Dhurwayga
kan ciyaayo, waxaa ka xun
kan
aamusan
Muqdisho waxay Caawa Marti u tahay, Soomaali in ay midowda.
Muqdisho waxay caawa Marti u tahay, in aanan taladeeda mar kale
laga weydiin, nin aanan aqoon u lahayn qiimaheeda.
Muqdisho waxay caawa marti u tahay, Hawiye oo ka gudbo dalka iyo
dadkiisa ha lagu
maamulo qaab qabiil .
Muqdisho waxay Caawa marti u tahay in ay Mudulood iyo Madarkicis ka
gudbaan kibir, shaar been ah oo la gashto, laysuna geliyo iyo
dantayda ha laga hormariyo.cadaalada
Muqdisho waxay caawa
Marti u tahay culimadeeda iyo dadkeeda oo guushooda u bedalaan,
allah ka cabsi looga gudbi kibir iyo annaga haddii nahay reer hebel.
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa isweydiinayo, maxaa isbedelay
Xamar-Cade kol haddii ay saaxada ka baxeen dhurwaayadi joogay
Muqdisho, kuwoodi qaylada dheeraaaaaa. maxaase la gudboon dadka ku
nool Muqdisho iyo akhyaartooda in ay ka yeelaan humaaga siyaasadeed,
diineed iyo dhaqaale ee
ku hareeraysan maamul adag oo ay yeelato Muqdisho ,kana qaado
halka ay tiilay lix iyo toban sano oo cujaaf(Abaar) ahaa.
Jawaabta waa mid aad u gaaban, balse aan filayo in aynan u muuqan
inta uu weli ku jiro damac ah, in ay wax ku noqdaan guul ay u
tirinayaan qabiil xume, wadaad xume, Siyaasi xume, maal xume iyo
xuma walbo oo aanan ku taagnayn waddada toosan ee ilaahey noo
tilmaamay.
Xamar Cadde waxaa ku soo kordhay in ay ku noqotay siduu xaalkeeda
ahaa habeenki xamar loo yeelay xuduudyada, bishi April 1991, xabad-joojinti
dagaalki ahliga ahaa keddib.
Barti Qabiilka waa
sideedi ,waxaa isbedelay oo kaliya, in barti laga furtay qabqablaha
dagaal, laga furay Maxkamad qabiil oo uu horkacayo Wadaad ka soo
jeedo beeshi uu ka soo jeeday qabqablihi afka dhulka loo daray.
Taana waxaa siyaada ku ah ,in uunan ilaa iyo hadda wadaadada Xamar u
dhaxayn khilaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale, maadaama aynan weli
fursad u helin, ka wada hadalka in ay howshooda u bedalaan howl lagu
nasto , ilaahey idinkiis.
Dadka ku nool Muqdisho iyo akhyaartooda waxaa la gudboon in ay
qaataan talooyinka wanaagsan oo ay isu jeedinayaan, Soomali-weyn
intooda jecel, dalkeena oo mar kale lagu soo celiyo kala danbaynti
iyo sharciga oo shaqeeyo, lagana ilaaliyo ku sii dhax jirrida u
adeegida dana gurracan iyo dagaalo u dhaxeeyo dad ehel ah oo aanan
lahayn meel looga dhamaado ,in ilaahey loo towba keene maahine.
Sidaa darteed waxaan reer Muqdisho u soo jeedinyanaa talooyinkan
.
1) wadaadada waa in ay howshooda u horeyso ka bilaabaan, si wada jir
ah in ay ugu dhawaaqaan ,in dadka xoog ku haysto Guryo, Beero iyo
Xoola aynan lahayn, dib ugu celiyaan dadki iska lahaa mudda bil
gudaheeda ah, iyo tilaabada laga qaadayo ciddi aanan fulin amarkaas.
2) in wadaadada
Soomaliyeed ee ku nool Muqdisho guud ahaan, ku baaqaan gogol
ay kaga wada hadlaan sida ay bulshada Reer Muqdisho inteeda kale
ugala kaashan lahaayeen, maamul u Sameynta Caasumadda Soomaliyeed iyada
oo tixgelin xoogan la siinayo arrimahan.
A)diinta islaamka oo asaas u noqoto sharciyada lagu dhaqaayo
caasumada dalka iyo guud ahaan dalka Soomaaliyeed .
B)in doorashada madaxda maamulka Muqdisho lagu saleeyo, inta
badan doonistooda, lagana dheeraado waxaan nahay reer hebel.
3) Maamul u sameynta Muqdisho howsheeda inta lagu guda jiro, waa in
ay wadaadada wada hadal
la galaan Dowladda ku meel-gaarka
ah (DFkM) maadaama aynan iyaga ka mid ahayn xubnihi ka
qayb-galay shirki Mbagathi, Nayrobi ee Dalka Kenya, waxna aynan ka
soo dhisin DFKM iyo dastuurka lagu dhaqaba.,warna ayanan u hayn,
qaabka loo soo xulay iyo meesha laga keenayba xubnaha ku jiro DFKM
Barlamaankeeda, golaheeda Wasiirada iyo Madaxweynaheedaba
4)keddib marki laysla meel dhigo asaasiyaadka maamul u sameynta
magaalada Muqdisho, Wadaadada iyo bulshada Xamar Cade waa in ay u
dhaqaaqaan si wada jir ah, dib u dhiska ciidan u gaar ah, ilaalinta
amniga Muqdisho, iyaga oo taa la kaashaanayo saraakiishi hore ee
Boliska iyo Milatarigaba
5) Waxaan wadaadada kula talinaynaa in ay tilaabadooda ahaato mid
xisaaban oo mar walbo salka ku hayso danta dadka iyo dalka
Soomaliyeed guud ahaan, waana in ay si feejignaan ah kula socdaan
ruuxi ay ku tuhmaan in uu faraha kula jiro u adeegida dana gurracan
oo qabiil xume dabada ku hayso.
War iyo dhamaantiis waa
caqliga suuban ha adeego.
Ilaalinta xuquuqda
dadka iyo cadaalada oo lagu dhaqmaana waa guusha ummad walbo ay ku
gaarto goolka wacan oo ay hiigsanayso. 06/june/2006
Abdallah Moallim Mahamud( Cabdullahi Siyaasi)