Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Muddulood Ma Naqabataa

Waagi baryaba arrimaha Soomaalida ee shirka Eldorat war hor leh oo haddana muruga leh ,waxaa ka mid ah wararkaas waxaa heshiis gaaray hogaamiyayaasha ka soo jeedo magaalada muqdisho waxaayna ku heshiiyeen in muqdisho la nabadeeyo, deggada iyo airboorkana la furo,waxaa iyadana ah muruga aan taa ka miisaan yareyn hogaamiyayaasha joogo Eldorat oo geddigood kii hadlaba farta ku fiiqo kooxda isaga ka soo horjeedo yiraahdana koox fulaan waxaay doonaysaa in lagu kala tago shirka taana aqbalimeyno waayo shirkan waxaa ka soo baxayo dowlad ay Soomali u dhan tahay iyo aniga oo gaara balamadi la ii sameeyay.

Haddii aad fikirka hoos ugu dheeraato ,haddaladdan aan kor ku xusayna  hoos shisha u fiiriso waxaad arkaysaa Soomalina aan ku cusbeyn in ragga halkaa isugu tegay intooda badan aynan ku maqnayn dan Soomaaliyeed guud ahaan iyo danta taageerayaashooda gaar ahaan waxaa kale oo aad dareemeysaa dowladaha daadihinayo qaabsami u socodka shirka in aynan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed kaga murug badnayn kagana murug badnaan doonin xal u helida dhibaatada Soomaali dul taal.

Muduloodow markaan hoos isula dhigno Eldorat uma muuqato in ay ka  soo cadcadahay Dowlad ay Soomaaliweyn ku caana maalaan dalka iyo dadkana ku dhaqdo cadaalad iyo sinaan sidaa darteed  saddexna waa naga digniin saddexna waa naga talo.

 Ka hor inta aanan u guda gelin digniin iyo talo isu soo jeedin waxaan idin xasuusinaynaa idinka oo ah hogaamiyayaasha Mudulood in aad is weydiisaan talaaba walbo horteed Soomaali waa dhiban tahay ee xaggee laga heystaa? jawaabta su'aashana ha ahaato mid ka dheer calool jileec iyo laab la kac hana ahaato mid ku salaysan xikmad wacan  kana tarjumeyso danta Soomaaliyeed guud ahaan iyo tan deegaanka Mudulood iyo taageerayaashiina gaar ahaan.

Muduloodow nama qabato saddexdan waana naga dgniin.

1)      Gogasha Eldorat nama qabato in aan aqbalno doorasha ku salaysan  aqlabiyad waayo raga iyo dumarka fadhiya gogasha intooda badan ma mathalaan shacabka Soomaaliyeed tan kale meesha looma imaan in la isu dhigo riwaayad la mid ah tii horay Soomaali loogu dhigay degmada Carta ee dalka Jabuuti ,waxaana Eldorat loo tegay in lagu heshiiyo la iskuna af garto keddibna loo tabaabusheysto yaa qabanaayo oo mudan hogaanka Soomaliyeed maandeeqna maali yaqaan .

2)      Nama qabato heshiis siyaasadeed ee ku salaysan gurigaaga aan kula maamulno xamarna khadka cagaaran ha loo daayo madaxweynahana qaado haddii aad naga hesho, Soomaalina aan mar kale ku dayno boob, dhac iyo mooryanimo hor leh

3)       Nama qabato balan la hubo iyo mid aan la hubinba oo ku salaysan wasiirka koowaad qaado ama arimaha gudaha danaha dadkaagana dhinac iska dhig,  xamarna aan ka wada sifeyno xoogaga fadhiya sidaana aan dhaawac hor leh ugu geysano dadweynaha deggan xamar cadde iyo agagaarkeeda.

Muduloodow saddexna waa naga talo waana dantiina iyo danta Somaaliyeed.

  1)waa in aad taladiina ka saartaan in  waddankan nin kor laga keenay hogaamin karo haddii aynan raali ka ahayn shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed taladiina yeynan ka maqnaan nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan iyo nabad la tuugo nabad maaha.

2) Talada ku darsada, marnaba ha  ku seexanina hana ku soo toosina in muqdisho nabad hareereyso haddaynan ka imaan dadka deggan deegaanka xamar iyo agagaarkiisa taana waxaa idinka xigta idinka oo midooba oo Soomalina doona.
3)Muduloodow iydana talada ku darsada dhaawaca Soomaali la kici la'adahay  in uu yahay damac in badan kaga jiro gacan ku dhigida maamulka magaalada Muqdisho iyo talo xuma iyo towfiiq la'aan idinku raagtay.

Abdallah  Moallim  Mahamud(Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com

Moallem@lycos.com



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul