|
Waa
bilow guul xambaarsan waa bilow u baahan dhamaystir wacan
oo ay ku dheehantahay siyaasad ku salaysan ixtiraamka
ra'yiga kale iyo degdeg oo laga fogaado ,waa arrin u
baahan la tashiyo dhinac walbo leh si loo helo dad kala
ra'yi duwan oo haddana ka mideysan gaarida hadafka guud ee
gobalkan, hadafkooduna ku salaysan yahay ka mira dhalinta
maamul mideeyo dadwenaha Banaadiriga,Mudulood iyo dadyowga
kale saamigooda inta uu la ekaadaba
ee ku nool gobalka bariga iyo bartamaha Soomaliya
waa sida ay ugu magac daraan odayaasha isu xilqaamay
sameynta maamul mideeyo ummad ballaran ee mudda dheer lagu
bah dilay Soomali doon baan nahay.
Gujinta
naaska neef caana diid ah waxaa ku wiil iyo walaal waayay,
dhulkoodina ku dayacay niman aan bah wadaag nahay ,
Akhyaareey arrintan aad ka dhawaajiseen waxaan idinka ka
codsanaynaa (annaga oo ah taageerayaasha siyaasada ah
gobal walbo oo Soomaaliyeed ha u dhaqaaqo sameynta maamul
u gaar ah iyada oo midnimada Soomaaliyeed tahay mid ka
sareyso maamul walbo oo laga dhawaajiyo) in aad si qun yar
socoda ugu howl gashaan lana tashataan dhamaan
siyaasiyiinta dadyowga gobalkan horboodo ,culamaa'udiinka,oday
dhaqmeedka, indheergaratda, ganaacsatada
iyo bushada qeybaheeda kala duwan mid idin
taageersan iyo mid idin diidanba .
Arrintan
waxaay ummada gobalkan ku nool iyo dadweynaha Soomaaliyeed
guud ahaan u horseedaysaa in lasoo gabagabeeyo dayacnaanti
iyo kala daadsanaanti salka u ahayd deganaansha la'aanta
wadaankeena ka jirto guud ahaan iyo Gobalka Banaadir iyo
deeganada ku xeeran gaar ahaan. Waxaa kale oo ay geed ku
soo xireyso in yar oo ummadda Soomaaliyeed ku marin
habaabisay waxaay nahay Soomaali doon haddana qorshahooda
uunan dhaafsiisneyn
hunguri
gaaban oo ka galay meel ciriiri ah imaan la'aan awgeed.
akhyareey,
waa ragga ku dhawaaqay in ay ku guda jiraan howshan waxaan
idinku war gelineynaa in aynan howshan ahayn mid sahlan oo
isku soo bood ah waayo waxaay taabanaeysaa dhinacya badan
oo diidan horumarkiina, in mudda ahna ummada soomaliyeed
ka hortaagnaa in ay gaaraan Dowlad loo dhan
yahay umamaddana ka soo saarto mugdigi ay ku jirtay
13sano dana gaar ah oo daahsan
awgood, sidaa darteed waxaan mar kale idinka
codsnaynaa tilaabo walbo oo aad qaadaan in ay ku
tiirsanaato xisaab laga baaran degay xalkeeda halka uu ku
jiro iyo dheefteeda
iyo dhibkeeda inta uu la eg yahay .
Waxaa
jirto in maalin dhoweyd uu taabtay abwaan soomaaliyeed
dhibatada magaalada Muqdisho ka jirto in ay salka ku heyso
xisaab la'aanta dadka deegaanka degan sidaa darteed waa in
aad ogaataan in ay idinka hor imaaneysa horistaagya badan
iyo debandaabyo la idiin dhigo,si looga badbaado
turunturooyinka la idiin maleegi doono waa in aad howshiina
saldhig uga dhigtaan dulqaad iyo la tashiyo badan.
Ugu
danbeyn waxaan idiin rajeynanaa, ilaaheey idinkiis guul
iyo maamulkan aad ka dhawaajiseen
oo dadweynaha gobalkan iyo dhamaan ummadda
Soomaaliyeed u horseedo helitaanka dowlad Soomaaliyeed oo
loo dhan yahay saami wadaageeda.
Abdallah
Moallim Mahamud
(Siyaasi)
moallem10@hotmail.com
|