Ciidan
beeleed ayaan wataa, cidba cawaan la
hoyanaa, cirrana waan ahay,
caafimaadkayguna ma fiicna, camal
xumana waan u dhashay, colaad badana
waa soo joogay, calafkayguna
caasimaduu ku xiran yahay oo caqliga
caalamka oo dhan baa sidaa isku raacay,
ee cududda aan colaadiyayeey mar uun CALANKA
CAD II TAAGA.
Waxaa muddo sanad ku dhawaada lagu soo
gunaanaday shirkii dib u heshiisiinta
soomaalida, kaasoo gabagabadii meel
laysla dhigay in 4.5 beelaha soomalidu
wax ku wadaagaan, kadibna
baaralamaankii lagu ansixiyey, intaas
ka gadaal waxaa la doortay af
hayeenkii baarlamaanka KMG, iyo ku
xigeenadiisa, muddo kadib waxay wada
doorteen madaxwaynihii KMG ahaa,
intaas waxaa kasii dambeeyey wasiirka
koowaad ee golaha xukuumada KMG ah,
Mudadaas halka sano caga cagaynaysa,
nasiib darro waxay nagu mooday
muqdisho waa bahalo galeen, dawladaha
dibada lagu soo dhiso ayaa lagu
marjiyaa, shacabkeeduna waa la
haysteyaal, u af duuban qab-qableyaal
dagaalka iyo isbaarada ku indho qaaday,
waxaa intaas dheer qilaaf joogto ah oo
hadda caga cagaynaaya meelaan xad
lahayn, isla markaasna ku salaysan
ANAA IRI iyo IMA TAQAANIIN.
Madaxwaynaha oo lagu naaniso MAQUUSTE,
ayaa adduunka ciidamo waydiistay,
isagoon golihii baarlamaanka soo
marsiin, waxaana ka dhashay in labo
kooxood loo qaybsamo, qolo XAMAR naf
ka raadisay iyo qolo baarbaarid meelay
degaan ku ansixisay, oo qaab aan
sharcigii waafaqsanayn ku icléaamisay
BAYDHABO IYO JAWHAR inay degaan.
Intaas marka laga soo tago waxaa horay
u jiray ilaa labo gobol oo uu ka
dhisnaa nidaam maamul goboleeda, oo
kala ahaa PUNTILAND iyo SH/DHEXE,
sidaasi darteed waxaa c/laahi yuusuf u
suuto gashay inuu in muddo ah ku soo
gashiineeyo goboladii uu
awalba ku soo hana qaaday, isagoo
xataa iloobay qaabkii ay awal
iclaamiyeen oo qeexayey in dawlada iyo
madaxwaynuhuba jawhar si ku meel gaara
ku sii degaan inta laga helaayo ciidan
lagu xaaqo ama daadka loogu daro
isbahaysatada xamar joogta oo qaarkood
goboleey u cararaan aan haysan ilaa
iyo hadda, muddo kadibna waa nin xanaf
badane waxaa lagu eedeeyey inuu ka
dambeeyey dagaalkii gaalkacyo ka dhex
dhacay laba beelood oo jufo hoose ay
isku yihiin odayga laftiisa, wuxuuna u
soo ruuqaansaday jawher oo uu
nabadeeyey ninka la yiraa maxamed
dheere shan sano ka hor, horayna ay u
joogeen ra,isul wasaarihii iyo qaar ka
mida labada gole, maalmo ka hor ayaa
madaxwaynaha lagu soo dhaweeyey
magaalada jawher, wada tashi ka dib
waxaa la door biday in la
milcsado caasimadii markii hore
laga iima sheegaayey oo uu dhawr jeer
mudane geedi soo indha-indheeyey,
laakiin mawqif adag uu runtii qaadan
waayey, isagoo labada dhinacba aan
kalsooni buuxda ku qabin, noqdayna nin
galcasho badan oo mawqifkiisa mugdi
galiyey.
Waxaa kaloo meesha aan ka maqnayn in
cabdullaahi ciidan beeleed oo u gaara
kaliya aamin san yahay, meel walbana
ay fad-qalalo ka dhacaan ilayn meelaha
uu tagaayo beelaa jooga isaguna
ciidankiisa iyo maamulka xafiiskiisa
oo wali lagu xanto inuu ku guul
daraystay inuu xataa intaas qarameeyo,
ayaa meeshuu ku hoydaba jawi colaadeed
ka bilowdaa, waxaa la wada og yahay
hadda jawher ciidamo ayuu diyaarado ku
keensaday, ciidankii gobolkuna waxay
diyaar u yihiin inay amaanka dawladda
sugaan, meeshaas isku dhaceedu ma
dheera, kuwo baladweyne kasoo
tilabayana jiirta qabnood, kala bayrka
iyo ceel gaal ayaa laga celiyey, hadda
waa xuddur meesha laga cabsi qabo in
lagu dhamaado, kadib markii baydhabo
loo hawoon waayey, marka odaygu suu
sheegay waa DABO KU SAAQLE DAGAAL,
marka waxaan dhihi lahaa waxaa la
qaatay in milcsiga xamar la kordhiyo
oo aan telephoon waxba lagu xallin oo
la raaco talada inj.caddow oo
aad moodo inuu waaya arag ku yahay
nabad raadinta, kadib markuu yiri
guddi farsamo oo wax
soo jilciya waa inaad u
saartaa geediyow arrintaan daba
dheeraatay, calooluna waxay ku bukatay
laguma daaweeyo, mana ku haboona in
laga amaba qaado jawhar imaada aaan
wada hadalnee iyo xamar imaada iyadaa
lagu heshiin karaahe, sida shriifku
yiri, midda kale waa in laga
digtoonaadaa wax alle wixii kala
fogaansho keeni kara, waana in qof
walba ay ku dadaashaa inaan dagaal
dambe shacabka loo abaabulin, isla
markaana mudane geeddi iyo yuusufba
waa inay caasimadda ixtiraamaan oo tix
galiyaan inay mudan tahay in wax walba
iyada laga jaan qaado, si caalamku
idinkugu hagar baxo, soomaali ahaana
aad wada jir wax ku qabsatiin, dib u
heshiisiinta inta dhimana aad
waalayaalow ku raadisiin qoriga
xanaftiisana iska ilowdiin, isla
markaana waxa laga rabo inay xamar
nidaamiyaan waa maamulka dawladda,
sidaasi darteed caleemo qoyan ayaa
wali lala taagan yahay irdaha
muqdishow ee iska daay inaad naftiina
mucaad ku noqotiin, xilligii xoogana
waa dhamaaday oo idinkaaba naga og, ee
qaata talada midda
islaaxa ku dhisan.
Waxaan ku soo koobayaa qisadii
MACAAWIYE, oo ahayd waa inaan dunta
uga xoog yaraadaa ummadayda, markaan
isqabsano, marka kooxda shariifka ee
muqdishow ku dabaaqtamaysa iyo kuwa
geedi oo jawhar ku adkaysanaaya waa
inay raacaan qaacidada macaawiye oo ay
isu jil canadaan si ummaddu uga baxdo
wal walka iyo wadno kur kurka meel
walba nagu haysta, odaygana waa inaad
calanka cad u taagtaan, ileen kii
digniinta iyo casaankiiba waa qaataye.