Berberkey
ka baxdaba waa bukaan cusub, waa baraka ma leh, waa Barlamaan bahdilan,
waa bisayl yari fogaatay, waa bariiqasho aanan lahayn meel looga
baxo,waa buunadadi dhisantaba ha la bur-buriyo, waa balaaya ha ku
bariidiso, beled ku bood beled ku baneey waa dabka Bansiin ha lagu
damiyo, waa ishi baxdaba ha la bajiyo, waa booski habeen la baryaba
boor ha lagu kiciyo, waa madaxweyne isku buuqay oo bayaanshay beesha
dowlada u martisay oo ah beesha deegaanka Muqdisho, beel kale iyo
deegaankeeda ha lagu bedelo,waa afhayeen Baydhabo iyo bahdiisa
ku booriyay, bahalkan waa wed lasoo bax ee booskiina u baneeya,
waa wasiir koowaad oo banaanka la yimid, waa idinka bartay waa idinka
badshay.
Maanta Soomaali uma baahno saaxibada waqtiga
gaaban, Soomaali uma baahno aqoonyahannada, safxadaha iyo
raadiyayaasha wararkooda ku saleeyo hadba meesha uu baryo zaciimka ay
u arkaan in uu ku maqan yahay waxay ugu yeeraan danta beeshooda,
Soomaali uma baahno dowlad shaqadeeda tahay xalinta khilaafka u
dhaxeeyo madaxdeeda, Soomaali uma baahno doqon aanan garan in dantiisa
ku jirto danta guud ee ummadiisa, maanta Soomaali uma baahno
debandaabyo hor leh iyo isdaba maryayn sii kala fogayso dadkeeda.
Dadka soomaaliyeed, waxay maanta isweydiinayaan maxaa
qaaday madaxdoodi, ma heshiis ayey ku maqnaayeen, misa abuurida
khilaaf hor leh. waa su'aal kale, yaa culays badan khilaafki hore ee u
dhexeeyay labadi koox ee kala joogay Muqdisho iyo Jowhar iyo khilaafka
uu hadda abuuray Col Cabdullahi Yusuf ee la saadaalinayo in ay ka soo
baxaan, saddex koox oo cusub oo ay kooxi tahay laba koox ee ka soo
go'day Muqdisho iyo Jowhar, kooxna isku-noqday, rajadoodana tahay in
ay saldhig ka dhigtaan magaalada Baydhabo una martiyaan beesheeda,
kooxda labaadna ay tahay kooxdi jowhar ku harto ,kooxda sadaxaadna ay
tahay kooxdi Muqdisho ku harto..,waxaa taa ka daran oo laga yaabaa in
kooxahan qaarkood ay la yimaadaan qaab ka derbi adag, qaabki ay
adeegsadeen Garabki DFKM ee Muqdisho oo iyaga kala dab-qaatay, qeyb
iyaga ka mid ahna ay isu diyaarinayso,tegista Baydhabo iyo maareynta
kackadi(Cake) dowlada wixi reer Jowhar ka soo haray , waa taa oo ay ka
sukayso turanturooyin badan oo abuuri karo dagaalo lagu hoobto.
Su'aaladahan inta aanan ka jawaabin ,waxaa
iyadana isweydiin mudan Col Cabdullaahi Yusuf maxaa ku khasbay in uu
khilaafo xulafadiisi Jowhar ,maxaasa kaga soo kordhayo isku-dayida
adkaynta iyo kordhinta tayada xulafadiisa cusub ee baydhabo, waa
haddii ay u suurta gasho in uu caga dhigo magaalada Baydhabo Janaay,
sababa badan awgood.
Gunta xeerada inta aanan gaarin , waxaan ku hormarayaa
in aan idin soo xusuusiya laba maqaal oo aan horay ugu qoray safxadaha
internetka, inti lagu guda jiray shirki ay ka dhalatay dowladan
khilaafkeeda loo maara waayay. waxaan maqaaladan, goob-joogayaasha
shirki dibu-heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Nayroobi
ugu soo jeediyay in aanan lagu degdegin sameynta hay'adaha dowlada
Soomaaliyeed, ka hor iyada oo aanan xal loo helin goobta dowlada ku
shaqayhayso, dhisideeda keddib, maqaaladan waxaad ka furan kartaa
halkan, waxaana jeclaan lahaa in aad isku daydo aqrinta maqaaladan
inta aadan u gudbin aqrinta gunaanadka maqaalkan. Shirka
Mbaghati Waa dhagar Abaabulan Ee Dhulka Soomaaliyeed Ma Jirtaa Meel
Naga Dhexeyso iyo
Waa
kow iyo toban Su’aal oo jawaab cad u baahan.
Col Cabdullahi iyo shariifka heshiiska ay Cadan ku gaareen,
dhamaystirkiisana kaga dhawaaqeen Nayroobi ,wuxuu ahaa mid iyaga u
gaar ah, xalna aanan u noqon khilaafki horay u jiray, waxaana taa
cadaynayo in uu soo kordhiyay khilaaf ka mugweyn kii laga rabay in ay
xal u helaan ,waxaasa la yaab leh, in labadoodaba noqdeen kuwa dhega
awdan, ma gudbayaal aanan garan xaalada uu maanta ku jiro waddanka
Soomaaliyeed oo ah in aynan ummaddeena maanta dhabarka u dhigi Karin
debandaabyo horleh iyo danaysi ku jiro gees cariiri ah oo ay
gaaristiisa tahay riyo waaga ku baryay, qoraxdana ku soo baxday,
saaxibkeedana uunan gaarin dhamaadki riyadiisa,hurdadana ka kacay
isagoo fara maran.
Waa dhug yari hor-leh,waa garasha gaaban ,waa dan gurracan oo
aanan xitaa u adeegayn saaxibkeed,waa qol mugdiya dhaxdiisa, aan ka
doono cirbad lagu dhax tuuray,waa wax aanan dhaafsiisnayn laba nin oo
aanan garan yey horta mas'uul ka yihiin..
Waxaa xaqiiqa ah oo aynan laba Soomali ah isku
khilaafsanayn, in Cabdullahi Yusuf iyo shariifk Xasan ay abuureen raja
xume xoog leh oo soo food saartay dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar
ahaan kuwooda ka dhursugayay in uun wax ka soo baxaan dowladi lagu soo
dhoodhoobay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Aan dib ugu noqona ka jawaabida sua'aasha ugu muhimsan
maqaalkan oo aan kor ku soo xusay, ahna maxaa Col Cabdullahi Yusuf ku
khasbay in uu heshiis soo kordhinayo khilaaf kale, la galo Shariif
Xasan Shiikh Aadan ,isaga oo og in uu Khasaarayo xulafadiisa Jowhar ,sidoo
kale waa in aan ummadda u iftiimino, maanta ma tahay suutagal,
rabitaanka Col Cabdullahi Yusuf in uu gaaro dowlad aanan lala wadaagin
amarkeeda.
Taariikhda Col Cabdullahi Yusuf ma'ahan, mid u baahan dib-ugu-noqosho
fog waayo Soomaliweyn, waa nin ay si fiican u taqaan tan iyo maalinti
uu Gen Maxamed Siyaad(Allah ha u naxriistee) xabsiga ugu taxaabay
damaciisa fog ee aanan loo meel dayin awgiis,kedibna sidoo kale
Mangista Xayla Maryam uu xabsiga ugu taxaabay cudurkaaas
naf-ahaantiisa, ilaa uu Col Cabdullahi Yusuf markuu madaxweyne noqday
keddib arkay in uu galay Xabsi u-eke aanan la iclaamin oo ku yaal
magaalada Jowhar, isaga oo iska dhaadhiciyay doqonta joogto Jowhar
dushooda, waa meeshi aad ka dhaqaaji lahayd in aad gaarta damaci aad
ku mutaysatay in aad habeena badan u dhaxdo meel aadan adiga
joogideeda go'aan ku gaarin.
Col Cabdullahi Yusuf waxaa ku khasbay heshiiska uu la galay
Shariif Xasan saddex sabab oo uunan marnaba ku darsan xisaabtiisa, ka
hor tegistiisi Jowhar oo iyadaba ahayd mid ay dani ku khasabtay, kana
imaan rabitaankiisa, waayo waxaa Corneylka inti uu joogay Nayroobi iyo
ka horba, hore ugu qorshaysnaa magaalada Baydhabo in uu saldhig ka
dhigto ,halkaana ay ahaato meeshi uu ka bilaabi lahaa, taaba gelinta
damaci kaga jiray in uu gacanta ku dhigo magaalada xamar isaga oo
aanan cidna ugu martin qabashadeeda,sidoo kale Cabdullahi Yusuf
damaciisa waxaa ku hor gudban saddex sabab oo aanan maanta nin
soomaliya u suurta-gelinayn gaarista kali talisnimo, xitaa haddii uu
kaashado xoogag dibada kaga yimaado dalka Soomaaliya iyo xulafa gudaha
ka kaalmeyso.
Saddexda Sabab ee Cabduulaahi ku khasbay in uu la heshiiyo
Shariifka waa.
1)Isaga oo magaalada Jowhar ku arkay in uu yahay diktatore u
marti ah diktatoore kale, isla markaasna garowsaday in aynan suurta-gal
ahayn in ay is-bisho(kor isu qaado) laba diktatoore
2)Inuu waaga ugu baryay wasiirka koowaad oo u dhega nugul
walaalkiis u baneeyay kursiga barlamaanka ,in uu waaga ugu baryay
wsiirka koowaad oo kaga dhow Xabashida iyo Talyaanigi uu islaaha waa
ku bilayaan, ilaa ay kuugu fadhiisiyaan kursi aanan lagaaga daba
hadlin.
3)Kolki uu ogaaday xikmada ah "xigaba xigahiisa waranka
xanaftiisa" in uu ku dhaqmo Maxamed Dheere oo uu ka filanayay in
uu la weeraro hogamiyaha Balcad iyo hogaamiyayaasha koofurta Muqdisho
,waxay u sahashay in uu si dhab ah u aqristo in aynan suurta-gal ahayn
ka shaqaynsiinta iska horkeenida beelaha Hiraab, iyaga uun in ay is-maagaan
maahine.
Cabdullahi Yusuf tegistiisa Baydhabo keddib waa haddii
ay taa u suurta gasho,kuna guulaysto taaba gelinta kor u qaadida
tayada maleeshiyaadkiisa la filayo in ay la tagaan Baydhabo iyo
maleeshiyaadka ka soo jeedo reer baydhabo oo iyaga uu dhax yaal
khilaaf xoogan oo aynan sahlanayn in loo soo afjaro si sahlan .Cabdullahi
waxaa qorshihiisa ku hor gudban, derbiyo ka adag kuwi uu jowhar kaga
soo cararay, iyagana waa saddex sabab oo aanan marnaba Cabdullahi u
saamaxayn in uu ku dhax tamashleeyo maagaalada Muqdisho isaga oo ah
madaxweynihi Nayroobi lagu soo doortay.
1) Cabdullahi Yusuf gaarista hadafkiisa ah kali-talisnimo
waxaa ku hor-gudban, in kursigan yahay mid salka ku haayo nidaam xume,
kursi noocaas ahna waxaa isku dilo laba wada dhalatay,laba is-dhashay
iwm, sidaa darteed, marnaba lagama yaaba manaaficiisa in aad ka
badsato reer aad u soo martisay adiga oo dusha ku sida, kursigi ay
soomaaliweyn isku haystay ,taa oo ay reer Baydhabo u dheer tahay in ay
arkeen faa'idada ay reer Jowhar ku qabeen dowladi u martisay iyo
qaabki uu dowlada ula dhaqmay Maxamed dheere iyo sida uu uga gaws
adeegay in uu dagaal ku qaado dad kale isaga oo ka wakiil ah
Cabdullahi Yusuf,ogna guusha ka timaado manfaceeda in uunan isaga
lahayn, Soomalina aynan ku amaanayn in uu waddanka gacanta u geliyay
diktatoore ka xun, kay ka takhaluseen shan iyo toban sano ka hor.
2)Cabdullahi gaarista hadafkiisa ah kali-talisnimo waxaa ku
hor-gudban, waddankeena oo ay buux dhaafiyeen hogaamiyaal sidiisa
diyaar u ah gadashada haybadi Soomaaliyeed, jaajuusna u wada ah
waddama shisheeya oo aan iyaga heshiis ku ahayn qaabki loo maareyn
lahaa xal u helida dhibaatdan Soomali ku dul raagtay.
3) Cabdullahi gaarista hadafkiisa ah kali-talisnimo waxaa ku
hor-gudban colaada ay u haayaan qabiilada awooda sare ku
leh koofurta Soomaliya iyo in uunan qabiilkiisa deegaan ku lahayn
Muqdisho iyo koofurta dalka intiisa badan,taana waxay cadowgiisa u
sahlaysa in ay iska caabiyaan colaada uu Col Cabdullahi Yusuf
damcsanyahay in uu ka huriyo koofurta dalka Soomaaliya
oo aynan haddaba dhibaato ,abaaro iyo rafaad u laabnayn.
Somaaliyeey aan isaga imaano ku taagnaashada waxaan marnaba
waqtigan xaadirka ka soconayn waddankeena ,suurta-galna aanan
ahayn,waayo ruuxi wanaag wado cunaga muluqaa ,shanta sanana jiro waa
garan karaa ,annagana waxaan ku daba taagan nahay hogaamiya aanan
xitaa aqoon dantiisa meesha ay ku jirto in ay tahay taariikh san oo
loo qoro, halki uu ka tegi lahaa raad xun oo isaga iyo inti ku
taageertayba loogu qorayo baal madow
oo Cibra u noqon karo, ruuxi damca mar kale in uu abuuro ficil xume
noocaas ah.
Col Cabdullahi
Yusuf waxyaabaha ku khasbay in uu Jowhar ka guuro, waa jiro ku
fogaatay maskaxdiisa ,magaceedana la yiraa Junuunin cadama, Col
Cabdullahi Yusuf waa sal fududaayay ,waxaana dhibay in uu Jowhar ku
arkay, DFKM in ay noqon karto mid shaqayso,horana u tilaabsato, uunan
amarkeedana gacanta ku qabanayn nin kaliya,sidaa darteedna wuxuu
doorbiday in uu Jowhar ugu hayaamo Baydhabo, isaga oo aanan ka fakirin
dhibatooyinka halkaa kaga hor-imaan doono oo ah, kuwa aanan marnaba u
suurta-gelinayn kalitalisnimo,fikirkiisaana wuxuu bohol fog ku tuuray
maslaxadi ummadda soomaaliyeed haddii aanan la helin rag u baxo
ummadda Soomaaliyeed ee dib u soo nooleeyo rajadi laga qabay in uu
waddankeena dib u hanto nabad hareereyso afartiisa jiho.
Col Cabdullahi Yusuf iyo Sharriif Xasan waa marin habaabiyeen
DFKM oo awalba ahayd fadhiid cagajiid ah,.waxayna ummadda geliyaan
jahwareer aanan marnaba laga soo kaban Karin ,Col Cabdullahi Yusuf iyo
Shariif Xasan waxay Nayroobi kaga dhawaaqeen in ay diyaariyeen
hantoolki(meyd qaade)meydka DFKM looga qaadi lahaa magaalada Baydhabo
,laguna geyn lahaa godki mugdiga ahaa., Taasoo ay macnaheeda tahay ,DFKM
waa Fashilantay ,waxayna faraha la gashay khalad aanan marnaba u
saamaxeyn in ay kalsooni isku qabaan horboodayaasheeda,waxay ku tilaabsatay wadadi ay ku dhamaatay
Dowladi lagu soo dhisay degmada Carta ee dalka Jabuuti, oo aakhirkeedi
ku dhamaatay laba wasiir koowaad iyo afhayeenki Barlamaanka oo
Nayroobi ka dhax yiri, aniga ayaa ah madaxweyne ku meel gaar ah.01/02/2006
Col
Cabdullahi Yusuf,
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Shan walxaato goyn ku taal
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Gondaha
iyo wejigood gargaare (allaah) hoos Dhigtee
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Goysmada
Gucun kuyaal gafuur libaax
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Gununaca
iyo gardaradood gees iska dhigtee
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Gacma wadajirey wax ku gooyaan
Guushaada
waxay gadaal ka taal --- Galiinka gogasha jowharood ku geftee
Abdullahi
Moallim Mahamud