Xuseyn
Gendich horaan u weydiinay, Yuu u
yaqaan Reer Muqdisho?, jaawaab cad oo
uu ka bixiyay su'aashaas ,weli kagama
hayno safxadaha uu la beegsado
wararkiisa iyo safxada kalaba. laakin
markaan, waxaan si toos ah ugu
sheegaynaa in uunan waqtiga isaga
dhumin, soo qoritaanka maqaalo ku
hadaaqayo kala geynta beelo walaalo ah
iyo kordhinta
bukaanka kala dhaxyeelo Soomaliweyn
inteeda badan
iyo haddii uu rabo in uu
soo qoro wax fiican ,in uu besshiisa
ka daayo marin habaabinta,
miisaankeedana si cad ugu sheego inta
uu la eg-yahay ,lugahana kala baxo
isku-dayga in uu qurux u sameeyo
shaqsiyaad uu bahdishay damac uunan
misaankooda gaarsiisnayn iyo
taagerayaal ku daba halaabay Mooryaan
maamulo daraf yar oo ka mid ah
magaalada Muqdisho, maamulka
darafkaas-yarna in uu dabadheeraado,
ay u saamaxday dadki lahaa xil iska
saarida, xaqa nabad u raadinta
magaalada Muqdisho oo aanan si dhab ah
ugu istaagin,howsha doonista xaqooda
iyo kan Soomaaliyeed guud ahaan oo si
xoog leh ugu xiran nabadaynta
magaalada Muqdisho..
Midda
ah dadka uu ku tilmaamay in ay
dabadhilif u yihiin Madaxweynaha Dalka
Soomaaliyeed ,Cabdullahi Yusuf Axmed
sida Wasiirka Koowaad Mudane Prf Geedi,
waxaan ku leenahay Gendish,waa
ceeb iyo jariimo in aad dhaanto
sharafka nin aadan ku cadayn Karin
dabadhilfnimo ,kana soo jeedo gobal
aanan dadka soomaliyeed lagu
dareensiin in aynan ku qabiil ahayn
dadyowga deggan deegaanka. waxaa kale
oo aan ku leenahay miyaad hilmaantay,
ninka maanta Cabdullahi Yusuf waa tuug
idaacadaha dalka ka leh (waa Qanyaree),
in uu isaga naf'ahaantiisa yahay ninki
Cabdullahi Yusuf ugu shubay sowdkiisa
iyo sowdka asxaabtiisa oo buuxo, si uu
Cabdullahi u noqdo madaxweynihi
dalkeena ,weliba isaga oo og
Cabdullahi in uu horay u Yiri "daadka
dayrta ayaa qaadayo madaxda
horboodayso halganki USC ee lagu
Khasaaray" maxaase ku
tilmaamaysaa hogaamiyahaada iyadana
waa su'aale ..waa Su'aal kale oo ku
aadan Hussein Gendish (waxay u egtahay,
in uu dad badan kaga
xoog-ogaalsanyahay siyaasada Maxamed
Afrax Qanyare ,Wasiirka Amniga) ,Qanyare,
ma wasiirka kowaad in uu noqdo ayuu
weli doonayaa? isaga oo rabo in uu u
maro Shariif xasan(Afhayeenka
Barlamaanka ) oo ku soo dhax dhacay
dugaag dadka cunto, iyada oo ay aad u
gaabantahay aragtidiisa siyaasadeed
,isla markaasna ku jahwareeray
siditaanka buuga dastuurka iyo inta u
dhaxeyso mooryaan aanan aqoon macnaha
runta ah oo uu xanbaarsanyahay,
dhowritaanka in la dhowro cahdi u
dhexeeyo ummad mudda shan iyo taban
sana ah, u dhexaeysay balanqaadyo been
ah oo ka soo yeero mooryaanta muqdisho
iyo dhinac u xaglinta shaqsiyaad xiqdi
ka buuxo oo ka yimid gobalo aanan
ahayn gobalka Banaadir,isla markaasna
aanan mathalin dadkooda
Sida Col Cumar Xaashi.
Cumar
xaashi, taas waxaa u dheer in uunan
dood ka keenin magacaabista wiilka
xawaadle ee loo magacaabay
guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ,waa la
yaabe ,wuxuuna dood ka qabaa
magcaabista Cadde Gaabow oo ah wiil ab
iyo oday ka soo jeedo mgaalada
muqdisho .(allow quluubta Soomalida
runta iyo meesha xalka ku jiro taabsii).
Midda
ah Magaacabida Maxamuud Gaabow(Waa
cadee), waxaan kaa leenahay riyaad ku
jirto ee isaga tag , waayo marnaba
lagala tashan maaayo waqtigan
xaadirkaa Shaawaay iyo wax la mid ah
iyo dad aynan khusayn arrintaa,
qoladay doonaan ha ka soo jeedaan.
Saaxib, magacaabistiisana waxaa iska
leh beesha ay soomaali ku tiriso in ay
ayaga yihiin dadyowga ugu tira badan
gobalka Banaadir, iyada oo aanan
beeshaas laga baran, yaraynta
ixtiraamka dadyowga gobalka kula nool,
sidaa darteed marnaba beeshaas kama
tegin, la tashiga dadyowga kale ee ku
nool Gobalka banadir, kuwooda doonayo
in uu dalkan helo dowlad awood u leh,
soo celinta sharciga oo lagu dhaqmo
iyo kala danbaynti oo la soo nooleeyo..
aan kuu sheegnaa ,Cadde Gaabow waxaa
soo magacaabay Dowlad lagu
martigeliyay deegaan deris leh ,nabadna
ka jirto ,degganyihiina dadka Cadde ku
abtirsado oo ah mudulood weyne ,Muduloodna
waa isku raacay magacaabistaas kol
haddii Imaamkoodi, Ugaaskoodi iyo
Odayaasha dhaqankooda ay qalinka ku
duugeen, idaacadahana ka sheegeen.
Midda Muusana waxaan kaa
leenahay ,Muusa iyo Cadde waa walaalo,
siyaasadana waa isku khilaafi kraan,
oo ma'ahan arrin lala yaabo. taas
waxaa kuu dheer in dadyowga Muduloodna,
mid walbo xaq u leeyahay in uu la
safto, taageero siyaasadi
cajibaso, kana aqristo siyaasadaas in
ay wax gal tahay, nabadna u keeni
karto deegaankooda gaar ahaan iyo guud
ahaan dalka Soomaaliyeed.. taa waxaan
kuugu darayaa, in ay jiraan
taageerayaal aqoonyahan u badan oo
isku tiriyo dhaxdhaxaad, raalina ka ah
in siyaasadda dadyowga gobalka
banaadir aynan ahaan mid dhinac isugu
buurato, si uu dhinac walbo uga
fogaado qaladaad dhibaato u keeni karo
dadyowga uu taageerada ka sugaayo,
markaan macnaha guud
kuu soo koobana waa in
qolooyinka siyaasadda Soomalida u kala
sacaba tumaan hogaamiyayaasha ka soo
jeedo deegaanka gobalka Banadir ,kol
haddii ay badankooda faraha kula
jiraan baadil xaqa ka fog. haddii mid
bohol ku dhacana waa hogaamiyayaasha
dadyowga deggan deegaanka gobalka
Banaadir ,midka kale
noqdo kii taagerayaashooda bixiyo.
Waxaan
aqristayaasha qoraalkan ka codsnayaa
in aynan marnaba maqaalkan u arkin mid
u taagan kordhinta dhibaatooyinka kal
dhax-yaal ummadda soomaliyeed ,waxaana
rajeynayaa in uu noqdo mid indhaha u
kala furo dad badan,tusana in aanan
nabad lagu gaari Karin raadinta dano
aanan ku taagnayn waddo xaq ah.
Waxaan
iyadana ka cudrdaarnayaa in aanan wax
ka wada dhihin maqaalki Xusseyn
gendish dhamaantiis oo salka ku haayay
marin habaabin iyo wax ka fog
xaqiiqada dhulka taal .
Moallem10@hotmail.com
Abdallah
Moallim Mahamud