 |
 |
Heshiiska
Cadan Waa Daadki Dayrta, Waana Laba Afleh
Jan. 12,
2006
Aqristayaal,
ninki aanan arag wixi muuqdo ,ma
arko wax aanan muuqan.,lagamana
yaabo in uu ku dhaqmo ,waa ninkaase,
aragti fog oo ka guurayso waddankan
waxaa xal loogu heli karaa si dhab
ah oo loo wada hadlo,waddanka
gudihiisa oo lagu wada hadlo,dadka
wada hadlayo oo ahaado kuwa dhab u
mathelo deegaanka ay ku
abtirsadaan,nin walbo oo ogaado
tabartiisa iyo danta
taageerayaashiisa in ay ku jirto ,horta
iyada oo shaqayso danta guud ee
ummadda Soomaaliyeed,taas waa qaabka
xal looga dhalin karo wada hadal ay
mirihiisa wacan gurtaan ummadda
Soomaaliyeed,taas waa qaabka kaliya
oo ay DFMK horay ugu tilaabsan karto
wax qabad ay mirihiisa gurtaan
umaadda Soomaaliyeed iyo
hogaamiyayaasheeda.
Haddii la waayo taa
kore ,salkeedana yahay aan wada
hadalno waa aan heshiino,waa aan
horay u socono. xal
kama
sukeeyo nin ilaahey ummadda u bixiyo
,wanaagna xanbaarsan, quraxda
dadkeena iyo dalkeenana doonayo in
uu ummadda u kaco, biyaha fadhiya
kiciyo, kala saaro calowgooda iyo
nadiifkooda, nadiifkana qaato,
calowgoodana daadsho wixi aanan dib
loo nadiifin Karin. tan ma filayo in
ay maanta suurta-gal ka tahay
dhulkeena ,waayo maanta dadkeena
dhaxdiisa
kama
muuqdo nin kartidaas leh ,dadkana ka
keensan karo in ay ku raacaan
kacdoon suuban.
Heshiiska
dhax-maray Madaxweynaha Soomaaliya
Col Cabdullahi Yusuf iyo Af-hayeenka
Barlamaanka Sharif Xasan waxaa loo
soo dhoweeyay siyaaba kale duwan
waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo
debadiisaba.
Heshiiskaas oo
ahaa ,Waa heshiinay ,waxaan ku
heshiinay danta dadka iyo dalka
Soomaaliyeed in aan meel uga soo
wada jeesano ,waxaan ku heshiinay
qoddobo ay ugu horeeyaan,ugu danbeyn
in dowlada Muqdisho isugu tagto, in
hubka laga dhigo maleeshiyaadka
hubaysan dhamaan, in kulanka ugu
horeeyo ee Barlamaanka bil gudaheeda
lagu qabto waddanka meel ka mid ah,
cirkaba ha ahaatee (cirkaba ha
ahaatee waxaa raaciyay Madaxweynaha
Somaliye Cabdullahi
Yusuf).,sideedaba waa la heshiiyay
waa hadal suuban oo soo dhoweyn
mudan.
Dhamaan maqalka
muusikada heshiiskan, waa wax aad u
fiican ,laakin waxay su'aal ka
taagan tahay , howlahan lagu
heshiiyay qaabki loo hergelin lahaa
.
Inta aanan u
guda-gelin falaanqaynta sida loo soo
dhoweeyay heshiiskan iyo fikradaha
kala duwan ee ka soo baxayo baaqyada
lagu teegaarayo,kuwa lagu diidayo
iyo hadalhayntiisa guud ahaan oo aad
u korotay.
Soomaali waxay
Tiraahdaa "Nin Tuur leh Isaga
Yaqaan Siduu U Seexdo", horta
hergelinta heshiiskan waxa laga wada
rabaa Cabdullahi Yusuf Oo og Ragga
ka danbeeyo, Oo og reer Puntland
waxay ka sugayaan , Oo og qaabka loo
soo dhisay DFKM, Oo og in ay Jowhar
tahay xarunta ku meel-gaarka ah ee
DFKM, oo weliba Safaarada Ajnabiya
laga furay,taasoo Jowhar ay u
dheertahay in ay Shiraacday, lana
saanqaaday la shaqaynta DFKM, Oo og
in uu Jowhar ka taliya hogaamiya
awood badan,ciidan gaarana
leh,Oo og qaar kale oo reer
baydhaba ah in ay Bakool uga gacan
haadinayaan DFKM oo saldhig ka
dhigato Baydhabo,Oo og in ugu
danbeyn laga rabo DFKM oo isugu
tagto Muqdisho iyo
Sharif Xasan Oo og, kana dheragsan,
lana barayn yey Yihiin ragga
uu Muqdisho kaga soo tegay, Oo og
Reer Baydhabo oo uu isaga ka soo
jeedo in ay weli ku haminayaan DFKM
in uu saldhigeeda noqdo Baydhabo tan
iyo inta Muqdisho kaga soo
rogmanaayo daadki Dayreed ee
Cabdullahi ugu ribeeyay
qabqablayaasha Xamar iyo
taageerayashooda, Oo og intee la
egtahay Saaxibtinimada iyo
Cadowtooyada u dhaxeyso
qabqablayaasha uu xamar kaga soo
tegay, Oo og in ay adagtahay in la
arko Saaxibadiisa Muqdisho oo isku
duuban oo hal meel ka wada arko
heshiiska Shariifka la galay
Cabdullahi Yusuf ,ha samaadee ama ha
xumaadee, Oo og ugu danbeyn in laga
rabo in uu meel ku-wada shiriyo
xubnaha Barlamaanka, isaga oo aanan
khasaarin saaxibadiisa Muqdisho iyo
kuwi ku garab noqdayba.
Waxaan
ku hormareynaa heshiiskan ragga soo
dhoweeyay oo iyaga dhowr nuuc u kala
baxo, raggan intooda badan diidmo
rasmi ah ama ogolaasho rasmi ah weli
lagama haayo, sidaas darteedna wuxuu
war kaga ekaaday in ay soo
dhoweeyaan heshiiskan guud ahaan
isaga oo isku duuban tan iyo inti
laga furfurayo calooshiisa , loona
bedalayo howl, waxaa jiro qaar kale
oo aanan soo dhoweyn ,si rasmiyana
aanan u diidin soo dhoweyntiisa,
kana aamusay ,kuwaas waa
qabqablayaasha Xamar, waxaana ka
bixinaynaa faala gaar ah asbaabaha
ay u aamuseen.
Isku
soo wada duub siyaasadaha gurracan
oo ay ku dhaqmaan madaxda maanta
horkacayso Soomaaliweyn, waxaa
hubaal ah ,shakina uunan ku jirin
heshiiska Cabdulaahi Yusuf iyo
Shariifka kaga dhawaaqeen magaalada
Cadan ee Dalka Yeman in uu yahay
bilowgi dhibicdi ugu horeysay ee
roobki Dayrta oo daadkiisa
Cabdullahi Yusuf ugu ribeeyay
qabqablayaasha Soomaaliyeed ee ka
badin waayay, tabartoodana ku
ekaatay beenta, baada, boobka,
bililiqaysiga, banadaada iyo beynaad
ku haynta maatidooda
,deeganadooda iyo ummadda
Soomaaliyeed guud ahaan.
Qabqablayaasha
dagaalka ee Muqdisho Maxaa aamusiyay,
maxaysa damacsan yihiin in ay ka
yeelaan heshiiska gogol isugu keenay
Cabdullahi iyo Saaxibkood Shariif
Xasan ,lagagana dhawaaqay Yeman
gudaheeda.
Waxaa aamusiyay
dhaawaci ay u geysatay Xabaddi uu Dr
Cabduqaasim la rabay in uu mar
kaliya ku dilo laba shimbir, uu
midna la helay, middi kalase ka
baxsatay , codkeedana laga maqlay
Yeman, iyado oo leh aniga waa ka
daayay dabarki aan ku haayay DFKM,
kokli aad iga yaabiseen, sida aad
isu cunaysaan idinka oo hoos u wada
dhashay.
Waxaa aamusiyay soo
degitaanka DFKM ee Jowhar oo
dadweynaha Reer Muqdisho si cad u
tusay, in ay nimankan yihiin kuwa
doonayo oo kaliya in Muqdisho u kala
qoqobnaato, horana aanan u socon iyo
goor walbo oo ay arkaan, khatar soo
hayso iyaga,in ay dadkooda ku
kiciyaan ,waa wareey, Xabshi ayaa
soo socoto,Reer hebel ayaa na soo
haayo,talyaani waa cadow ,Fulaan
dastuurki waa ku tuntay iwm------.iyagoo
gabaad ka dhiganayo kicitaanka dadka
ay xuquuqdoo ku tunteen shan iyo
toban sano oo gadaal noo dhaaftay,
xisaab la'aan.
Maxay Damacsan-yihiin?
Waxay
damacsan yihiin waa in uunan shaqayn
heshiiskaas, waxaasa qabqablayaasha
Muqdisho nasiib daradooda noqotay,
howl isuguma aadano,waa kala daateen,
kolki uu Saaxibkooda waqtiga
gaaban,waa Cabduqaasime dhax dhigay
bambaano aad u culus, lana helay ,marka
laga reebo Shariifka oo uunan ka
filanayn in uu dhaqsidaas heshiis
ula galayo Shimbirka labaad (DFKM)
oo lala rabay in ay disho
bambadaas.taa waxaa u dheer in
beryahan la hadalhaayo qaar ka mid
ah raggan oo bilaabay u kala
dhuumashada Garabka Jowhar iyo qaar
kale oo iyagana bilaabay u
dhowaashada Wasiirka koowaad, iyagoo
jeebka ku sito ,qorsha ah,
furitaanka baab kale oo ay DFKM isku
khilaafto iyo qaar bilaabay in ay
xamar ka dhax yiraahdeen, waa guul
heshiiska ay gaareen Madaxweynaha
iyo afhayeenmka Barlamaanka.
Kooxahan ma sahlano, waa mas ,masna
madaxaa laga dilaa. ninki maskan,
madaxa ka dili lahaana, fara laguma
haayo oo hadda waa hurdaa, waana
hurda weyne.
Hashiiska Cabdullahi
iyo Shariifka ma ahayn mid ku yimid
wada hadal gunta ka soo
bilowday,wuxuu ahaa deg-deg ,wuxuu
ahaa mid ka dhashay siyaasad xumida
ma gudbayaasha xamar,wuxuu ahaa guul
lama filaan ah oo u soo hoyatay DFKM
,laakin waxaa isweydiin mudan ,ma
laga yaabaa DFKM in ay si isku
duubni ah uga faa'iidaysto
heshiiskan,ugana faa'iidayso ummadda
Soomaaliyeed oo u baahan nabad ka
dilaacdo dhulkooda iyo dhaxdoodaba,
su'aasha jawaabtan waxaan u
daynaynaa waqtiga iyo Madaxweynaha
Soomaliya qaabka uu u soo bandhigo
heshiiskan
iyo sida uu ula
dhaqmo,bandhigid ka dib ragga la
safto iyo kuwa ka horyimaadaba.
Soomaliya,
maanta uma baahno Saaxibada waqtiga
gaaban, Soomaaliya waxay u baahan
tahay wiil u guntada badbaadinta
dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Fiira
gaar ah.
Daadka sidiisaba wuxuu ka
dhashaa Roob,badda iyo webiga, waana
wax dabiici ah oo aynan maamulkiisa
shaqo ku lahayn wax aanan ilaahey
ahayn. Daadka marki uu
yimaado,kalama sooco wixi yaala
meesha uu soo maro,waa wada qaadyaa
wax walba oo uunan ilaahey idman in
ay ka haraan,sidaas darteed haddii
daadka dayrta yimaado, ma filayo in
ilaahey ha noo gargaaree ,uu kala
reebayo dulliga Soomaaliya
dandareeyay, dhinaci uu rabo ha ka
soo jeedee.allow wixi san, ummadda u
soo reeb.
11/01/2006
Abdullahi
Moallim Mahamud
__________________________________
|
|
|
 |
|
 |