Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Xabashi keen, kama duwano Adeege Ameerikaan Ee ha-lays Daba-dhigo

By : Abdallah Moallim Mahamud  moallem10@yahoo.com

June 18-2006

Fariin ku socoto Shikh Shariif iyo madaxda isutaga maxaakimka  Abeeso Dhul isu-ekesiin ayey kuugu cuntaa
 
Nabada waa loo wada bukay ,waa loo hamuun qabay ,wax badan ayaa la sugayay in aan mar uun u noqono Ilaahi na abuurtay ,towbana la imaano.

  Waxaan shaki ku jirin in uu isbedel weyn ka dhacay dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana magaalada Muqdihso. Waxaan iyadana shaki ku jirin guula la tilmaami karo in aad gaarteen haddii aad tihiin isutagga maxakimka iyo kacdoonka shacabka, waxaan iyadana shaki ku jirin, cid hadal gelin-kartaana aynan jirin, sida ay dadka Soomaaliyeed intooda badan ugu jidbeysan yihiin, uguna diyaarsanyihiin , iyaga oo uun mar arko dadkooda iyo dalkooda oo lagu dhaqaayo shareecada Islaamka, nabad iyo cadaaladna sidaa ku gaaro, waxaan iyadana shaki ku jirin in ay ummadda ku dhax jiraan dad xun oo wax walbo u aqriyo in ay yihiin xumaan ,haddii aynan ka muuqan dantooda gaarka ah waxay u yaqaaniin,waxaan iyadana shaki ku jirin in ay weli DFKM la rafanayso sidi ay u fulin lahayd danaha ragga horboodayo waxay dantooda gaarka ah u yaqaaniin iyo danti dowladihi taaba geliyay soo dhisdeeda iyada oo aanan lagala tashan waxgaradka Soomaaliyeed dhismaha DFKM ,dhisideedana loo soo maray qabqablayaal dagaal,qabqablayaal siyaasadeed, qabqablayaal qabiil oo aanan halkan lagu soo koobi Karin dhibaatooyinki ay u geysteen dadkeena iyo dalkeena lix iyo toban sano oo gadaal noo dhaaftay.

Waxaana iyadana shaki ku jirin ,raggiina maxaakimta horkacayana  ka dheregsanyihiin, in aanan sidaa rabto loogu cibaadaysan Karin meel aynan nabad ka jirin ,cadaalad darro ka jirto, dulmi daba dheeraadana jiro ,xoolahaagi oo aad u jeedana xoog lagu haysto.

 Waxaan iyadana shaki ka taagnayn ,in uunan ahayn mid tira yar waqtigan xaadirkaa cadowga diinta Islaamka guud ahaan iyo cadowga Soomaaliyeed dad iyo deegaan ahaan.

Afeef iyo hordhac keddib, waxaa sua'aal ka taagan tahay ,sidee isutaga maxaakimka  ugu diyaarsanyihiin nabad ku soo dabaalida Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, iyada oo aanan lagu kufin jidgooyin fara badan oo in muddaaba ummadda Soomaaliyeed ka hortaagnaa dalkooda oo loogu wada noolaado si nabad ah ,wada shaqayn, is xaq dhowr , tixgelinta kartida uu ruux walba u leeyahay  qabashada howsha kaga aadan dadkiisa iyo dalkiisa iyada oo aanan taas loo marin tixgelinta hebel waa reer hebel,waa reer qabweyn iyo waa reerkeena.

   Inta aanan hoos ugu dhaadhicin gunta qoraalkan ,waxaan rabaa in aan isutaga maxaakimka u sheegno, in aynan waxba kala duwanayn Xabasha keen iyo Adeege Ameericaan, labadoodana wada yihiin gaalo keen, haddiiba ayanan sii xumayn kuwa dabada kula jiro xabshida oo iyada noo hayso cadowtooyo gaamurtay.

Waxaa iyadana xaqiiqa ah in asaaska dhismaha tiirarka DFKM uu ahaa qabqablayaal dagaal, tiirarki DFKM-kana ay sidaa ku jabeen, keddib marki qabqablayaashi dagaalka ay noqdeen hal  haaday iyo hal heybshay. Midda kale xubnaha Barlamaanka ee ku dhawaaqay in ay aqbaleen in dalka soomaaliya soo galaan ciidamao ka socdo dowladaha deriska la ah Soomaaliya, in ay iyaga naf-ahaantooda ka soo jeedaan xubna ay soo magacaabeen qabqablayaashi cararay qaarkooda iyo qabqablayaal og, in raadkooda lagu soo joogo, sidaa darteedna Go'aankooda ma noqan karo sharci, waayo cod-bixintooda waxay noqotay mid ku salaysan aargudsi, colaad iyo u adeegida qabqablayaasha dagaalka, iyo cabsi ay ka qabaan in uunan iyagana ku imaan jidki la marsiisay saaxibadooda la midka ah iyo saaxibadooda u sahlay in ay qaataan xubinimo asalkeediba aanan ku imaan waddo toosan.

  Markaan u soo noqdo gunta qoraalkan, waa in aan  ku wargelino  madaxda  horkacayso isutaga maxaakimka in ay ahaadaan kuwa tilaabtooda xisaabsanaato, iyaga oo maanka ku haayo in uu fara badan yahay cadowga guushooda iyo cadowgo dadka iyo dalka Soomaaliyeed in muddaaba ka hortaagnaa in uu dalkeena saanta dhulka la helo.

Maxaakimka waxaan idin-kula talinaynaa  saddex-shay in aad asaas uga dhigtiin maamul uu helo dalkeenaa, saddexna waa in aad ka digtoonaataan, saddexna waa in aad ka fogaataan

 
1)saddex-shay,waa in aad asaas uga dhigtiin maamul uu helo dalkeena.

A) Allah ka cabsi, B)cadaalad iyo C)wada tashi(Shuura)

2)saddexna waa in aad ka digtoonaataan:

A)rag ku naaxay xoolo xaaraan ah lix iyo tobanki sano ee dalkeena burburka ku jiray

B)Qabqablayaashi is dhiibay iyo qabqablayaashi aanan ka mid noqon isbahaysigooda oo aanan labadoodaba ku kala duwanayn dhaqan xumadi ay waddankeena ku haayeen muddah dheer .

  Astaanta qabqablaha ,waa anigaa gacanta ku haayo xaafad hebel,degmo hebel, gobal hebel iyo isbaaro iwm

C)siyaasiinti ku fashilmay adeegi waddankooda muddadi uu waddankeena xorta ahaa,haba ugu sii dartnaatee muddadi uu waddankeena burburka ku jiray.

  Saddexdaanba ka digtoonaashadooda waxaa qaacida u ah maah-maah soomaaiyeed ,waana "Abeeso waxay kuugu cuntaa dhul isu ekaysiin"

3)saddexna waa in aad ka fogaataan

A)Kibir
A)Qabyaalad
B)Damac

 Saddexdaanba waa cudur aad u xun,waa dilaa,waa burburiya, waa asaaska tafaraaruq(kala-tagid), waa cudurki umadda soomaaliyeed dadaalka ugu jirtay in ay ka bogsooto.

  Somaalida waxay tiraahdaa "Qunyar socod qodax kuma tagto", howsha idiin taal ma ahan mid sahlan, waxaa idin sugaayo marista waddo ay ku daadsantahay qodxo dhaadheer.waxaana looga gudbi karaa "waa ood dhacmeed sidi ay u kala korayso ayaa loo kala qaadaa" .howsha idiin taal waxaad kaga gudbi kartaan allah ka cabsi, qunyar socodnimo,wada-tashi,la-tashi, cadaalad, af macaan ,ka baaraan degid fog meeshi u baahan gacan bir ah.
 Haddii aan nahay Soomaaliweyn, Waxaa Na Bilo, Buunka Shareecada Islaamka oo Laga Yeersho Baydhabo iyo Beled-Walbo oo Soomaaliyeed, 16/06/2006

Abdallah Moallim Mahamud

 

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul