June
29, 2005
Bilow
iyo dhamaad waa uun shinbirayahow heesa,shan iyo toban sano heesa ,u heesa
bulsho u heelan in ay idinla qaadaan hadba heesta aad u meerisaan. u heesa
bulsha aad dhinac baad kaga qaadaan ,dhinacna ugu yeertaan in ay difaac adag u
galaan ilaalinta dhiigiina,u heesa bulsho u olalaynayso taageeridiina iyo sidi
cadowga dalkeena u qabsan lahaa.
Waxa
isa soo taraayo in dowlada Jabuuti u istaagtay meel isugu keenida iyo
heshiisiinta waxa loogu yeero labada garab ee DFKM
ee iyaga isku khilaafsan qaabka loo maaraynayo arrimaha dalka waqtigan
xaadirka ah.
Inta
aanan u guda gelin wax ka dhihida sida ay u muuqato dhamaadka natiijada ka soo
bixi karto kulmisiinta kooxahan, waxaan si hordhac ah u soo koobaynaa danaha
ay kala mathalaan labadan koox, mabda'ooda, waa haddii uuba jiro mabda' ay
aaminsan yihiin iyo himilooyinkooda siyaasadeed oo ay doonayaan in ay dalkaan
ku maareeyaan
Dhibaatada
asaaskeeda waa laba shay ,midda hore waa in shirki lagu soo doortay kooxahan
aynan jirin mabda'a heshiis lagu wada yahay oo dowladda ku shaqayso ka hor
inta aanan loo gudbin doorashada madaxda dowladda, amaba markaan dhinaca kale
u dhigno, in kooxihi maareeyay shirkaas aynan isku mashquulin dib u
heshiisiinta kooxaha Soomalida, iskuna mashquuliyeen u xaglinta dhinac ka mid
dhinacyada is haayo ,sidaasna ay madaxnimada dalka ku hanato kooxdaaa ay iyaga
taageerada u haayaan, iyaga oo aanan dhinaca kalana ka fikirin kooxdiina dalka
Soomaliya ma ka hergelin kartaa danahiina iyagoon taa heshiis kula ahayn kooxa
kale ee dalka ka jiro ama guusha shirka laga maroorsaday , midda labaadna waa
in ay koox walbo oo ka qayb gashay shirkaas u tageen gogosha, ayaga oo
aaminsanaa in ay kooxaha kale ka xirfad badan yahiin, sidaana ku hananayaan
gacan ku dhigida halbowlaha laga maamulo dalka Soomaliya, iyaga oo ay taa u
dheertahay, ku tashi la'aanta natiijada shirka in ay ku dhamaan karto caksiga
damacooda hoogan.
Waa
badan yahiin kooxaha Soomalida ,mar walbana heshiisyadooda waa ku meel gaar,
heshiisyadaasna ma'ahan kuwa u adeegayo meelmarinta waddanka Soomaliya oo
nabad ka islaaxdo,mana ahan heshiisyadaas kuwa sii jirayo mudda dheer,waana
wax ku kooban dano gees ciriiri ah ku jiro. waqtigan xaadirkaa kooxahan waxay
u qaybsameen laba koox oo mid walbo kooxdiisa kooxdan ugu jirto si ku meelgaar
ah, sidaan kor ku soo sheegnayba.
Waxaan
ka bilaabaynaa kooxda ay horboodayaan madaxda mooryaanta kantoonaadka u
qaybisay magaalada Muqdisho, kooxdan waxay saxaafada Muqdisho inteeda badan si
maqaar saar ah madax uga dhigeen hogaamiya aynan iyaga si rasmiya
madaxnimadiisa ugu dhawaaqin ,hogaamiyahooda waa afhayeenka Barlamaanka oo
shaqadiisa isu bedashay howlihi wasiirka koowaad laga rabay in uu ka qabto
waddanka gudhiisa halki isaga laga rabay in uu ka shaqeeyo isu soo dhoweynta
xubnaha barlamaanka iyo ku dhiirigelinta ka hortago hadba wixi wax u dhimayo
danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Afhayeenka
wuxuu ku dhegay in ay Muqdisho tahay caasumadi dalka, wallow aynan jirin cid
si rasmi ah u tiri waa la bedalayaa, afhayeenka wuxuu ku dhegay in aanan dalka
la keeni Karin ciidamad dalalka safka hore.afhayeenka barlamaanka tan diidmada
ciidamada dowladaha safka hore waxaa la qabo Soomalida inteeda badan,laakin
waxay su'aal ka taagan tahay yaa la qabo umuuraha kale oo uu ku dhegan yahay,
sida in Muqdisho la geeyo dowlada marka laga reebo isbaaralayda doonayso
dowlada in ay ku shaqayso caqliyadooda ama ay marsiinayaan kuwi iyada ka
horeeyay halki ay marsiiyeen.
