|
Soomaaliyeey
Aan Dhan Uga Soo Wada Jeesano Xabashi Iyo Wixi La Socdaba
By:
Abdallah Moallim Mahamud
-- Moallem10@hotmail.com
Dadka
Soomaaliyeed meel
walba oo
ay joogaan waxay
aad u soo
dhoweeyeen nabadda
ka islaaxday (curatay)
magaalada Muqdisho
iyo deegaanada
ku xeeran
oo lix
iyo toban
sano oo
la soo dhaafay
ahayd xarunta
qabqablayaal dagaal
oo ay nolaoshooda
ku tiirsanayd,
miirashada dhiiga
maatidooda, u adeegida
danaha gurracan
ee cadawga
ummadda Soomaaliyeed,
ka shaqaynta fogeynta
kalsooni dhaxmarto
ummadda Soomaaliyeed
dhaxdooda iwm.
Dhinaca
kalana, Soo
dhoweynta nabadaas
keddib, waxay
ummadda Soomaaliyeed
si aad
ah, ugu hanqaltaagayaan
cadaalad lagu
dhaqmo oo
xidido adag
u yeesho nabadda
la helay, isla-markaasna
nabadda gaarsiiso
dalka Soomaaliyeed
intiisa kale, waxayna
si aad
ah ilaahey uga
rajeynayaan, in dalkooda
iyo dadkooda
xor u ahaadaan
ku dhaqanka
shareecada islaamka
sida ay tahay
oo uu
na baray
Rasuulki Ilaahey
Moxamed ibnu
cabdullahi NKHA.
Guushaas ummadda
u soo hoyatay,
waxay dadka
Soomaaliyeed intiisa
badan ka dharagsanyihiin
in ay tahay, mid aanan
ku imaan
qorshaha kooxda
Isutagga Maxaakimta
Soomaliyeed oo
iyaga hadda
hormuud u ah, adkaynta
nabadaas sida
ummadda ka sugayso,
balse waxaa
nabadda Muqdisho
lagu helay
towfiiq xumo
uu Ilaahey
ku riday
qabqablayaashi dagaal
ee Muqdisho,
oo iyaga
si aanan
ganbad lahayn
u iclaamiyeen
(kor-u-sheegeen)
la dagaalanka Ilaahey,
Rasuulkiisa Moxamed(NKHA),
Diinta Islaamka
iyo Culamadi
u taagnayd kor
u qaadida tayada
aqooneed ee
ummadda Soomaaliyeed
xagga diintooda..
Aan hordhac
keddib u soo
noqono hadafka
Maqaalkan oo
isaga ah, sideen
diinteena ugu
dheganaanaa ,nabadda
Ilaahey na
siiyana aan
Ilaahey ugu
shukrinaa ,cadawgana
isaga dhicinaa,
munaafiqiintana isaga
qabanaa
Inta aanan
u guda gelin,
tilmaanta aan
guul kaga
soo hoyn
karno
(Soomaali
ahaan) ififaalaha
dagaal ee
beryahan ka aloosan
geeska Africa oo
isaga weji
badan leh,
waxaan rajeynayaa
in aan horta
tilmaan ka bixiyo
Milis
Sanaawi, madaxweynaha
dowladda Itoobiya
dagaalka uu
iclaamiyay, yuu
ku jeedaa
,maxaysa ujeedadiisa
tahay, maxaasa
isaga shaqsi
ahaan ku
qasbay in uu
dagaal ku
qaado dalki
ku kaalmeeyay
gaarista in uu
gacanta ku
dhigo saldanada
itoobiya.
Dagaalka uu
iclaamiyay Milis-Sanaawi
in uu ku
qaadayo isutagga
Maxaakimta Soomaaliyeed
wuxuu runtiisa
ku jeedaa
dalka iyo
dadka Soomaaliyeed
meelwalba oo
ay joogaan ,kana ay
mid tahay DFKM uu
isaga ku
andacoonayo in uu
ka difaacayo Maxaakimta.
Waxaana xaqiiqada
hadalkan sal
u ah
Ka
hor inta
aynan Muqdisho
ku dhicin
gacanta maamulka
Maxaakimta, marnaba
Milis-Sanaawi lagama
maqlin in uu
dagaal ku
qaadayo qabqablayaashi
fadhiyay magaalada
Muqdisho, kana soo
horjeeday DFKM in la gaarsiiyo
dalka intiisa
kale, waayo wuxuu
ka dheragsanaa, xaqiiqadana
ay tahay in hogaamiyayaashaas,
dhab ahaan
uga shaqaynayeen
si toos
ah iyo si
dadbanba, danahiisa
ahaa in aynan
Soomalida mar kale lugahooda
ku istaagin,
inta dowlada
Itoobiya ka gaareyso
gacan ku
dhigida halbowlaha
dhexe ee
maamulka Somaaliya
guud ahaan,
iyaga oo
ay howshaas u mathalayaan
hogaan Soomaaliyeed
ee awaamirta
ka qaato magaalada
Addis-Ababa.
Melis-Sanaawi
in uu Maxaakimta
dagaal ku
qaado waqtigan,
Ujeedadiisa ma'ahan
neceyb gaar
ah ee isaga
u haayo Maxaakimta,
wallow ay hubaal tahay
in uunan jeclayn
diinta Islaamka
iyo dal
deris u ah dalkiisa
oo lagu
xukumayo diinta
Islaamka, haddana
xaqiiqada iyo
runtaba waxay
tahay arbushaad
uu doonayo
in uu ku
sameeyo, in aynan
Soomalida fursad
u helin, koox
soo celiso
dalkooda iyo
dadkooda oo
xor u ah in ay is-maamulaan,
kooxdaas ha ahaato
mid la wada raacsan
yahay ama
la diidan yahayba.
