Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Naasaha Maandeeq Waa Amaano

"Intaan u qabo iima qabow waraabaha galbeed ka soo roor" waxaa yiri dhulkeeni hooyo (Dhulki Soomaaliyeed) oo wiilashiisi ka caajiseen taakulaynta hooyadood  oo waayeel ah indhana aan lahayn darxumo ku raagtay awgeed, hilmaamayna hooyadood dhib waxaay ka soo martay iyo dhib wixi laga soo maray jiritaankeeda go'aansadayna daqara culus oo loo geystay keddib in ay fogeeyaan  hoyadadood kagana soo tagaan meel cidla ah in ka badan tiro afar iyo toban jeer oo ay ugu danbeyso Eldorat .

    "Dadow ina dadbana maansha dadab laguu xanbaar" hadalkaana waxaa yiri dhurwaa deris u ahaa cidladi ugu danbeysay ee la geeyay Maandeeq (dhulki Soomaaliyeed) oo marki uu doonayay in uu si raaxa leh u feento hilibkeedi arkay libaax ka mid ah wiilasheedi uuna ku tirinayay doqon oo leh u gaadi war aniga hooyadeey ma fogaynin waana la joogaa ee waxaan ka raacdaysanayay walaalaheey oo aynan jirin wax deeqo waxna aan lala wadaagi Karin oo gedigoodba u hanqal taagayo sadki aan ku lahaay  Maandeeq oo caafimad qabto keddib marki reerka ku dhacday oday la'aan hooyana sidaa ku indhabeeshay .

 Nabad ,wanaag,isafgarasho ,wadashaqayn salka ku hayso kaladanbayn iyo ixtiraam ma hayno haddii aan nahay Soomaali weyn oo jiritaanki wadankeeni wuxuu ku jiraa mugdi sidaa darteed Su'aasha waxaay tahay sidee wadankeeni looga saari karaa mugdiga looguna gudbi karaa in aan dabada qabsano tareenka casrigan lagu tartamayo ku kala horaynta, difaacida iyo dhaqan gelinta  xadaarada ay cidwalbo u aragto in ay ku haboontahay in lagu dhaqmo qarniga 21 annaga oo ku dhegan Diinta Islaamka oo aanan hadda ugu dhaqmin sidi la rabay badankeena sheegasha maahine.

Dhurwayga galbeed iyo tiro kale oo dool ah gedigoodba waxaay tartan ugu jiraan una hanqal taagayaan hanashada khayraadka dhulkeena iyaga oo doonayo in ay abuuraan dowlad kursiga ay ku fadhida yahay mid aan lahayn dhidiba adag ee u adeegto danahooda ka hor danaha dadka Soomaaliyeed oo ay magacooda dowlad ku yihiin,waxaa iyagana culayska wadankeena saaran ka mid ah hogaamiyayaal ay ka maqan tahay fikirkooda iyaga oo wax ku qeybsado meel ka mid ah wadankooda,garashada in nicmada dhulkeena naga badan tahay iyo iyaga oo noqdo ul iyo diirkeeda in ay ka wacan tahay iyaga oo hub la isugu dhiibo dana kalana u adeego iyago oo cabsi ku joogo kana maarmin quwada leh la'aanteey waxba noqonmaysid.

 Soomaaliyeey Guud ahaan, reer Muqdisho gaar ahaan Cawska jiilaal waa lama huraan sida ay lama huraan u tahay in aan xal u helno madmadowga ku kala dhex jiro ummaddeena,turxaan bixinta khilaafka kala dhaxyaal hogaamiyaal mayal adag oo nooc walbana ku dhex jiro  iyo sidi Maandeeq looga badbaadin lahaa bohol sireed oo in mudaaba loo qodayay ,haddaba markaan hoos ugu daadago nuxurka qoraalkan beryahaan danbe waxaa soo if baxayay Soomalida indheergaradkeeda, aqoonbyahankeeda iyo odayaal mudda dheer ku soo jiray siyaasada Soomalida in ay hadal haayaan in Magaalada Muqdisha tahay meeshi lagu kala tegay sidaa darteedna ay noqon karto meesha la isugu imaan karo  mar kale haddii caqliga la adeegsado, caadifo iyo anigaa dhahayna meel la iska dhigo laguna dhaqmo xadiiski Rasuulkeena(CSWS) oo ahaa "ma iimaanayo midkiina ilaa uu la jeclaado walaalkiis wixi naftiisa  uu la jecelyahay"

 Waxaa guul ah ,in la dhiirigeliyana mudan hogaamiyayaasha  dadka dega magaalada Muqdisho ee gartay in ay u dhaqaaqaan mideynta beelaha dega deeganka gobalka Banaadir iyo agagaarkiisa, waxaa iyadana guul ah in ay mideyntaas fikirka ka danbeeyo uu salka ku  haayo in uu noqdo bilow iyo jidki loo mari lahaa mideynta dadweynaha reer Muqdisho gaar ahaan iyo dadweynaha Soomaaliyeed guud ahaan kana fog yahay debandaabyo hor leh iyo turaanturooyin loo dhigo xal u helida arrimaha murugsan ee ummadda Soomaaliyeed ,waxaa iyadana in farta lagu fiiqa mudan garashada mideynta dadka dega degaanka gobalka Banaadir in ay tahay xal loo mari karo nabadaynta magaalada Muqdisho iyada oo uunan daadan mar kale dhiiga dad wada dhashay Soomalinimana wadaago.

Waxaan  rajeynaynaa ilaaheey idinkiis in ay akhyaarta deegaanka Muqdisho ka dhabeeyaan mideyntooda iyo noqoshada in uu ku dhex jiro libaaxi gartay in ay lama huraan tahay daryeelka Maandeeq kuna daraan wanaajinta dhabti loo dhigi lahaa wiilasheedi iyaga oo kalsooni ugu adeegayo  in ay dhabtan noqoto tii aan cadaalo ka danbeyn raga soo agaasimeyna hadafkooda yahay badbaadinta Maandeeq oo kaliya .

 Waxaan iyadana aan ka digaynaa in geedi socodkan wanaaga lagu sifeeyay u amba qaado dhinac xun oo ay ka danbeyso siyaasad guracan iyo aragti gaaban oo aan ka tarjumayn rabitaanka dadka reer Muqdisho oo ah soo celitaanki nabad ka dilaacdo magaalada Mudisho, Soomaliweyna u horseedo isafgarasho iyo cadaalad wax lagu qeybsado.

 
 waxaan iyadana ruux walbo oo soomaaliya kartina u leh in uu dowr wacan ka qaato soo gabagabeynta taariikhda madow ee ummaddeena ugu baaqaynaa in uu ku dhaqaaqo dhiirigelinta odayaasha iyo akhyaarta gobalka uu ka soo jeedo in ay abaabulaan wada hadalo lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jiro qolo walbo oo wada deggan si loogu gudbo wada hadalla guud oo lagu soo dhameynayo murugada waddankeena ku habsatay iyo in laga maarmo faragelin shisheeyo oo u adeegayso danahooda danaheena ka hor.

Maandeeq Madaxeeda iyo qoorteeda dheer waa Woqooyigalbeed,duudka oo tuurta ku jirtana waa Puntland  , lugaheeda horana tan midig waa Galgaduud iyo Mudugta koofureed tan bidixna waa Hiiraan ,bogeeda oo naasaha ku jiraan waa Banaadir ,lugaheeda danbana tan bidix waa Bay iyo Bakool tan midigna waa Kismaayo iyo Bu'aale, dibkeedana waa Gedo.Maandeeq xanuunkeeda wuxuu ka bilowday madaxa wuxuuna ku danbeeyay dibka waxayna gurantay oo caana beeshay marki naasaha laga toogtay.maandeeq oo godlato waa naasaha oo daawa loo helo xabaddana laga bixiyo  keddibna la siiyo xabad asbaro ah si uu madax xanuunka u daayo lugaha horana makaankoodi ugu noqdaan si ay u istaagto lugaha danbana culayska uga kaco si ay afarta lug dhulka ula haleesho dhurwayga galbeedna uga dhaco  tuurteeda ka gadaalna dibka garto in uu dabada ku yaal .

 Soomaaliyeey daryeelka mandeeq waa daryeelka nafteena ee dhinac walbo xagashada ha ka daayo qeybta hoos taal si loo maalo deeqdiisana noo wada gaarto .


 Abdallah Moallim Mahamud(siyaasi)
Moallem10@hotmail.com



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul