Muqdisho,
Berberkay ka baxdaba waa bahale
galeen,berberkay ka baxdaba waa damac
hor leh ,berberkay ka baxdaba waa
anigaa iri, berberkay ka baxdaba waa
anigaa ku fiican adeega iyo fulinta
danaha cadowgayga.
Horaan
uga hadlay shanta sano ee mabagathi
soo wado in ay tahay guuldarro horleh
(Shanta
Sano Ee Mbagaathi Soo Wado Waa Guul
Darro Hor Leh)
dib ugu noqo aqrinta maqaalkan, waxaad
ku arkaysaa khilaafka u dhexeeyo
labada garab oo ay dowladi lagu soo
dhisay mbagathi u qeybsantay ,wallow
ay dad badan aaminsan-yihiin in
ay dowladdan laba garab ka
badantahay,xaalkana uu hadda ku
egyahay inti dhulka lala helayo labada
kooxood midkood, keddibna ay soo
baxayaan qeybaha ku hoos qarsan
labadan garab ee aan doonayn in ay
howlahooda ku aadan Somaliya soo
bandhigaan waqtigan xaadirka ah, si ay
Soomaliya ugu sii jirto qashqashaad
aan dhamaan , xal u helideedana aynan
lahayn meel loo raaco.
Waa
reer Muqdisho wuxuu hadalkan ku socdo
,marka aan leeyahay reer Muqdisho
ma'ahan maqaalkan in uunan qusayn
Soomaliweyn ,balse arrinta waxay tahay
in ay Muqdisho dadka hadda ku nool,
iyaga yihiin mid ka mid ah sababaha
ugu muhimsan oo ay soomali-weyn
adduunka ula saan-qaadi weysay.
Ha
la taageero maamulka Muqdisho ee
uu soo magacaabay Prf Geedi, waa hadal
ka soo yeeray mid ka mid shaqsiyaadka
laga tixgeliyo Muqdisho iyo
aga-gaarkeeda, waxaan soo dhiseynaa
maamul mideysan ee ay raali ka wada
yihiin Soomali oo dhan,qabiil kaliyana
maamul uma sameyn karo Muqdisho,
hadlakana wuxuu ka soo yeeray mid ka
mid ah ragga awooda ku leh
Muqdisho,ogow raggan muqdisho ayey
wada joogaan iyo taageerayashooda,
hadaladan iska soo horjeedo markaad
aqriso, waxaad isleedhay in dadka isku
haysto maamul u sameynta magaalada
Muqdisho ay kulligoodba doonayaan in
ay muqdisho hesho maamul habeysan oo
lagu diirsado, laakin marki aad hoos
ugu dhaba gasho, waxaa kuu soo baxayo
in ay koox walbaba hadalkeed ku aadan
yahay, ficil xumo ka soo guurtay
maskax aanan aqoon halki ay danteeda
ku jirto.
Calaa
kulli xaal, waxaan filayaa in ay
digniintan idin soo gaari doonta
,wallow aanan aaminsanayn in aad
leedihiin garasha aad ku aqrisataan
hadba siyaasada adduunka guud ahaan
meesha ay mareyso iyo siyaasada
Soomaliye meesha ay marayso iyo meesha
ay ku socoto. Madaxweynaha Soomaliye
ee dagaal doonka ah ee aad gacantiina
kula soo dhisteen Mbagathi,
idinka oo awood u leh in aad
Soomaliweyn gogol ugu dhigtaan
magaalada Muqdisho, halkaana ay ka
ambaqaado dowlad Soomaliya nabad ku
soo dabaasho guud ahaan iyo gaar ahaan
magaalada Muqdisho,balsa taas ma-aynan
suurta gelin, dhaqan xume idinku
raagtay awgeed .
