Garaad
maleh mana garato kheeyraadka gurigeeda
Gacan
hoorsi iyo waxeey u baratay gaalo tuugsiga
Gaal
iyo muslin kii gargaaro eey gacanta gooysaa
Golihii
shalay iyo tuugadii Siyaad eey garab u moodaa
Geesiyadii
Dalka kuwii dilay aa weliba ku guuxaayo
Garaad
ka dhigo galab iyo subax nin aan kala garaneeyne
Garaashle
muqaadiraad gado aa galab kasto gudoominaayee
Garad
yarayaasha keenyo ku shiri waa kuwii gubaye adunkee
Gubadleey xaqbeey u leedahay in eey
goosato gobolkeedee
Garac gorgortan bartay aan cidna matalin
aa gobolkiagoostee
Gacan
ku dhiigle iyo waxaa la degay qoon wax garaneeyne
Gebertii
afweeyne kii graadada ku qaatay aa weliba gubanaayo
Gacan
ku dhiiglihi Hargeeysa gubay aa weliba guuxaayee
Garaad
yare garoowe ku dhashay aa Kismaayo gacan u taagaayee
Geesiyaashoow
godobta ka galay aa weliba goobaayee
Garasho
umaleh gebdhii soomaaliyeed oo la wada gooyee
Guuxoodoow
maqleeyn quwii goay iyo kuwa goobta wadayaalee
Geberu
ma noola waxaa galo midaan guursan loona gudine
Garatay
Soomaali garabyaridiina iyo beenti add wada
gureeyseene
Gacantaa
bacoosheed iyo dhididkaa kaliyah aad dhuuxi doontaae
Gadaal
u fiiri oo ka fikir taariiqdo
waa dambe iyo dib eey u gurtaa
Guuraay
sidiiseey geedkeey gashaba geedka kale ku gaartaa
Geed
iyo guri midne kuma galbeeysato ee waa ka guurtaa
Gurigiis
mid soo gubay oo guurayeey gondaha ku haaysaa
Geedihii
wada gur mid garas dhuxul ka goobaayee
Gado
guryaha iyo goofafka kurtood hawada guuraane
Ganacsi
eey bilaaween gargaar u male gu iyo caruure
Gado
wax kasto gaajiada ka bax aaqiro iyo godobteede
Garabkiis
nin dilay waa wax magarte gooyay gacantiisee
Garoonka
iyo furdada ka ganacso waa goob gunlaay ehe
Gaalo
madoow ALLE ka gamban iyo ganacsato goobteed
Gobol
gobol ka dhiga ee gacanta u geliya cadawga guuraayo
Gob
ma aha soomaali waa gun baas aan la garaneeynee
Gaala
madoowda laaya ama guura toloow waa wada galanteene
Ninaa waxoow guursaday geber indhaha iyo
dhegahaba la’,assi walidkeedu tarbiyay
si eey ku buuxiso lixda lixaad inta ka dhiman.
Gebertu waxeey ku caan baxday dhaqan
wanaag deris, nadaafad, koris caruur iyo soodhoweeyn
qaraabo.
Waxaa
leeys weeydiiyay see qof aan waxna arag, waxna maqal
wanaagaas iyo naxariistaas
u yeelan kartaa?
Jawaabtii
waxeey noqotay:indho iyo dhego aan waxne lugu arag,
waxne
lugu maqal- wax tar male hadoow caqliga shaqeeyneen.
Geberta
maskaxdeey ka nooshahay,
caqligeedane waa shaqeeyaa.
SOOMAALIDU
CAQLIGEEDU INTOOW KU JIRAA?
OMAHA
Prof.
Omar Hasaan Galagul
galagul@hotmail.com