Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 
Ninka Toleeystay Tigree Tanasul- kiisa  bal Sheega
 
Dr.Ali.A.Hirabe  Hirabe_a@hotmail.com
 
Sep. 23, 2005
Waxaa eey umada soomaliyeed is weeydiisay waxa Maquuste ka keenay nabada albaab walba ayaan  u qaraacayaa ??????????? iyo waxaan rabaa nabada .??????????????
 
Inta uu urursanayo ciidan iyo hub ilama aha in nabadi eey soo carfeey,balse waxaa umada eey ku socotaa hoog iyo halaag cusub, waxaan  aad ugu xumahay in dhalinyarada  laga keenay Puntland  eey garan waayaaan mustaqbaklooda, balse eey maanta doorbideen in eey u dhintaan Maquuste iwm, Ilaah waxaa uu dhahay nin walbaa danbigii uu geeystay looma ciqaabaayo midkale,dhalinyarada soomaliya qaasatan kuwa maskaxda laga dhaqay waxaan farayaa in aadan u dhiman nin xukunkiis balse aad u dhimataan nabada iyo wada noolaanshaha, imisa ayaa u dhimatay Cali Mahdi iyo Caydiid in eey dalkaan ka noqdaan madaxweeyne,imisaa lugaha uga goán oo aan haysanin daryeel,Ilaahow garadsii dhalinyarada maanta in eey ka fekeraan mustaqbal wanaagsan iyo waxa uu Ilaaheey  u abuuray.
 
Waxaanan marna la aamini karin ninka tol mooday Tigree dalkana rabana in uu ku qabsado si uu u hirgeliyo danaha Ethiopia iwm,waxaa eey umada u baahan tahay in Maquuste uu si cad ah u sheego in eey Ethiopia faraha kala laabato siyaasada guracan oo eey ku soo heshiiyeen Maquuste iyo inta daba joogto sannadadii la soo dhaafay,waxaa quman in uu umada u sheego in lagu fashilmay siyaasada SSRC da lagu soo dhisay Ethiopia, marba haddii dalka loo sameeyay dowlad federaal ah,waxa socdaa ee maanta Maquuste ku kalifay in uu bedelaa siyaasada Ethiopia waxaa ugu waa weeyn.
 
Xaraaruga dowladii lagu soo dhisay Kenya oo aheeyd mid dib u heshiisiin ah in eey qarka u saaran tahay in eey burburto sabbabo lagu tilmaami karo diidmada ka timid kuwii wax ka soo dhisay dowladaa oo runtii u arkay in Maquuste uu weli wado fulinta mabdaá SSRC da Ethiopia,kaas oo ahaa in dalka eey xukumaan golaha SSRC da iyada oo Ethiopia ku siineeyso wax walba si loo fuliyo aragtida ku wajahan lahaan shaha siyaasada  Ethiopia ee dalka soomaliya.
 
Waxaan aragnay in Maquuste uu umada u kala soocay labo,kuwo waxaa eey rabaan hirgelinta iyo fulinta mabdaá SSRC da Ethiopia  oo eey  runtii kuwada jiraan dhamaan qabaailada soomaliyeed,Hawiye waxaa ku raacay fikirkaa koox eey ka mid yihiin kuwa jooga maanta Jawhar,halka Daarood koox yari oo joogta xamar eey ka soo horjeedaan siyaasad Maquuste inta ugu badana eey raacsan yihiin haba ugu horeeysee dowlad goboleeydka Puntland iyo kuwa hogaamiya,Digil iyo Mirif waxaa eey u kala baxeen kuwa ku fikir ah Maquuste kuwaas oo weli ka wada ciidan ururursi gobolada Bakool iyo Bay  iyo kuwa ka soo horjeeda oo uu ugu horeeyo Xaabsade,beelaha direed iyana waa sidaa ilaa xitaa reer Mowliid macaani eey ku kala jabeen kuwa raaca Maquuste iyo kuwa ka soo horjeedsada. 
 
Waxaa xaqiiq ah in eey hirgeli weeyday fulinta mabdaá SSRC da,Maquuste waxaa uu isku dayay in uu macaawino weeydiisto aduunka iyo in laga qaado cunaqabateenta hubka soomaliya,intaba uma eeyan hirgelin maantana waxaa uu ku qasbanaaday in uu bedelo siyaasada dagaalka ee uu marwalba ka sheego idaacadaha dalka iyo kuwa dibada,waxaa uu diidan yahay in uu qirto in uu ku tuntay dastuurkii ka dhigay madaxweeyne oo eey soomali ku heshiiyay,inta uu ku dhaqmaayo qaabka kaligiis talinimada ee hada socotaa waxaa eey ila tahay in aan weligeed la gaari karin nabad iyo wada noolaansho,waxa uu na baday ayaa ka daran waxa uu na baray ee ah in umada eey isku imaan weeyso kana tashan weeyso nabda iyo wada noolaanshaha,waxaa uu na baray howsha r/wasaarah uu leeyahay in uu dhex dabaasho sida:Magaacbida,fulinta iyo meesha eey dowlada degi laheeyd oo howsha lagu wadi lahaa,waxaa uu na baray in  labada wadadhalatay   naceeybkooda  lagu gaari karo wax walba sida maqaamka uu Maquuste maanta joogo,waxa reer Bay isku diiday in eey aayahooda ka tashadaan waa Maquuste,wax  reer Muqdisho u diiday in eey tashadaan waa Maquuste,waxa reer Kismaayo u diiday in eey ka tashadaan arimahooda waa Maquuste, Ilaaha abuuray Maquuste ayaa naga qaban kara nagana xijaabi kara sharta iyo colaada uu dalka ku soo wado.

Dr.Ali.A.Hirabe                                                Hirabe_a@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul