Dad badan
waxay is waydiiyaan ma sixran yihiin,
maxaa ka qaldan, ma aqoon la,aanaa
haysa, ma siyaasadaa ku cusub
kulligood, maka dhabaa, maka dheelaa,
ma iyagaa isku xumaynaaya, ma
shacabkeeysan daacad u ahayn, mawada
doqono damiinaahaa, ma damacaa
dilooday, mise daruuf ka xoog badan
oo qasbaysaa jirta nimanka
horboodaya hogaaminta siyaasadda
soomaaliya.
Waxa yaabaha la yaabka leh ee aan
isleeyahay bal wax ka taabo waxaa
kamid ah:- dastuur ayaa la
qodobeeyey, iydoo waliba ay isugu
roonaanayaan hogaamiyayaashu, in
lagu dhaqmana waa daaw, in layska
laalana waa aragti kale oo in
wareegto lagu dhaqo wadan dhan waxaa
horay looga min guuriyey odaygii
siyaad barre, oo inta badani la soo
shaqeeyeen rajiimkiisii laga
shalaayey.
Haddii aan soo xuso dhowr arrimood
ama dhacdooyin raadkoodu muuqdo,
waxaa maalin dhawayd la magacaabay
guddiyo kala duwan, oo loo asteeyey
guddi walba inuu guddoomiye iyo
xubno lahaado, labadii guddi oo ugu
horaysay ayaa midna guddoomiye looga
dhigay mudane geeddi, kan kalena
jurille, oo kala oh wasiirka koowaad
iyo wasiir caadiya oo uu geedi
magacaabay, laakiin hadda u muuqda
inay awood siman yihiin maadaama ay
labo guddoomiye guddi wada yihiin.
Marka waxaa la yaab hugan in geeddi
wasiiraa horta guddoomiye u noqdo,
isla markana isagu ra,isul
wasaarihii yahay, marka gefku ama
il-duufku waa nuucaas iyo kuwo kale
oo aan soo sheegi doono, sida ay soo
qorteen geeddi waa in loo
warbixiyaa R/wasaaraha, ilayn waa OPERATIONAL
BODY OF THE GOVERNEMENT, tusaale
ahaan guddigu markuu diyaariyo
warbixintiisa ku aadan wax loo
magacaabay yaa reporka la siinaa,
yaa loo gudbinaa qodobada loo baahan
yahay in wax laga qabto, haddii
ra,isulwasaarihii gudida ka mid
yahay, taasi waa in la saxaa oo dib
loo fiiriyaa, HE IS MAN OF
OPERATION, wax qabadka golaha
wasiirada waa figarkii maarayn lahaa
oo fulin lahaa, baarlamaanka
hordhigi lahaa, talo bixin iyo
controlna madaxwaynaha ka dalbi
lahaa, waa ninka laga rabo in
caasimadda si furcaddo leh looga
shaqeeyo, maalin walba waxaan
maqalnaa JAWHER IS BUSH TOWN, qaar
xataa ku sugan jawher waxaa laga
sheegaa inay dhahaan, I HATE TO STAY
THERE, war hadaan xamar la rabin oo
aan magaalooyinka sida jawher la
rabin seedee lagu matali kataa
qaranimada soomaalida.
Midda kale waxaa xamar saldhig ka
dhigtay kooxo badan oo qaar wasiirro
yihiin, qaar baarlamaan yihiin, qaar
kale waxay soo dhaafi waayeen
degmooyinkii awalba ay ka soo
jeedeen, iyagoo inta badan u tafa
xaydanaaya inayd colaad huriyaan.
Waxaa wax lala yaabo ah in nin
wasiir dhaqaale ama wasiir dhismo,
mid lacageed ay mar walba isku
mashquuliyaan isbaaraan qaadaynaa,
ma wasiirro aan shaqadooda aqoonaa
kuwaasina, kii odayga
baarlamaanka ahaana uu soo dhaafi
waayi inuu shir guddoon ka noqdo
shirar lagu xagal daacinaayo
nidaamkii sharciga ahaa ee uu isagu
af hayeenka u ahaa, waxaan dhihi
lahaa wasiir kastaba waa inuu qaab
dhismeed la yimaadaa oo uu xafiis
fadhiistaa ilayn xafiisyadii dawlada
waa jiraane, haddii beelu degtayna
waa inuu iska saaraa, oo
maamulkii sii guda galaa, agaasime
guud magacaaba, mid waaxeed, mid
qaybeed iyo shaqaalihii wasaaradaas
inta ka diyaara uu bal isku leexiyaa,
adduunka BUDJET ka laga helo waa ku
filan yahay, xataa haddii min 50
doolar loo qoondeeyo shaqaalaha inta
dakhliga gudaha laga maaraynaayo.
Gobollada iyo degmooyinkana waa in
sidaasi loo jaheeyaa oo
fadhiidnimada laga durgaa,
federaalka xukuumadu magacaabaysana
waa in dastuurka dib loogu noqdaa,
in kastoo caasimadu xeer gaara
lahaan karto, laakiin guddoomiyaha
magaalo madaxdana anaa magacaabaa
dawladayduna sal-dhig kalaan uga
samaynaa magaalo kale , waxaa la
dhihi karaa waa il-duuf siyaasadeed,
walow dad badani qabaan xukuumadda
KMG, waa socod barad xagga siyaasada,
bacdamaa ay qoorta ugu jiraan
qab-qableyaal wasiirnimada isbaaro u
dhigtay, kuna soo barbaaray dakhli
isbaaro, oo 15 sano shacabka lagu
jilaafaynaayey.