Waxaan
dood badan ka taagnayn in DFKM afka
dhulka la gashay, Baydhabana uu
diyaar ku yahay hantoolki DFKM
meykeeda looga qaadi lahaa
magaaladaas Baydhabo.
asbaaba
badan oo aanan halkan lagu soo koobi
Karin. asbaabahaas waxaa ugu horeeyo
,uguna danbeeyo damaca diktatoornimo
ee madaxweynaha Somaaliya Cabdullahi
Yusuf
iyo
muga dhibaatada ka jirto
waddankeena oo iyaga maanta ah, laba
shay oo aanan is-xanbaari Karin,
marka laga reebo in noqoshada
madaxweyne ee Cabdullahi
Yusuf, run ahaanti noqotay
daadki uu ku ribeeyay isaga
naf'ahaantiisa iyo in maanta ay
mowjada daadkaas dusheeda
sabaynayaan dhamaan hogaamiyayaashi
Soomaaliya la haray guud ahaan oo uu
ku jiro Cabdulahi Yusuf iyo gaar
ahaan kuwi la haray koofurta dalka
iyo Caasumada Somaaliyeed Muqdisho .
Aan
u dhacno gunta qoraalkan oo ah mid
ku saabsan xaalada foosha xun
ee ka jirto hoygeeni-weynaa,
halbowleheeni, Caasumadi
Soomaaliyeed iyo Nuurki dadki reer
Banaadir Muqdisho ama Xamar Cade.
Xamar cade waxaa ku daatay
dhiig aad u fara badan, laga soo
bilaabo 1990, marki xukunka laga
tuuray dowladi milatariga ahayd oo
uu horkacayay Madaxweyne Maxamed
Siyaad Bare (allah ha u naxariistee)
ilaa iyo maanta, mana jirto tan iyo
waqtigaas, cid isku howshay isu
keenida dadki dagaalka u dhaxeeyay,
wada-hadalsiintooda iyo xal u helida
waxyaabihi la siku dilayba, welina
ma muuqdo ifafaalo looga gudbo dhiig
danbe oo aanan magaaladaas ku daadan.
Dhinacaad
doonto u dhig, dagaalki u danbeeyay
ee magaalada Muqdisho ka dhacay
wuxuu u dhaxeeyay shayaadiin indhaha
ku furay, gacantooda oo ay ku jirto
howl aynan lahayn horkaceeda.
Wuxuu u dhaxeeyay qabqablayaal
falisay oo uu ka dhamaaday, hadaladi
dhiilada ahaa oo ay dadka ku dagaal
gelin jireen, qabqablayaashan oo
shan iyo toban sano, marna saaxiba
ahaa ,marna is-colaadin jiray, waxay
la soo baxeen farsamo hor leh oo ah
,waxaan nahay wadaado xambaarsan
Diinta Islaamka iyo waxaan nahay
argagixis la dirir(oo looga jeedo
wadaada la dirir).
Runtii
waa jiraan wadaado dhab loo dulmay
oo iyaga loo gacan geliyay dalal
shisheeye oo colaadin ku haayo
Diinta Islaamka ,wadaadaas
badankooda waxay ka soo carareen
xukunka ditatooriga ah ee ka taliyo
dalka xabashida ,sifada wadaadan waa
wadaado ku takhakhusay fidinta
Diinta Islaamka si wacan ,mana ahan
xukun doon, waana runti wadaada ah
ahlu-thikri ,kuwi ilaahey
quraankiisa ku sheegay , run-ahaantiina
waa kuwa ay Yahuudo doonayso in ay
xirxirto, waxayna soo qabashadooda u
adeegsatay kooxa calooshood u
shaqaytayaal ah oo siyaaba kala
duwan uga howl galo magaalada
Muqdisho iyo goballada loogu kala
yeero Puntland iyo Somaliland.
Wadaadada
wacan ,waxaa iyagana ka mid ah laba
koox oo joogo magaalada Muqdisho iyo
meelo kale oo ka mid ah waddanka ,wadaadan
iyaga ma'ahan kuwa dowr ku leh
dagaalada ka soo cusboonaaday
magaalada Muqdisho ,waxayna wadaadan
u kala baxaan wadaado ka taliyo
maxaakim islaamiya oo ku kooban xal
u helida khilaafaadka maalinlaha ah
ee soo kala dhax galo dadyowga ku
nool xaafadaha ay ka arrimiyaan
maxaakimkan, qeybta labaad ee
wadaadan iyagana waa kuwa ku howlan
kor-u-qaadida tayada Diinta Islaamka
iyo wacyi gelinta dadyowga reer
Muqdisho. Markaan hoos u dhigana, ma
jirto cid diidan in ay wadaadan
ahaadaan, kuwa ummada u horkaco,
waddadi looga bixi lahaa dhibaatadan
loo maara waayay ee Soomaaliweyn ku
dul raagtay.
