Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Donation Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Shiikh Sharif, Yeynan Ku Dhaamin (Wasakhayn) Ameerikaanka Iyo Dhagar Qabayaasha U Adeego

 By: Abdallah Moallim Mahamud  moallem10@yahoo.com

Soomaliyey idinkana Maanka ku haaya, nabadaynta dalkiina in aynan ku jirin gacan dad kale, nabad iyo karaama aad heshaana waxaa ka horeyso, in aad idinka oo isku duuban u guntataan xoreynta dalkiina, difaacida diinkiina iyo dadnimadiina, Soomaaliyeey meel iska dhiga riyada ah, in uu dalkiina nabad ku soo dabaalo nin umuuraha dalkiisa amar kaga qaadnayo General Tigree ah oo ay weli ku taalo Qoloftii hooyadiis ku dhashay.

Qayla-dhaanta ka soo yeerayso reer galbeedka oo uu Amerikaanka ugu horeeyo, waa bilowgi dhamaadka dowlad ku sheega uu horkacayo Col Cabdulahi Yusufka aanan ka xishoon in uu dalkiisa ku soo hogaamiyo jayshka dowlad cadow ku ah danaha dalkiisa iyo dadkiisa.

Hadalkan hordhaca ah, macnihiisa ma'ahan in reer galbeedka doonayaan in dalka Soomaaliyeed ka ambaqaado dowlad xor u ah maareynta arrimaha ummadda Soomaaliyeed.

Reer galbeedka waxaa beyahanba lagu yaqiin,caadana u ahaa, sida lagu arkay qaabki ay ula dhaqmeen madaxweynihi Afgaanistaan Camiil Burhaani-diin rabaani, kolki uu soo horkacay ciidanki Maraykanka ee afka dhulka u daray nidaamki Daalibaan , in ay isagana ku yiraahdeen hilfahaada horay u qaado ,waxaynu haynaa Mr Karazaay aad u jilcan, kaagana haboon la dhaqankeena waqtigan xaadirkaa,sidoo kale qolyooyinka(Camiilada) ciidamada Maraykanka ku soo hogaamiyay dalka Ciraaq,waxay ula dhaqmeen sidaas iyo si ka xun ,sideedana markaan runta isu sheegno, waa taariikh soo jireen ah, in camiilka kolki laga dhargo, loo tuuro dibada, sidi maro duug ah.

War iyo dhamaantiis ,waxaa beryahan ummadda Soomaaliyeed jahwareeriyay ,warar fara badan oo reer galbeedka ku sii daayeen mediyaha(Iclaanka), iyaga oo wararkan hor u dhac uga dhigayaan sidi ay uga takhalusi lahaayeen Dowlada Cadbullahi Yusuf iyo Geedi ,una yareyn lahaayeen awooda faraha badan ee dowlada Tigreeda ku leedahay dalka Soomaaliya waqtigan xaadirkaa, una abuuri lahaayeen kooxa cusub oo u adeego danahooda.

Hadaba annaga oo isku dayeyno in ka jawaabno Su'aal wareer ku abuurtay dadka Soomaaliyeed oo ah ,Maxay reer galbeedka wada hadal ula fureen Shiikh Shariif waqtigan, iyaga oo gacanta ku haayo dowlad diyaar u ah in ay u adeegto, oo ay ku dhan yihiin jawaasiisti u fududaysay in ay Tigree soo galaan dalkeena, cagtana mariyaan nidaamki ay abuureen Isutagga Maxaakimta Soomaaliyeed, Muqdishana ka arriminayay mudda lix billod ah?, waxaa iyadana meesha ku jirto, inta aanan u gudbin ka jawaabida su'aasha hore ,maxay reer galbeedka wada hadal ula furi waayeen isutagga Maxaakimta Soomaaliyeed inti uu gacantooda ku jiray dhulka Soomaliyeed intiisa badan?

Ar aan idiin sheegno war xiisa leh,jawaabna u ah su'aalahan aan iska weydiinay arrimaha Soomaalida ,sina uga maqan maanka dadka Soomaaliyeed, reer galbeedkana aad uga nixiyay ,maqalkeedana uu anfariir ku reebay naftooda ,kuna noqotay xaqiiqo aynan malaysanaynin oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed.

Waa sidee ,waa maxay xaqiiqadaas, waa iyada oo reer galbeedka mar kaliya ku soo tooseen, wiilal is xilqaamay oo ku guulaystay gacan ku dhigida dalkooda iyo maareynta dadkooda (hadafkooda, Soomaaliya oo lagu xukumo shareecada ha ahaadee ama kursi doon ha ahaadee) iyaga oo aanan ku tiirsanayn dal reer galbeed ah iyo hay'ad reer galbeed ah toona, sina u garab maray dabinki dadka Soomaaliyeed loo dhigayay in ay ku dhacaan mudda lix iyo toban sanadood ah,iyada oo fulinta dabinkaas loo adeegsanayay ,qabqablayal dagaal,NGO yada faraha badan ee laga furay dalkeena meel walbo ,saxaaafad bahdilan inteeda badan ,iwm.

Waa xaqiiqo ,taageersanow ama diidanow ,sax u arag ama khalad,annaga oo aan u hoos ugu daadegin ka hadlida khaladaadki Siyaasadeed oo ay galeen Madaxda sar-sare ee isutagga Maxaakimta ,waxaa hubaal ah in raggi horkacayay Maxaakimta mudadi ay dalka xukumayeen in uu dalkeena(Caasumadeena) noqday, dalka kaliya ee adduunweynahan xor ka ah, fulinta awaamirta ka soo baxdo dalalka ree galbeedka .

sidaa darteed Ameerikaanka iyo reer galbeedka waxay Shikh Shariif Shikh Axmed u doonteen in ay ceebeeyaan muddadaas taariikheed ee Soomalida ka diiwan geliyeen baalasha lagu qoro taariikhaha adduunka ,waxayna doonayaan in ay Shikh shariif ka dhaadhiciyeen in uu dalka dib ugu soo noqdo, kana qeyb qaato sidi dowlad ku sheeg Salbalaaran looga dhisi lahaa dalka Soomaliya ,dowladaasna ay ahaato mid bedasho dowlad ku sheega ay hadda horboodayaan jawaasiisti loo adeegsaday burburinta iyo ku tumashada karaamada ummadda Soomaliyeed kolki ay ogolaadeen in uu Milis sanaawi sariirti lagu marti geliyay isaga oo diif ah ,maanta nagu yiraahdo ,cidnana marti ugama ihi ku jiifkeeda.

Ujeedada loo doontay Shikh Shariif waa in isaga lagu beer laxawsado jago dowladeed oo wasakhaysan, si uu ula mid noqdo kuwa maanta dalkeena ku soo hogaamiyay Tigreeda na qabsatay,halkaana ay ku dhamaato taariikhdi wacneed oo ay maxaakimta ku qoreen baalasha Soomalida iyo in ay Soomaliya ka jireen rag bedeli karo masiir(jid) xumaaday oo ay keeneen wiilal Soomaliyeed oo u badan juhalaa aan wax badan ka aqoon qiimaha ay leedahay diinta Islaamka, keddibna Soomaaliweyn lagu yiraahdo waa ummad aanan jirin, kuna kooban xoogaa yar oo dhuuntooda maro ,ama jago ceebeed oo la siiyo, laguna fadhiyo taariikh kooban.

Aan u dego ,yoolka qoraalkan oo ah ,in aan Shikh Shariif iyo jameecadiisa uga digno in ay aqbalaan qaabka ay wax u doonayaan Reer Galbeedka waqtigan xaadirkaa, oo iyada ah in dalka Soomaliya laga bixiyo gacanta ku meel gaarayaasha hadda maamulo dowladi lagu soo dhoodhoobay magaalada Mbagathi ee dalka Kenya, keddibna la dhiso koox cusub oo dadka Soomaliyeed loogu sheego in ay bedeleen kooxihi ay intooda badan diidanaayeen, laguna bedelo kooxo ka tirsanaa maxaakimta iyo kooxo kale oo aan weli la soo bandhigin ,laakin hubaal ah in ay reer galbeedka meel ka mid ah waddamadooda ugu diyaar-san yihiin shaqsiyaad la mid ah, Karazaygi Afgaanistaan loo soo magacaabay oo kale.
Shikh Shariif waxaan ugu yeeraynaa in uunan aqbalin jago ceebeed iyo in uu shuruudiisa ku ekeeyo .

Xabasho oo dalka ka baxdo ,dowlad la soo dhisaana ay ku xirnaato shirweyne Soomaliweyn la isugu keeno, laguna qabto dalka gudihiisa iyo in isaga intaas keddib uu soo dhoweynayo hogaanki ay Soomalida si madax banaan ugu doortaan dalkooda, si looga koro ceebeyn loo geysto taariikhdi wacnayd oo ay sameeyeen isaga iyo kooxdiisa.

Intaa keddib Shiikha waxaan ku wargelinayna ,hubaalna ah, in aynan shuruudahiisa aqbalayn dowladaha reer galbeedka ,taasna ay soo gabagabynayso jiritaanka dowladan lagu keenay dabaabadaha Tikreeda dushoodo, asbaaba badan awgood.

Waxaan isku dayaynaa in aan soo koobna asbaabaha soo dedejin karo, burbur dhaqsiyo oo ku yimaado dowladan xanbaarsan, sirta Soomaali-weyn looga soo maleegay Addis-Ababa,Nayroobi iyo caasumadaha dalalka reeer galbeedka oo kulligoodba isku bahaystay neceybka ay u qabaan dalka Soomaliya oo uu ka hergalo, xukun salka ku haayo ku dhaqanka shareecada Islaamka ama ugu yaraan dowlad horkacayso Soomali xor u ah maareynta waddankooda.

Burburka DFKM waxaa soo dedejinayo asbaabahan.

1)DFKM waxaa horboodayo madax aynan jirin mabda'a kaliya oo kulmiyo.

2)dowladaha faragelinta ku haayo arrimaha Soomaliya oo aan ka mideysnayn qaabka loo furdaaminayo howlaha ay dalkeena uga haayaan shaqsiyaad midba qolo ka mid ah qolooyinkan u shaqeeyo.

3)Ameerikaanka oo ku qanacsanayn gacanta muga weyn oo ay Tigreeda ku leedahay awaamir-siinta dowladda hadda ka ariimiso dalkeena.

4)Milis Sanaawi iyo Tigreediisa oo aanan ogolayn in ay Soomali ka ambaqaado dowlad dhexe oo xoog leh, kana arrimiso dalka Soomaaliyeed oo dhan .

5) soomaalida oo aan ku heshiin Karin dowlad daciifa hoosteeda.

6)Talyaaniga oo aanan doonayn in looga saro maro gacan ku lahaashada mustaqbalka Soomaaliyo dowlad ka taliso dalkeeda iyo dalal kale oo reer Yurub ah oo iyagana sidaa si u eg u dhaqmo beryahan, marki laga hadlo arrimaha Soomalida, keddib marki ay dalalkooda ku abuureen Soomali daciif ah oo dalkeeda ka fuliso dana guracan oo ay dalalkaas ka leeyihiin dalkeena.

7) Col cabdullahi Yusuf oo aanan ku cibra qaadan muddadi dheereed oo ay Soomalida ku jireen dhib ku dabadheeraaday ,iyo isaga oo maanta isu haysto hogaamiya mayal adag ee gaaray hadafkiisa ,maantana fulin karo in uu Soomaaliya u daadihiyo dhinici uu doono.

8)Wasiirka Kowaad oo isagana col Cabdulaahi Yusuf u haayo xarash ,ogna sidi uu uga soo shaqeeyay in uu ka takhaluso wasiirnimadiisa kolki ay DFKM deganeed magaalada Baydhabo, haddana is mooday nin muruq ku leh deegaanka Muqdisho ,baari fogaadana u ah Tigreeda ka arrimiso dalkeena.
War iyo dhamaantiis ,aan idin xasuusiyo in ay maanta Soomalida gaareen guul weyn oo aanan maanta xisaabka ugu jirin, dad badan oo saadaaliyo arrimaha Soomalida halka ay ku danbeyn doonaan ,aadna u jeclaa in ay arkaan dalkooda oo lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Waa su'aale, guushaas maxay tahay,guushaas waa in dadka Soomaaliyeed intooda badan aqbaleen in dalkooda lagu xukumo ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyaga oo aanan arrimaha ka fiirinayn, waayo qolada horkacayso maxaakimta , ama qoladan ma yihiin dad wacan oo nagu hogaamin karo diinta Islaamka ,balse ummadda Soomaaliyeed waxay wax walba ku soo koobeen, meelna ugama harno Kitaabkaas Ilaahey oo kor loo qaaday,waxaa kale oo ay dadka aamineen ruuxi ka been sheego diinta Islaamka, in uunan ka harayn qolooyinka ka soo horjeedo in dalkeena lagu dhaqo shreecada Islaamka.

Haddaba waxaan qoraalkan ku soo gunaanadayaa Soomaaliyeey nafta khayr u sheega ,waayo ilaahey wuxuu balan qaaday in wax walba oo fiican,oo aan la imaano in uu noogu bedalayo waxyaaba badan oo fiican ,waxaana hubaal ,waa sida aan aniga u arkaa in aad la timaadeen wax fiican ,aadna aqbasheen in dalkiina lagu xukumo shareecada Islaamka, sidaa darteed qolooyinka dabaabadaha lagu keenay iyo qolooyinka keenayba waa na dhaafyaan goor dhow haddii Ilaahey Idmo ,waxaana haddii Ilaahey idmo ,mar dhow dalkeena ka aarimin doono, kuwa si niyad san ugu istaago difaacida dalkooda iyaga oo aanan luqunta labada garab u dhaxeyso ku sidan qool ah qabiil jeceyl iyo kursi jeceyl midnaba. 28/01/2007

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul