|
MAXAY
KU KALA DUWAN YIHIIN HOGAAMIYAYAASHA MUDULOOD IYO KUWA MADARKICIS?
Maxamed calasow januune6@hotmail.com
April
16, 2006
Markaan dhab u fiirino farqiga u dhexeeya labadaan kooxood oo kor ku
xusan oo ka kala dhashay labo beelood oo wada dhalatay, laakiin kala
degaan ah, aadna u kala argti duwan ayaa kuwa madarkicis oo degaan ahaan
ka soo jeeda ama ka soo hayaamay gobolada gal-gaduud iyo mudug iyo kuwa
muddulood oo intooda badan degaankoodu u dhowyahay caasimadda amaba ex-banaadir
goboladii laysku dhihi jiray ayaa waxay qayb ka ahaayeen USC
dii rajiimkii siyaad barre oodda u rogay, kadibna iyagu isku noqday
dibidii hardantay oo aad moodo iney wali shacab laynta hamuun u qabaan.
Haddii aan in yar ka soo qaadano koox walba:-
1) kuwa madarkicis waxay marka hore ku soo caan baxaan iney gobolada
midba mar ku duulaan oo shucuubta iyaga ka baxsan laayaan, aadna u
cadaadiyaan, maleeshiyooyinkoodana marba SHAAR u galiyaan, shaar
maxkamadeed, mid qabiil iyo mid maamulba, waxayna sidaas ku
xalaalaystaan ilaha dhaqaalaha, sida dekedaha, garoomada, beeraha,
gaadiidka, tichnikada IWL.waxayna ka midaysan yihiin danta guud ee
beeshooda, iskumana qilaafaan, kumana xadgudbaan, mana laayaan
maatidooda, meesha ay dadyowga kale dharbaaxaan, isbaarooyinka dhulka,
cirka iyo baddaba waa ku caan baxeen, waxaana intaas u dheer saxaafadda
oo ay ummadda soomaaliyeed waxay rabaan ugu bandhigaan, hadey
noqon lahayd kuwa dibadda amaba kuwa gudaha ku sugan.
2) haddaan barbardhigno kuwa mudulood waxay marka horeba ku soo caan
baxaan iney dadkooda laayaan, iyagu labo labo isu dagaalaan, dadkooda
ama maatidooda barakiciyaan, nin walba goob yar isbaaro iska dhigto
reerkiisana ku cuna qabateeyo, wax xiriir maamul ahna ma wadaagi
yaqaaniin, xataa maxkamadaha beelahoodu leeyihiin wax iskaashiya ma
wadaagaan, waa hogaamiyayaal iyagu isu xoog badan oo aan waxba curin
iney wax dumiyaan maahee, degaankooda ex-banaadirtii horana wax sumcad
ah kuma lahan.
Runtii labada kooxood waxay ka midaysan yihiin wada dhalashada maahee,
waxay ka soo wada hor jeedaan nidaam dawladeed walaalkoodba ha
hogaamiyee,waxayna aamin san yihiin iney ku waynayaan waxa ay
sharcidarada ku kasbadeen.
waa socotaa..........
WABILAAHI
TOWFIIQ -- januune6@hotmail.com
|