|
Waa
marti xaaraan ku xidideysatay waa marti xoog is baday xoogoodiina
dagaalki Cisileey ku dhiiqday , waa marti tabar u diiday
dhamaystirki hadafki uu lahaa inqilaabki lala maagay Madaxweyne
Cali Mahdi Moxamed
17/November/1991 dagaalkaas
oo socday
afar bilood,waa marti ka quusatay in ay gaaraan dowlad ay xoog ku
keenaan keddibna go'aansatay in lagu jiro isboob iyo dowlad la'aan
haddii aynan iyaga maamulayn
ilaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliyeed oo dhan, Waa
dhaga
la'aan, hadal la'aan , arag la'aan ,xaqana uma soo noqdaan (sumun
bukmun cumyun fahum laa yarjicuun) .
Saadaasha
qaabka ay ku socdaan dharbaaxsho lala dhaco hurimeyso ,war u
fiirso yaa wiilashoodi xaq darro ku dagaal geliyay kuna gumaaday
dagaal hadafkiisu qalafsan yahay guulna aan laga gaarayn ,yaa
adduunyo iyo akhiro mustaqbal wacan uga
habsaamay xoog iyo boob ku heysashada guryihi Dadweynaha iyo
dowladda Soomaaliyeed ku laheyd magaalada Muqdisho iyo koofurta
dalka Soomaliya sida xarunta Xooga Dalka Soomaaliyeed,Taliska
ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Iskoola Boliisiyo, Ayraboorka iyo
Afesyooni, Raadiya Muqdisho, xarumihi Milatariga oo dhan, Xarunti
denbi barista, Deggadi Muqdisho,Xabsiga dhexe,Safaaradihi dalalka
shisheeye intooda badan, Staadiyo Muuqdisho,warshadihi waaweynaa
sidi warshada Caanaha, Galayda , Baastada, Saliida, Sigaarka iyo
Tarraqa,golaha ummadda ,isbitaaladi waaweyna sidi Martini,
Banadir,Digfeer iyo Madiino
,ha hilmaamin faras magaalaha Muqdisho waa Afar Irdoodki ,
Koodka , Noofajento, Suuqi Xamarweyne ,Ceelgaab , cineemonyinki
caanka ku ahaa magaalada Muqdisho sidi SHentraalo ,Equadora,
Banadir, Africa ,Super, Misyooni, cinemo Nasir iyo Villa Soomaliya
oo ah guriga Dowlada lagana hagi jiray arrimaha dowladda
Soomaaliyeed waagi ay jirtay dowlad Soomaaliyeed. Tan ayaa ka
daran waxaa kuu haray goobihi waxbarashada sidi dugsiga sare ee 15
May oo ay la wareegtay Horn of Africa oo ah xarunta warbaahinta
kooxdan wadanki oo dhan marin habaabisay, Dugsiga sare ee 21
oktober, DHexe Kaasoboobalaare , Sare Howlwadaag, DHexe Maxamuud
Xarbi, Sare Banaadir ,Sare farsamada iyo politechnico, Jaamacidi
Gahayr, Xanaanada xoolaha , Beeraha iyo.Lafoole iww. meelaha ay
gacanta ku hayaan burcaddan oo ay doonayaan in ay ku gorgortamaan
ma ahan kuwa si sahlan loogu soo koobi karo qaraal gaaban. Kooxdan
waa koox mooday qabsashada meelaha aan kor ku soo xusay in ay
gaarsiineyso gacan ku dhigidda ilaha laga maamulo dowladda dhexe
ee dalka Soomaliya balse waxaa reed martey in dadweynuha yahay
waxa lagu xukumayo oo aynan ahayn dhismooyin, dadweynaha
waddankana guud ahaan iyo daweynaha muqdisho gaar ahaan oo aad uga
tira badan burcaddan aynan aqbalayn dhaqan xumo iyo koox keliya oo
dadka ku amar ku taagleyso..
Hashiis
Soomaali gaarto fari kama qodna inta ummadda Soomaaliyeed dooneyso
in ay wada hadal la gasho koox u darfa xaydatay boobka dadka
masaakiinta ah oo aan hubeysnayn iyo hor istaagida in Soomaali
meel isla dhigto gaarida hashiis keeno in la soo dhiso dowlad loo
dhan yahay laguna qeybsado awooda maamuleed ee dalka Soomaaliya,
waa riyo in heshiis laga sugo koox biyihi webiga dadki deegaankaa
lahaa ka iibineyso, koox imam cusub magacaabeyso dejineysana
Qoryeeleey oo aynan deegaan ku lahayn iyada oo lagu jiro abaabulka
shirka nayroobi iyo sidi Soomaali
meel la isugu keeni lahaa si heshiis looga gaaro soo
dhisitaanka dowlad loo dhan yahay.
Kooxdan
waa koox shaydaan suldaan u yahay una aynan muuqan in kaabihi
koowaad ee kooxdooda
ku nafwaayay kaawada goodey isaga oo qori sito ,labadi
professor ee la talin jirayna waa Prf Maxamed faarax jimcaale iyo
Prf Ciise Maxamed Siyaad oo maanta iyaga kala ah laba
jabhadood oo
is diidan waxaay howshoodi ka badin weyday in ay safxadda Qaranimo
dacaayad u sameyso kuna soo qoraan jananki wuxuu ahaa nin fariid
ah oo karti badan, waa koox aan garan maxaa u diiday in uu horay u
socdo kaabihi kooxda Carte oo isagana ka badin waayay in uu ku
khudbeeyo dhamaadki sanadki labaad ee dowlad ku sheekiisa "howshaan
qabanay labadi sano waxaa u weyn in aanan kala dirin barlamaaki
iyo dowladi marka laga reebo afar nin iyo qof dumar ah oo iyaga
iska tegay "waxaa kuu dheer oo khudbadiisa ka
mid ahaa "waxaad tihiin shacab bakhiil ku ah in ay u sacaba
tumaan dowladooda waxaana sacab la'aantaa ku calfan weynay 45
milyan oo doolar oo Dowladda Sacudi Carabiya na siin lahayd"
Soomalaay
howsha noo taal waa in aan u xaydano sidi nabad loogu soo dabaali
lahaa dalkeeni Soomaaliyeed ,loona soo celin lahaa kala danbeynti
iyo sharciga oo dadka lagu kala hago waxaasa ka sukeeyo in aan
laba arimood midkood la imaano.
1)
waa in ay Soomaali aqbalaan ku sii jiritaanka ku
tumashada karaamadooda iyo heybadi ay lahaayeen dadka iyo dalka
Soomaaliyeed guud ahaan iyo iyada oo xoog lagu heysto guryohoodi ,deegaanadoodi
taana waa arrin cadeyneyso in aan nahay ummad daciif ah sina aan
xal ugu raadin karin dalkooda iyo dadkooda.
2)tan
labaad waa mid aan culays ka yarayn tan hore waana mid xaq ah
waana mid ummadda Soomaaliyeed
oo dhan guul u horseedayso waana in kooxdan lala helo dharbaaxsho
u caqli celiso tustana dariiqa mustaqiimka ah iyada oo aan laga
tegayn in ay yihiin dad u dhashay dalka xaqna u leh in ay wax ka
qeybsadaan awooda sare ee maamulka waddanka soomaliya.
Ummadada
Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto waa ka raja dhigtay
abuuritaanka shirar mar walbo ku dhamaado fashil , guul darro iyo
daba dheeraashada
ku hoos jirida dulli aan garanayn yaad boobeysiin yaase u
boobeysiin , dadka waa walaalo waana isku diin oo waa wada muslim.
Abdalla
Moallim Maxamud
Abdullahi siyaasi
Moallem10@hotmail.com
|