Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Dabka Muqdisha Ka Holcayo, Damintiisa Ha Loo wada duubto

By: Abdallah Moallim Mahamud  moallem10@yahoo.com

May 29, 2006

Magaalada Muqdisho iyo dalka soomaaliya oo dhan waxaa ka jiro dhib xoogan.

Xal u helida dhibaatada iyo nabad darrada saameysay dalka soomaaliya oo dhan, waxay dabada ku heysaa ,dalka soomaaliyeed oo uunan maanta ka jirin nin leh sifa hogaamiye wacan, sabar badan, caadil ah, dadka u siman, dabeecad wanaagsan, hadafkiisa cad yahay, gacan adag waqtigi loo baahda gacan adeeg, dadka kala yaqaan, garanayaa danta kulmiso ummadda oo dhan, xog u haayo qaabka uu caalamka maanta u shaqeeyo, waxyaabaha ummaddaha adduunka isku waafaqsanyihiin iyo waxyaabaha ay isku diidan yahay. iwm

Dagaalka Muqdisho wuxuu salka ku haayaa dagaalki Muqdisho ka dhacay 1990 , keddib marki la burburiyay xukuumadi waddanka ka jirtay waqtigaas qorsha la'aan.

 Dagaalka Muqdisho wuxuu salka ku haayaa dadki uu dagaalkaas dhax maray oo aanan waqtigeedi xal u raadin sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinki uu keenay dagaalkooda.
  Waxaa la yiraahdaa meel aanan nabad ka jirin haddii aad aragto, waa meel aanan akhyaar ka jirin, taasna uma gaar aha Muqdisho oo kaliya ee waa mid saameyso waddanka soomaaliya oo dhan.

Muqdisho dagaalka ka jiro uma  eko mid si sahala lagu soo afjari karo, xitaa haddii labada koox oo ishayso midkood adkaado , waayo ragga is-haayo ee u kala baxay labada koox, kuma jirto koox kaliye oo uu mideeyo hadaf cad ,diin ha ahaado, siyaasad, xoog maleeshiyo, dhaqaalo iyo qabiilba .

Tan waxay cadeynaysaa in kooxdi guulaysato iyada dhaxdeeda dib u dagaalayso ,haddii uunan dagaalkoodaba ka soo hormarin dagaalka ay abaabulayso DFKM oo iayada doonayso in ay Muqdisho xoog ku qabsato, DFKM iyada waxay u dhaqantaa qaabka ay kooxaha isku haayo waddankeena u dhaqmaan oo kale.,dhinac kasto oo aad u dhigtana DFKM waxba kagama duwana maleeshiyaadka waddanka oo dhan ka jiro.

Dagaalka Waddankeena guud ahaan ka jiro wuxuu u dhaxeeyaa kooxa ku taagan khayaali ku nool.

Ma rabo in aan galo tafaasiisha kooxaha Muqdisho sida ay u dhisnatahay koox walba hoos ahaan, waxyaabaha kulmiyo iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, laakin waxaa xaqiiqa ah, in madaxda labadan kooxoodba yihiin raggi ay u xayirneed nabad ka dilaacdo dalka soomaaliyeed oo dhan guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Marki aan soo gunaanado hadalkan oo aanan runti uga jeedin in aan niyada kaga dilo ummadda soomaaliyeed oo aan ogahay sida ay ugu baahi qabaan nabad ka dilaacdo dalkooda..

Dagaalka Muqdisho wuxuu ku dhamaan karaa oo kaliye iyada oo uu dadka ka soo dhax baxo hogaamiyaha aan sifihiisa kor ku soo tilmaamay ama odayaasha dhaqanka, culumaa'udiinka, indheergaradka ay ka soo jeedaan raggan madaafiicda la dhacayo ehelkooda ku nool Muqdisho oo iyaga garto in ay runta isu sheegaan ,miiska dushiisana uga hadlaan xagee bukto iyo side loo daaweyn karaa bukaankaas.

Bukaanka ma'ahan mid qarsoon, daawadiisana waa la yaqaan, laakin waxaa wax walba ka horeeyo in koox walbo ka tanaasusho in ay milkiso wax aynan iyada xaq u lahayn milkidooda, waana in ay koox walba garataa tanaasulkeeda in uu nolol u yahay dhinacyada ishaayo oo ay iyada ugu horeyso.

Reer Muqdisho waxaan kula talinayaa in ay ka baxaan khayaali ku noolka ,maleeshiyaadka muqdisho ku tuntayna waxaan kula talinayaa in ay gartaan khayrka la isku haayo in uu ka badan yahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan

Abdallah Moallim Maxamud(Cabdullahi siyaasi)

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul