By Yaasiin Maaxi –
Scandanevian, Sweden maaxi@hotmail.com
Qarni cusub iyo
qiiro qabiil
Inta
aanan u gelin nuxurka maqaalka waxaa ila haboon inaan
marka hore qeexo mawduuca aan ka hadleyo, iyo inaanu
mugdiga ka saaro ereyo dhawr ah oo dadka qaarkii marar
badana isku murgiyo macnahooda. Aanu isweydiinee Waa
maxay qabiil? Waa maxay qabyaaladdu?
Markaa kuwaa u helno macno ayaan dhex geli karnaa
mawduuca aan maanta ka hadleeyo.
Illaaheeysw
wuxuu quraanka kariimka ah ku yiri:
”Dadoow
waxaan idiinka abuuray lab iyo dhidig, waxaana idiinka
yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsataan,
ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku
dhawrsasho badann Eebe wax walbo waa ogyahay”49:13
Waa
maxay qabiil?
Qabiilku
waa koox bulsheed ka kooban jilibo iyo qoysas ka
sameeysmay jiilal kala duwan.
Culimada
cilmiga dadka waxey ku qeexeen qabiilku inuu yahay
isu-taga xaymo dad ah oo wadaaga af, caado, dhaqan iyo
dhul gooniya kaasoo ka soocaya qolooyinka kale halka aay
dadyowga ilbaxay mabaadi`ida danahooda ku saleeysan aay
isku hayaan kooxaha.
Waxaa
laysku raacsan yahay hanaankii qolooyinku inay si
aada uga cirib tirmayaan meeraha dhulka, ilbaxnimada
ayaana ku qaaday dagaal xoog leh oo meel mara. Hadii
xitaa meelo aduunka ka mid ah aay ku hareen waxaa loo
aqoonsan yahay inay tahay meel aduunka aad uga danbeeyso.
Si
kastaba arintu ha ahaatee waxaa leysku raacsan yahay
qabiiku inuu yahay nidaam bulsheed ka mida heerarka
taxanaha ahaa ee tariikhdu ka soo gudubtey.
Waa
maxay qabyaalad?
Qabyaalad
waa dareen qolonimo iyo u daacad ahaansho ka sad-bursiga
iyo dulmiga dadka intiisa kale……. Hadii si kale loo
yiraahdo qabyaaladdu
waa lahaansho cadiifad ku saleeysan magac qabiilka
taasoo aan jirteen hadii qofku uu ku xisaabtamaayo
faaa`iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku
kaacyo asagoo meel iska dhigaayo cadiifada
oo caqliga ku tiirsanaayo.
Waxaan
ku soo koobi karnaa qabyaaladdu iney
u dhega nugushahay xumaanta oo aanay wanaaga
maqlin, iyo iney indho la`dahay, taas waxaa u sii dheer
iyadoo qabyaaladdu samaysmata
marka xumaati jirto oo dadka mideeysa oo isu
keenta, marka colaadaa dibada ka timidna dhamaato
qabiilku wuu kala baxaa oo isagaa dhexdiisa isa sii
colaadiya.
Abuuritaanka
qofka lagu abuuro cadiifada lahaanshada qabyaalada ayaa
waxay bilaabataa marka uu ilmaha Soomaaliga ahi
qiyaastii seddex sano jiro, markasoo lagu bilaabo in la
baro taxanaha magacyo laga bilaabay magaciisa ilaa
labaatan ama soddon magac oo midba mid dhalay, lana
yiraahdo
Abtirso
ilaa
hada cidna isma weydiin ilmaha yar maskaxdiisu soo
koreyso ee u baahan in la baro waxyaabo anfaca oo maxaa
loogu horeeysiiyey taxanaha magacyadaas aanu wareerka
meehee wax kale laga heleyn.
Waxaaba
taas ka sii daran magacyadaa la taxo qofka ugu tirsiga
dheer waxaa la yiraahdaa
LAAN
DHEERE
waana darajada ugu sareysa ee qabyaalddu bixiso.
Talaabada kale ee la qaado si maskaxda cusub loogu
talaalo geedka qabyaaladda ayaa waxay tahay in
la`aamaano qoladiina lana dhaliilo qolooyinka kale si
maskaxdaasi ay diyaar ugu noqoto u hogaansanaanta
aragtida dadka magaca qabiilka adeegsada.
Qabyaaladdu
waa mada`a keliya ee kala bara dadka islamarkaasna aanan
aqoonsaneyn jiritaanka haweenka. Dastuurka
qabyaalada ah ee Soomaalidu ma aqoonsana jiritaanka
haweenka Soomaaliyeed oo aay ku jirto hooyadaa
gacaliso, walaashaada aad jeceshahay, xaaskaada
aad nafta qaybsataan iyo gabartaada naxariista
badan hadii aad nin tahay hadii aad
dumartayahna adiga ayeyna ku aqoonsaneyn dastuurka
qabyaaladdu waayo?
Marka
tiro la sheegaayo waxaa la yiraahdaa intaas oo nin baa
hebel ka tafiirmatay, lakiin lama sheego haweenka; waayo
maxeey galabsadeen? maxeeyse kaga duwan yihiin
wagii casri jaahiliga ee carabtu gabdhahooda
xabaali jirey maadaama haweenkeenu oo nool aynu
dafirsanahay inkirsanaha jiritaankooda.
Yaa
abuura qabyaaladda xumaanteeda?
Mar hadii aaynu
isla garanay in qabyaaladdu ay tayahay cadiifad
dhalanteed ah. Hadaba su`aasha waxay tahay Yaa abuura?
Yaa adeegsada? Maxaa lagu falaa? Yey wax u tartaa
qabyaaladdu?.
Baaritaan
iyo u kuurgal lagu sameeyey in la ogaado kuwa ay yihiin
dadka qabyaaladda isticmaala ama abuuraa aayaa lagu
ogaaday arimaha soo socdo:
kow
qabyaaladda caadifadeeda waxaa abuura qof aan lahayn
- Aqoon
- Farsamo
- Karti
- Kalsooni
iyo
Dadnimo uu kaga qeyb qaato tartanka nolasha,
taasoo u sahlisa inuu ku dhuunto humaagii
dhalanteedka ahaa aynu soo sheegnay. Dadka
xirfadaha sarre leh ayaa ugu qabyaalad yar dadka
Soomaaliyeed. Waayo? Wexey og yihiin ineey
xirfadahoodu ku meel mari karaan.Si aad u xaqiijiso
iney abuuraan kuwa ka gaabiyey geedi socodka nolosha,
Abuuritaanka
iyo abaabulka cadiifada qabyaaladda waxaa iyana loo
aanaynayaa dadka ka gaabiyey hayaanka nolosha iyo kuwa
ka saaqidey ama ka dhacay imtixaanka tartanka jagooyinka
banaan ee nolosha. Kuwaasoo u arka sida kaliya ee ay ku
noolaan karaan iney tahay ku dhuumashada humaaga
dhalanteedka ah ee qabyaalada ee aan lagaranay bar-bilaw
iyo bar-dhamaadkiisa.
Waxaa
kale oo iyana abuura kuwa danbiyada geysta ee
doonaya inay ka dhigtaan gabood laga hoos galo sharciga
waxaaney dadkaasi wadankeena ku bateen sanadihii ugu
danbeeyey ee ay sii tukubeeysey dawladii la riday iyo
waqtigaan faro-ka baxa ah ( dawlad la`aanta.)
Diinta
islaamka maxeey ka tiri qabyaalada iyo qabiilka
Diinta
islaamku waxay qabyaalddu u bixisaybo ”Casabiya
jaahiliya”
Alle
weyne kor ahaayey wuxuu
quraankiisa kariimka ku yiri:
”Dadoow
waxaan idiinka abuuray lab iyo dhidig, waxaana idiinka
yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan,
ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku
dhawsan”49:13
Aayadaas
quraanka ahi waxay inoo sheegeysaa ujeedada keliya ee
dadka qabiilooyin iyo shucuub magacyo kaliya looga
dhigay iney tahay aqoonsi aay isku aqoonsadaan oo kali
ah. Isla aayada qeebteeda danbe Ilaaheeysw
waxaa uu ku cadeeynayaa in qofka magacyadiisa iyo
abtersiimadiisa inaanay qofna siineeynin darajo iyo
sumacad midnaba ee sharftu Ilaaheeysw
agtiisa waxey ku xiran tahay camalka qofka sameeya
taasoo digniin u ah dadka si ay isaga ilaaliyaan is-xaqiraada
iyo is-weyneynta magaca qabiilka ku dhisan taas oo hoos
galeyso qeexida qabyaaladda ee ahayd ka sad-bursiga
dadka intiisa kale.
Hadaba
aniga waxaa ila quman oo ila haboon in lakala saaro
qabiil iyo qabyaalad
qabiilku
waa nidaam bulsheed uu Illaaheeysw inoo
jideeyey, waana inaan u
argnaa ururo rabaani ah oo looqeybiyey
shacabka,islamarkaasna laysku aqoonsado.
Waxaa
ila wanaagasan in qabiilka loo sameeyo xeerar qoran oo
cad cad kaasoo tilmaamaya ujeedooyinkiisa, waajibaadkiisa
iyo waxqabadkiisa isla markaana ku tiirsanado
shareecada islaamka iyo xeerarka wan-wanaagsan oo la
xiriira kan aay ummadu leedahay.
markii
loo sameeyo qabiilka nidaam cad ama lagu hago dariiq
fiican, hadii uu keeno iska hor imaad weey fududaanaysaa
in lala xisaabtamo.
Sideedaba
harqaanluhu qofkastaa cabirkiisa ayuu dharka u tolaa,
hadaba shacabka soomaaliyeed waa in loo helaa nidaam ka
taliya aayatiinkooda, hadii kale waxaa dhaceeysa dhar
aaysan lahayn in ummada soomaaliyeed lagu dirqiyo taasoo
keeneeysa fadeexad iyo qaawanaan.
Maki
Xaaji banaadir
woxow yiri isgoo mushtamiciisa la hadlaayo.
Magaceena
soomaali
mushtamaceena
islaam
mawaadiniinta
dadkeena
midab
oo kala sooco
mabda`
oo kala qaado
meesha
iigama muuqato
midigteena
kitaabka
mahuraanka
islaamka
iyo
mowqifka diinta baan ku mideeysanehee
waxa
meesha iiga muuqda
oo
masiibada keenay
iyo
macaluusha kordheeyso
maamul
iyo kursi waaye
muran
taa kama joogtee
maanka
hanoo taliyo
maskaxdana
ha shaqeeyso
in
soomaali maseerto
midnimo
loo hanqal taago meesha waa ku jirtaa
wamal
xayaatu-dunyaa ilaa mataacul quruur.
Allaa
wax og!
By Yaasiin Maaxi –
Scandanevian,
Sweden maaxi@hotmail.com