May16, 2005
Beribaa
waxaa la yiri buurbaa foolatay, dadkii oo dhan baa yaabay oo waxaa la
saadaalinaayay waxa ay dhali doonto, waxaa lays weydiiyey tolow maxay
dhaleysaa?, Ma mid iyada la mid ah bay dhaleysaa?, Ma mid ka yar bay
dhaleysaa?, Ma Hashii Nebi Saalax (cs) oo kaley dhaleysaa?, La yaab!!! Sidii
loo sugayey oo indhaha loogu hayey ayay cirbad dhashay!!!, Dadkiibaa
mooraalkii iyo nafsadii ka jabtay oo lala yaabay sidii buurtan uuraysatay
loogu han weynaa iyo lama filaankii ay umushay!!!.
Muduloodoow xaal qaado!!!
Ma waxaanu ku moodnay, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin,
intii ay ku hogaaminayaan sedex walxaad oo xarafka (X) kutaal xaatahay,
xoow yahay ,xeey yihiin, walee xaq dhowr lagaa sugi maayo. Waxaan ku
moodnay inuu markii hore qalad dhacay hab qeybsigii beesha mudulood, hadase
waxaa cadaatay inuu ku tala gal ahaa mar hadii uu cali maxamed geedi diiday
inuu la kulmo beesha moobleen intuu xamar joogay, waxaana noo cad inuu la
kulmay beelaha kale ee hubeysan.
Sidii buurtii foolatay
oo kale ayaan u dhowreynay cali maxamed geedi waxuu falo, dhamaan wax
garadka beelahii la dulmiyay (Moobleen iyi Hiilibi) iyo runtii in
badan oo beel weynta mudulood ka mid ah, awalna ka xumaa sidii ay qeybtaas u
dhacday, waxaana la yaab ah intii uu haayay xilka uu maanta hayo isagoo
magacaabay dhowr xil, ayuuna weli wax xil mihiim ah uusan u magacaabin
beelahaasi la dulmay.
Anigu awalba waxba kama
aan sugeynin buur foolatay, laakiin dadkii islahaa waxay dhali doontaa
hashii nabi saalix (cs) oo kale ayaa ku hingoobay, waayo markii la
magacaabay cali maxamed geedi ayaa waxay islahaayeen waa nin aqoon yahan ah
oo uma dhaqmi doono sidii ay u dhaqmeen muuse suudi, maxamed dheere, iwm.
Dadkaasi waxay ilow sanaayeen in ay soomaali hore u tiri (geela hore saan
qaadkiisa ayuu kan danbana leeyahay) waa layaab!!!, waana cadahay inuu ina
geedi maray wadadii muuse iyo maxamed dheere taas oo aheyd xeey yihiin
moobleen.
Aqristow waxaa layaab
ah beesha Moobleen Cismaan iyo beesha Hiilbi Daarandoole waxa
ay u garan la yihiin dhibtaan lagu haayo, taas oo ay weli u dheer tahay
dhulkoodii oo xoog lagu heysto, sharaftooda iyo magacooda oo la baabi,iyay,
waxaa kaloo loogu yeeraa aryaa xaatahay,
xoow yahay, iyo xeey yihiin, iwm, hadaba hadii uu cali maxamed geedi
uu wax ka qaban waayahay colaada dabada dheeraatay ee ka dhex jirta beel
weynta mudulood, sow la mid ma,ahan hashii cirbida dhashay.
Aqristow waxaan kaloo
la yaabaa aqoon yahanada beelaha la dulmay oo aan weli garan arinkan meesha
uu u socdo, waayo soomaalidu waxay tiraahdaa, ninkii garan waayo waxa maanta
jira ma garto waxa soo socdo, waxaa kale oo ay soomaalidu tiraahdaa Rag
seddax baa ugu xun, ma tashade, ma toshe, ma tashiishe.
Ma toshe,
marka laga reebo xigmadda ku dahsoon ee sideeda loo qeexo, waa ninka aanan
maradiisa tolan karin, balse marka dhug loo yeesho ula jeeddadeedu waa ninka
naftiisa iyo masuuliyadda saaranba ka seexda. Nin baa laga warrami jiray
isagoo meel dhacdiid u jiifo roob culus korkiisa ku da’ay isaguna
caajisnimo awgeed halki iska jiifay ilaa roobki hakaday, waxaa lagu yiri
"war meesha ka kac oo dharka kaa qoyey iska qallaji" markaas buu
ku jawaabay "Maxaa howshaas igu wato hadii aan meeshayda jiifo sow
hoosku dhanka kale uma wareegayo oo hadhow cadceeddu iima qallajin doonto.
Taas waxaan ula jeedaa aqoon yahanada beelaha la dulmay (Moobleen iyo
Hiilibi) ee aanan tashaneyn, lagana yaabo inay ku fekerayaan dhibkaan
Ilaah baa qaddaray isagaana dhameyn doono.!!! Waa run oo Ilaah baa qaddaray
waxaase lagaaga fadhiyaa falcelin.
Haddaba sedexdan
arrimood ee kala ah, ma tashade, ma toshe iyo ma tashiishe waxaa ku
sifoobay dhamaan wax garadka beelahaasi la dulmay iyo guud ahaan dadkooda,
waayo waxay moodeen qabiilka xooga ku heysto dhul kooda inuu dowlad yahay,
waxaana loogu sheekeeyay in maamul loo sameeyay, maamuladaas oo aysan wax
dan ah ugu jirin oo lagu baabi,inaayo magacooda iyo jiritaan kooda. ilaahow
ma tashade, ma toshe iyo ma tashiishe hanaga dhigin.
sedex walxaad oo (x)
kutaal xumaan kamaahin ee waa u xeeyr
xaa tahay, xoow
yahay, iyo xeey yihiin xumaan kamaahin ee waa u xeer
xil dhibaan laxoogo
xumaan ka maahin ee waa u xeeyr
xigto laxoogo xumaan
ka maahin ee waa u xeeyr
xaq aan la dhowrin
xumaan ka maahin ee waa u xeeyr
Qore;
jama hussein hassan
jamamoobleen@aol.com
jamamob99@hotmail.com