Beryahan dambe waxa ku
soo badanayey warbaahinta Soomaalida
warbixino iyo faallooyin ku saabsan
dhadhaqaaqa Al-Shabaab ee Sooomaaliya
gudaheeda kula dirira ciidamada
Itoobiyaanka iyo ciidamada Yugaandhayska
iyo jaalleyaashooda Soomaaliyeed.
Faallooyinkaas waxay u qaybsamaan qaar
tiro badan oo la safan go´aamada adadag
ee Al-Shabaab iyo qaar tiro yar oo la
dirirsan gebi ahaanba dhaqdhaqaaqan isaga
ah. Tusaale: waxaa jiray qoraal lasoo
dhigay bogga Goob joog oo aan la sheegin
ciddii qortay.
http://www.goobjoog.net/news/129/ARTICLE
/6188/2007-11-17.html
Haddaba waxa
aan maqaalkan yar ku eegayaa:
1-Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
kaalintooda iyo mawaaqiftooda.
2-Cidaha la dirirsan iyo waxa ay ku
diidanyihiin.
3-Cidda ay dani ugu jirto dhaqdhaqaaqan
iyo dhaqankiisa.
4-Talo ku socota dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
5-Gebogebo iyo talo guud oo ku socota
bulsho weynta Soomaaliyeed.
Al-Shabaab,
kaalintooda iyo mawaaqiftooda:
Magacan Al-Shabaab
wuxuu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo ku
beegnayd, wakhtigii ay Maxkamadaha
Islaamku ka curteen magaalada Muqdisho,
kuna fideen gobollada koonfurta Soomaaliya
isla markaana ay dabayshoodu gilgishay
dhulkii la isku odhan jiray
”Jamhuuriyadda Soomaaliya” oo dhan.
Balse jiritaankooda waxa loo maleeyaa inuu
soo abyanmay xilli dhowr sanadood ka
horreeyey 2006-da. Aniguse waxan ka mid
ahaa malaayiinta Soomaalida ah ee
dhaqdhaqaaqan ka warhelay xilligii uu
socday kacdoonkii lagula dirirayey kooxdii
Ashahaado-la dirirka ee ka koobnayd
qabqablayaashii reer Muqdisho ee dagaalka.
Kacdoonkaas waxa lafdhabar u ahaa
dagaalyahanka Al-Shabaab oo si weyn loola
dhacay xirfaddooda dagaal iyo
geesinimadooda. Taas oo dhiirigelisay
kacdoonkii bulshada reer Muqdisho, isla
markaana baqdin-gelisay dagaal-oogayaashii.
War-doon iyo xuuraan
aan dhammaystirnayn oo aan sameeyey waxa
ii soo ifbaxday, in dhaqdhaqaaqani ka
dhashay iska caabinta weeraro halis ah oo
umadda Soomaaliyeed uga imanayey dhinaca
sirdoonka Maraykanka iyo sirdoonka
Itoobiya. Labadaas Sirdoon waxa ay
faro-baas ku hayeen dadka indheer-garadka
ah ee Soomaaliyeed hadday yihiin
aqoonyahanno, Saraakiil ciidan ama
Culimada diinta Islaamka. Weerarku wuxu si
gaar ah ugu socday culimada Soomaaliyeed
ee xambaarsan afkaarta ”Isku xukunka
shareecada Islaamka” una ololeeya in ay
geyiga Soomaaliyeed ka hanaqaado dawlad
Islaami ah. Waxa jirtay in dad badan oo
indheer-garad ah lagu khaarajiyey goobo
kala duwan oo dalka ka mid ah, iyadoo qaar
badanna la qafaashay oo loo taxaabay
jeelal sir ah oo ilaa hadda aan la ogayn
meel ”ay jaan iyo cidhib dhigeen”.
Waxa dhacday in marka
culimada Soomaaliyeed laga qafaasho
guryahooda, laga dhoofin jiray garoomada
macmalka ah ee Muqdisho, sidii xoolo beec
ah. Hawsha qaarajinta waxa fulin jiray
sirdoonka shisheeyaha ama u adeegayaal
Soomaaliyeed. Laakiin hawsha qafaalashada
waxaa fulin jiray adeegayaal Soomaaliyeed.
Adeegayaashaasi waxa ay soo ugaadhsan
jireen dad la soo siiyey magacyadooda iyo
tilmaantooda. Waxa la soo wariyey in marar
badan la qafaalay dad aan ahayn kuwii loo
tilmaamay adeegayaasha Soomaalid ah,
dabadeedna ay dib u soo celiyeen
shisheeyihii loo adeegayey. Markii la soo
celiyeyna ay ku qaarajiyeen adeegayaashii
Soomaaliyeed ee qafaalay isla garoonkii
dayaaradaha ee laga soo dejiyey.
Weerarada noocaas ah ee
halista badan waxa ay ku abuureen culimada
Soomaaliyeed ee ay ku jirtay hanka
dawladnimo, cabsi joogto ah iyo argagax u
diiday in ay ku hoydaan guryahooda. Waxa
la soo wariyey in ay rag badani ka caageen
seexashada guryahooda iyo xiitaa salaadda
jameecada ah ee masaajiddada. Duruufta
noocaas ahi waxa ay ku dhalisay culimada
diinta qaarkood in ay fadhiga ka kacaan oo
ay abuuraan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab si ay
u difaacaan nafahooda iyo nolosha bulshda
Muslimka ah ee duulaanka qarsooni ku
socday. Waxa kale oo dhaqdhaqaaqu u
abuurmay in bulshada Soomaaliyeed lagu
wacyigeliyo awoodooda iyo kartida ay u
leeyihiin iska dhicinta shirqoollada
cadowga, si aakhirka loo gaadho Soomaali
nabad hesha oo dawlad samaysata, iskuna
xukunta Shareecada Islaamka.
Sidaas ayuu ku
abaabulmay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab (waa
haddii la soo xaqiijiyo wararka aan
xuuraanka ku helay), waxayna heleen
dhega-nuglaanta bulsho la´ayd cid u
jidbixisa. Boqolaal dhalinyaro ah ayaa isu
diyaariyey badbaadinta diintooda, dalkooda
iyo umaddooda. Dhinaca kale cadowgii waday
dagaalka qarsoon, wuxu laban-laabay
dagaalkiisii soo taxnaa sannadada badan.
Wuxu adeegsaday sirdoon shisheeye iyo dad
Soomaaliyeed oo isugu jira ururo Bulsho,
ururo Samofal, Qabqableyaal dagaal iyo
Kooxaha wax qaarajinta. Mar keli ah ayey
Magaaladii Xamar noqotay dhamac hoosta ka
huraysa balse aanay dadka caadiga ahi
dareensanayn meesha dabku ka imanayo.
Aakhirkii waxa mar
qudha warbaahinta Caalamka ku faaftay oo
af walba lagu qoray qaylo dhaan ku saabsan
in Soomaaliya ay joogaan kooxo Argagixiso
ah. Taas waxa laga fahmi karaa in
dagaalkii qarsoonaa ay ku gacan sarreeyeen
kooxihii Al-Shabaab, sirdoonkii
shisheeyuhuna ay ku qanceen in taladu
farahooda kas ii baxayso. Isla wakhtigaas
waxa ku soo badanayey magaalada Muqdisho
Maxkamado Islaami ah oo beelaysan.
Maxkamadahaas malleeshiyaadkooda waxaa laf
dhabar u ahaa dagaalyahanka Al-Shabaab.
Iyagu way is ogaayeen, sirdoonka
shisheeyuhuna waa la socday, laakiin dadka
caadiga ahi ma fahansanayn. Xiitaa madaxda
ay beeluhu u dhiibteen Maxkamadaha ayaan
qaarkood ku baraarugsanayn halista ay
dhextaaganyihiin.
Markaas ayey sirdoonkii
shisheeyuhu go´aansadeen in ay dagaalka
ka dhigaan mid aan la qarsan ee toos loogu
dhawaaqo. Waxa ay hawshan u xilsaarteen
wakiilladoodii hore kuwoodii ugu xoogga
badnaa,waa Dagaal-oogayaashiiye. Markii ay
taariikhdu ahayd 18-kii Febraayo 2006 ayey
qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho ku
dhawaaqeen ururkii ku caanbaxay
”Isbahaysiga La dagaallanka Argagixisada”
oo isku dhaarsaday in ay guluf ku qaadaan
culimada diinta ee awooddoodu ku sii
xoogaysanaysay magaalada Muqdisho.
Arintaasi waxa ay mar qudha soo jeedisay
dareenkii bulshada oo u arkay in duulaan
lagu yahay wixii keli ahaa ee uga hadhay
qarankii burburay, oo ahaa diinta.
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo iyagu si fiican
u fahansanaa qaddiyadda ayaa
dhiirrigeliyey bulshadan kacsan isla
markaana ku dhiirrigeliyey hoggaankii
Maxkamad-beeleedyada in ay u jilib dhigaan.
Dagaalkii tooska ahaana waxa lagu jabiyey
qabqablayaashii dagaalka oo markaa wakiil
ka ahaa sirdoonkii shisheeye ee sannadada
badan dagaalka qarsoon ka waday Soomaaliya.
Bulshada Soomaaliyeed
farxad ayey la dabbaaldegeen, waxaanay u
maleeyeen in halkaas ay ku dhammaatay
taariikhdii Dagaal-oogayaasha Muqdisho.
Laakiin dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab way
ogaayeen, kuna baraarugsanaayeen, in aanay
ahayn dagaalkan cidda ay kaga adkaadeen
qabqableyaal Soomaaliyeed ee ay ahaayeen
Askar Maraykan iyo Itoobiyaan ah oo ay
horena ugaga soo adkaadeen dagaalkii
qarsoonaa. Waa ay fahansanaayeen in
rogaal-celintu aanay raagi doonin ee ay
soo dhakhsan doonto. Waxana taas markhaati
uga furayey ururkii ay dhisteen umadihii
shisheeye ee looga adkaaday dagaalkii
Muqdisho ee lagu dhawaaqay loona bixiyey
“Somali Contact Group”. Dawladda
Itoobiyana waxay isla bishii Juun 2006-da
ku dhawaaqday inay ku qasbantay in ay ku
duusho magaalada Muqdisho. Taasi waxa ay u
baahnayd ku talogalkeeda iyo
tabaabusheheeda. Haddaba yaa fahansiin
kara bulshada Soomaaliyeed, debed iyo
gudaba arintaas?.
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab
marka aad u dhabbagasho, waxa kuu qayax
maya in ay si fiican u fahansanaayeen:
1-Khatarta
colaadeed ee ku hareeraysnayd iyo
duullaanka soo maqan ee USA, Itoobiya iyo
inta la afkaar ahi ay la maaganaayeen
umadda Soomaaliyeed.
2-Ujeedadooda dhaw iyo
tooda fog oo ahaa nabad Soomaaliya ka
hana-qaadda iyo dawlad Islaami ah oo ku
xigta.
3-In aanu sahaalo ahayn
jidka lagu gaadhayo Soomaali isku tashata
oo ka tashata Quruumaha Gumaysi Doonka ah
ee isku darsaday madaxbannaani la dirirka
iyo Islaam la dirirka.
4-In dadka Gadhwadeenka
ka ah beesha Caalamka, hadday yihiin
xukuumado, Ururo caalami ah, Urur
goboleedyo iyo Ururo bulshaba ay isku
raacsanyihiin heshiisna ku yihiin; in
Umadda Soomaaliyeed aanay tashan ee loo
taliyo, looguna taliyo si aanay ku jirin
dantooda umadeed iyo dantooda Islaamnimo,
balse loogu taliyo si ay dani ugu jirto
dawladaha deriskooda ah iyo nidaamka cusub
ee caalamka ee Islaam la dirirka ah.
MAWAAQIFTA AL-SHABAAB:
Markii uu dhacay
duulaankii la filayey ee lagu qabsaday
dhulkii Soomaalida ee Maxkamadaha Islaamku
nabadda ka islaaxiyeen, waxa umadda
Soomaaliyeed la soo dersay murugo weyn iyo
shoog dad badani la jiifsaday. Dhinaca
kale damaashaad iyo farxad ayaa ka soo
yeedhay wakiiladii iyo waddamadii
duulaanka ahaa iyo kuwii ku bahoobay
Ururka “Somali Contact Group”.
Waxay yidhaahdeen: “
Hadda ayuu wanaagsanaaday xaalkii
Soomaaliya”. Isla markaa waxa ay Al-Shabaab
noqdeen kuwii ugu horreeyey ee is
abaabulay. Waxay mar kale soo celiyeen
rajadii umadda ee ahayd in ay wax iska
caabin karaan, waxaanay dhakhso u hakiyeen
farxaddii iyo damaashaadkii shisheeyuhu ku
soo dhaweeyey qabsashada Soomaaliya. Waxa
intaas u dheeraa wacdarihii dagaal ee ay
ugu jilib dhigeen duulaanka.
Wixii intaa ka
dambeeyey waxa ay Al-Shabaab qaateen
siyaasadda laga arkayo ama laga
dhadhansanayo hab dhaqankooda oo ah:
1-In
aan arrimaha Soomaalida lagala tashan cid
aan Soomaali ahayn, cadowgana aan lagala
gorgortamin.
2-In beesha Caalamku ay
faraha kala baxaan arrimaha Soomaalida,
faragelintoodana loo arkayo dagaal cad oo
mudan in lagala hortago Jihad “FI
SABILILAAH”.
3-Iyo in Soomaalidu
kelidood ka tashadaan aayahooda iyo
madaxbannaanidooda iyaga oo ku tashanaya
in kitaabka Alle
madaxa la saarto. Cidda Soomaalida ah ee
ku hawlgasha sidaa si aan ahaynna ay
yihiin qaar dagaal ku qaaday diinta Alle
iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana la
safan duullaanka Quruumaha Gumaysi Doonka
ah.
Intaasi waa garooc yar
oo ka mid ah sawirka aan ka fahmay
dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaalintooda iyo
mawaaqiftooda. Waxanay kuu salaysantahay
xuuraamid iyo indho-indhaynta waaqica.
Yaa la a
dirirsan Al-Shabaab maxayse ku
diidanyihiin?
Haddii aan isla
fahannay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxa
mudan in aan is weydiino cidaha la
dirirsan iyo waxyaalaha ay ku diidanyihiin.
Ma qolo keli ah oo adeegayaal badan leh
ayaa la dirirsan mise qolyo badan oo kala
ujeedooyin ah?. Jawaabtu ma sahlana,
laakiin markii aan u sii dhabbogalay, waxa
ii muuqday laba qolo oo adeegeyaal badan
leh in ay la dirirsanyihiin dhaqdhaqaaqa
Al-Shabaab. Waxase dhici karta in ay
jiraan qolyo badan amaba qolo keli ah oo
adeegayaal badan leh. Balse labada qolo ee
aan u malaynayo in ay dhibsanayaan
jiritaanka Al-Shabaab aan idiin tibaaxo,
aniga oo rajaynaya in aqoonyahanka
Soomaaliyeed ay cilmi-baadhis dheeraad ah
ku samayn doonaan mawduucan. Waxa ay kala
yihiin labada qolo aragtidayda:
1-Quruumaha Islaam La
Dirirka ah iyo adeegayaashooda faraha
badan.
2-Urur-Diimeedyada
Islaamiga ah ee kale ee Soomaaliyeed!!.
Labadan qolo oo kala
fogaanshohoodu yahay sida mashriq iyo
maqrib, waa yaab isku mowqif ahaanshohoodu.
Laakiin isku mawqif ahaanshohoodu ma aha
mid ay ka dhaxayso is-ogaansho iyo isku
ujeedo. Qolada hore uma kala duwana
cadaawadda ay u qabaan Al-Shabaab iyo
urur-diimeedyada kale. Laakiin waxa ay
leeyihiin taaktiko aan ka fogayn tii
saddexda Dibi iyo Libaaxa.
Quruumaha
Islaam la dirirka ah iyo adeegayaashooda
faraha badan:
Marka laga hadlayo
arrimaha Soomaaliya, quwadaha reer
galbeedka ayaa horkacaya Quruumaha Islaam
la dirirka ah, waxana ku hoos jira;
Ururada Caalamiga ah, Urur-goboleedyada,
Ururada Samafalka ku magacaaban ee laga
maalgeliyo galbeedka, Ururada
Xuquuqul-Insaanka ku magaacan,Ururada ku
xidhan kiniisadaha reer galbeedka,
Sirdoonka waddamada waaweyn, Wakaaladaha
warbaahinta, Waddamada deriska la ah
Soomaaliya iyo dad Soomaaliyeed oo
tixgelinta beesha Caalamku kala miisaan
wayntahay ku dheganaanta Shareecada
Islaamka. Ujeedooyinka ay ku
shaqaynayaanna waxa ka mid ah:
1-In
lala diriro dadka ku baaqaya ku dhaqanka
Shareecada Islaamka.
2-In loo hogaansamo
Qawaaniinta Caalamiga ah ee u adeegaya
sarraynta dhaqanka reer galbeedka.
3-In dhaxalkii
gumaystaha la ixtiraamo loona arko
muqaddasaad aan la taaban Karin, sida
xuduudaha oo kale.
Arrimahaas waxa lagu
gaadhi karaa; in dalka Soomaaliya
taladiisa laga ilaaliyo dad xambaarsan
afkaar ku lid ah ujeedooyinkaas.
Dadkaasina waxa ay noqon karaan oo keliya
qolyaha xambaarsan afkaarta ah “ku
dhaqanka Shareecada Islaamka”. Horeba
reer galbeedku way ula dirirayeen dadka
afkaarta islaamiga ah xambaarsan oo xiita
waxa aan la ogolayn in uu hal qof ku soo
dhawaado maamulka dalalka Islaamka.
Haddaba maadaama oo aynu ka soo sheekaynay
Al-shabaab iyo mawaaqiftooda, way kuu
sahlantahay in aad fahanto waxa lagu
diidanyahay. Tusaale ahaan, Al-Shabaab
waxa ay rabaan:
1-in
aanay Beesha Caalamku wax talo ah ku
yeelan arrimaha Soomaaliya.
2-In si buuxda loo
dhaqangeliyo Shareecada Islaamka.
3-In aanay aqoonsan
qawaaniinta caalamiga ah oo ay u arkaan
gaalnimo magaca laga beddelay.
4-In aanay sinaba u
ixtiraamin dhaxalkii gumaysiga oo ay ugu
horrayso xuduudaha la sameeyay.
Kala duwanaanshahaasi
kama fursanaayo iska hor imaad, Sababtoo
ah Quruumaha Islaam La dirirka ahi ma
ogola meel dhexe oo la isugu yimaaddo
maadaama oo ay haystaan awood maaddi ah oo
aad u weyn. Waxa ay rabaan in Al-Shabaab
la dabargooyo, dabadeed lagu xigsiiyo cid
kasta oo aaminsan afkaarta ku dhaqanka
Shareecada Islaamka, dabadeed xididada loo
saaro rugaha ay ka abuurmi karaan dad
afkaar noocaas ah aaminsan, sida duruusta
Masaajidada, Madaarista Islaamiga ah,
faafinta dacwadda Islaamka iyo hantiileyda
maalgelin karta fufka diinta islaamka.
Waxa ay ku talogelayaan haddii ay taas ku
guulaystaan in la dabargooyo dadka aan
islaamiyiinta ahayn laakiin aaminsan
madaxbannaani maadi ah in ay Soomaalidu
hesho.
Dagaalka noocaas ah ee
khatarta badan, waxa ka mid ah
adeegayaasha Quruumaha Islaam La dirirka
ah, dad Soomaaliyeed. Dadkaa Soomaaliyeed
waxa ka mid ah qaar caddaystay mabda´ooda
oo si toos ah saf ula soo galay Quruumaha
Islaam La dirirka ah. Kuwaas waxa tusaale
u ah kooxda Imbigaati iyo dadka taageersan.
Waxa kaloo ka mid ah qaar lagu tiriyo in
ay ka tirsanyihiin gobanimo doonka ka soo
horjeeda joogitaanka Itoobiya iyo kooxda
Imbigaati. Dadkaasi waxa ay weeraraan
xoogagga Al-Shabaab, waxa ay afka ka
dhowraan isku xukunka Shareecada, waxa ay
aaminsanyihiin in ciidamada Itoobiya lagu
bedelo ciidamo kale oo ay aakhirka kala
wareegaan ciidamo ka socda UN-ta oo
transsheep geliya Soomaaliya. Waxay si
weyn uga soo horjeedaan in la gargaarsado
dadka Muslimiinta ah ee diintoodu amrayso
in ay isu gargaaraan. Qodobkan dambe waxad
mooddaa in ay qareen ugu yihiin Quruumaha
duullaanka ah ee iyagu cid walba u
kaalmaysanaya hirgelinta yoolkooda. Waxa
ay ku diidanyihiin dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab,
ayaga oo u arka niman aan aqoonsanayn
qawaaniinta UNta, kumana ammaanaan in ay
aad ugu dhegenyihiin qawaaniinta
Shareecada Islaamka.
Hadal
iyo dhammantii, waxad mooddaa in
aanay qolyahani si fiican u fahmin
dagaalka socda noociisa. Waxa kaloo dhici
karta in aanay qudhoodu ka baaraandegin
waxa ay aaminsanyihiin. Waxa kaloo dhici
karta in ay ciirada isku qarinayaan ee ay
dhinaca kale la jiraan. Haddii arrinku
sida hore yahay, waxan kula talinayaa in
ay maqaalkaygan dhuuxaan, haddiise arrinku
sida dambe yahay, waxaan kula talinayaa in
ay dib isugu noqdaan oo ay mugdiga ka
baxaan. Haddiise arrinku ka saddexaad
yahay, waxa iga talo ah in aanay ku soo
gabban wax ka sheegga Al-Shabaab ee ay
iska caddaystaan ujeedadooda fog. Ha ku
biiraan safka cidda ay mabaadidooda
aaminsanyihiin. Wax kasta oo laga sheego
Al-Shabaab, waxa beeninaya kaalinta ay ugu
jiraan umadda Soomaaliyeed. Waxa meesha
taal, maahmaahdii odhan jirtay ”libaax
nin ganayna og, nin galladayna og”.
Haddiiba khilaaf jiro iyaga ayey tahay in
loo tanaasulo, Culimada Soomaaliyeedna
sidaas ayey yeeli doonaan Insha Allaah.
FG:
Maqaalka Qeyb danbe ayuu leeyahay dhawaan
ayaana idin soo gudbin doonaa.
Maxamed
Xirsi Guuleed, Somalia