Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Cadawga Soomaalida Ee Maanta Waa Milis Sanaawi, Col Cabdullahi Yusuf iyo Aabihi 4.5 Dr Cabduqaasim Salaad

By: Abdallah Moallim Mahamud  -- Moallem10@hotmail.com

Cadowga koowaad ee Soomaalida maanta, waa Tigreeda ku howlan adkaynta gacan ku haynta  halbowlaha maamuulka dhexe ee dowladda Xabashida. waa tigreedaase ,waxay Soomaalida dhulkeeda iyo dadkeeda ku darsadeen ajndayaashooda axmaqnimo oo ay doonayaan in ay ka sii mid ahaato, asbaabaha ugu horeeyo oo ay kaga gun-gaari karaan, gacan ku sii haynta awooda maamulka dhexe ee dalka Itoobiya ,waxayna taa u mareen shaqsiyeed Soomaaliyeed oo nufuustooda aad u liidato, damiirkoodi waddaninimana ku bedeshay gadashada dalkooda iyo danaha dadkooda, dana ku jiro gees ciriiriya awgood . shaqsiyaadkaas waxaa ugu magac dheer madaxda DFKM Col Cabdullahi Yusuf, wsiirka kowaad Prf Geedi, guddoomiyaha golaha Barlamaanka Shariif Xasan iyo xubna kale oo badan oo ka tirsan DFKM iyo golaha barlamaankaba, shaqsiyaadkan waa kuwa weli  la soo taagan, dalka ha soo galeen ciidamo shisheeyo oo ay hormuud u yihiin ciidan ka amarqaato Tigreeda ku habsaantay ilaalinta sii jiritaanka xukunkooda ka arrimiyo waddanki mar loo aqooni jiray libaaxi Afrika (Itoobiya).

     Caowdga labaad ee Soomaalida maanta, waa laba shaqsi oo meela badan isaga eg (iska shabaho), waana Col Cabdullahi Yusuf madaxweynaha dowladda lagu soo dhoodhoobay Mabagathi ee dalka Kenya iyo Madaxwenihi hore ee Dolwladi Carte ama Aabihi Asaaska 4.5 ee iyadana lagu soo dhoodhoobay magaalada Carte ee dalka Jabuuti. labada dowladood oo ay labadan nin dalka la yimaadeen,labadaba ku imaan wada xaajood si-sax ah u dhax maray ummadda Soomaaliyeed ee waxay ku yimaadeen gacan ku rimin ay ka danbeeyeen dowladda dana gaar ah ka lahaa dalka Soomaaliya.

  1)Col Cabdullahi Yusuf iyo Dr Cabduqaasim, waxay labadaba iska shabahaan in ay yihiin kaaba qabiilo aanan la xishoon ku dhaqanka qabyaalada Ficil iyo hadalba.

  2) labadaba waxay weli ku sii dhegan-yihiin wixi Soomaliweyn kaga dhiidhisay Rejiimki Siyaad bare oo ahaaa, in halbowlaha maamulka dalka gacanta ugu jiro beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo iyada maanta ah  sababaha ugu weyn ee dalkeena burburka ka geystay.

  3) in labadaba ay dalka keeneen dowlad xambaarsan qorshihi isticmaarka ku doonayay in dalkeena iyo dadkeena lagu kala furfuro oo ahaa, qeybi oo xukun ,waxaana arrintaas saldhig looga soo dhigay 4.5 oo labada ninba dalka iyo dadkaba soo dhax dhigeen si aanan ganbad lahayn.

 4) waxay labadaba yihiin, rag ka arrimiyo si dadban iyo si toos ahba maleeshiyaad qabiil oo xoog joogo deegaano aynan asal ahaan ka soo jeedin.

5) labadaba waxay isaga mid yihiin ma quustanimo iyo cudurka madxnima jacayl oo ay u maraan dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed iyo dalkooda.

6) labadaba waxay isaga mid yihiin In Col Cabdullahi Yusuf si bareer ula soo taagan yahay in dalkeena Xabashi ku yeelato nufuud(awood wax ka dhihid arrimaha dalka) ,haddii uunan ogalaynba in ay dalka oo dhan qabsato, iyadana ka arrimiso dowlad ahaan. halka Dr Cabduqaasim uu isaga si dadban ugu adeego Tigreeda ka arrimiso dalka Xabashida, maadaamo uu ku dhax jiro falal xabashida farxad geliyo goor-walba, sida guushi Maxaakimta ka gaareen magaalada Muqdisho in uu ku dhax qariyo qabyaalad sabab u noqon karto burbur ku yimaado iftiinki Soomaali kaga dilaacay magaalada Muqdisho ,dad badan oo Soomaaliyeedna  ku soo nooleeyay rajadoodi ahayd in ay Soomaalida leedahay hogaamiyayaal ku horkici karo diintooda suuban ee islaamka iyo cadaalad soo celiso kala danbaynti iyo maamul waddanka oo dhan ka arrimiyo.

