Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 
MUQDISHOW WAA MAANYO MUGDIYA

By:Januune Maxamed   Januune6@hotmail.com

 

July 13, 2005
Horaan waxaan u iri magaalada muqdishow waa maanyo, hadana waxay ku sii darsatay inay mugdi tahay, marka iyadoo la masaala badda oo nuuc walba oo noole ahi ku dhex nool yihiin ayey hadana waxay dhinaca kale ku darsatay mugdi ay badeen intii laga rabay inay iftiinkeeda muujiyaan, sidii awalba ay qarniyo badan u ahayd muraayadda ama caasimada ummadda soomaaliyeed.

Horta sida la wada og yahay xamar waa magaalo taariikh fog leh, soona martay xilliyo kala duwan, waxaadse moodaa in xilligii ugu mugdisanaa ay hada ku qaan gaartay oo ilaa dhawr iyo toban sano lagu mataalayey muqdishow waa juurisalaam, waana ayaan darro in magaalada xamar loo kala qaybiyo qaybo kala duwan oo ay ku kala amar ku taagleeyaan dadaan aqoon fog u lahayn qiimaha magaaladu leedahay oo ka soo kala hayaamay degaano kala duwan, kadib markii awood qaybsiga qabiilooyinka bays looga dhigay wax kasta oo lagu gaari karo qaran soomaaliyeed, taasina waxaa laga dhaxlay in beel walba ku fikirto horta caasimadda waa inaad sal dhig ku yeelataa si tix galin aad uga hesho gor-gortanka siyaadda soomaaliya.

Waxaan wada og nahay in xilligii gumaysiga dhulka loo kala qaybin jiray siyaabo ku dhisan in mustaqbalka fog lagu car qaladeeyo wadan kasta, waqtigaasna looga faa,iidaysto qaybi oo xukun, taasi waxaad moodaa in hada dhib wayni wadan walba ka haysto gaar ahaan wadamada africaanka oo aan ka mid nahay.

Markaan hoos u sii amba qaado caasimadda soomaaliya ee muqdishow waxaa dhawr sano ka hor loo kala calaamadee- yey badowdii isku haysatay, kuwaasoo isla ogolaaday in qaramada midoobeey ay khad cagaaran u kala sameeyaan, taasoo dhiiri galin u noqotay qolooyinkii awalba ku taamayey in caasimadu noqoto bahalo galeen, haddii kale ay iyagu siday rabaan ka yeelaan, kadib dagaaladii sokeeye.

Marka waxaa marag ma doonto ah in xal loo waayey qaab maamuleedkii magaalada, isla markaana uu nidaam dawladeed uu ku xiran yahay sida xamar u bogsooto, marka in akhristow xamar mugdiga ka baxdo waxay ku xiran tahay in khadka cagaaran laga tir-tiro, waana in maskaxda lagu haayo in wixii qodob lagu sameeyo oo loo cugsado in ay san si sahala ku baaba,ayn, una baahan tahay xeer lagu nasakhi karo, haddow doono qori caaradiisba ha noqdee, ilayn awalba muruqa foodiisa ayaa keentay in la maciin bido xeer caalamiya, waxaa la yiraa wixii muruqa ku yimaada, awoodaa lagu xalliyaa, wixii xeer ku yimaadana xeer jajab ayaa loo baar-baaraa, marka muqdishow waxaa mugdigeeda saari kara awood qaran oo ka xaalufisa kuwa is biday inay iyagu wax walba ku amar ku taagleeyaan, ama waa in la helaa maskax ka nadiifa anoo reer qansaxa miyaa reer qurac horseed ii noqon karaan.

Waxaan rajaynayaa in mugdiga muqdishow lagu suuliyaa mad-fac ama maskaxda minanka ku mataanoobay.


Wabillaahi towfiiq.

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul