Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 
Reer Muqdisho, Gaashaanka U Dhiibta Nin Karti U Leh Nabadaynta Muqdisho
 
Abdallah Moallim Mahamud  moallem10@yahoo.com
 
Dec. 26, 2005

Isma-dhowrtada Muqdisho Markaan arkaan  -- Soomali Iftiin Ma-leh is-iraa 

Ma'ahan arrin lala yaabo, Muqdisha oo uu ka jiro Maamul sharci ah, tabartiisa inta ay la ekaataba, in maanta Muqdisho lagu dhaarsho koox lagu tilmaamay in ay xubna ka yihiin, maamul lagu sheegay Golihi barlamaanka ee Muqdisho, ayna soo dhiseen labada Gole ee DFGM ee Muqdisho, uuna horboodayo wasiirka Ganacsiga  ee DFKM iyo afhayaanka Barlamaanka si aanan qarsoonayn . balsa uu maxiis ka ahaa Cabduqasim Salad Xasan, arooska lagu dhisay maamulkaas, oo  isaga waa Cabduqaasime ku fashilmay in uu dhidibada u aaso, adkeeyo, cadaalo ku horkaco  Dowladi lagu soo dhisay dalka Jabuuti, magaalada Carta.

Dad badan ayaa isweydiinayo erayga aan ku hor-mariyay qoraalkan oo ah, ma'ahan wax lala yaabo, waayo soomalida waxay tiraahdaa "Nabar aad filayso Naxtin ma leh".

Madaxweynaha DFKM C.Y.Axmed iyo Wasiirka Koowaad C.M.Geedi (oo ay Soomali badan ku diidanaayeen ku dheganaashaha ciidamada safka-hore oo ay ku jirto dowlada Xabashida in ay yimaadaan dalka Soomaliya) horay ayey uga tashateen tegista Magaalada Muqdisho, iyaga iyo in badan oo ka tirsan DFKM, waxayna ku tilmaameen in ay tahay bahalo galeen, aadna ay u adagtahay in laga fuliyo maamul nabad ku soo dabaalo magaalada Muqdisho, iyada oo aynan dowladda ku guulaysan soo noolaynta ciidmadi Booliska Soomaaliyeed iyo ciidamadi Xooga dalka Soomaaliyeed, sidaa darteedna waxay ku dhaqaaqeen in ay si ku-meel-gaar ah dowladda u dejiyaan magaalada Jowhar oo Magaalada Muqdisho u jirto 90Km, taana waxay taageera kaga helaan inta badan Shacbi-weynaha Soomaliyeed, waxaa iyagana la gartay oo ay taageera soo daahday kaga heleen mujtamaca caalamka oo ay u horeyso Qaramada Midoobay (UN), Midowga Europe iyo Midowga Africaanka, Jaamacada Carabta oo iyaga geddigood kolki hore diidanaayeen Dowladda oo tagto meel aanan ahayn Muqdisho.

Qalbiga xaqiiqada waxaa ah arrimahan aan hoos ku soo xusi doono, si cadna u tilmaamayo garabka Muqdish ee DFKM iyo saaxibadooda in aynan dan ka lahayn waddanka Soomaaliya oo ay ka ambaqaado dowlad Soomaliyeed ee dib u soo celiso kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

1) Ku dhawaaqida labada gole ee Muqdisho in ay maamul garab ordayo u sameeyeen  maamulka Muqdisho hadda ka jiro,madaxdana uu ka yahay Cadde Gaabow oo ay u soo magacaabeen madaxda dowladda ay iyaga xubna ka yihiin, wada tashi-la'aan iyo iyada oo weliba lagu guda jiro waqtigan xaadirkaa sidi dib-loogu heshiisiin lahaa xubnaha barlamaanka iyo dowladaba.

Tan waxay ka tarjumee in kooxda Muqdisho yihiin, koox aan u bislayn garashada baahida ummadda soomaliyeed maanta u qabaan sidi nabad waarto loogu soo dabaali lahaa dalkooda.

2) In madaxweynihi hore Dr Cabduqaasim (oo isaga ku fashilmay in uu Soomali u horkaco dalka Soomaliyeed oo nabad lagu soo dabaalo), in uu goob joog ka ahaa, khudbadna uu ka akhriyay xafladi lagu dhaarshay kooxdan loogu yeeray in ay yihiin golihi barlamaanka ee Muqdisho " wuxuu yiri Gobolka Banaadir maamul buu u baahnaa, maamul samatabixin ahna hadda ayaa loo sameeyey, waana ku faraxsanahay sida ay xildhibaanada & wasiirada xukuumadda isugu howleen arrintaas, waxaana loo baahan yahay xubnaha la dhaarinayo in ay danta guud ka hormariyaan danta gaarka ah” ayuu yiri Dr. C/qaasim oo kulankaasi ka hadlay". Weliba isaga oo og in Muqdisho uu ka jiro maamul,xildhibaanada iyo wasiirada uu sheegayo,amaanayana ay madax u yihiin Cabdullahi Yusuf iyo Cali Geedi oo iyaga horay maamul ugu soo magacaabay Muqdisho.

Tan waxay caddeynaysaa in uunan ahayn nin oday ah,laguna khaldamay ,waxay cadeynaysaa in uu ku dhiiraday ,banaankana la yimid in uu doonayo in uu jalaafo u dhigo DFKM ah, waxay caddeyneysaa in uu doonayo in uu dagaal sukeeyo ka dhax abuuro dadweynaha reer Muqdisho iyo in uu doonayo Soomali oo aan ka guul keenin nabad dalkooda ka dilaacdo. Laakin dhinaca kale waxay cadeynaysaa hamigiisa  in uu faashil yahay dhowr sabab awgood.

A) In ay madaxda Dowlada.FKM kolki horaba ka tashatay tegista Muqdisho,ogeedna in ay Muqdisho joogaan dad badan oo nooca Cabduqaasim ah, marnaba aan doonayn in ay dalka Soomaaliya ka ambaqaado dowlad aynan iyaga horboodayn.

Tan waxay daliil u tahay dowladda in uu fashil kaga imaan karo oo kaliya iyaga iyo gudoomiyaha Jowhar Maxamed dheere oo isku dhaco.

B) In Golaha Muqdisho ee la dhaariyay arooskooda lagu dhigo halki dowladda Cabduqaasim horkacayay arooskeeda lagu dhigay iyo halkeey ku dhamaatay kolki ay fashilantay .taa waxay daliil cad u tahay in golahan fashil ku dhamaanayo iyo in uu yahay mid aanan soo dhaafi karin Iskoola Bolisiyo iyo Hoteel saxaafa, meeshiisana ku dhamaanayo wax-qabad la'aan sidi Maxiiska dhaarintooda Cabduqaasim Salaad iyo dowladiisa u soo dhaafi-waysay  Iskoola Bolisiya iyo Hotel saxaafa.

Waxaa xaqiiqa ah in uu wax dumin karo, nin wax dhiso karo.Cabduqaasim wuxuu ahaa nin ku fashilmay in uu wax dhiso,sidaa darteedna  waxba ma dumin karaayo .

3) labada gole ee DFKM ee Muqdisho iyo rag lagu tilmaamay in ay yihiin Siyaasiyiin waaweyn oo ka soo qaybgalay xafladi lagu dhaarinayay waxa loogu yeeray golaha maamulka Muqdisho in ay Muqdisho ku dhigeen xafladaas  iyaga oo aanan dowr ka

qaadan joojinta dhiig dad walaala ah oo ku daadanayo magaalada Muqdisho isla maalinta ay iyaga dhiganayaan xaflad ku sheegaas. kooxaha isdilayo iyagana waxaa horboodayo rag maanta ku dirirayo aniga waa in laygaga danbeeyaa maamulka xaafad hebel ,ogow xaafada raggan isku-dilayaan ma'ahan meel kale waa Muqdisho gudaheeda.

Tanna waxay caddeynaysaa in kooxahan isdilayo oo aan ka xoog yarayn kooxaha xaflada ku dhigayo iskoola Bolisiyo in aynan gacan ku lahayn maamulkaas la sheegay in loo dhaariyay maamulka golaha Muqdisho ,maadaamo ay xafladda kaga maqnaayeen dagaal uu ku daaday dhiiga dadweynaha reer Muqdisho oo iyaga u baahan cid u soo gurmato, nabadna ka dhaliso gobalkooda, balsa aan u baahnayn kuwa is-dilayo iyo kuwa ka been sheegayo xaalada xaqiiqada ah ee Muqdisho ka jirto iyaga oo dhiganayo xaflad maamul loogu sameynayo Muqdisho iyada oo magaalada dhinac ka holcayso, ayna isdilayaan qaar ka mid ah bahallada joogo Muqdisho oo ay ka mid yihiin kuwa iyagana xafladda ku dhiganayay Iskoola Boolisiyo.

Dhibweyn ayaa Muqdisho ka jiro ,waxaana looga bixi karaa reer Muqdisho oo gaashaanka u dhiibto nin karti u leh in uu ehelkiisa iyo Muqdisho nabadeeyo gaar ahaan iyo in uu dadkiisa Soomaliyeed iyo dalkiisa badbaadiyo guud ahaan, Muqdisho waxay u baahan tahay nin garto nabadeeda in ay cadow ku tahay wixi dhibkeeda iyo dhibka dadkeeda jecel, nin garto nabada Soomaliyeed in ay cadow ku tahay Diktatoore,Dagaal ooge,Mooryaan,Calooshiis u shaqayste,Taajir xume,Wadaad xume,Danayste,Aqoon xume,Qabiil xume iyo Deris xume.

Sideed alif ku taal markaan arkaan --  Sideed kaleeta is-iraa.

1- Isma-dhowrtada Muqdisho Markaan arkaan -- Soomali Iftiin Ma-leh is-iraa   

 2- Aaya xumida-muqdisho markaan arkaan -- Ilmo Abgow isu-doon is-iraa  

3- Il-xumida Marka markaan arkaan -- Jowhar waa islaaxday is-iraa

4- Ina-jiini Boqor iyo ina-Jurilla markaan arkaan -- Cabdu-lwaxid (Khaliif) ergo badanaa is-iraa.

5- Ugaarsiga waxgaradka markaan arkaa -- Akhyaarti Muqdisho awday is-iraa

6- Aqoolka Reer Muqdisho markaan arkaan -- Cabduqaasim  waa ebtalo is-iraa

7- Agasimka labada garab(DFKM) markaan arkaa -- Soomali owlaad xumaa is-iraa.

8- Aafada dalkeena taal  markaan arkaan -- Aamusnaan ma-leh  is-iraa.

26/12/2005

Abdallah Moallim Mahamud(Siyaasi) Moallem10@hotmail.com

__________________________________

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul