Mudulood Page
mudulood Online mudulood Home Pagemudulood News (in English)Mudulood Sport (in English)Mudulood World Service (English)
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 

Eldorat ! Yaa Maali Yaqaan Maandeeq

Waa dardaaran ku socdo ka qeybgalayaasha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socdo degmada Eldorat ee dalka Kenya iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto gudaha dalka iyo debadiisa.

Fadhiga waa Degmada Eldorat ee dalka Kenya, gogashana waxaa leh Danial Arab Moi Madaxweynaha dalka Kenya iyo dowladiisa, ragga is hor fadhiyana waa kuwa heshiis la'aan ku kala tegay in ku dhow 13toban shir oo hore marka laga reebo Xaji Muusa Suudi Yalaxow oo isaga ay ugu horeyso in uu soo fadhiisto madal looga hadlaayo xal u helida arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan , ajandaha guudna waa qeybsiga cad la ciideeyay dhow jeer oo hore,sua'aashana waa raggan gogasha fadhiyo ma ku cibra qaateen fadhiyadi hore oo gedigoodba ku dhamaaday gudcur madow.

Sheegida xaqiiqada waa lama huraan waxayna iftiin u tahay kooxaha ka leexday jidka toosan iyo halka xaqa ku jiro, caada iyo dhaqana ka dhigtay xalaalaynta xoola aynan lahayn, deganaanta beero iyo gurya aynan lahayn iyo horjoogsiga  haddii ay ummadda Soomaaliyeed xal dhab ah ka gaari lahaayeen murugada dadkooda iyo dalkooda ku habsatay, weliba kooxdan habowsan waxaa intaa u dheer  in beryahan hadalki kaga dhegay hogaamiyaheena waxaa wato dowladda Maraykanka Waana madaxweynaha la filayo in uu ka soo baxo shirka Eldorat iyaga oo hilmaamay xariga ay hayaan in aynan xoolo ku jirin siyaasadooduna ay qaawan tahay.

Waxaa iyadana xaqiiqa ah oo aan marnaba la reed mari karin qaabka loo maareeyay shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacayo degmada Eldorat ee dalka Kenya in uu waxyaaba badan kaga duwan yahay shirarki wada fashilmay ee  horay loogu qabtay kooxaha isku haysto gacan ku dhigida halbowlaha maamulka dhexe ee wadanka Soomaliya

Waxaana ugu muhimsan waxyaabaha uu kaga duwan yahay shirkan kuwi hore.

  1. In shirka ay wda fadhiyaan  hogaamiyayaasha maleeshiyaadka oo ay ku jirto kooxda Carta,madaxda mamuladda ka jiro goballa ka mid ah goballada dalka Soomaaliya ka kooban yahay, bulshada rayidka oo isugu jiro indheergrato ,aqoonyahan,oday dhaqmeed,haweenka ,iwm

  2. In ay shirarki hore soo fadhiisan jireen ugu yaraan laba hogaamiya oo leh quwad isu dhiganta xagga siyaasada iyo xagga milatariga oo ka wada yimaado caasumada dalka Soomaaliya  Muqdisha sababna u noqan jiray badanaa fashilaada shirarki hore laakin markan Muqdisho waxaa ka yimid hal quwad oo xoog badan wax u dhigmana aynan jirin xagga cududa milatari, tirada taageerayaasheeda iyo iyadoo ka soo jeedo dadka deegaanka Muqdisho iyo deegaanada ku wareegsan degan waa marka la barbar dhigo quwadaha kale ee mudisho ka imaanayo .

  3. In ajandaha shirkan yahay dhowr qeyb loona soo hormariyay         qeybta looga hadlayo isu celinta hantida la kala heysto iyo ku noqoshada maleeshiya walba deegaanka ay ka soo jeeda oo loo yaqaan,qeybtan waxaay tahay  arrin aad u culus oo  haddii guul la gaaro shirkan u horseedi karto in uu ku dhamaado guul iyo rayrayn.

  4. Waxaa iyadana gogasha ka muuqato in mudnaan dheeraada la siinayo in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka ka dhex jiro is faham la'aanta kooxaha hubeysan inta aanan loo gudbin soo dhisida dowladi Soomaaliya ka talin lahayd.

 Markaad u fiirsato dhaqanka iyo usluubta ay la soo baxeen hogaamiyayaasha Soomaaliyeed intooda badan shirka inta uunan bilaaban ka hor waxaa kuu muuqanayso in aynan ku cibra qaadan asbaabihi keenay fashilaadi ku timid shirarki hore iyo dhibaatooyinki laga dhaxlay, waxaana iyada oo sidaas jirto hogaamiyayaasha Soomaliyeed kula dardaarmaynaa hadalo kooban keddib markaan yara gadaal ugu noqono xusuus ahaan shirki ugu danbeeyay ee lagu qabtay Degmada Carta ee dalka Jabuuti oo isaga laga soo shaqeeyay hogaanka dalka yaa qabanaayo inta aanan laga wada hadlin xal u helida dhibaatada ummaddeena kala gaartay,  waxaana weli qoyan in maamul  ku sheeki lagu soo dhisay degmada Carta  afka dhulka ku dhuftay ummadana ka dhumiyay waqti qaali ah.

 Soomaaliweyn iyo dhamaan mudanayaasha ka soo qeyb galay Shirka ka socdo degmada Eldorat lana filayo in ay gacan geysan karaan dalkeena oo nabad waarto lagu soo dabaalo waxaan ugu baaqeynaa,kulana talineynaa in laga dheeraada waxaan la wada falaaqeyn iyo degdeg salkeeda yahay gorgortan iyo loolan aan xikmad ku salaysnayn keenina karo shirka oo burbura mugdina madaxa la galo,in laga dheeraado ogalaanshaha in ay gacan weyn ku yeeshaan maareynta qaab socodka shirka dib u heshiisiinta Soomalida  jaraathiimti la shaqeyn jiray Maamulki ina Siyaad barre oo burburka dowladi Soomaliyeed iyo kala daadsanaanta maanta wadankeena ka jirto gacan weyn ku leh, iyada oo aynan sahlanayn in la qanciya koox walbo oo wax tabaneyso haddana waa in lagu dadaalaa in la haleelo halka ay ku jiraan cadaalada iyo xaqa si looga fogaado is afgaranwaa iyo is qabqabsi ku dhamaada meel fool xun,in laga dheeraado tusaalihi  reer Carta oo ahaa "Xal Doon Baan Nahay EE Xaq Doon Ma Nihin" loona bedelaa "Xaq iyo Xal Doon Baan Nahay ,in laga tiro others buuga Soomalida xilno loo xiro Soomaalidaas Sharafkoda meel looga dhacay, in dowlad dhexe ka hor laga wada hadlo sidi loo soo dhisi lahaa dowlad federal ah ee hoos timaado dowlad maamulkeeda ku egyahay maamulka lacagaha,cidamada xooga dalka  oo ilaaliyo xuduuda dalka oo keliya,arrimaha dibadda iwm, in mudnaanta koowaad la siiyo hogaamiyaha maali yaqaan Maandeeq  caanaheedana si sinaaan iyo cadaalad ku jirto u gaarsiin kara Soomaali oo dhan iyada oo hogaamiyahaas lagu tixgelinayo, laguna soo dooranayo kartida shaqsi ahaan uu leyahay,in uu yahay nin hadalkiisa caddaan yahay munaafiqnimana aan lagu baran, in uu yahay nin ku wanaagsan soomaalida inteeda badan iyo in uu yahay nin jecel waddanka ,in aanan hogaamiyahaas loo fiirin warar ku tiri ku teen ah oo ay ka sheegaan koox wanaaga dalka uga muhuimsayahay dan gaar ahaaneed,in hogaamiyaha mudnaanta la siinayo yahay nin ku leh taageerayaal badan gobalka uu ka soo jeedo iyo wadanka guud ahaan,in hogaamiyahan cilaaqaad wacan la sameyn karo dowladaha aan deriska nahay iyo dowladaha daneeyo arimaha soomaaliya, dalkeenana maslaxa ku leh iwm ah oo wanaagsan .

"Hadal haan ma buuxsho", "howshana midaan ku hureyn waa la hawhawiyaa,waa la horaada dhabaa hooska horaana layska qabtaa".

 Warkayga waxaan ku soo koobayaa in ay soomali weyn  ku seexdaan kuna soo toosaan in aynan jirin cid noo maqan oo aan rabi ahayn iyo dadaalka aan la imaano, annaga oo weliba niyada ku hayno in ay soomaali weyn la tabaaleysan yihiin dhib aan gacmaheena ku abuurnay, waxaana dhibaatada uga bixi karnaa oo keliya dadaalkeena iyo ilaaheey oo aan danbi dhaaf weydiisano.

Waxaa nabigeeni suubanaa yiri CSWS"Walaalkaa guusha sii haddii uu thaalim yahay iyo haddii uu mathluum yahay" taasoo macnaheeda yahay walaalkaa la safo markuu mathluum yahay garabgiisana joogso haddii uu thaalim yahayna runta u sheeg iyo in uu thaalim yahay iyo wuxuu ku yahayba.18/10/2002

Abdallah Moallim Mahamud( Abdullahi Siyaasi)

WQ  Abdallah Moallim Mahamud

moallem10@hotmail.com  
Moallem@lycos.com



Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul