Shiddo waa
shaybka, shiish xume,(ma asiibe) waa
aqoon yahanka, shar wadeyaasha
muqdisho ninkeey shirabeen waa
shariifka.
Camal xumo waa cibaado la,aan,
Sheegtaye ma shiishtay, Shar-wade la
shaqeey, sheedaan ka baxay ayaa
dhaanto.


Sheeg xume
Collane
Shar u adeege
1) Todobaatan jir mar kasta
collan, caadifi ah, cid walba ka
saxan, oo aan citimin caddiinta iyo
caanaha, calankana cid kale hoos
geeya, cudud iyo ciidamo shisheeye
ku qarwa, qabiilkana ciseeya, camal
xumana u dheer tahay IWL.
2) Shariifnimo iyo in shar loo
adeego, shib iska dheh, oo sharafta
la dhowrto ayaa ka roon, waxaa kaloo
mashruuca inaad sheeda isaga baxdo
oo aad iska casisho xilka kugu
cuslaaday, sharwadeyaasha ku caan
baxay cub iyo cir siyaasad loo
bixiyey yey kugu adeegan, adoo
mustawe fiican leh ayaa horumood
soomaaliyeed laguu calaameeyee.
3) Rag baa shalay shaarkoodii kuu
siibay, kugu sharfay shukaanta
xukuumadda soomaaliya, ka gadaal
sheegaadu waa raqiis, mana shiish
fiicnid, shiddo iyo shida la,aan
waaba adaa sheegaayo, ee ma
shukaantaa kugu cusub, mase waad
shiish xuntahay oo shibane qoridda
ayaad ku fiicnayd, ma asiibtid, mana
abaal badnid ee xantaada ogow,
xumaanta shaybka, shriifka iyo shar
wadeyaasha sharuurkooda shangaani
iyo shibis geey, shiid iyo shaambaay
ku kala ogow, dabadeed dadnimadaada
iyo dunidoo ku og, dadkaada iyi
dalkaada dawlad u diyaari.
Labo daran mid deey, saddex
darana ku dar, dadku waxay la
amakaagaan nin dadka iyo duunyadaba
dila, mid daaweeya duunyada iyo mid
degeenka iyo dadkaba ka dhex
ganacsada ayaa howl wadaag laga
dhigay, hoga tusaaleeyn kala duwana
waa lala daba galay, inay is fah
maan way adkaan doontaa waqtiyada
dhow, sidaa darteed ninka
cadawnimadu ku qaan gaatay waa
waayeel, laakiin wixii lagu wada
joogi lahaa ayaa la qodobeeyey, ima
anfacaan iyo hadeysan ku anficin
adaa shalay saxiixdayna waa yeertay
marar badan, iyadoo goob joogayaal
badani u kala dhimrinayeen.
Marka soomaalidu waxay tiraahdaa
weel culan ayaa caano lagu maalaa,
markii hore labada nin ee shariifka
iyo geediba waxaa la qiyaasaayey
inay ka nadiif yihiin hagar daamadii
15 sano soomaalidu ku kala
irdhoobeen, laakiin muddo hal sano
ku dhawaada waxay noqdeen qoragii
xaarka laysaga tiraayey, markeey u
kala go,een dagaal oogayaal aan
dadnimo badan lahayn, nin walbana
qolo ayaa faas ka dhigatay, waxaana
la ilwsiiyey shaqadii loogu han
waynaa ee loo dhiibtay, marka waxaan
leeyaha war isku noqda oo talo
hagaagsan la imaada, ama shib iska
dhaha, shibtaa qaaliyehe, waxaa
iyaduna aan igu soo bood ahay inaad
is casishiin oo aan looga baran
dadka africa, haddeey idinku
adkaatana tanasul sameeya, isoo raac
iyo ku soo raaci maa waa xaglo
daalis iyo dambigoo idinku sii bata,
wali is daba qabta caymaad
leedihiine, miir laawe yaashana isu
soo duma, dalkana hagaajiya, waa
talo aan idiin soo dooray ee iska
daymooda dulucdaan, waraan soo
duxayn dibnihiina ka ilaaliay, QOWL
RAG KA DHACAY WAA GEED QOLOFU KA
DHACDAY ayaa la dhahaa.