
Nabadi
laga sugo qabqablayaashi laga adkaaday ee mar
kale ku soo guryo noqday magaalada
Muqdisho,Tigree iyo DFKM ee Col Cabdulahi Yusuf
garwadeenka ka yahay, waxay la mid tahay nabadi
laga sugay Shikh Yusuf Indhacade iyo dowladi
Carta lagu soo dhisay ee uu garwadeenka ka ahaa
Dr Cabdiqasim qabiil.
Jug jug waa meshaadi joog, mar terebuunka
lagu mudaharaado loona mashxarado Maxaakim uu
amnigooda madax ka yahay Yusuf Indhacade iyo mar
Kaaraan lagu mudaharaado, looguna sacabo tumo
Tigree iyo dowlad ay garwadeen ka yihiin raggi
dalkeena dhabarkooda ku keenay Milis Sanaawi iyo
Tigreediisa, waa weligaa hoog u joog ,hana soo
kabsan inta talada Soomaalida ay gacanta ugu
jirto qaar ku doodo in ay u adeegayaan
qabiilkooda ,jeebkoodana aad u weyn yahay,
qalbigoodana aanan raxmadba lagu arag.
Horaan maqaal hore ugu sheegay in daadki
Cabdullahi ysusuf ku ribeeyay in uu ku kicinayo
qabqablayaashi reer xamar bahdilay, in uunan
dhulka Soomaalida kaga tegayn dad xun, kuwaas oo
uu ku jiro Cabdulaahi Yusufka ku ribeeyay in uu
daadka dayrta ku kicinayo dad badan, waxaana
hadda hubaal ah in uu daadki dayrta sanadki
tegay horay u qaaday laba qeybood oo ka mid ahaa
kuwi xumaa ,waxaana haray in uu qaado oo kaliye
qeybti u danbaysay oo iyaga hadda Milis Sanaawi
dhabarka ku keenay dalka Soomaaliya iyo
qabqablayaashi wixi soo noqday iyaga oo saaran
dabaabadaha Tigreeda.fiiro gaar ah maqaalka aan
kaga hadlay daadki dayrta waxaad ka aqrisan
kartaa cinwaankan, Heshiiska
Cadan Waa Daadki Dayrta, Waana Laba Afleh
Oday hadda waayeel ah ,kuna nool magaalada
Muqdisho ayaa marki uu arko Musiibo, waxuu dhihi
jiray "Roonaaba rabbi-baa og". (wa
makaruu wa makara allah wallaahu
khayrul-maakiriin)suurada aali cimraan,aayada
(54) macnaheedana wuxuu yahay (waa dhagreen,
Eebana wuu ka abaalmariyay Eebaana u wanaagsan
wax abaal-mariya) , Ilaahey baa og waa sida uu
odagaas u yiri, annagana aan qabno, in dhagarta
Milis Sanaawi iyo dabadhilifyadiisa uu Ilaahey
kaga abaalmarin doono dhib aynan ka soo kabsan,
kana badan makrigi ay u maleegeen dalkeena.
Soomaali inta wanaagsan waa in ay u guntadaa
sidi ay dalkooda uga saari lahaayeen Xabashi iyo
wixi u adeego, guusha dadkeena iyo diinteenana
waxay ku jirtaa in aaan xor u ahaano maamulka
waddankeena ,taana waxay ku imaan kartaa oo
kaliya annaga oo meel iska dhigno fulaan waa
reerkeena iyo annaga oo taa ku bedelno fulaan
waa nin wacan oo ku maqan danta guud ee
ummadeena iyo diinteena.
Soomalida
maanta waxaa horyaal imtixaan aad u culus,
waxaana kaga gudbi karnaa oo kaliya, annaga oo
Ilaahey talo saarano,lana imaano iskaashi iyo u
ololaynata sidi aan u heli lahayn dowlad soo
celiso cadaalad,sinaan iyo kala danbaynta iyo
sharciga oo ka shaqeeyo dhulkeena.
War Soomaaliyeey waayo-aragnim ha idinkugu
filnaato lix iyo tobanki sano ee cujaafka ahaa
iyo nin qori garabka ku sito, reerkiisa hoosana
baad ula soo jeeedo habeen iyo maalin.
War Soomaaliyeey qabiil isaga kaalaya ,
idinka iyo saxaafadaha buunbuuniyo been aanan
lagu gaarayn dan guud iyo mid hoosaba.war
Soomaaliyeey isaga kaalaya marba in aad Muqdisho
dhinac ka mid ah, uga mashxaradaan dad dhibkiina
uun ku maqan.
Riwaayad
isu dhigid iyo shaar been ah oo la isu gashto,
ha ku ekaadaan halkan ,una istaaga sidi aad
xabasha isaga saari lahaydeen, una soo ceshan
lahaydeen xornimadiina, karaamadiini iyo dowlad
u adeegto dantiina guud.01/01/2007
Abdallah Moallim Mahamud -- (Cabdullahi
Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com