Waa
la marin habaabiyay quruxdi Maxaakimta Muqdisho iyo guulo kale oo ay
ka soo hooyaan nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho, iyadana
waa la marin habaabiyay guulihi beryahanba lagu tirinayay in ay
midowga Maxakimta Muqdisho soo hooyeen kolki shalay oo taariikhda
ahayd 24/06/2006 lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, Hoteelka
Ramadaan shir aanan hore loo sheegin iyo cidda ka soo qeybgashay yey
mathalaan ,ma dadka Soomaaliyeed oo dhan, misa xisbi gaar ah oo
iyaga is bar yaqaan sidi Xisbiga Al Itixaad ,dana gaar ahna mathalo.
Ku
dhawaaqida shalay ee madaxa Golaha Shuurada Maxaakimta Soomaaliye
Col Shikh Xasan Daahir Aweys iyo xubno tiradooda lagu sheegay 88 Ay
ku dhawaaqeen shaqsiyaad is
baryaqaan waxay ahayd mid loo ekeysiiyay ku dhawaaqid Dowlad aanan
si toos ah loo Iclaamin. Haddaba annaga
oo ka duulayno mugdi gelinta siyaasada Soomaaliyeed mar kale
iyo mugdi gelinta soo dhowaashada
nabad Soomaalida ku degayso oo dalkooda lagu soo
dabaalo,waxaan ka digeyna dhiirigelinta iyo taageerida waxaynan
ummadda Soomaliyeed u dhamayn si aan uga korno dib ugu noqoshada
dagaallo qabiil oo aanan ujeeda fog lahayn ,aadna ay ugu farxayaan
cadawga Soomaali weyn oo gaarto kala danbayn iyo dowlad dhexe oo
arrimaahada ka taliso.
Ku
dhawaaqida shalay ee Madaxa Golaha Shuurada ee Maxaakimta Soomaaliye
oo loo ekeysiiyay Dowlad, waxay jidka u xaareysa dagaalo wejiya
badan leh oo dalkeena ka dhaco ,waxaana dagaaldaas ka mid ah mid
horaba u dhax maray,lana filayo in uu mar kale dhax maro madaxa DFKM
ku sheega iyo gudoomiya ku Sheega Golaha Shuurada ee Maxakimta
Soomaaliya Waxaa kale oo
ay iyadana jidka u xaareysaa soo noolaynti dagaalki qabiil ee
Mudisho la habsaamay lix iyo toban sano oo aan gadaal u fiirinay.
Waxaan
faaladan ku soo qaadanaynaa ka warbixinta labada shaqsi ee kala
horboodayso labada koox ee si cad maanta isugu haayo, waa aniga iyo
waa aniga ninka horkacayo Diktatooriyad mar kale lagu soo rogo
ummadda Soomaaliyeed.
Waa
laba dowlad oo aanan
midnana lagu soo dhisin kalsoonida ama wadajirka ummadda
Soomaaliyeed intooda Badan,waa laba dowlad ee mid uu soo dhisay
cadowga Soomaaliyeed (Xabashada,Kenya iwm), midna ay soo dhistay
beel gaar ah oo ka tirsan beelaha Soomaalida xoogna ku haysato
koofurta Soomaaliya, waa laba hogaamiye oo fikirkooda aad u kala
fogyahay, waa laba nin oo waqti badan ku bixiyay gaarista, ayagga oo
gacanta ku dhiga halbowlaha laga xukumo Dalka Soomaaliya waa
Muqdishee, waa laba hogaamiye oo mid walba hoosaasi ka dhigtay, ama
iska soo hormariyay ,ama ku guubaabiyo adiga garabgayga ayaad tahay
nin ka soo jeedo beesha Hurdaweyne ee ayagga loo yaqaan in ay yihiin
dadka ugu tira badan deegaanka Muqdisho ,loona tirayo nabad la'aanta
Soomaaliya ku habsatay mudda dheer, in ay asbaab u tahay
daciifnimada hogaamiyayaashooda siyaasadeed, ama in aynan maanta
lahayn hogaamiye karti u leh mideynta maamulka Muqdisho iyo mideynta
beeshaas Hurdaweyne iyo beesha kale oo ay walaalaha yihiin, kana uu
soo jeedo Col Xasan Daahir Aweys.
Waa
laba Korneel, oo horay dagaal u dhaxmaray ,waa laba Korneel oo ciil
badan isu qaba, waxaa dagaalki hore lagu jebiyay Col Xasan Daahir
Aweys iyada oo jabkaas kaga yimid deegaanka dagaalka ka dhacay oo
ahaa Boosaaso ,qabiil ahaana ay ku badan yihiin Beesha uu ka soo
jeedo Col Cabdullahi Yusuf,isla markaasna gacan ka helaayay Xabshida
oo aad uga soo Horjeedo fikirka Col Xasan doonayo in uu ku gaaro
xukunka Soomaaliya oo isaga ah, Soomaaliya ha lagu dhaqo shareecada
Islaamka, taana waxaa la qabo ummadda Soomaaliyeed intooda
badan,wallow lagu kala duwan yahay qaabka loo marayo dhisida dowlad
dalkeena ku soo dabaasho ku dhaqanka dastuur ku xiriiro shareecada
Islaamka,. waxaase is weydiin mudan dagaalka xigo oo ay gacna badan
faraha kula jiraan, gacmahaas ha ahaadeen Dowladaha Deriska la ah
Soomaaliye,dhul Soomaaliyeedna xoog gumaysi ku haysto, ama dowladaha
waaweyn ee isticmaarigaa oo dalka Soomaaliya ka leh dana gaar ah,
amasa ha ahaadeen hogaamiyayaasha Soomaaliya oo aanan iyaga
badankooda lahayn ujeeda wadaniyeed oo Soomaali-weyn maanta ka
badbaadin karto mugdiga cusub oo ay lugaha la gashay.
Kumaa
ku guulaysanayo labada Korneel dagaalka ay isugu biratumanayaan, ma
Col Shikh Xasan Daahir oo markaan joogo deegaanka tolkiisa wallow
aynan fara badnayn qabiil ahaan kalsoonida uu beesha Hawiye ka qabo,
Sida uunan Col Cabdullahi Yusuf kalsooni badan uga qabin beeshiisa
hoose ee Harti ama isku wada duub beesha Darrood oo dhan.
Tan yaa
guulaysanayo waxaan u daynaynaa Zamanka iyo qadarka uu Ilaahey bado
ummadda Soomaaliyeed,Ilaahey ha na waafajiyo towfiiqda iyo wixi dan
u ah ummaddaan adduun iyo Aakhiro, amen.
Col
Cabdullahi Yusuf wuxuu dalka Soomaaliya ku leeyahay taariikh madow,
oo ay ugu horeyso mid uu isagaba afkiisa ka qirto, mar walbana uu ku
soo celceliyo ,in uu isaga yahay ninki ugu horeyay ee isku dayo in
uu xukunka Soomaaliye ku maroorsado xoog dabada ku haayo qabiil.
Waxaa kale oo xumaanihiisa ka mid ah in uunan ahayn
muwaadin toosan, waayo rabitaankiisa ku aadan in uu gaaro madaxweyne
Soomaaliyeed wuxuu u soo maray Dowlada Xabashida oo aanan iyada
marnaba ogalayn Soomaliya oo ay ka amba-qaado dowlad dhexe oo xoog
leh oo ka arrimiso arrimaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Col Cadullahi waxaa kale oo lagu soo eedeeyay falal dil ah
oo uu kula kacay shaqsiyaad waaweyn oo ixtiraam ku dhax leh Bulshada
Soomaaliyeed sida Suldaanki beeshiisa iyo kaaba qabiilki u danbeeyay
oo ay maleeshiyadiisa ku toogteen bartanka magaalada Baydhabo maalin
cad.
Col
Xasan Daahir Aweys isaga ma jirto xumaan toos ah oo loo yaqaan marka
laga reebo in uunan weligiis soo hadal qaadin, eedeyn iyo cambaareyn
ku aadan dhibaatooyinka ay geystaan maleeshiyaad ka soo jeedo
beeshiisa xoogna ku
haysto koofurta Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeedna ula dhaqmo qaab
aad uga xun dhaqanki gumaysiga caddaa ee soo maray dalka Soomaaliye.
Col Xasan
Daahir waa nin daboolan ,bareerihiisa siyaasadeedna aynan cadayn,
Col Xasan ma jjirto taariikh laga haayo meel uu ku gaaray darajada
Shiikh Islaami ah iyo meel uu kula takhasusay diinta Islaamka iyo
meel uu dacwa diineed kaga fidiyay dalka Soomaaliya, marka laga
reebo in uu mar walbo hadalkiisa ku adkeeyo siyaasad ahaan, waa in
dalkeena lagu dhaqaa shareecada islaamka ,taasoo ay dad badan u
arkaan in uu doonayo in uu xukunka Soomaaliya ku gaaro ku gambashada
diinta Islaamka gadaasheeda, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed tahay
ummad aad ugu dhegan diinteeda.
Col
Xasan Daaahir waxaa lagu xantaa in uu yahay xubin firfircoon oo ka
tirsan Xisbiga Al Itixaad
.
Xubin ka
ahaashada xisbi diini ah oo fakir gaar ah leh, khilaafna kala
dhxaeeyo xisbiyada diiniga ah ee isaga kala mid ah lahaashaha dana
gaar ah waxay ka hor-imaanaysaa ku tiirsanaashada dhabta ah ee
Xisbu-Allah(Xisbiga Ilaahey), waxay diinteena na bartay in ummadda
Islaamka ay aakhiro zamaanka u qaybsamaeyso 71 Firqo ama Xisbi ,waxaana
najaxaaya oo kaliya Xisbu-allah(Xisbiga Ilaahey).
Labada
Korneel mid walba wuxuu wataa siyaasad cad oo uu doonayo in uu
awoodiisa kaga hirgeliyo dalka Soomaaliya.
Cabdullahi
Yusuf wuxuu wataa Xabashi iyo maleeshiya uu kala yimid Puntland ,
uuna ku sheegay in ay yihiin ciidanki Dowladda ,sidaas ayuuna ku
doonayaa in uu ku qabsado waddanka Soomaliya.
Col Shikh
Xasan Daahir wuxuu wataa Dalkeena waxaan ka hergelinayaa.Diinta
Islaamka ,waxaana ciidan u ah maleeshiyada Beeshiisa iyo inti la-qabto
oo rumaysato in Col Xasan ay ka dhab tahay diintaan u adeegayaa,
idinkuguna adeegayaa.
Labada Korneel waxaa horyaal tiro fara badan oo jidgooyo
ah, aadna u kala duwan.
Col Cabdullahi Yusuf waxaa horyaal xamar oo uu nabad ku
galo ama xoog ku galo Hawiyana raali ka yahay.,waana il iyo dheg oo
isgaaro sida aynan suurtagal u ahayn..
Col Xasan Daahir Aweys waxaa horyaalo Hawiye oo caada ka
dhigtay ka hor imaanshaha wiilashiisa ha samaado wiilkooda ama
ha xumaadee.
Soomali oo dowlad hesho waxay lugaha la gashay
mugdi madow oo gudcar ah waxaana
mugdigaas looga bixi karaa helitaanka hogaamiya ka madax banaan dana
gaar ah, qalbigana ku wato fikir nadiif ah iyo in uu u adeego
ummaddiisa si daacadnimo ah oo ilaahey Raali ka yahay.
25/06/2006
Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
-- Moallem10@hotmail.com