Magaalada Muqdisho waa
ciirinaysaa ,waxaana buux dhaafiyay
kooxo fara badan oo aad ugu kala
duwan xagga fikirka ,magaalada waxaa
burburiyay damac qabiil oo ahaa in
reer kaliya gacanta ku dhigo
halbowlaha laga maamulo arrimaha
Soomaalida ,laakin guul darradi ay
qabaa'ilkaas kala kulmeen gaarida
hadafkooda iyo burburki ku yimid
dowladi dhexe, waxaa ka dhashy kooxa
fara badan ,kooxaahaas waxay kala
yihiin kooxo ku hoos
dhuumaalaysanayo huwashada mara
madow oo ay ku qoran tahay waxaana
nahay wadaado, wadaadan waxay kala
yihiin Itixaad, Islaax, Tabliig,
Takfiir, Suufiyo iwm. wadaadadi ku
gacan lahaa dagaaladi u danbeeyay ee
Muqdisho ka dhacay, waxay ahaayeen
Al-Itixaad oo huwan laba maro oo
dhiig leh , oo aanan is qarin, oo
kala ah Qabiil iyo Diin ,waxaana
sugayo oo u fadhiyo in ay fikirkooda
xoog ku marsiiyaan, kooxaha ay hadda
dagaalka kula jiraan iyo kooxaha
wadaada isku sheegaa, sidooda, oo
aan kor ku soo xusnay, dhibatada ay
keenaan kooxahan dhamaan, waxay
badankeeda ku dhacaysaa dad aanan
dowr ku lahayn, herdan wasaqaysan oo
aanan lagu gaarayn hadaf wacan ee
ummaddeena u horseedi karo ,waddo
looga baxo mugdigan ummadda ku
habsaday.
Waxaa
iyagana magaalada ka jiro
qabqablayaal fara badan oo hubaysan,
marna ku habar kacsado qabiil, marna
isbahaysi, mar kalana ka mid ah
wadaada isku sheega ,
qabqablayaashan hadafkooda guud waa
mid ay ka siman yihiin, oo ah yeynan
jirin wax hagaago, kol haddii
waddankan oo dib lugihiisa ugu
istaago ay iyaga ku kalifayso, in ay
waayaan danhooda gaarka ah ,gaar
ahaan saldanad aynan ay iyaga lahayn
hogaaminteeda.
Muqdisho bukaanka yaal iyo in
uunan dhiig danbe ku daadan waxaa
looga bixi karaa oo kaliya, iyada oo
si kor ah loo canbaareeyo, lana
joojiya dhiirigelinta ka
qeybqaadashada kulamada ay soo
abaabulaan kooxa dana gaar ah leh, faraski
kibirkana saaran, sida mathalan,
fadhiyada ay ku kulmaan kooxaha isku
magaacabay isbahaysiga la dagaalanka
argigixisada, gole ku sheega Golaha
Deegaanka Banaadir, maxaakimka aanan
la aqoon yaa madax u ah, majana u ah
,waxaan ugu jeedaa maxaakimka Marna
Xasan Daahir Aweys horboodayo, marna
Shikh Sharif Axmed oo isaga inta
badan ku tilmaamaan wadaad dhab ah ,laakin
ku dhax milqay waddaado iyaga ku
danaysto Diinta islaamka iyo
sideedaba jojinta ka qeybqaadashada
fadhi kasto oo aynan ku dhamayn
badanka dadka loo yaqaanaa in ay
yihiin akhyaarta reer Muqdisho.
Dad badan ayaa isweydiinayo ,Akhyaarta
reer Muqdisho waayo, jawaabta waa
sahlantahay ,akhyaarta Muqdisho
waxaa ah cid allah, ciddi doonayso
in aanan lagu dul rabeyn, dushoodana
aanan dagaal lagu abaabulin dadyowga
ku nool magaalada Muqdisho ,waxaa
akhyaar ah, ruuxi doonayo in
magaaladan loo daayo hogaan karti u
leh maareynteeda, dadkeedana yaqaan
waxay tabanayaan, Soomaalina u
horseedi karo in ay mar kale
cagaheeda ku istaagto.
Dhamaadka
maqaalkan waxaan Fariin ugu diriyaa,
dhamaan inta ay taabanayso ,xanuunjinayso
dhiig danbe oo hadaf la'aan ugu
daato magaalada Muqdisho, in ay u
joogsadaan dabar ku qabashada iyo ka
hortago kooxaha beryahan kibirka
madax wareemay , xisaab la'aana is-baday
xoog sheegasho, horay loogu
hungoobay.
Dad badan ayaa dagaalka u
arko wax xun,dagaalka wuxuu xun
yahay oo kaliya ,kolki uu dabada ku
haayo fulinta dulmi aanan loom meel
dayin ,hadafka ka danbeeyana uu
yahay mugdi-gelinta ummad dhan
masiirkeeda, sida kan ay hadda
abaabulayaan shaqsiyaad
aan magacooda ku baranay shan iyo
tobanki sano oo ay soomaaliweyn ku
jirtay mugdiga ,shaqsiyaadkan waxay
dadka ku nool
magaalada Gaalkacyo ilaa
kismaayo u diideen in ay ku
noolaadaan nabad iyo nolol wacan .
War
iyo dhamaantiis dadaal ayaa nala
faray ,waana u taagan-nahay, laakin
howsha waxay u muuqataa kooxaha
beryahan saaran faraska shaydaanka
in ay u muuqdaan, in la gaaray
dhamaadkoodi, mowjada ay saaran
yihiina, kaga degayaan oo kaliya
dhimasho iyo iyaga oo buux dhaafiyo
xabsiyo aanan maanta xisaabkooda ku
jirin. 03/04/2006
Cabdallah Mocallim(Cabdullahi
Siyaasi)