Afhayeenka
barlamaanka, waa su'aale, maxaa geliyay in uu mathalo koox gaar ah iyada oo uu
arrinka ku ekaa kaliye khilaaf ra'yi barlamaanka dhaxdiisa. Afhayeenka waxaa
la geeyay Xamar, waa la weyneeyay, waxaana la tusay in uu yahay nin maqaam ku
leh madaxda mooryaanta dhaxdeeda, laakin arrinka sidaa ma'ahan, waxayna
kooxdan muqdisho heleen nin danahooda mathalo iyagana ay gadaal ka soo
riixaan,dhabarkana berri u dhigto fashilki ku yimaado DFKM ,hadda iyo runti
waxaa lagu tegay jidaarka ,muqdishana waa ay nabadayn
waayeen siday u balan qaadeen ,shariifkana weli wuxuu ku dhegan yahay xamar
waa nabad ,shariifka waxaan ka rabnaa xagee xamar nabada uga soo arkay, isaga
oo aan tegi doonin kolkuu muqdisho ku noqdo hoteelada ay xamar kaga kulmaan
kooxda kale ee dowladda isagana fikirkiisa ka soo horjeedo.
Kooxda
Cabdullahi Yusuf waxay iyaga ka yimaadeen meel aanan marnaba laga filayn ,waxayna
xambaarsanaayeen ka hor shirka Nayroobi fakir dhalanteed ah oo aanan adduunka
maanta ka shaqaynaynin, Soomali warkeeda iskaba daa,waxay xambaarsanaayeen
fakir aynan iska weydiin, sidee uga shaqaynayaa dalka Soomaliye iyo adduunyada
kale ,laakin ayaga jawaabta waa la sahlaneed ,waxay isu sheegeen xabshi ayaa
idiin dagaalayso ,ciidamada dibada ka yimaado ayaa dalka idiin qabahaayo iyaga
oo aanan is weydiin yaa maal gelinaayo howlahaas.
Iyagoon
is weydiin fikirkaas xabashada gadaal idinka riixayso, yaa la qabo ,yaa maal
gelinayo ciidamada ay rabaan in ay magacooda u dhintaan ,dalalka ay
ciidamadaan ka soo jeedaan dadkooda ma aqbalayaan in ay wiilashadooda ku
dhinteen waxaan dan ugu jirin dalka ay ka soo jeedaan ,qaramada midoobay
fikirkaan aad wadataan ma u arkaan idinka iyo xabashi saad u aragtaan ,cami
saam dhab ahaan gadaal ma ka taagan yahay xabashida siday ugu andacoonayso
kolkay iyaga hoos ugu shiriso gudaha dalkeeda.su'aaladahan oo dhan iyaga oo
aanan isweydiin ayey arrinta waali isu bedahsay keddib marki ay xabshida ku
guulaystay Shirki Nayroobi in ay gacanta u geliso madxnimada dalka Soomaliya
kooxda ay dabada ka riixaysay.
Kooxahan
fikirkooda weli ma miirsan, jidaar adag ayaasa ka hor yimid .haddaba waxaa
isweydiin mudan ma laga yaabaa in cabdullahi Yusuf iyo kooxdiisa ay gartaan in
fikirkooda addunyada iyo soomaliba ku gacan sayrtay iyo in aynan wax walbo u
soconayn siday u riyoodeen.
Masa
laga yaabaa asagana in Shariifka
oo ka wakiil ah koox aanan isaga fikirkiisa hoos imaan balse uu adeege u yahay
in uu garto kooxda
ay mooryaanta madaxda u tahay in aynan doonayn xamar oo nabad ah, balse ay
doonayaan dowladaas oo kala daadato keddibna ay isaga ku yiraahdaan baydhabo
ka sugo yaanan kuu arkin, kaalinti lagaa rabay si fiican ugama soo bixin,
waxaadna sabab u noqotay in ay burburto dowladdi aan u fadhinay dhisideeda
laba sano.
Ma
filaayo in shirka jabuuti isugu keenayso kooxahan ay natiija wacan ka soo
baxayso, waayo weli laysma hor fadhiisin kooxaha dhab isaga soo horjeedo oo
iyaga kala ah koox waalideeda iyo xabshi ha timaado banaanka la taalo iyo koox
madaxweyne Ismaaciil cumar horay ugu tilmaamay in ay doonayaan in ay afduub ku
haystaan shacabka Soomaliyeed, marnana aynan doonayn dowlad dalkaas nabad ku
soo daabasho,
Waa shibirayahow heesa tan iyo inta dadweynaha soomaaliyeed ka tanaasulayo u
heelanaanta taageerida rag aanan isku haysan mabda'a ,diin,dhul,qabiil, waayo
dhinac walbo walbo waxaa ku jiro wiilal isku qabiil ah,isku dhul ah, iskuna
diin ah siday iayaga ku andacoonayaan ,mabda'ana ha sheegin warkiisa iyo fakir
cad oo lagu wada shaqeeyo ilayn dhinac walbo waxaa gadaal wax uga soo sheego
dad ajabi ka ah arrimaha Soomalida.
Heshiisiinta
Geele wado, Dhamaadkeeda waa Macruuf.
waa
anigaa iri iyo ha lagu socdo sidaan rabo.
Iyo
Meel ii banaan ma laho, aniga intaas ayey mooryaanta Xamar isoo fartay,
Cabdullahi haddii uu ku dhaqmi karo
by:
Abdallah
Moallim Mahamud
email:
Moallem10@hotmail.com
__________________________________________