  Raggan waxay isaga mid yihiin waxyaaba badan oo aanan qoraal kooban lagu soo koobi karin ,jirada isku mid ahaanshahoodana, waxaa asaas u ah ku dhaqanka qabyaalada iyo damac xukun jacayl oo aad xun, oo ku riday indha-la'aan,dhega la'aan ka hor istaagtay in ay gartaan qiraa'ada toosan ee siyaasada Soomaalida iyo sida xal waaro looga gaari karo, xal u helida arrimaha murugsan ee Soomaaliyeed.

    Cadowga Saddaxaad ee Soomaalida Maanta, waa Saxaafada Soomaaliyeed oo intooda badan  xorriyada saxaafada u aqristay in ay tahay fulinta dana gurracan oo aanan marnaba ka tarjumayn, qaabka ugu habboon ee ummadda Soomaaliyeed loogu soo bandhigi karo in ay ka guuraan is-qabqabsi macna-darra ah, una guuraan dalkooda oo mar kale cagaha dhulka la helo ,kana gudbo hogaamiyayaal isku haysto dana gaar ah ,una gudbo hogaamiyayaal isku diidan si xornima ah oo ka madaxbanaan far-isku-taag qaabka wacan ee dalkeena ugu tilaabsan karo in uu ka koro dhan walbo sidi arrimaha diinta, siyaasada,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshaba.

    Cadowga Afaraad ee Soomaalida Maanta, waa faragelin shisheeya oo aanan loo meel dayin ,dhan walbana naga soo weeraratay, iyada oo faragelintaas inta badan loo adeegsado farsamooyin badan oo ay ugu horeeyso adeegsiga  shaqsiyaad dhuuni raac ah  oo loo soo dhiibo hay'ado magacya kala duwan leh , intooda badanna xambaarsan magac muuqaalkiisa  ku cajibiyo ,fikirka ka danbeeyo iyo ajandaha u qarsanna ay yihiin burburinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,kana soo horjeedo Soomaali xor ah, .dalkoodana xor u ah ,diintoodana  xor u ah.

    Waxaa jira cadow shanaad,lixaad toddobaad iwm ,cadowyadan dhamaan waxaa cadow ku ah ka adkaashada afarta cadow ee aan maqaalkan ku soo qaadanay ,sidaa darteed waxaan maqaalkan ku soo koobay tilmaanta  afarta cadow ee Soomaalida maanta si xoogan uga hor'istaagan in ay Soomaali mar kale dhulka la hesho cagaheeda iyada oo xor ah.

    Su'aasha xaqiiqada ah ee Soomaalida maanta hortaal, waa sidee looga koraa ,loogana gacan koreeya cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed

    Jawaabta su'aashan waa mid aanan dhib badayn, haddii lala yimaado niyad saafi ah, kana madax banaan danaysi gaar ah ,kuna dhiiran soo bandhigida xalka Soomaalida in uu maanta ku jiro ku dhaqanka shareecada Islaamka. Sidaa darteed waxaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ,gaar ahaan kuwooda sida aadka ah, aqoon ugu leh diinta Islaamka ka codsanayaa in ay ku dhaqaaqaan wacyi gelinta ummadda Soomaaliyeed iyaga oo xambaarsan xikmad iyo caqli suuban, aadna u tixgelinayo in uu maanta aduunyada ka jiro iskudhac diimeed iyo mid xadaaradeed si aanan qarsanayn.

   Jawaabta sua'shan iyadana waxaa hogaamiyayaasha isutagga Maxaakimta Soomaaliyeed  ugu baaqaynaa ku dhiirashada kala saarida, Khayr iyo Shar ,Xalaal iyo Xaaraan waxaan uga jeedaa si howlahiina dalka oo dhan u gaaraan, waa in aad kala daysaan wadaad iyo mooryaan wada shaqaynaayo ,waxaad ku dhiirataan dhaqancelinta mooryaanta idinku dhax jirto, xitaa haddii ay yihiin kuwa ka amarqaato rag aad abaal uga haysaan in ay dowr wacan ka qaateen kacdoonki lagu jebiyay qeyb ka mid ah qabqablayaashi hortaagnaa reer Muqdisho mudda dheer. 20/09/2006

Abdallah Moallim Mahamud  -- Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul