboona in nabada laga shaqeeyo
si loo gaaro nolol ku dhisan
cadaalad iyo wada
noolaasho.Soomalida waxaa eey
dhahdaa nabada
waa lagu tarmaa colaadana waa
lagu tirmaa.
Waxaan
maqaalkaan ku soo
gababgabeeynayaa ninka
mooryaanka ah ee waxdilaaya ama
wax kufsanaaya waxaa ka
daran kan hubka soo siisay ee
amxaarka ah,waayo haddii
mooryaankaa uusan wadan laheeyn
hubka amxaaro kuma in uu dilo
shacabka, boobana hantida
qaranka,wax walbaa waxaa masuul
ka ah amxaaro oo ah hooyada
mooryaanta,kuwa u hamuun qaba
amxaaro in eey dalka soo gasho
ogaada waxaad geleeysaan
taariikhda qoran ee weli
socota,taariikhda ma duqowdo
mana baabado weligeed ee wax wax
la aqrin doona marwalba.
Ninwalbow hagaaji aayahaada si
aadan u gelin taariikhda mugdiga
ah.