Madaxweynaha
aad soo dhisteen dhamaantiin ,kuwiina
hadda iska soo horjeedo waa Cabdullahi
Yusuf,waa fulay aar doon ah oo liis
dheer wato,waa fulay ku xayraamay
raadinta ku fadhiisiga kursiga ugu
sareeyo dalka Soomaaliye,kuna fadhya
hadda, waa nin og ,kuwa ka soo
horjeedo iyo kuwa la jiraba garsha
xumidooda inta ay gaarsiisantahay,
madaxweynahan ma ahan nin
madaxnimada ka tegayo ilaa uu ka gaaro
laba shay oo lama huraan u ah
isaga, labadaas mid waa guushiisa dhib
la'aan ,midna waa jabkiina dhib la'aan,
labadan marki la isku daro waa
jabkiina iyo idinka oo dhib hor leh ku
soo siyaadiyo dadkiina ,oo aad u
diideen in ay habeen kaliya nabad ku
seexdaan keddib marki ay shacabka
xamar iska tuureen heeryadi dowladi
Siyaad ee waddanka ku soo dabaashay
hal qabiil oo kaliye ha loo daayo, ka
arriminta arrimaha Soomaliye.
1)Midda hore waa in ay kuwa maanta
muqdisho ku herdamayo si nabad ah uga
horleexdaan Cabdullahi Yusuf,sidaana
uu si rasmi ah gacanta ugu dhigo dalka
soomaliye guud ahaan ,sidaana ku noqdo
madxweyna aanan laga dibaaqtamin
awaamirkiisa, sidaana ku gaaro hadafki
uu ku taagnaa tan iyo habeenki Maxamed
Siyaad Bare xabsiga u taxaabay isaga
oo uga cabsi qabo in uu wadanka ka
wadi waayo.tan waa guushiisa dhib
la'aan
2) Waa midda labaad, in ay kuwa hadda
isu yaqaan reer muqdisho dhiiga dhegta
isu darraan, iyaga oo isku dilayo
Cabdullahi nama xukumayo iyo waa ku
xukumayaa. taana waxay ku dhamaan
kartaa laba shay midkood qiyaas
ahaan.tan waa jabkiina cbadullahi oo
aanan xoog,dhiig iyo maalba kaga bixin
fulinta arrintan foosha xun. ilaahey
ha ka koriyo soomaali oo dhan ,tan oo
kale.
A)
In Cabdullahi helo gargaar dibada ah,
sidaana gacanta ugu dhigo magaalada
Muqdisho, keddibna labadi kooxood ee
isku haystay, Cabdullahi ayaa na
hogaaminayo iyo na
hogaamin maayo uu kuwada tilmaamo, in
ay labadaba wixi ka soo haro yihiin
argagixiso, sabab u ahayd in ay
Soomali dowlad dhisan kariweyso shan
iyo tobanki sano ee la soo
dhaafay,sidaana maxkamad deldesho ku
soo taago
B)
In ay labadan
kooxba isku dhiig baxaan , meeshaasna
ay ka soo baxaan madax cusub oo
joojiso dagaalka u dhaxeeyo dad
walaala ah ,heshiisna ka gaarto wixi
khilaaf ahaa ee horay u jiray ,sidaa
darteedna ay arrinta noqoto cabdullahi
oo dib ugu cararo dowlada Itoobiya
gudaheeda ,halkaana qayla dhaan iyo
yaa tol ah ka bilaabo.
Wadaad xume qabiil ku lug xiran,toban
sina u dukado,dagaal ooge ku nool
dhiiga dadkiisa ,NGO dhereg fool xun
la socon la'a, odayaal biilkooda
guriga loogu keeno iyaga oo aanan
isweydiin, ma xalaalaa misa waa
xaaraan xoolaha la soo gaarsiiyay.
Tala xumayaal dhamaantiinba waa
fashilanteen ,idinkana isma qaadaan ,dadkiinana
ma qaadaan ,tala ma haysaan ,talana ma
qaada-taan,Soomalina waxaad u keentaan
nin aanan mudnayn hogaanka Soomaliya
iyadoo dirirsan iyo iyadoo nabad ahba.
Tala xumayaal is daba qabta oo aynan
ahayn, zamanka ayaa idin dabaqabanayo,
kolkaas seefta waa nagu wada
dhacday,waxaansa filayaa musiibo
maalinwalba ku hortaagan waxaa dhaanta
musiibo hal maalin ku dilato laakin
aanan dib kuugu soo noqon.
Ilaahow,
Soomali sida ay u dhan-tahay waafaji
talo toosan iyo towfiiq wacan oo lagu
diirsado,amen.
Abdallah
Moallim mahamud Moallem10@hotmail.com