Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 
IL-DUUFKA SIYAASADEED

By:Januune Maxamed   Januune6@hotmail.com

 

August 08, 2005
Dad badan waxay is waydiiyaan ma sixran yihiin, maxaa ka qaldan, ma aqoon la,aanaa haysa, ma siyaasadaa ku cusub kulligood, maka dhabaa, maka dheelaa, ma iyagaa isku xumaynaaya, ma shacabkeeysan daacad u ahayn, mawada doqono damiinaahaa, ma damacaa dilooday, mise daruuf ka xoog badan oo qasbaysaa jirta nimanka horboodaya hogaaminta siyaasadda soomaaliya.
 
Waxa yaabaha la yaabka leh ee aan isleeyahay bal wax ka taabo waxaa kamid ah:- dastuur ayaa la qodobeeyey, iydoo waliba ay isugu roonaanayaan hogaamiyayaashu, in lagu dhaqmana waa daaw, in layska laalana waa aragti kale oo in wareegto lagu dhaqo wadan dhan waxaa horay looga min guuriyey odaygii siyaad barre, oo inta badani la soo shaqeeyeen rajiimkiisii laga shalaayey.
 
Haddii aan soo xuso dhowr arrimood ama dhacdooyin raadkoodu muuqdo, waxaa maalin dhawayd la magacaabay guddiyo kala duwan, oo loo asteeyey guddi walba inuu guddoomiye iyo xubno lahaado, labadii guddi oo ugu horaysay ayaa midna guddoomiye looga dhigay mudane geeddi, kan kalena jurille, oo kala oh wasiirka koowaad iyo wasiir caadiya oo uu geedi magacaabay, laakiin hadda u muuqda inay awood siman yihiin maadaama ay labo guddoomiye guddi wada yihiin.
Marka waxaa la yaab hugan in geeddi wasiiraa horta guddoomiye u noqdo, isla markana isagu ra,isul wasaarihii yahay, marka gefku ama il-duufku waa nuucaas iyo kuwo kale oo aan soo sheegi doono, sida ay soo qorteen geeddi waa in loo warbixiyaa R/wasaaraha, ilayn waa OPERATIONAL BODY OF THE GOVERNEMENT, tusaale ahaan guddigu markuu diyaariyo warbixintiisa ku aadan wax loo magacaabay yaa reporka la siinaa, yaa loo gudbinaa qodobada loo baahan yahay in wax laga qabto, haddii ra,isulwasaarihii gudida ka mid yahay, taasi waa in la saxaa oo dib loo fiiriyaa, HE IS MAN OF OPERATION, wax qabadka golaha wasiirada waa figarkii maarayn lahaa oo fulin lahaa, baarlamaanka hordhigi lahaa, talo bixin iyo controlna madaxwaynaha ka dalbi lahaa, waa ninka laga rabo in caasimadda si furcaddo leh looga shaqeeyo, maalin walba waxaan maqalnaa JAWHER IS BUSH TOWN, qaar xataa ku sugan jawher waxaa laga sheegaa inay dhahaan, I HATE TO STAY THERE, war hadaan xamar la rabin oo aan magaalooyinka sida jawher la rabin seedee lagu matali kataa qaranimada soomaalida.
 
Midda kale waxaa xamar saldhig ka dhigtay kooxo badan oo qaar wasiirro yihiin, qaar baarlamaan yihiin, qaar kale waxay soo dhaafi waayeen degmooyinkii awalba ay ka soo jeedeen, iyagoo inta badan u tafa xaydanaaya inayd colaad huriyaan.
Waxaa wax lala yaabo ah in nin wasiir dhaqaale ama wasiir dhismo, mid lacageed ay mar walba isku mashquuliyaan isbaaraan qaadaynaa, ma wasiirro aan shaqadooda aqoonaa kuwaasina,  kii odayga baarlamaanka ahaana uu soo dhaafi waayi inuu shir guddoon ka noqdo shirar lagu xagal daacinaayo nidaamkii sharciga ahaa ee uu isagu af hayeenka u ahaa, waxaan dhihi lahaa wasiir kastaba waa inuu qaab dhismeed la yimaadaa oo uu xafiis fadhiistaa ilayn xafiisyadii dawlada waa jiraane, haddii beelu degtayna waa inuu iska saaraa, oo maamulkii sii guda galaa, agaasime guud magacaaba, mid waaxeed, mid qaybeed iyo shaqaalihii wasaaradaas inta ka diyaara uu bal isku leexiyaa, adduunka BUDJET ka laga helo waa ku filan yahay, xataa haddii min 50 doolar loo qoondeeyo shaqaalaha inta dakhliga gudaha laga maaraynaayo.
 
Gobollada iyo degmooyinkana waa in sidaasi loo jaheeyaa oo fadhiidnimada laga durgaa, federaalka xukuumadu magacaabaysana waa in dastuurka dib loogu noqdaa, in kastoo caasimadu xeer gaara lahaan karto, laakiin guddoomiyaha magaalo madaxdana anaa magacaabaa dawladayduna sal-dhig kalaan uga samaynaa magaalo kale , waxaa la dhihi karaa waa il-duuf siyaasadeed, walow dad badani qabaan xukuumadda KMG, waa socod barad xagga siyaasada, bacdamaa ay qoorta ugu jiraan qab-qableyaal wasiirnimada isbaaro u dhigtay, kuna soo barbaaray dakhli isbaaro, oo 15 sano shacabka lagu jilaafaynaayey.

Wabillaahi towfiiq.

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul