Soomaali waxaa lagu yaqaanay dhaqan laga soo
gaaray ab iyo abuulan oo ku saleeysnaay sharciga aan la qorin,
asii la wada ogolaay luguna xallin jiray dhib kastoo ka dhaco
dadka wada degan iyo deriskaba dhaxdooda.
SOOHINTA: waxaa ku dhaqmi jiray
Beereeyda oo ku tallali jiray dacaarta inta u dhexeeyso lamada
beerood ee deriska ah oo eey kala leeyhiin lama
qofood ama lama qooys, si eey u caddato meesha eey
ku kala egyihiin tacabkooda iyo timaartooda. Haddii muran iyo
mad-madoow soo kala dhexgalo soohinta,waxaa ka talin jiray
cirada iyo culumada aqoonta u leh degaanka. Saasoo kale,
haddii muran soohin dhaxmarto lama qabiil oo deriska eh waxaa
loo dhigi jiray xaajada odayaasha lamada reer oona
go’aankooda lagu heshiin jiray.
Dhulka dhibkiisu waa yaraan jiray, maxaa yeelay maguurto waa
la wada yaqaanay.Taas waxaa ka daliil eh mah-maayada eh:
DHULKA EEBEHEEY DADKU WOOW DHEXEEYAA,LAAKIN NIN WALBASE
DHIISHA MEELOO DHIGTAA ( nin kasto dhulkiisa iyo ruunkiisa).
SUMADANE: waxeey qaas u eheed Xoola
dhaqatada guurtada eh, oo ku kala aqoonsan jirtay xoolohooda
iyo kuwa kale, markeey isugu darsamaan daaqa , guurida iyo
markeey baadiyooban.
Dhac iyo tuug waa laga tashan jiray, ama
waana laga aargoosan jiray, haddii la ogaado cidda oow yahay
iyo meesha oow ku sugan yahay.
Xoolaaleeyda ebedkeed waa roob raaci jirtay , haddeey u
gudubto reero kale dalkood, waxeey u hogaansami jirteen,
xeerka iyo dhaqanka cidda eey u martiyeen.
Waxaa muran la geliyay SOOHINTII IYO SUMADII, taasuna waxeey
keentay: in soo galooti walba sheegto cid kale dhulkeed,
koleey ku tahay kii shalay moodka ku duugo la yiri iyo kii soo
qamaamyba.
RES NULLIUS : waa latiin oo waxaa lugu
jeedaa, waxaan cidna leheeyn oo qofkii helo qaadan karo,
sidii xoolo dhumay oo aan sumada leheeyn iyo
DHUL banan oon cidna laheeyn.
Haddii taas la tix geliyo, HABAR-GIDIR
iyo MURUSADE jid eey u leeyhiin in eey XAMAR sheegtaan
xukunkiisa iyo mamulkiisa la wareegaan inta eey dadkii loo
yaqaanay (Mudulood iyo Rer Xamar ) hurdada ka kacaayaan, ama
eey ka garanaayaan in eey iska qabtaan kuwa marna gadanaayo,
marka kalena isku diraayo ee isku baabinaayo.
Waxaan aragnay markastow dagaal ka
bilaawdo degaanka mudulood, waxaa durbadiibo dalka ka
cararaayaan waxuushtii ka shaqeeysay isbaabi-inta shacbiga
mudulood oo walaalaha eh.
Calooshood u shaqeeystayaasha waxeey ka
cabsanaayaan in loo DILO ARGOOSASHO ahaan markeey maqlaane
dagaalkii in eey qaboojiyeen Odayaasha Beesha Mudulood, waa
soo noqonaayaan, si eey markale u shidaan deb kii ka weeyn oo
eey u cuskanaayaano xibno ku jiro kooxda Carte iyo lama
ruuxlayaashii ka heray AFWEEYNE.
Kuwii kale oo la moodaayay in lagu
baxsanayey waxeey ka badin waayeen MINO duug iyo xasuuqid ku
kooban dadka eey ka dhasheen.
Waxaa nasoo gartay in wafdiga mudulood oo ka
qeeb gali doono heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu dhigi doono
Kenya (RIWAAYADA) in eey hogaaminaayaan dad u dhashay qoomiad
kale oo aan mudulood eheeyn. Kuwa kale waxeey mashquul ku
yihiin hub aruursi aan dhamaaneeyn ebedkiis, asii aan waxba
loogu qabaneeyn dalka iyo dadka mudulood oo aad moodeyso in
lala sugaayo in eey aruursato dowlad ku sheega la filaayo 10ka
sano oo soo socoto.
Xurnimada waxeey ku fadhisaa qiimo weeyn oo waa in loo quuraa
MAAL iyo NAF, haddii kale waa in diyaar loo ahaadaa in cagta
hoosteeda loogu jiro dad aan kugu dhameen tiro iyo tayo
midkoodna oo doonaayo in eey gumeeystaan DADKAADA iyo
DALKAADABA.
Waxaa yaab leh, kuwii 2da goor idinka carreeyay DOOWLADIHII
Somaaliyoo dhan idiin ogolaatay in aad daba carartaan sidii
EEYIHII balaqa loo tuuray.
Dhaqan xumadii JABUUTI waxeey keentay 6
kursi iyo wasiir lagu maslaxay Hogaamiyhii looga shubtay
doorashadii beenta aheed oo halqabsigiisu noqday: WAAN
QASAARAY IDINKUNA ILA QASAARA.
Intaas waxaa no dheereed in aan u helnay SEKO jago aan
ebedkeed la arag lana maqal oo nalootolay sidii shaatigii oona
lugu magacaabay Wasiirka CURYAAMIINTA IYO NADAAFADDA.
Waxaa na horkacay duul dhumay oo
qaarkood ismooday in eey wax yiheen, illoobayna sababtii
loo dagaalay iyo qadiyada eey u dhinteen ragii sharafta lahaay
oo daafacy dadkeeyna iyo dalkeeynaba.
Somaaliyeey waxaa dhumay SOOHINTII iyo
SUMADII noo kala sooci leheed XUMANTA iyo SAMAANTA,
xushmadda, kala dambeeyta, tanaasulka iyo ismaqalka aan ku
saleeysneeyn BOOBKA, DHAC JOOGTA AH IYO FARA XUMAYNTA HAWEENKA
SOOMAALIYEED.
.NIN LOO DIGAY LAMA DILIN
Prof galagul