Milis Sanaawi
maxaa ku
qasbay in uu
ku abaalfuro
ummadda Soomaaliyeed
oo iyada
sabab u ah in ay gaarsiiso
kursiga uu
maanta ku
fadhiyo, jawaabta
su'aashan ,ma'ahan
mid meel fog laga
doonayo, waayo
nacaybka uu
isaga u qabo
Soomaalida waa
mid soo jireen
ah oo ay la qabaan
siyaasiyiin badan
oo Itoobiyaan
ah , oo hubo
ummadda Soomaaliyeed
in aynan marnaba
si sahala
uga hareyn
dhulka ka maqan.
Sidaa darteed
wuxuu ogyahay
in uunan ku
dhiiran Karin ka hor-imaadka
dowlad Soomaaliyeed
oo dadkeeda
ku dhisan,
kol haddii
uunan gacan
ku yeelanayn
maamul ka arrrimiyo
dalka soomaaliya
,dhicidi Maxamed
Siyaad keddib(allah
ha u naxariistee), haddii
uunan taa
yeelinna wuxuu
qabaa, kuna
jiifaa in xukuumadiisa
dhicideeda laga
soo abaabulayo
magaalada Muqdisho..
Markaan u soo
noqdo yoolka
maqalkan, waa
waajib na
saaran in aan
isku baraarujino
difaacida dalkeena,
annaga
oo arrinta
ka fiirineyno xaalada
taagan ,meelna
iska dhigayno
si ku
meel gaar
ah khilaafaadka ku
salaysan qaabka
uu ahaanayo
xukunka waddankeena,
yaa xukumayo
iyo hadalada
ah, maxaakimta waxaa
ku jiro
dad xun, mana
gayaan xukunka
Soomaaliya iyo
hogaankooda waa
mid quman ee
ha la taageeraa si
looga mira
dhaliyo kacdoonki
Muqdisho . dhinaca
kale marnaba ma'ahan
in aan garab
istaagno ruux
walba oo
ka soo dhinac
dagaalo askarta
Milis-Sanaawi, cidday
doonto ha ahaatee
,cudurdaarkay doontana
ha la timaadee.
Sideen diinteena
ugu dheganaana
waa mid sahlan,
waana ku
tilaabsashada qaadashada
Kitaabka Ilaahey
iyo waddadi
uu noo
jeexay Rasuulkeena
Moxamed NKHA.
Sideen ugu
shukrinaa Ilaheey
nabada uu
na siiyay,
waa annaga
oo hal
gacan ahaano,
khilaafaadkana meel
iska dhigno
,daacadna u ahaano
hogaamiyihi nagu
horkaco in aan
wax ku qaybsano
shareecada Ilaahey
noo soo
dejiyay.
Cadowgeenana
waa ka adkaanaynaa
haddii aan
yeelno labada
hore ,waana
hubaal taa,
waayo Ilaahey
wuxuu noo
sheegay ruuxi
guul siiyo
Ilaaheey, in uu
isgana guul
siinayo.
Munaafiqiinta sideen
isaga qabanaa
waxay ku
jeedaa madaxda
Maxaakiimta oo
iyaga hormood
ka ah dagaalka diinteena
iyo dalkeena
looga difaacayo
dowladda Tikree
iyo daba
dhilifyadeeda iyo
cid walbo oo
gadaashooda ku
timaado waqtigan
xaadirkaa.
Madaxda Maxaakimta
waxaan ka codsanaynaa
in ay yeeshaan hogaan
cad ee dhabarka
u dhigan karo
wixi khalad
ah ee ka dhaco
maamulkooda, waxaan
ka codsnaynaa in ay xadidaan
awoodiisa inta
ay ku ektahay
hogaamiya walbo
ee madax
ka ah, ama xubin
ka ah isutagga maxaakimta
Soomaaliyeed, si
uu u yaraado
wararka la iska
dhinac dhaho
ee is-khilaafsan.
Waa in ay joojiyaan
ka hadlida siyaasado
khatar gelin
karo xaalada
cakiran ee
Soomaaliya ka taagan
maanta. Waa
in aynan ku
dhawaaqin go'aano
aynan daraaso
ku samayn
faa'iidada iyo
khasaarada ay ummadda
leeyihiin waqtigan
xaadirkaa.
Dhamaan ummadda
soomaaliyeed ee
dalkooda iyo
dadkooda jecel
,waxaan fariintan
kaga codsanayaa
in ay u istaagaan difaacida
diintooda, dadkooda
iyo dalkooda
,iyo in ay meel
uga soo
wada jeestaan
cadawgooda oo
beryahan diyaar-garow
adag ugu
jiro sidi
uu nooga
qaadi lahaa
neecawda Xoriyo
ee Muqdisho
ka soo carfayso
maalmahan.
Xabashi marnaba
maankeeda kuma
jirin in ay beryahan
Soomaali ka soo
bixi karaan
rag (Sida
Shikh Shariif
Shikh
Axmed)
umaadooda ku
hogaamin karo
wadadi ay ku
gaari lahaayeen
xoriyad dhamaystirin,
oo ay sideedaba
maanta gaaban
tahay dowladaha
caalamka saddaxaad
dowlad haysato.
Jihaadka waa
fara badan
yahay ee
yaanan loo
kala harin
ka qayb qaadashadiisa
,dhinaca kalana
yaanan looga
harin, hebel
oo xun
ka dhinac dagaalimayno,
ogow nin
xun kuma
sii dhax
jiri karo
dad san ee meel
ka soo wada
jeedo.
Guusha waa
innagga ,jabkana
waa xabashi,waa
munaafaq iyo
inti la socotaba
ilaahey idinkiis.
25/11/2006
Abadllah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
|