Maqaalkan qaybtiisii hore waxan ku soo
xusay tilmaamo kooban oo ku saabsan Al-shabaab,
kaalintooda iyo mawaaqiftooda oo dhinac ah
iyo cidaha la dirirsan oo dhinac ah.
Cidaha la dirirsan waxan ku soo koobay A)
quruumaha islaam la dirirka ah iyo
adeegayaashooda faraha badan oo ay xiitaa
ka mid yihiin soomaali noocyo badan. B)
Urur-diimeedyada islaamiga ah ee
Soomaaliyeed ee kale.
Qolada koowaad waan ka soo tilaamay wax
habayaraatee. Qolada labaaadna waxan ka
leeyahay:
Urur-diimeedyada islaamiga ah ee kale
Urur-diimeedyada
kale ee diidan Al-shabaab waxay ku
diidanyihiin ee ugu wayn ee la sheegi
karaa waa tartan xagga awoodda iyo
hoggaanka ah. Ma jiro wax faraq-diineed ah
oo u dhexeeya oo la sheegi karo. Khilaafka
keli ah ee jiri karaa waa; Yaa lagu
daba-faylayaa? Marka la eego sida
cadowgoodu isu bahaysanayo, uguna
midboobayo la dirirkooda, waad la
fajacaysaa isu tanaasul la´aantooda. Waa
murugo eh, waxa meeshan loo baahanyey
cilmi-baadhis, lafa gur iyo faallayn
xooggan oo ay u soo banbaxaan kaadiriin ku
baraarugsan marxaladda la marayo. Waxaase
ka sii muhiimsan in ay u soo banbaxaan
guurti xallisa is maandhaafka yaal ”inta
aan talo faro-ka-haadin”. Miyaan
taariikhda waxba laga baranahaynin? Miyaan
mujaahidiintii reer Afgaanistaan meesha
tacabkoodi ku dambeeyey inoo sii muuqan?
Haddii fagaaraha dagaalka Soomaaliya ay ka
jireen Al-shabaab oo lahaa hoggaan
habaysan, maxaa looga baahanyey in jabhad
kale laga garab furo? Waxa la doonayaa ma
”i arkaay i maqlaay” baa iyo in
taariikh gaar ah la samaysto? Ma magac
kooxeed ayaa mudan in walaalnimo iyo
hiilba la isku siiyo mise alle dartii?
Allaahu akbar, wallee waxa cagta la saaray
waddadii madoobayd (akhri buugga: dumar
talo ma laga deyey?)
Yey dan u
yihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab?
Su´aashan jawaabteeda waa mid aan ku
boorrinayo qof kasta oo akhriyaaba iuu
gaar uga fekero. Kow-kow iyo koox-kooxba
uga fekera jawaabta. Anigu waan ka fekeray,
fikiri badan iyo faallona way ii
laabantahay. Waxaanse hadda leeyahay;
dhaqdhaqaani wuxu dan u yahay umadda
soomaaliyeed, umadda islaamka iyo guud
ahaanba shucuubta la daciifsaday ee
adduunka. Waayo dheh?
Dee
dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya wuxu
ahaa mid ay soo qorsheeyeen oo maalgasheen
qowadaha reer galbeedka, kuwaas oo raba in
ay umadaha adduunku sii ahaadaan qaar aan
iyaga ka xor ahayn oo taag daran. Ujeedada
fogina waa in boqolaalka sano ee soo socda
ay carruurtoodu nabadgelyo ku helaan
dhulalkooda, dhulalka kalena looga
aqoonsanaado boqorro oo looga soo
hadyadeeyo khayraadka adduunka oo dhan,
iyaga oo ka qatan kuwa soo hadyadeeyey.
Ujeedadoodaas fog waxa ay ku gaadhi
karaan, in ay isla imikaba ka helaan meel
kasta dad u sujuudsan, dhaqankooda iyo
sarrayntoodana cabsan. Haddii ay waayaan
qaar u sujuudsan waa in ay helaan qaar u
rukuucsan. Haddii ay kuwaas waayaanna waxa
ay adeegsanayaan ”xoog iyo xadiid” si
ay shacbiga dhan u ogolaysiiyaan u
rukuucsanaantooda. Shaki kuma jiro in ay
jiraan dad badan oo u rukuucsan iyo xiitaa
qaar u sujuudsan quruumhaas gumaysidoonka
ah. Tusaaleyaal badan in aan soo qaato
kama gaadho hadda. Laakiin Al-shabaab waa
ay diideen in ay u rukuucaan cid aan
Ilaahay ahayn. Iskaba daah quruumaha
gumaysi-doonka ah warkooda eh. Taas waxa
aad ka garan kartaa sida cadowga soo
duulay iyo xulafadoodu ay u necebyihiin.
Haddii cadowgii umaddu u arko khatar Al-shabaab,
maxaa lagu macnayn karaa?, haaa, taas waxa
lagu macnayn karaa in jiritaanka Al-shabaab
aanay dan u ahayn quruumaha duullaanka ah,
taas oo la macno ah in ay dan u yihiin
umadda lagu soo duulay.
Taas waxa markhaati u ah meesha ay ka
soo qaadeen karaamadii umadda markii dalka
la qabsaday. Markii cabsi lala wada
dhuuntay sow al-shabaab ma ahayn kuwa
laabtooda xabbadda u furay ee inagu siman
in aan dib isu abaabuli karno? Taas yaan
loo qaadan in aan duudsiyayo dadkii ee
culimo iyo caamaba lahaa. Xaasha. Waxaanse
leeyahay; illeen umaddu hogaan ayey u
baahantay sow hoggaanka Al-shabaab ma aha
kuwa umadda geesinimo geliyey?
Sidaas oo kale ayey dan ugu yihiin
umadaha islaamka ee uu dhulalkooda ku
dhabanaaniyey duulaanka caalamiga ahi.
Isla sidaas oo kale ayey dan ugu yihiin
shucuubta caalamka ee ay saarantahay
heeryada gumaysiga, iyaga oo cashar ahaan
u qaadanaya in naf hurnimo iyo haladayg
loogu babac dhigi karo awoodo kaa tiro iyo
hub badan.
Talo guud
oo ku socota bulsho weynta Soomaaliyeed
Umadda Soomaaliyeed waxa aan u oo
jeedinayaa in ay si fiican u fahmaan
dhinaca wax u socdaan. Waa in la fahmo
waxa la isku haysto. Waa in taariikhda dib
loo eego. Iyada oo ay tahay in ciddii
qalad leh aan lagala gabban, waxanan
taladaas u faahfaahinayaa sidatan soo
socota:
Waa in la
xasuusnaado dagaalka Soomaaliya ka socdaa
inuu yahay mid ku dhisan mabaadi oo la
isku haysto; hirgelinta shareecada
islaamka iyo hakinteeda ama aan idhaahdo
hirgelinta mabaadiida beesha
caalamka iyo hakintooda. Qofkii aaminsan
mabaadiida beesha caalamka, yaanu isku
mushquulin gobanimo doon, maxaa yeelay
beesha caalamku iyaga ayaa u tashaday
Soomaaliya, waxaanay u wakiisheen Itoobiya.
Qofkii beesha caalamka aaminsani waa in uu
ka mid noqdo adeegayaasha ciidamada
Itoobiya iyo kooxda Imbigaati. Qofkiise
aaminsan in shareecada islaamku
hana-qaaddo waa in uu muruqiisa iyo
maalkiisa iyo maankiisaba ku biiriyo
dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee afkaartaas
xambaarsan. Dagaalka socdaa qabiil maaha,
mid qoomiyadeedna maaha ee waa mid mabda´
ah.
Waa in si wanaagsan loo fahmo in xalka
soomaaliya uu hadda ka fogaaday dhinaca
diblomaasiyadda. Natiijo kasta oo ka soo
baxda dadaal dublamaasiyadeedna wuxu
noqonayaa guul u soo hoyatay beesha
caalamka ee islaamka la dirirsan iyo
guuldarro u soo hayatay umadda
soomaaliyeed ee rabta in shareecada
islaamka lagu dhaqmo.? Taas ugama jeedo in
aan qaddiyaddeen loo soo bandhigin
adduunka. Waa xaq in faddeexadda ka socota
dhulka Soomaalida daaha laga qaado.
Xasuuqa iyo shirqoollada is dabayaal, waa
in goob walba lagala oogsado, si
xujo loogu oogo shucuubta caalamka.
Laakiin dadka hawshaas u kacayaa waa in ay
ahaadaan uun qaar wacyiga shucuubta
caalamka wax ka bedela oo ”opinion
makers” ah ee ayna noqon ”dicission
makers”. Meesha la isku haystaa
waa dhulkaagii dadka la xasuuqayaana waa
dadkaagii.
Dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya wuxu
ahaa mid ay soo qorsheeyeen oo maalgasheen
qowadaha reer galbeedka, kuwaas oo raba in
ay umadaha adduunku sii ahaadaan qaar aan
iyaga ka xor ahayn oo taag daran. Ujeedada
fogina waa in boqolaalka sano ee soo socda
ay carruurtoodu nabadgelyo ku helaan
dhulalkooda, dhulalka kalena looga
aqoonsanaado boqorro oo looga soo
hadyadeeyo khayraadka adduunka oo dhan,
iyaga oo ka qatan kuwa soo hadyadeeyey.
Waa in la xasuusnaado dadkii iyo kooxihii
u babac dhigay duulaankan ee nafahoodii
qaaliga ahaa u hibeeyey si ay u hakiyaan
damaca quruumaha gumaysidoonka ah ee
islaam la dirirka ah. Waa in la
xasuusnaado ragga inagu simayn in dib la
isu abaabuli karo, oo aan laga abaal
dhicin. Yeynaan noqon sidii Ehelu-naarkii
qoloba qoladii ka horraysay nacdali jirtay.
Waa in la xasuusnaado quruumaha
gumaysi-doonka ah iyo kuwa islaam la
dirirka ahiba in ay ahaatan, ka
quusteen guushii ay bilowgii ku faanayeen.
Sida keli ah ee ay ku fashilin karaan
halganka dib u xorayntana waa in la iska
horkeeno xooggaga wax iska caabinta ee
culimadu hoggaaminayso. Arrintaasna way
galeen tacabkeedii, waanay ku dhawyihiin
in ay ku guulaystaan kol haddii ay
maantaba jiraan ilaa saddex ciidan oo si
kala gooni ah u hawl gala. Arintani waa
mid murugo lehe, waa in dhakhso loogu kaco
”inta aanay talo faro ka haadin”.
Shaxda cadowgu way iska caddahay, waxayna
tahay: ”ninka ba´an ee walaalkaa ah dil
si aan kuu amaan siiyo”.
Waa in la xasuusto in labadii qarni ee u
dambaysay ay Itoobiya u soo siqaysay
dhinaca xeebaha Soomaalida, guushuna u
dambaynaysay Itoobiyaanka. Taas waxa
sababayey iyaga oo ku dagaallamayey
”mabda´ adag” isla markaana haystay
hiilka walaalahooda Kiristaanka, halka
umaddeenu aanay lahayn qorshe lagu talo
galay iyo hiil walaal toona.
Waa in maanka lagu hayo, haddii ay
Itoobiya u suurogashay in ay 100 sano ka
hor qabsatay magaalada Harar, maantana ay
is le´egyihiin Masaajidada iyo
kiniisadaha Harar, in Xamarna ay sii
haysan karaan, masaajidada Xamar iyo
kiniisadaha mustaqbalkuna is le´egaan
karaan 100 sano ka dib. Waa in aan fekerno
wixii u suurageliyey guusha ay Harar ku
xalaashadeen, si aanay Xamarna ugu
xalaashan.
Talo ku socota dhaqdhaqaaqa Al-shabaab
Dhaqdhaqaaq Al-shabaab waxan iyagana ku
leeyahay:
Horta waad ku saxsanaydeen in aad
qaaddacdeen shirkii Asmara, maxaa yeelay
waxaa qayb ka ahaa, kuwii dalbaday
ciidamada dalka lagu qabsaday oo aan
welina ka toobad keenin xeerkii ay cadowga
ugu jideeyeen xurmo-tiridda umadda
islaamka ah ee soomaaliyeed.
Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdeen
shirka Asmara maxaa yeelay; waxa ka qayb
ahaa kuwii yidhi; dayaaradaha Maraykanku
qasaaraha ay gaysanayaan waa yaryahay ee
waa in ciidamada dhulka ee Maraykanku noo
yimaaddaan, si ay u ugaadhsadaan
islaamiyiinta. Welina maynu maqal toobad
keen arinkaas ku saabsan.
Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdaan
shirkii Asmara, maxaa yeelay wuxu
kulminayey dad afkaarta ku kala tagsan oo
qaarkood aanay duwanayn kooxda Imbigaati.
Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdeen
maxaa yeelay wuxu u eegaa meel ay ku soo
dhuuman karaan beesha caalamku si ay
dagaalka ugu beddelaan mid u dhexeeya xaq
u dirirka islaamiyiinta ah ee soomaaliyeed.
Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdaan
shirka Asmara, maxaa yeelay waxad ka
baqdeen in uu aakhirka sababo; ciidamada
dalka qabsaday oo qaarna ka baxaan qaarna
iyaga oo sharci ah hadhaan, kooxda
Imibigaatina ay dalka u hadho,
muqaawamaduna noqoto mucaarad aan
hubaysnayn, oo aakhirka mabaadidooda
xididada loo siibo.
Waxaadse ku qaldantihiin in aad beri ka
noqotaan walaaladiina shirkaas ka
qaybgalay ee aad qaarkood wax walba ka
simantihiin. Qaarkoodna ayba noqden
astaamo umaddu ku xisaabtanto.
Waxad ku qaldantihiin in aad far waaweyn
ku qortaan faahfaahinta mabaadidiina
mustaqbalka fog. Uma baahnidin in aad
shacabka Soomaaliyeed far waaweyn wax ugu
qortaan waayo? Waxa ku filan; ku dhaqanka
Shareecada islaamka ayaanu rabnaa, cadowga
soo duulayna waa la jihaadahaynaa.
Faahfaahinta intaas ka badani caamada uma
wanaagsana, dadkana waxa lagula hadlaa
inta uu leegyahay wacyigoodu. Waxa ka faa´iidaysanaya
adeegayaasha cadowga ee iska dhigaya qaar
kula safan.
Waxad ku qaldantihiin in aad reer
galbeedka far waaweyn wax ugu qortaan.
Maxaa yeelay waxa ku filan ku dhaqanka
shareecada islaamka ayanu rabnaa. Halkaas
ayey ka garanayaan faahfaahinta
mabaadidiina mustaqbalka fog, iyo in aad
odhan doontaan: Ma ogolin mabaadiida
qaramada midoowbay, ma ictiraafsanin
xuduudaha lagu kala qoqobay umadda
islaamka ah iyo in alla inta qof islaam ah
la gumaysanayo hawshu way soconaysaa. Qof
kasta oo sheegta in uu shareecada islaamka
dhaqan gelin doono-na isku doon ayaad
saarantihiin, xiitaa haddii uu sheegto in
uu qunyar socodyahay.
Waa in aad ka shaqaysaan midaynta safka
halganka, iskuna daydaan in aad u
tanaasushaan cid kasta oo aad diintooda ku
kalsoontihiin, xiitaa haddii ay iyagu
idiin tanaasuli waayaan.
GEBOGEBO
Walaalayaal waxa aan ku qoray maqaalkan,
ugama jeedo wax hagaajin mooyaane.
Waxaanan qoray wax wadnahayga ka soo
baxay oo aan ku saleeyey aqoontayda iyo
aragtidayda. Haddii la i tuso qaldanaanta
wax ka mid ah waxa aan qoray oo aan ku
qanco qaldanaantiisa, waxan uga laabanayaa
ilaahay dartii.
Dhammaan walaalaha akhriya maqaalkanna
waxan ka codsanayaa in aanay ku akhriyin
indho-colaadeed ama kaljeclaan. Ha ku
akhriyaan indho xaqiiqo raadis ah. Iska
fura okiyaalaha iyo xarka suurta-galka ah:
Ee jacaylka xarako ama
nacaybka mid kale
qabyaaladda aaminsanaanta nadaam caalami
ah
iyo xogaha aad ku hesheen si ”qiila wa
qaala ah”
Maxamed
Xirsi Guuleed, Somalia