Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

 

Heshiisiinta Geele Damacsanyahay, Dhamaadkeeda waa Macruuf

 by: Abdallah Moallim Mahamud  

   email: Moallem10@hotmail.com  

June 29, 2005

Bilow iyo dhamaad waa uun shinbirayahow heesa,shan iyo toban sano heesa ,u heesa bulsho u heelan in ay idinla qaadaan hadba heesta aad u meerisaan. u heesa bulsha aad dhinac baad kaga qaadaan ,dhinacna ugu yeertaan in ay difaac adag u galaan ilaalinta dhiigiina,u heesa bulsho u olalaynayso taageeridiina iyo sidi cadowga dalkeena u qabsan lahaa.

Waxa isa soo taraayo in dowlada Jabuuti u istaagtay meel isugu keenida iyo heshiisiinta waxa loogu yeero labada garab ee DFKM  ee iyaga isku khilaafsan qaabka loo maaraynayo arrimaha dalka waqtigan xaadirka ah.

 

Inta aanan u guda gelin wax ka dhihida sida ay u muuqato dhamaadka natiijada ka soo bixi karto kulmisiinta kooxahan, waxaan si hordhac ah u soo koobaynaa danaha ay kala mathalaan labadan koox, mabda'ooda, waa haddii uuba jiro mabda' ay aaminsan yihiin iyo himilooyinkooda siyaasadeed oo ay doonayaan in ay dalkaan ku maareeyaan

 

Dhibaatada asaaskeeda waa laba shay ,midda hore waa in shirki lagu soo doortay kooxahan aynan jirin mabda'a heshiis lagu wada yahay oo dowladda ku shaqayso ka hor inta aanan loo gudbin doorashada madaxda dowladda, amaba markaan dhinaca kale u dhigno, in kooxihi maareeyay shirkaas aynan isku mashquulin dib u heshiisiinta kooxaha Soomalida, iskuna mashquuliyeen u xaglinta dhinac ka mid dhinacyada is haayo ,sidaasna ay madaxnimada dalka ku hanato kooxdaaa ay iyaga taageerada u haayaan, iyaga oo aanan dhinaca kalana ka fikirin kooxdiina dalka Soomaliya ma ka hergelin kartaa danahiina iyagoon taa heshiis kula ahayn kooxa kale ee dalka ka jiro ama guusha shirka laga maroorsaday , midda labaadna waa in ay koox walbo oo ka qayb gashay shirkaas u tageen gogosha, ayaga oo aaminsanaa in ay kooxaha kale ka xirfad badan yahiin, sidaana ku hananayaan gacan ku dhigida halbowlaha laga maamulo dalka Soomaliya, iyaga oo ay taa u dheertahay, ku tashi la'aanta natiijada shirka in ay ku dhamaan karto caksiga damacooda hoogan.

 

Waa badan yahiin kooxaha Soomalida ,mar walbana heshiisyadooda waa ku meel gaar, heshiisyadaasna ma'ahan kuwa u adeegayo meelmarinta waddanka Soomaliya oo nabad ka islaaxdo,mana ahan heshiisyadaas kuwa sii jirayo mudda dheer,waana wax ku kooban dano gees ciriiri ah ku jiro. waqtigan xaadirkaa kooxahan waxay u qaybsameen laba koox oo mid walbo kooxdiisa kooxdan ugu jirto si ku meelgaar ah, sidaan kor ku soo sheegnayba.

 

Waxaan ka bilaabaynaa kooxda ay horboodayaan madaxda mooryaanta kantoonaadka u qaybisay magaalada Muqdisho, kooxdan waxay saxaafada Muqdisho inteeda badan  si maqaar saar ah madax uga dhigeen hogaamiya aynan iyaga si rasmiya madaxnimadiisa ugu dhawaaqin ,hogaamiyahooda waa afhayeenka Barlamaanka oo shaqadiisa isu bedashay howlihi wasiirka koowaad laga rabay in uu ka qabto waddanka gudhiisa halki isaga laga rabay in uu ka shaqeeyo isu soo dhoweynta xubnaha barlamaanka iyo ku dhiirigelinta ka hortago hadba wixi wax u dhimayo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenka wuxuu ku dhegay in ay Muqdisho tahay caasumadi dalka, wallow aynan jirin cid si rasmi ah u tiri waa la bedalayaa, afhayeenka wuxuu ku dhegay in aanan dalka la keeni Karin ciidamad dalalka safka hore.afhayeenka barlamaanka tan diidmada ciidamada dowladaha safka hore waxaa la qabo Soomalida inteeda badan,laakin waxay su'aal ka taagan tahay yaa la qabo umuuraha kale oo uu ku dhegan yahay, sida in Muqdisho la geeyo dowlada marka laga reebo isbaaralayda doonayso dowlada in ay ku shaqayso caqliyadooda ama ay marsiinayaan kuwi iyada ka horeeyay halki ay marsiiyeen.

 

Afhayeenka barlamaanka, waa su'aale, maxaa geliyay in uu mathalo koox gaar ah iyada oo uu arrinka ku ekaa kaliye khilaaf ra'yi barlamaanka dhaxdiisa. Afhayeenka waxaa la geeyay Xamar, waa la weyneeyay, waxaana la tusay in uu yahay nin maqaam ku leh madaxda mooryaanta dhaxdeeda, laakin arrinka sidaa ma'ahan, waxayna kooxdan muqdisho heleen nin danahooda mathalo iyagana ay gadaal ka soo riixaan,dhabarkana berri u dhigto fashilki ku yimaado DFKM ,hadda iyo runti waxaa lagu tegay jidaarka ,muqdishana waa ay  nabadayn waayeen siday u balan qaadeen ,shariifkana weli wuxuu ku dhegan yahay xamar waa nabad ,shariifka waxaan ka rabnaa xagee xamar nabada uga soo arkay, isaga oo aan tegi doonin kolkuu muqdisho ku noqdo hoteelada ay xamar kaga kulmaan kooxda kale ee dowladda isagana fikirkiisa ka soo horjeedo.

Kooxda Cabdullahi Yusuf waxay iyaga ka yimaadeen meel aanan marnaba laga filayn ,waxayna xambaarsanaayeen ka hor shirka Nayroobi fakir dhalanteed ah oo aanan adduunka maanta ka shaqaynaynin, Soomali warkeeda iskaba daa,waxay xambaarsanaayeen fakir aynan iska weydiin, sidee uga shaqaynayaa dalka Soomaliye iyo adduunyada kale ,laakin ayaga jawaabta waa la sahlaneed ,waxay isu sheegeen xabshi ayaa idiin dagaalayso ,ciidamada dibada ka yimaado ayaa dalka idiin qabahaayo iyaga oo aanan is weydiin yaa maal gelinaayo howlahaas.

 

Iyagoon is weydiin fikirkaas xabashada gadaal idinka riixayso, yaa la qabo ,yaa maal gelinayo ciidamada ay rabaan in ay magacooda u dhintaan ,dalalka ay ciidamadaan ka soo jeedaan dadkooda ma aqbalayaan in ay wiilashadooda ku dhinteen waxaan dan ugu jirin dalka ay ka soo jeedaan ,qaramada midoobay fikirkaan aad wadataan ma u arkaan idinka iyo xabashi saad u aragtaan ,cami saam dhab ahaan gadaal ma ka taagan yahay xabashida siday ugu andacoonayso kolkay iyaga hoos ugu shiriso gudaha dalkeeda.su'aaladahan oo dhan iyaga oo aanan isweydiin ayey arrinta waali isu bedahsay keddib marki ay xabshida ku guulaystay Shirki Nayroobi in ay gacanta u geliso madxnimada dalka Soomaliya kooxda ay dabada ka riixaysay.

 

Kooxahan fikirkooda weli ma miirsan, jidaar adag ayaasa ka hor yimid .haddaba waxaa isweydiin mudan ma laga yaabaa in cabdullahi Yusuf iyo kooxdiisa ay gartaan in fikirkooda addunyada iyo soomaliba ku gacan sayrtay iyo in aynan wax walbo u soconayn siday u riyoodeen.

 

Masa laga yaabaa asagana  in Shariifka oo ka wakiil ah koox aanan isaga fikirkiisa hoos imaan balse uu adeege u yahay in uu  garto  kooxda ay mooryaanta madaxda u tahay in aynan doonayn xamar oo nabad ah, balse ay doonayaan dowladaas oo kala daadato keddibna ay isaga ku yiraahdaan baydhabo ka sugo yaanan kuu arkin, kaalinti lagaa rabay si fiican ugama soo bixin, waxaadna sabab u noqotay in ay burburto dowladdi aan u fadhinay dhisideeda laba sano.

 

Ma filaayo in shirka jabuuti isugu keenayso kooxahan ay natiija wacan ka soo baxayso, waayo weli laysma hor fadhiisin kooxaha dhab isaga soo horjeedo oo iyaga kala ah koox waalideeda iyo xabshi ha timaado banaanka la taalo iyo koox madaxweyne Ismaaciil cumar horay ugu tilmaamay in ay doonayaan in ay afduub ku haystaan shacabka Soomaliyeed, marnana aynan doonayn dowlad dalkaas nabad ku soo daabasho, Waa shibirayahow heesa tan iyo inta dadweynaha soomaaliyeed ka tanaasulayo u heelanaanta taageerida rag aanan isku haysan mabda'a ,diin,dhul,qabiil, waayo dhinac walbo walbo waxaa ku jiro wiilal isku qabiil ah,isku dhul ah, iskuna diin ah siday iayaga ku andacoonayaan ,mabda'ana ha sheegin warkiisa iyo fakir cad oo lagu wada shaqeeyo ilayn dhinac walbo waxaa gadaal wax uga soo sheego dad ajabi ka ah arrimaha Soomalida.

 

Heshiisiinta Geele wado, Dhamaadkeeda waa Macruuf.

waa anigaa iri iyo ha lagu socdo sidaan rabo.

 

Iyo Meel ii banaan ma laho, aniga intaas ayey mooryaanta Xamar isoo fartay, Cabdullahi haddii uu ku dhaqmi karo

 

by: Abdallah Moallim Mahamud

email: Moallem10@hotmail.com

  __________________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul