Waddankeena
hooyo waa magaalooyin badan yahay,
marka laga fiiriyo qaabka magaalo ee
gobol kastaahi leeyahay waxaa kuu
sawirmaaya in magaalo kastaahi cilad u
gaara leedahay, taasoo ay ugu wacan
tahay dadka ku nool iyo qaabkooda
dhaqan dhaqaale iyo degaan ahaan
meesha ay ku taalo.
Waxaa la soo maray xilliyo qalafsan
oo dagal fooda lays daray kana soo
bilwday mid maamul dawladeed ilaa
laysla gaaray in beel walbaba ay ku
ekaato magaalo yar oo ay awalba iyadu
xaar-xaaratay, taasina waxaa laga
dhaxlay in jufo waliba tii la dariska
ahayd ay is qoonsadaan, qalbigana iska
nacaan, taasoo calaamad shaydaan lagu
tilmaamo.
Haddaan u sii biyo dhaco dulucda
maqaalkayga oo ah in
magaalada caasimadda ah ee soomaaliya
ay la mid tahay maanyada amaba badda,
waxaan ula jeedaa badda waxaa ku wada
nool noole aad u fara badan, si
nabadana ku wada kifaaxa, sidaasi
darteed magaalada muqdishow waxaa ku
wada nool dad badan oo aan is ogayn,
oo qof waliba say doonto ay wax u
maamulato, ha noqoto hogaamiyayaal
dagaal, maxaakiim islaami ah, jabhado
ka soo haray dagaalkii dheeraa ee
sukeeye oo ilaa hada isbaaro u dhigta
dadka masaakiinta ah oo lagu magacaabi
karo haraagii madaafiicda, waxaa kaloo
aan la hilmaami karin oo iyaguna
culaykooda leh ganacsatada aan
naxariista lahayn oo shacabkooda sicir
bararka ku rida mar walba daawooyin
dhacayna ka gada.
Taasi waxaa ku soo biiray qoladii
kasoo gan haaday dawladii lagu dhisay
wadanka keenya oo u kala qaybsantay
labo qaybood oo isugu
dhafan baarlamaani iyo xukuumad uuna
hogaaminayo mr.shariif oo hadda aad
moodo inuu daal badani ka muuqdo, isla
markaana la dhihi karo waxay qabteen
shaqo qaran oo laga rabay xukuumada
geedi, waxaad se moodaa inay u kala
qoqoban yihiin qaabkii soo jireenka
ahaa oo lagu yaqiinay hogaamiyayaasha
hada u xuubsiibtay wasiirada iyo
xildhibaanada.
Midda kale waxaan wada ognahay inay
xamar caasimad tahay oo soomaali
xuddunteedii ku wada duugan tahay,
laakiin aad moodo in qolo gaara lagu
nacaynaayo, isla markaana
sheegashadeeda laga dhigaayo gobol
shirko lagu yahay, wax ka
qabashadeedana lagu macneeyo mar walba
faanoole fari kama qodna, waxay
soomaalidu ku maah-maahdaa dheregii
fara badiya waa fuud xaraareeyaa,
haddii la yiri waxaan dhisanaynaa
xukuumad federaal ah, waxay dad badani
ku riyoodaan in muqdisho ay leedahay
xeer u gaara oo iyadu soomaalidu wada
maamuli karto oo aan cid gaara loo
ogolayn, marka waxaa meeshaas ka cad
inay bad oo kale tahay oo soomaalidii
ku wada noqotay, kadib markii
dagaaladii sukeeye lagu kala haaday,
waxaa marag ma doonto ah in magaalo
kasta ay ku kooban tahay hal beel ama
labo beelood oo khad u kala dhex yaalo,
xamarna waxaa isku bahaystay
soomaalidii oo dhan, waxaana la
leeyahay ma ahan magaalo nabada, oo
lama dajen karo dawlada, isla markaana
hoteeladeeda waxaa ku wada nool soomaali
kala duwan
oo ka kala timid gudaha
iyo dibadaba, sida baddaba ay ugu wada
nool yihiin, si amaana, noole fara
badan oo kala gadisan, saas darteed
MUQDISHOW WAA MAANYO (BADDA OO KALE)
Marka waxaan leeyahay waa inaan laga
been sheegin ammaanka magaalada
muqdishow, waana in lays bar-bar
dhigaa ammaanka ay haystaan
magaalooyinka kale ee la leeyahay hala
dejiyo dawlada federaalka ah oo aan
magaaladiiba hal qoys ka badan
degenayn, oo xataa kuwii laga soo
doortay ay cag dhigi karin, halka ay
xamar ku mushaaxayaan oo ay
isbaarooyinka qaabkii loo xallin lahaa
ka qayb qaadanayaan, oo hayb hayb ula
shirayaan dadka degaanka, taasoo laga
garan karo inay dad xadaariya yihiin
reer banaadir, una bisil yihiin in
nidaam yimaado, laakiin uu noqdo mid
lagu kala bad-baadi karo, isla
markaana wada saameeyo guud ahaan
soomaalida oo aan kaliya bar
til-maameed laga dhigan nabadaynta
muqdishow, taasoo loo qaadan karo in
eed joogto ah lala raadiyo dadka iyo
degaanka muqdishow iyo agagaarkeeda
degen.
Waxaa caqliga banii aadamku sheegi
karaa in meeshii wadari ku wada
nooshahay ay ammaan sugan leedahay,
meeshii hal beel ama qoys kaliaya ku
nool yihiina ayasan nabad ahayn, marka
waa in akhristayaashu ay arrintaas
hoos u fiiriyaan, kadibna xukun
caddaaladeed guud la sameeyaa, u
eexashada qaabka qabiilka iyo kan
gobolaysigaba la yareeyaa, taasaan
idinku baraarujinayaa.