Soomaalida maanta waxaa haysta ayaan darro tii
ugu waynayd sababtoo ah waxaa horboodayo isma dhaanto iyo
dhashood kuwaa soo ah haraagii dowladdi burburtay kadib markii
ay shacabka uga ad kaysanwaayeen dhabaatadii lagu hayay iyo
xaqdarradii dalka ka jirtay ayaa rag kuwii hore ka mid ahaa
ayaa shaararka noo soo bedeshay oo si dadab ah noo soo galay,
ayagoo gacan ka helay Ismaaciil Cumar Geelle oo isagaba
dalkiisi Jabuti laqay isagoo u dhiibtay xoolihiisa ina Boorre
haddana shirkad la noqday Cabdiqaasin Salaad ina Salaad booy.
Waxaa intaasi ka daran Xassan Abshir oo uu
dardaray kursi jacayl maantana la taagan in uu sugo amaamka
Muqdisho isagoo aan tegi karin Garowe oo dadkiisi joogaan,
marka waxaan leenahay ma waalanyihiin mise waa miir qabaan
dadka maanta dowlad nimo sheeganayo dadkoodina
dhibaataysanyihii.
Cabdiqaasin oo marna wadaad sheeganayo isla
markaasna la tashanaayo wasiiradiisa oo qaar guryaha ay ku
jiraan loo baxshay KANIISADDA halka ay ka gaareen fusqiga iyo
khamriga, waa ummad wada cajiib ah waxase ka daran kuwa hoos
lafalafaysta ee isku sheegaya in ay matalaan qabiillo.
Soomaaliyeey waxaan idin leeyahay ka fiirsada waxa aad
samaynaysii.
Prs.Omar Galagul