Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Cabdow & Cabdalla Waa Codeeyeen,Caddowna Waa Codeeyay Waa Caydiina Waana Caydeena

Gogasha Eldorat  loogu dhigay Soomaaliweyn is diidan oo ku dhex dhuntay dana is diidan iyo qabiil lagu habar kacsado oo aan loo maqnayn deegaankiisi dhabta ahaana la dayacay, boobka iyo sheegashada gacan ku haynta deegaano aan is xigin, taxaalufyo aan wada shaqayn Karin siyaasad ahaan iyo qabiil ahaan,shaqsiyaad shirka ku fadhiyo magaca deegaano aynan ka soo jeedin oo weliba ku abtirsado beelaha lagu tiriyo in ay Soomaali weyn ugu waaweyn yihiin.
Maalin walbo oo hor leh gogasha Eldorat u taal Soomaaliweyn  waxaa  soo if baxo in shirkan arrimo badan kaga duwan yahay shirarki Soomaaliweyn horay loogu qaban jiray ,shirkan wuxuu iftiimiyay  dhibaatada runta ah ee Soomaali haysto in ay tahay in ay is hor fadhiyaan hogaamiyayaal dadkooda iyo deegaankooda ka socda iyo hogaamiyayaal aan dadkooda iyo deegaankooda ka socan iyo kuwa u dhexeeyo labadan kooxood oo ku jahwareeray inta u dhexeyso caloolo hoos ka guuxayo danahoodana aan kor u sheegi Karin diif xumana ka muuqato iyo kuwa seefta ku dhufanaayo ujeedooyinkooda hadafkooduna cad yahay meel loo raacana leh,waxaana shirkan intaa u dheer fara gelin shisheeya oo aan meel ka soo wada jeedin danahoodana is diidan yihiin.

Shirka Eldorat Soomaaliweyn uga Socda haddii Cabduqaasim kale ee qabiilka dhuuxa ka galay la keeni lahaa, haddii Xamid karasaay daciif ah ee nagu dhexjiro mudda dheerna u hanqaltaagayay qabashada hogaanka Soomaaliyeed noola tilmaami doono  iyo haddii ay guusha raacdo hogaamiya Soomaaliyeed ee aan siyaasadiisa isbedbedal lagu aqoon kana  soo jeedo bashtuu xoogweyn dad ahaan iyo deegaan ahaan , fara kama qodna xal u helida dhibka Soomaali weyn u yaal sidaana uma sahlana waana in aan isweydiinaa waayo cidda hortaagan hashiis balaaran ee dhexmaro Soomaaliweyn keenana dowlad caadil ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba u horseedo soo celitaanki kaladanbaynta iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

Hogaamiyayaasha fadhiya gogasha Eldorat badankooda diyaar uma aha in la helo dowlad caadil ah ee la xisaabtanto cid kasto oo Soomaaliweyn iyo dalkaba denbi ka gashay waxaayna la soo shir tageen iyagga oo ku xisaabtamayo laba arrimood mid,waa tan horee in ay shirka kala tagaan guul iyaga raacdo jid walba oo ay u maraan  dadka Soomaaliyeedna la harto kuna reebto dhibaata aan dhamaan iyo tan labaad oo ah in ay shirka fashiliyaan marnana aynan aqbalin in ay halkaa ka soo baxdo dowlad aynan awood ku lahayn cadaalana ku dhaqdo waddanka Soomaaliyeed .

Waxaa iyadana aan shaki ku jirin in shirkan u cakiran yahay Maamulka Igad oo daciif ah qorsha cadna aan la imaan gogasha Eldorat iyo in aan la aqoon yaa la heshiisiinayaa oo iyada colaad ka dhexeysaa gogashana loo dhigay.waxaad maqlaysaa waxaa lagu dhawaaqay Hawiya ergadooda ha soo qeybsadaan,Daroodna sidaas oo kale ,Raxanweyn oo dagaalkooda iyo colaadoodana qoyan tahay sidaas oo kale.waa su'aal is weydiin mudan Soomali maxaay u timid Eldorat haddii ay sidaa  u sahlantahay Ergo qeybsigooda qola walbo oo aan kor ku soo xusay ,miyaynan Muqdisho goor hore nabad ka dilaacdeen, Puntland iyo Baydhabana barwaaqo iyo xasilooni lagu negaadeen, Kismaaya iyo koofurta dalkana gumeysiga ka hoos baxeen ..

Soomalaay dhibaatada Soomaali ka hortaagan in ay helaan Dowlad loo dhan yahay ma'ahan qabiil oo kaliya ee waxaa la isku haystaa deegaan iyo yaa deggan  yaasa deegaanka maamulayo ma qolada xooga ku haysto una dhaqmayso sidi isticmaar misa qolada loo yaqaan deegaankaa taariikh ahaan,waxaa iyadana nabad waddanka Soomaaliya ka dilaacdo hortaagan hogaamiyayaal ku maalaystay guusha ay ka gaareen maareynta iyo gacan ku haynta dhibaatada Somaliya ka jirta, reeraha ay ka soo jeedaana u sheega in ay u maqan yihiin danta qabiilkooda adduun weynahana u sheega in ay ayagga yihiin hogaamiyaasha dhabta ah ee u taagan danaha ummadda Soomaaliyeed waddankana ka hor taagan in maamulkiisa mar kale gacanta ugu dhaco dowlad diktatoori ah.

Ma jecli in aan ummadda Soomaaliyeed rajada ka xumeeyo  laakin waxaa xaqiiqo ah lana dhaafi Karin in Shirkan  guushiisa ku xiran tahay laba qodob oo tan hore tahay ka dhawaajinta xal u helida deeganada la kala haysto inta aan laga wada hadalin awood qeybsi iyo Soomaaliya yaa madaxweyne ka noqonaayo iyada  oo la adeegsanayo khubara caalamiya oo iyaga ku takhasusay baaritaanka dhulalka la isku haysto loona dirayo goobaha ay ka jirto colaada si ay uga war doonaan maleeshiyaadka lagu eedaynayo in ay deegaan haystaan iyo dadka deggan dhulka la haysto ma is leeyihiin.khubaradaan waa in ay yihiin dhexdhexaad waraysina la yeeshaan labada dhinac si ay uga gun gaaraan halka xaqiiqada salka ku hayso .arrin walba ee la isku khilaafo waxaay u baahan tahay sabar iyo in dadaal dheeraada oo la siiyo si xal waara looga gaaro arrimaha la isku mari la'ayahay sidaa darteed Soomaali weyn waxaan kula talin lahaa gaar ahaan ergooyinka joogo Eldorat in ay qaataan xikmada ah Daaliya ayaa dila iyo in laga dheeraado in lagu degdego Cali waa codeeyay iyo Caasha waa codeysay oo si sahal ah u abuuri karto in  Gogashaas uu ka soo baxo madaxweyne ay wax walbo uga muhimsan yihiin qabashada jagadaas marnana aynan u muuqan in aan gogashan loo imaan yaa Soomaaliweyn hogaaminayo oo keliya balsa loo yimid yaa Soomali ku hogaamin karo nabad iyo kala danbayn lagu soo dabaalo Dalka Soomaaliyeed iyo ummadda oo la baro laguna wacyi geliyo  in laga fogaado arrin walbo oo abuuri karto ku noqoshada amni darro raagto iyo colaad danbe .tan labaad oo ay guusha shirkan ku xirantahay waa in xalka Soomaliya loo maraa nidaamki looga guul gaaray Dalka laybeeria oo ahaa in dadweynaha dalkaas ay iyaga si toos ah u soo doorteen madaxweynaha dalka taasoo haddii ay Soomaali raacdo fursad weyn siinayso shacabka Soomaaliyeed intiisa badan oo aan gogasha Eldorat ku lahayn cid masasho codkooda, arrimtan waa in ay ka horayso beesha caalamka oo u dhaqaaqdo in ay tira koob ku sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo diiwan gelin asaaskeeda yahay ruux walbo halka uu magaciisa ku qoro maahine in uunan mustabalka dhow iyo midka fog uunan magaciisa kaga codbixin karin meel ka duwan halka uu magaciisa ka diiwan geliyay.

Hogaamiyayaahsa shirka fadhiya  waxaan u rajeynayaa in ay gartaan dhibaato walbo in ay leedahay dhamaad iyo in ay ka gudbaan danaynta danta shaqsiga ah oo keliya ugana gudbaan sidi ay uga shaqayn lahaayeen xal u helida dhibaatada Soomaali weyn dul taalo mudda ka badan laba iyo toban sano.

Waxaan iyagana maamulka Igad iyo beesha caalamka ee isu xilsaartay heshiisiinta Soomaaliweyn u rajeynaynaa in ay guul wacan oo wax ku ool ah ka gaaraan dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed waxaana ka codsnaynaa  in ay culays xoogan saaraan ruuxi isku dayo in uu carqaladeeyo habsami u socodka shirka iyo guul ka gaaridiisa, waxaa kale oo aan ka codsanaynaa in aanan madaxweynaha soomaliyeed loo dooran qaabki loo doortay gogashi shirki Soomaaliweyn loogu qabtay degmada Carta ee dalka Jabuuti ,waana in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee mustaqbalka loo maraa in ay si toos ah u soo doortaan Shacabka Soomaaliyeed keddib marki ummadda Soomaaliyeed lagu sameeyo tirakoob, haddii aysa dhacdo in la huriwaayo in shirkan si ku meel gaar ah loo doorto hogaamiya Soomaaliyeed waa in murashaxa doonaya noqoshada hogaamiya Soomaaliyeed shardi looga dhigaa in uu xubin ka yahay afarta boqol oo ay ka kooban tahay ergada fadhida gogasha Eldorat  lagana dheeraado in musharaxa ka yimaado meel ka baxsan xariga ku wareegsan gogasha iyo xubnaha ku dhex jiro ee u fadhiya ka mira dhalinta shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ay gogashiisa tahay degmada Eldorat ee dalka Kenya.

Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com

Moallem@lycos.com
 



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul