Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Ow Shikh Sharif, Nin Bartay In Uu Koro Geed Xun, Ma Yaqaan In Uu Koro Geed Fiican, In la Baro Maahine

By : Abdallah Moallim Mahamud  moallem10@yahoo.com

August 09-2006 

Magaalada Muqdisho oo uu xaalkeeda mar kale galay murugo iyo mugdi hor leh ,Muqdisho oo aanan hanan maamuuski uu mudnaa maqaamkeeda, Muqdisho oo lagu xaalmariyay maamul howshiisa socoto oo aanan la aqoon meel uu amarkiisa ka soo bilowda iyo meel uu ku dhamaado.

Beryahan waxaan shaki ku jirin in ay Magaalada Muqdisho ku degaynayso nabad, dadkeedana ay aad ugu faraxsan-yihiin nabadaas, laakin dhinaca kale waxaa la iska weydiinayaa, yaa nabada u diiday muqdisho kolki horaba, nabadaansa ma u muuqataa mid sii soconayso marka aad hoos fog u fiiriso qaabka ay howsha Maxaakimta u socdaan, waxay iyadana dadka Xamar iska weydiinayan  su'aal hor leh oo la xiriirto maxaakimta, inta aanan hoos u dhigin meesha uu hiigsanaayo qoraalkayga waxaan jeclaystay in aan macnaha Maxaakimta si gaar ah uga war bixiyo.

Maxaakimta waa Eray labane ah,macnaha waa in ay muqdisho ka jirto Maxaakim tiro iyo laba ka badan, Maxaakimtaas oo mid walbo oo iyada ka mid ah uu ka taliyo wiil ka soo jeedo beeshu uu ka soo jeeday Mooryaanki laga adkaaday, lagalana wareegay goobtaas iyo hubki yiilayba, macnaha guud waa Mooryaanki oo lagu bedalay Shikh isaga ku qabiil ah,laguna wareejiyay hogaaminta wiilal bah kaliya ka soo wada jeedo, maskaxdoodana ay weli ka guuxayso maslaxadi reerkiina xagee ku jirtaa, ma sidan, masa sidi hore, misa si ka wada duwan qaabka maamulka guud ee Maxakimta loo furdaaminayo oo weli huwan, Maradi Qabiil duulaan ku ah in ay si gaar ah u maareeyaan xoollihi ka dhaxeeyay ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Waxaad maqlaysa Deggadi waa la furay ,Garoonka Diyaaradaha waa la furay,waa xaqiiqo waa la furay ,howshoodina waa bilaabatay, ha la furee, lacagta laga helo ama canshuurta laga qaado goobahan iyo gooba kalaba, yaa laga weydiinayaa ,yaa la xisaabtamayo madaxda loo dhiibay goobahaas, khasnadee lagu shubayaa  lacagaha laga helo goobahaas aan kor ku soo sheegay iyo gooba kalaba, khasnadaas ma mid dowladeed-baa ,ma mid xisbiyeed-baa, misa waa khasnad u gaar ah Maxaakimta aanan weli la kala aqoon madaxooda iyo majahooda, Su'ashan ruuxi aad weydiiso wuxuu ku leeyahay waxaa laga weydiinayaa Maxaakimta ,laakin halkaas waxaa ku jirto, Maxaakimta iyaga yaa ka masuul ah, ma Sheikh Shariif Shikh Axmad, misa Col Xasan Daahir Aweys, misa Indhacade oo taagan goob walbo, indhana u ah qabqalayaasha (Cusmaan Caato, Seeraar, Cirfo, goobaale iwm) madaxa loo salaaxo ,cadaalada uu kitabka Ilaahey farayna aanan iyaga weli loo adeegsan in lagu xakeemeeyo dhaqan xumida ay kala mid yihiin qabqablayaashi lagu jebiyay kitaabki Ilaahey ayaan kor u sidnaa. 

Shikh Sharif oo isaga hantay kalsoonida  shacabka soomaaliyeed iyo tan bulsha weynta aduunka ,run ahaatiina khudbadihiisa laga aqrisan karo in uu daacad ka yahay, in dalka soomaaliyeed lagu soo dabaalo cadaalad, sinaan iyo wada shaqayn soo celiso sharafki ummadda Soomaaliyeed oo in mudda ahba lagu bahdilayay annaga oo reer hebal ah miyaa reer  hebel noo talinayaa.

Shaki kuma jiro kartida Shiikh Shariif uu banaanka ula soo baxay iyo in uu hadaladiisa wacan u beddali karo fal wacan oo ummadda soomaalyeed ku rayrayso ,laakin waxaa shacabka Soomaaliyeed ku soo rogmaday daad culus oo ay su'aalaad cad ka weydiinayaan shikh Sharif. waxaana suaa'aalaad ka mid ah, ma adiga ayey kaa timid, misa wada tashi ay xubnaha golooyinka Maxaakimta gaareen ayey ku timid ,haddii ay tan danbasa ku timid yaa soo jeediyay in mareeyaha Deggada, maamulaha Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxa Amniga ee maxaakimta oo iyaga ka soo wada jeedo reer kaliya loo magacaabo maareynta goobahan aan kor ku soo sheegnay, oo iyaga ah isha laga dheehsan karo qaabka ay u socoto howsha Maxaakimta, ma mid wacanbaa misa waa mid ka tarjumayso qaar badan oo ka tirsan bulshada soomaaliyeed shaki badan oo ay ka qabeen in ay maxaakimta dhab ka tahay kitaabka Ilaahey oo ay kor u qaadeen, jawaabtan waxaan u deynaynaa Shikh Shariif iyo wadaadada sidiisa lagu sheegay in ay daacad ka tahay howshan wacan oo ay u istaageen ,waxaansa mar kale Shikh Shariif weydiinaynaa, Indhcade isaga ma ka tanaasulyay madaximada Shabeelada hoose oo uu xoog ku haysto ,haddii uusan ka tanaasulinsa, sidee isugu wadaa howsha magaalada Marka oo iyada Xamar u jirto sagaashan Km iyo howsha ay u magacaabeen Maxaakimta Muqdisho oo Muqdisho joogo.

Ma rabo in aan ku dheeraado qoraalkan, laakin waxaan Shuyuukhda Xamar ka kacday ka sugaynay, welina ka rabnaa in ay ku tilaabsadaan sidi ay ummadda Soomaaliyeed ugu horseedi lahaayeen ka gudbida qabyaalad, dhaqan xumo, ku tagrifalida xoolo ka dhaxeeyo ummadda oo dhan, qabqable weli isbaaro u taalo, laguna sheegayo in uu yahay madaxi amniga ee Maxaakimta .

Ow-shikh Sharif, meel ma wada gasho xumaan iyo samaan,lagamana yaabo in uu hergalo haddalkaadi wacnaa oo aad ka sheegtay staadiyaha Muqdisho, tan iyo inti howshiina ay ka wada muuqato fal baadil ah o ay ku kacayaan koox aad ku sheegteen in ay idinka mid yihiin iyo hadalada idinka soo yeerayo  qaarkood oo aad ka dheehan karto karti wacan ,rabitaan ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dadka oo u sinaado waxqabadka wadankeena.

Ow-Shikh Shariif ,Shacabka Soomaaliyeed intiisa badan waa idinla safan yihiin, inti ay weli howshiina ka muuqato illalinta danta guud ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed,sidaa darteed howshiina dedejiyo, idinka oo ku dhaqsanayo in aad naga daysaan Shikh hebel wuxuu ka taliyaa Maxkamad ku taal xaafad ay ku badan yihiin reerkiisa,waxaan uga jeedaa waxaa la idinka rabaa danta ummaddeenana ku jirtaa, mathalan Sheikh Abuu-qutayba oo kaaraan maxkamadeeda ka arimiyo iyo shiikha Kaaraan joogo oo ka arrimiyo Maxkamada Furqaan ama Ifka Xalane ,iyo tan Ifka Xalane iyo Furqaan, shuyuukhda joogto oo iyagana ka arrimiyo Dayniile iyo Madiino.

Taa waxay ka tarjumayso in maamulkiina uunan qabiil shaqo ku lahayn ,iyadana waa in laga gudbaa indhacadde teknida daba ordayso  ,wiilasha saran waxay ka soo wada jeedaan hal reer ,waxaan uga jeednaa waa in aad sameysaan xoogag isku dhafan oo ka amar qaato nin aqoon u leh maareynta xoogag hubaysan ,hogaamiyahaasna waa in uu ahaadaa mid aanan lagu soo xulin qaabiilka uu ka soo jeedo awooda uu leyahay,waana in uu ahaado nin u diyaarsan la shaqaynta Maxaakimta.

Haddii aadan si dhaqsiya ugu tilaabsan howlaha la-idinka rabo oo aan kor ku soo xusnay ,howshiina waa hal bacad lagu lisay ,waa mid aanan ka duwanayn, howshi qabqablayaashi ma gudbayaasha ahaa, howshoodana ka gudbiweysay isbaara u dhigashada xaasaska iyo caruurta reeraha ay ku doodayeen in ay danahooda ku maqan-yihiin.

Ow Shikh Sharif, nin bartay in uu koro geed xun ,ma yaqaan in uu koro geed wacan in la baro maahine.   

Fiira gaar ah, DFKM iyada kuma aanan soo qaadan maqaalkan, waayo horaan uga hadalanay in ay tahay dowlad faashil ah, annaga oo taa sabab uga dhignay qaabka sideedaba  loo soo unkay ama loo soo dhoodhoobay.

Taas ayey maanta waxay u dheer tahay in ay ku habsaantay xalinta khilaafyada soo kala dhaxgalo xubnaha madaxda ka ah hay'adaha u sareeyo golayaasheeda oo aanan lahayn dhamaad. 

Waxaa intaasba ka sii daran in arrimaheeda laga furdaamiyo magaalada Adis, dalka Xabshida oo ay  iyaga nagala dhaxeyso cadowteeyo soo jireen ah, welina aanan loo helin wax xal ah.06/08/2006

Abdallah Moallim Mahamud

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul