Aan
wada hadalno, khilaafkeenana aan
miiska dushiisa ku dhameyno, waa
tilaab wacan oo ay horay u qaadeen
Shariifka iyo xubnaha kale ee golaha
Shacabka intooda badan, kuna sugan
magaalada Muqdisho.
Waxaa
su'aal ka taagan tahay ,ummadda
Somaliyeedna bilowday meel walbo oo ay
joogaan, in ay isla dhaxmaraan,isna
weydiiyaan, qaabkee ayuu Shariifka
doonayaa in loo xaliyo arrimaha la
isku maandhaafay?, qaabkeese reer
Jowhar u arkaan wada hadalka ay reer
Xamar ogolaadeen shuruud la'aan?.
Marki
aan ku hormaro ,qaabkee Shariifka
doonayaa in loo maro xal u helida
arrimaha la isku maandhaafay, waxaa
xaqiiqa ah, marnana aanan la reed
mari-karin, in Shariif Xasan khalad
weyn ka galay Barlamaanka uu madaxda
ka yahay iyo ummadda
Soomaaliyeed,..waayo Shariifka,
afhayeenka Barlamaanka, marnaba
loogama baahnayn in uu dhinac la safto
qeybaha uu u qaybsamay barlamaanka oo
ra'yi ahaan isku maandhaafay, sidee
loo adkeeyaa ama looga hortagaa,
codsiga Madaxweynaha Soomaliya ee ahaa
ciidamada dowladaha deriska la ah
Soomaliya, ha ka mid noqdaan ciidamada
uu ugu baaqay in adduunweynaha nagaga
kaalmeeyo, sidi hubka looga dhigi
lahaa maleeshiyooyinka hubaysan si
dhaxdhaxaadnimo ah.
Iyo
iyadana is-maandhaaf ka soo baxay
dowladda ha degto magaalada Muqdisho
caasumadda Soomaaliya iyo dowladda
waxay degee Baydhabo iyo Jowhar
midkood oo magaalada Muqdisho nabad
maahan. dhinaca kale lama inkiro karo,
Afhayeenka Barlamaanka in uu guul weyn
u soo hooyay ummadda Soomaaliyeed
kolki uu ku guulaystay in uu qabsooma
shirki ay barlamaaniyiinta intooda
badan ku diideen imaantinka ciidamada
deriska la ah waddanka Soomaaliyeed
Shariifka,
qaabkee doonayaa in wax loo xaliyo,
waa mid isaga iyo kooxduu la saftay
laga sugaayo jawaabteeda, laakin
waxaan kula talinaynaa in uunan khalad
khalad kale ku saxin ,ogoodana in
aynan maanta
Soomaliweyn u baahnayn
mucaradad wax dumiyo,
balse ay ummadda u
baahntahay mucaaradad wax dhiso.
Shariifka, waxaan ugu baaqaynaa in uu
barlamaanka ku shiriyo magaalada
Jowhar, xubnaha oo dhanna ugu yeero
imaantinka magaalada Jowhar, kana
tanaasulo la
safnaashada mid ka mid ah fikradaha
xubnaha barlamaanka ee iska soo
horjeedo, sidoo kale waa in uu ka
tanaasulaa ku dheganaashada dowladda
ha timaado Magaalada Muqdisho oo iyada
ah xaq baadil laga rabo, kol haddii
uunan isagaba tegi karin meelo badan
oo ka mid ah Muqdisho, isaga oo dhinac
la safan dhinacyada Soomalida ee isku
haysto in dhinac walbo taladiisa
noqoto tan lagu wada shaqeeyo.. tan
danbe, waxay cadeyneysaa u
baahnaashada in ay dowladda degto meel
nabad ah oo ay howsheeda ka bilowda,
si ay nabad, kala danbayn iyo sharciga
oo lagu dhaqmo, si tartiib ah ugu soo
gudbiso caasumadda dalka Soomaaliya,
Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan
dalka intiisa kale.
Shariifka,
afhayeenka Barlameenka, marka aan
Jowhar ugu baaqaynaa, macnaheeda
ma'ahan isdhiib ama in aan ka doonayno
in uu ku fikir noqdo Madaxweynaha iyo
Wasiirka kowwaad, laakin waxaan ka
rabanaa in uu fududeeyo in laga gudbo,
iska daba raaraca iyo in laga
guulaysto kooxaha aanan doonayn
Soomali oo mar kale lugaheeda ku
istaagto, yeelatana dowlad ka
madax-banaan qabiil,qab-qable
dagaal,dhuuni-raac iyo kaligiis taliye.
Shariifka waa in uu maanka ku
hayaa, maanta in uunan jirin khilaaf
buuran oo la isku haysto, maadaamo ay
Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad si
kor ah u sheegeen, una aqbaleen
in ay ka tanaasuleen imaatinka
ciidamada safka hore ee dalka
Soomaaliya gudihiisa, sidaa darteed
isagana waa in uu ka tanaasulaa
Dowlada howsheeda ha ka bilowda
Caasumadda Soomaliya ,waayo waxaa
xaqiiqa ah in ay adagtahay in ay
dowladda ka howl gasho halki uu maska
ku qaniinay kuwi iyada ka horeeyay
dhamaan iyo in aynan suurta-gal ahayn
tegista meeshi sabab u hayd burburki
ku yimd dowladahaas dibadda dalka lagu
soo wada dhisay. waxaa kale oo xaqiiqa
ah, cidnana aanan laga qarin Karin,
kala danbayn la'aanta iyo is
jiid-jiidka ka jiro magaalada Muqdisho
Shariifka waxaan ku adkaynaynaa
in uu isu sheego ,khilaafka ka dhax
jiro dowladda in uu salka ku haayo
kala qaybsanaanta barlamaanka uu
madaxda ka yahay, sidaa darteed waxaan
ka sugaynaa ku dhaqaaqida in uu ku
dhaqmo talooyinka wacan ee kaga
imaanayo ummadda Soomaaliyeed ama uu
la yimaado talo wacan oo isaga ka soo
burqato oo wax ka beddeli karto
xaalada xun oo uu ku jiro barlamaanka,
taasoo dowlada u horseedi karto in ay
ku shaqayso jawi wacan oo u
ogolaanaayo, dib u dhisida kaabayaasha
dowladda iyo guud ahaan soo celinta
kala danbaynta iyo sharciga oo lagu
dhaqmo ,Shariifka haddii uunan qaadan
talooyinka wacan ee loo soo jeedinayo
ama uunan isaga la imaan mid wanaagsan,
waxaa rumaysanaynaa shuushuuda ka
jirto magaalada Muqdisho oo ah ,Shariifka
ma;ahan shakhsi u madax-banaan
fikirkiisa, waxaana wax walbo oo loo
sheego wax ka beddeli karo telephone
uu u soo diro mid ka mid ah madaxda
Mooryaanta Muqdisho ugu tabar-yar,
uguna dhul-yar deegaanada uu ka taliyo
magaalada Muqdisho.
Qaabkee
reer
Jowhar u arkaan wadahadalka
shuruud la'aanta ah oo ay ugu baaqeen
reer xamar, su'aashan waxaan ka
leenahay waa mid iyaga laga sugaayo
jawaabteeda, laakin waxaan kula
talinaynaa in ay si miyir qabto oo
miisaanaan u soo dhoweeyaan baaqaas
iyagoo ka hal qaadayo in ummadda
Soomaliyeed ka daashay, dhegaysiga
khilaaf aanan dhamaan oo ka soo
yeerayo dadki ay u xilsaareen, xal u
helida murugada ummadda soomaliyeed ku
dul habsatay tan iyo inti xukunka laga
tuuray madaxweyne Maxamed siyaad (allah
ha u naxariitee), waxaa kale oo aan
Madaxweynaha iyo wasiirka koowaad ugu
yeeraynaa in ay faraha kala baxaan
arrimaha barlamaanka marki laga reebo
in ay shariifka iyo xubnaha kale ee
barlamaanka ugu baaqaan imaantinga
magaalada Jowhar, una habeeyaan
goobihi uu barlamaanka ku shaqayn
lahaa, taa haddii la waayo ,waxaan
rumaysnaynaa in aynan dowladan ahayn
mid u madaxbanaan talooyinkeeda iyo in
uu madaxweynaha ku taamayo ka guul
keenida gaarista xukun aanan looga
daba hadlin ,sharci iyo dastuurna
aanan ku dhaqmin midkood, haddii ay
run noqoto tan danbe ,ogaada in aad
gacanta ku sidataan galka (Faylka)
fashilnaanta dowladdan iyo murugada
Soomaalida oo u gudubto shir kale oo
aanan la ogayn natiijadiisa ,waaba
haddii uu qabsooma.
Abdallah
Moallim mahamud
Moallem10@hotmail.com