Gogasha
Eldorat loogu
dhigay Soomaaliweyn is diidan oo ku dhex dhuntay dana is
diidan iyo qabiil lagu habar kacsado oo aan loo maqnayn
deegaankiisi dhabta ahaana la dayacay, boobka iyo
sheegashada gacan ku haynta deegaano aan is xigin,
taxaalufyo aan wada shaqayn Karin siyaasad ahaan iyo
qabiil ahaan,shaqsiyaad shirka ku fadhiyo magaca
deegaano aynan ka soo jeedin oo weliba ku abtirsado
beelaha lagu tiriyo in ay Soomaali weyn ugu waaweyn
yihiin.
Maalin walbo oo hor leh gogasha Eldorat u taal
Soomaaliweyn waxaa
soo if baxo in shirkan arrimo badan kaga duwan
yahay shirarki Soomaaliweyn horay loogu qaban jiray ,shirkan
wuxuu iftiimiyay dhibaatada
runta ah ee Soomaali haysto in ay tahay in ay is hor
fadhiyaan hogaamiyayaal dadkooda iyo deegaankooda ka
socda iyo hogaamiyayaal aan dadkooda iyo deegaankooda ka
socan iyo kuwa u dhexeeyo labadan kooxood oo ku
jahwareeray inta u dhexeyso caloolo hoos ka guuxayo
danahoodana aan kor u sheegi Karin diif xumana ka
muuqato iyo kuwa seefta ku dhufanaayo ujeedooyinkooda
hadafkooduna cad yahay meel loo raacana leh,waxaana
shirkan intaa u dheer fara gelin shisheeya oo aan meel
ka soo wada jeedin danahoodana is diidan yihiin.
Shirka Eldorat Soomaaliweyn uga Socda haddii Cabduqaasim
kale ee qabiilka dhuuxa ka galay la keeni lahaa, haddii
Xamid karasaay daciif ah ee nagu dhexjiro mudda dheerna
u hanqaltaagayay qabashada hogaanka Soomaaliyeed noola
tilmaami doono iyo haddii ay guusha raacdo hogaamiya Soomaaliyeed ee aan
siyaasadiisa isbedbedal lagu aqoon kana
soo jeedo bashtuu xoogweyn dad ahaan iyo deegaan
ahaan , fara kama qodna xal u helida dhibka Soomaali
weyn u yaal sidaana uma sahlana waana in aan isweydiinaa
waayo cidda hortaagan hashiis balaaran ee dhexmaro
Soomaaliweyn keenana dowlad caadil ah ee dadka
Soomaaliyeed iyo dalkaba u horseedo soo celitaanki
kaladanbaynta iyo sharciga oo lagu dhaqmo.
Hogaamiyayaasha fadhiya gogasha Eldorat badankooda diyaar
uma aha in la helo dowlad caadil ah ee la xisaabtanto
cid kasto oo Soomaaliweyn iyo dalkaba denbi ka gashay
waxaayna la soo shir tageen iyagga oo ku xisaabtamayo
laba arrimood mid,waa tan horee in ay shirka kala tagaan
guul iyaga raacdo jid walba oo ay u maraan
dadka Soomaaliyeedna la harto kuna reebto
dhibaata aan dhamaan iyo tan labaad oo ah in ay shirka
fashiliyaan marnana aynan aqbalin in ay halkaa ka soo
baxdo dowlad aynan awood ku lahayn cadaalana ku dhaqdo
waddanka Soomaaliyeed .
Waxaa iyadana aan shaki ku jirin in shirkan u cakiran yahay
Maamulka Igad oo daciif ah qorsha cadna aan la imaan
gogasha Eldorat iyo in aan la aqoon yaa la
heshiisiinayaa oo iyada colaad ka dhexeysaa gogashana
loo dhigay.waxaad maqlaysaa waxaa lagu dhawaaqay Hawiya
ergadooda ha soo qeybsadaan,Daroodna sidaas oo kale ,Raxanweyn
oo dagaalkooda iyo colaadoodana qoyan tahay sidaas oo
kale.waa su'aal is weydiin mudan Soomali maxaay u timid
Eldorat haddii ay sidaa
u sahlantahay Ergo qeybsigooda qola walbo oo aan
kor ku soo xusay ,miyaynan Muqdisho goor hore nabad ka
dilaacdeen, Puntland iyo Baydhabana barwaaqo iyo
xasilooni lagu negaadeen, Kismaaya iyo koofurta dalkana
gumeysiga ka hoos baxeen ..
Soomalaay dhibaatada Soomaali ka hortaagan in ay helaan
Dowlad loo dhan yahay ma'ahan qabiil oo kaliya ee waxaa
la isku haystaa deegaan iyo yaa deggan
yaasa deegaanka maamulayo ma qolada xooga ku
haysto una dhaqmayso sidi isticmaar misa qolada loo
yaqaan deegaankaa taariikh ahaan,waxaa iyadana nabad
waddanka Soomaaliya ka dilaacdo hortaagan hogaamiyayaal
ku maalaystay guusha ay ka gaareen maareynta iyo gacan
ku haynta dhibaatada Somaliya ka jirta, reeraha ay ka
soo jeedaana u sheega in ay u maqan yihiin danta
qabiilkooda adduun weynahana u sheega in ay ayagga
yihiin hogaamiyaasha dhabta ah ee u taagan danaha
ummadda Soomaaliyeed waddankana ka hor taagan in
maamulkiisa mar kale gacanta ugu dhaco dowlad diktatoori
ah.
Ma jecli in aan ummadda Soomaaliyeed rajada ka xumeeyo
laakin waxaa xaqiiqo ah lana dhaafi Karin in
Shirkan guushiisa
ku xiran tahay laba qodob oo tan hore tahay ka
dhawaajinta xal u helida deeganada la kala haysto inta
aan laga wada hadalin awood qeybsi iyo Soomaaliya yaa
madaxweyne ka noqonaayo iyada
oo la adeegsanayo khubara caalamiya oo iyaga ku
takhasusay baaritaanka dhulalka la isku haysto loona
dirayo goobaha ay ka jirto colaada si ay uga war doonaan
maleeshiyaadka lagu eedaynayo in ay deegaan haystaan iyo
dadka deggan dhulka la haysto ma is
leeyihiin.khubaradaan waa in ay yihiin dhexdhexaad
waraysina la yeeshaan labada dhinac si ay uga gun
gaaraan halka xaqiiqada salka ku hayso .arrin walba ee
la isku khilaafo waxaay u baahan tahay sabar iyo in
dadaal dheeraada oo la siiyo si xal waara looga gaaro
arrimaha la isku mari la'ayahay sidaa darteed Soomaali
weyn waxaan kula talin lahaa gaar ahaan ergooyinka joogo
Eldorat in ay qaataan xikmada ah Daaliya
ayaa dila iyo in laga dheeraado in lagu degdego
Cali waa codeeyay iyo Caasha waa codeysay oo si sahal ah
u abuuri karto in Gogashaas
uu ka soo baxo madaxweyne ay wax walbo uga muhimsan
yihiin qabashada jagadaas marnana aynan u muuqan in aan
gogashan loo imaan yaa Soomaaliweyn hogaaminayo oo
keliya balsa loo yimid yaa Soomali ku hogaamin karo
nabad iyo kala danbayn lagu soo dabaalo Dalka
Soomaaliyeed iyo ummadda oo la baro laguna wacyi geliyo
in laga fogaado arrin walbo oo abuuri karto ku
noqoshada amni darro raagto iyo colaad danbe .tan labaad
oo ay guusha shirkan ku xirantahay waa in xalka
Soomaliya loo maraa nidaamki looga guul gaaray Dalka
laybeeria oo ahaa in dadweynaha dalkaas ay iyaga si toos
ah u soo doorteen madaxweynaha dalka taasoo haddii ay
Soomaali raacdo fursad weyn siinayso shacabka
Soomaaliyeed intiisa badan oo aan gogasha Eldorat ku
lahayn cid masasho codkooda, arrimtan waa in ay ka
horayso beesha caalamka oo u dhaqaaqdo in ay tira koob
ku sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo diiwan gelin
asaaskeeda yahay ruux walbo halka uu magaciisa ku qoro
maahine in uunan mustabalka dhow iyo midka fog uunan
magaciisa kaga codbixin karin meel ka duwan halka uu
magaciisa ka diiwan geliyay.
Hogaamiyayaahsa shirka fadhiya
waxaan u rajeynayaa in ay gartaan dhibaato walbo
in ay leedahay dhamaad iyo in ay ka gudbaan danaynta
danta shaqsiga ah oo keliya ugana gudbaan sidi ay uga
shaqayn lahaayeen xal u helida dhibaatada Soomaali weyn
dul taalo mudda ka badan laba iyo toban sano.
Waxaan iyagana maamulka Igad iyo beesha caalamka ee isu
xilsaartay heshiisiinta Soomaaliweyn u rajeynaynaa in ay
guul wacan oo wax ku ool ah ka gaaraan dhexdhexaadinta
iyo heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed waxaana ka
codsnaynaa in
ay culays xoogan saaraan ruuxi isku dayo in uu
carqaladeeyo habsami u socodka shirka iyo guul ka
gaaridiisa, waxaa kale oo aan ka codsanaynaa in aanan
madaxweynaha soomaliyeed loo dooran qaabki loo doortay
gogashi shirki Soomaaliweyn loogu qabtay degmada Carta
ee dalka Jabuuti ,waana in doorashada madaxweynaha
Soomaaliya ee mustaqbalka loo maraa in ay si toos ah u
soo doortaan Shacabka Soomaaliyeed keddib marki ummadda
Soomaaliyeed lagu sameeyo tirakoob, haddii aysa dhacdo
in la huriwaayo in shirkan si ku meel gaar ah loo doorto
hogaamiya Soomaaliyeed waa in murashaxa doonaya
noqoshada hogaamiya Soomaaliyeed shardi looga dhigaa in
uu xubin ka yahay afarta boqol oo ay ka kooban tahay
ergada fadhida gogasha Eldorat
lagana dheeraado in musharaxa ka yimaado meel ka
baxsan xariga ku wareegsan gogasha iyo xubnaha ku dhex
jiro ee u fadhiya ka mira dhalinta shirka dib
uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ay gogashiisa tahay
degmada Eldorat ee dalka Kenya.
Abdallah
Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com