|
Fariin
ku socoto Aqoonyahanka, Culumaa'udiinka, Ganacsatada, Oday dhaqmeedka,
Siyaasiyinta, Dhallinyarada iyo Hogaamiyayaasha Maleeshiyaadka Beesha
Mudulood
by: Abdallah Moallim Mahamud( Abdullahi
Siyaasi)
moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com

Carab miyaa colaada u sahlanaa marki ay iyaga arrin
isku maandhaafaan, miyaynan u muuqan boobka uu la dul joogo mid kale oo
walaalkood ah balsa iyaga aan wax ku dhaamin kala qeybsanaan, isboob, dil
iyo dhac dhexdooda ah, colaadinta ehelkiisa iyo horjoogsiga danaha guud
ee ummadda Soomaaliyeed iyo danahooda gaarka ah oo aan ka
baxsanayn danta guud, Soomaalida waxay tiraahdaa kaa bartay ayaa kaa
badshay, ma xumo ,cilmi, khayr iyo wanaag ha la kala barto laakin beesha
Mudulood wuxaay ka baratay beesha korsaarka ku ah shar ku nool, boobka
ninka dad kuu xigo, banaysashada dilida walaalkaa xaq la'aan, tartan u
gelida madaxnimo aadan miisaankeeda lahayn , u dhega nuglaanta kan ku
colaadinayo kuna doodayo maamulka deegaankaaga in uu wax ka leeyahay
amaba dhinaca kale marki aan u dhigno meel ummadda oo dhan ka dhexayso
marki loo fiirsho caasumad ahaan waa magaalada Muqdisho.
Cadow bidixeey ayaa waxaa yiri iyada
oo loo fadhiyo shir oday keen ah ee ka dhacay Degmada Caddow Uul
Agoost1998 xalna loogu raadinayay khilaafaad ba'an ee ka dhex jiray
beesha Mudulood waagaa siduu haddaba uga jiro mid kaa kasii foolxuma
badan iyo maamul la'aan iyo amni xumo ku fiday degaanada loo yqaan beesha
Mudulood "dhiil saab la'aanahaa nin dhaansahaa
/ ninna dhulkiisiyow dhumihaa", dhihida shiribkaas oo ah
hadal la isku afgartay fadhigaas iyo haddalada kale ee gogashaas la isku
dhaafsaday waxaa ka soo baxay ku dhawaaqida maxkamad Islaami ah oo hoos
timaado maamulki Cali Mahdi madaxda ka ahaa jiray, waxaana maxkamadaas
madax looga dhigay Shiikh Sharif Shiikh Muxidiin , waxaana gudoomiyaha
fulinta ee maxkamdda loo magacaabay Shiikh Cali Dheere laakin nasiib
darro waa wada ogtihiin burburinta guulihi ay soo hoysay maxkamadaas in
loo adeegsaday madaxdeedi gaar ahaan iyo guud ahaan hogaamiyayaasha
Mudulood oo aan u kala harsanayn baa'biinteedi iyo ku tumashada xuquuqda
taageerayashooda.
Waqtigan xaadirka ah dhuminta Diinka
aan ku abtirsano, dhulka iyo asalka laga soo jeedo ma ahan mid u gaar ah
oo kaliya beesha Mudulood ee waa mid wada saamayso ummadda Soomaaliyeed
inteeda badan oo iyada tartarn ugu wada jirto u adeegida danahooda ka hor
danaha dowladdo deris nala ah iyo kuwa naga fogba balsa dana gaar ah ku
leh geeska afrika ,waxaa iydana xaqiiqo aan laga tilaabi Karin ah in
dibaatada aan dhamaadka lahayn ee ka jirto magaalada Muqdisho culays weyn
ku hayso xal u helidda magaaladaas gaar ahaan iyo guud ahaan deegaanada
Soomaalida oo ay ku fiday colaada iyo ishayshada dad ehel wada ah,
haddaba Su'aasha waxaay tahay sidee qoona loo xagtaa ilkana ku nabad
galaan oo ah sidee Muqdisho xal loogu helaa Soomaalina ku nabad gashaa.
Waxaa jirto fikrada isa soo tarayo oo qabo in nabad Soomaali ku
degto ay ku imaan karto xal u helida dhibatada iyo colaada ka taagan
magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda ,magaalada Muqdisho xalkeedana wuxuu
ku jiraa laba arrimood mid .
1)
Midda hore waxaay tahay in qolooyinka sheeganayo in ay xoog ku
haystaan magaalada ay gartaan in ay Muqdisho leedahay taariikh soo jireen
ah lana yaqaan yaa maamulkeeda xaq u leh sharci ahaan iyo in arinta
ku haboon tahay marida wadada taa lagu gaari karo oo ah wada hadal
iyo taabashada baahida loo qabo nabad lagu wada noolaado in ay dan ugu
wada jirto kuwa sheeganayo in ay xoog ku joogaan Muqdisho, kuwa deegaanka
Banaadir ka soo jeedo asal ahaan iyo soomaali guud ahaan taana ma filayo
in ay imaanayso laba sabab awgood waayo
A) Nin haddii uu
dulmi ku xoogaysto ,boobna ku maaleysto, una aynan muuqan cid yac iska
dhihi karto waa adagtahay in uu naftiisa u sheega wada hadal ayaa wanaag
lagu gaari karaa ilayn waa nin shaydaan la taliya u yahay .
B)
Sababta labaad waxaay tahay hogaamiyayaasha sheeganayo in ay xoog ku
joogaan magaalada Muqisho oo maamulki ay ku midaysnaayeen kala daatay
keedib marki ay ku hungoobeen weerarki ay ku damceen 17/11/1991 in ay ku
qabsadaan magaalada Muqdisho iyo Soomaali inteeda kale taasna ay keentay
in ay weli ku taagnaato fikradi qabsashada Magaalada Muqdisho iyaga oo
haddana ku kala tagay in ay ku midoobaan maamul kaliya General Caydiidna
kaga tegay wadada dhexdeeda isaga oo aan meel ku simin hamigoodi, sidaa
darteed way adagtahay hogaamiyayaashaan abuurmay genanki keddib iyo kuwi
sababay daciifinta hogaanki generaalka in ay ku heshiiyaan in loo noqdo
caqliga iyo wada hadal lala kalo beelihi ay dagaalka ku qaadeen si ay u
qabsadaan deegaankooda si nabad loogu soo dabaalo Mar kale magaalada
Muqdisho.
2)
Midda labaad waa mid aad muhim u ah lagana rabo in ay ka timaado
aqoonyahanka, indheergaradka iyo ganacsatada beesha Mudulood oo iska ka
kaashato sidi ay gogol ugu dhigi lahaayeen beeshooda, waana mid nabad
lagu nasto ku soo dabaali karto Muqdisho iyo agagaarkeeda, Soomaalina u
horseedi karto nabad iyo dowlad midnimo ee caddalad ugu adeegto ummadda
Soomaaliyeed taana waxaay ku imaan kartaa in beesha Mudulood oo ku dhan
oday keen, hogaamiyayaal dhaqan, culumaa'udiin, siyaasiyiin, ganaacsatada,
dhalinyarada, hogaamiyayaal maleeshiyo iyo nin walbo oo beesha ah laguna
tirinayo in uu gacan geysan karo arimaha murugsan ee beesha Mudulood
googol kale loogu dhigo Cadow Uul ama meel kale ee u dhiganto kana fog
magaalada muqdisho, gogashaasna waa in lagu falaanqeeyo dhibaatada kala
gaartay beesha gudaheeda, dhibaatooyinka ay ku haayaan beelaha doolka ku
yimid deegaanada loo yaqaan iyo kuwa deriska la ahba, waana in ay
gogashaas ka soo baxaan qaraaradan hoos ku xusan oo sal u noqon karo
maamul soo afjaro maamul la'aan ku raagtay deegaanadooda iyo colaado
joogta ka noqoday beesha dhaxdeeda.
1)
In si kama danbayn ah loo soo afjaro colaada beesha dhaxdeeda ka jirto
lana asaaso guddi gaar ah ee u xilsaaran ilaalinta heshiisyada lala kala
saxiixdo iyo ka hortaga dhibaata kasto oo keeni karto gacan ka hadal .
2)
Asaaska nidaam siyaasadeed oo leh dastuur,hogaamiye iyo tiirarka
fadhi u ah maamul hoose ee u gaar ah deegaanada beesha Mudulood iyada oo
aan laga tegayn wada tashiyo lala yeesho beelaha kale ee la degan taana
waa in loo kaashtaa dadka ku takhasusay arrimahaas.
3)
Magacaabida guddi gaar ah ee wada hadal la galo beelaha kale ee colaada
kala dhaxeyso amaba gacan ku leh dhibaatooyinka ka jiro deeganada beesha
oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ,guddigaana waa in ay awood u leeyihiin
soo jeedinta jihad loo dhan yahay oo lala galo haddii ay dhinacyada kale
ku gacan seyraan in wada hadal lagu dhameeyo kala danbeyn la'aanta ka
jirto magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda .
4) Waa in dib loo habeeyo dowrka oday dhaqmeedka iyo kaalinta uu
ku leeyahay maamulka hoose
ee deegaanada beesha Mudulood
5) Waa in la magacaabo guddi u xilsaaran wargalinta soomaalida
inteeda kale go'aanada lagu gaaray gogaashaas iyo in aynan
go'aanadan ahayn kuwa wax u dhimayo midnimada ummadda Soomaaliyeed
iyo dalkeedaba.
Ugu danbeyn waxaa hubaal
ah haddii ay beesha mudulood la yimaadaan firfircooni dheeraad ah iyo
garashada in ay dowr weyn ku leeyihiin dhibaatada Soomaliweyn dul taalo
mudda dheer iyo in iyaga
haddii ay xal u helaan deegaan ay beeshooda ku badan tahay dad ahaan iyo
dhaqaalo ahaan Soomaalina caasumad u ah ay soomaali u horseedi karaan nabad
waarto ee ummadda Soomaaliyeed mar kale ku degto.
WQ: Abdallah Moallim
Mahamud( Abdullahi Siyaasi)
e-mail: moallem10@hotmail.com
e-mail: Moallem@lycos.com
|