May
03, 2003
Gobalka
Banaadir maamul ha loo sameeyo, dekada iyo garoonka
diyaaradahana ha
la furo waa
hadal beryahaanba halhays u ahaa ragga isku haayo gacan
ku haynta arrimaha gobalka Banaadir gaar ahaan iyo
maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan.
Waa
mid aad u fiican in la helo nabad ka dilaacdo gobalka
banaadir, dadweynaha reer Muqdishana u horseedo maamul
cadaalad ku dhisan, xasilooni iyo deganaan albaabada u
furto ilihi dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho iyo gobalka
Banaadir guud ahaan.
Laakiin
taa ka hor waxaa jawaab cad in laga baxsho u baahan
1)
Maamul dhexe oo magaalada Muqdisho yeelato ma ku
imaan karaa gacanta gacan
ku dhiigle dowr weyn
ka qaatay burburinta magaaladaas, dilida xaq
la'aan dadkeeda ,boobka hantidi waddanka iyo dadweynaha,
dhaca beerihi iyo guryihi dadweynaha Soomaaliyeed guud
ahaan iyo gaar ahaan dadka asal ahaan ka soo jeedo
deegaanka gobalka Banaadir?
2)
Maamul ay yeelato Muqdisho ma ku imaan karaa gacanta
dowlad ku sheega uu madaxda ka yahay hogaamiyaha kooxda
Carta?
Inta
aanan u guda gelin ka jawaabida su'aalaha aan kor ku soo
xusay waxaan rabaa in aan farta ku fiiqo Shirki Carta ee
laba sano ka hor lagu qabtay degmada Carta ee Dalka
Jabuuti iyo
shirweynaha hadda uga socdo kooxda Mbagathi magaalada
Mbagathi ee dalka Kenya, kooxda Carta waa bukaan socod
sariir saaran haddana ku howlan in loo kordhiyo muddada
ku jiritaanka isbitaalka, kooxda Mbagathina waa bukaan
socod dadaal ugu jiro in ay sariir ka helaan isbitaalka
ay ku jirto kooxda Carta,
bogsiinadoodana rajo
lagama qabo ilayn kooxaha soomaalida geddigood boogta
ku taal daawadeeda waxaay ku jirtaa hogaamiyayaasha
Somaaliyeed oo dhinacooda ka timaado daacadnimo iyo
dhaqan ka tarjumayo u baahnaashada in ay Soomaaliya ka
ambaqaado dowlad mideyso madaxda, dadweynaha, dhaqaalaha
iyo siyaasada Soomaaliyeed iyo in dowladaha deriska la
ah Soomaaliya iyo kuwa danaha ka leh faraha kala baxaan
arrimaha gudaha ee Soomaaliya taana waxaay ku imaan
kartaa oo kaliya hogaamiyaasha xiriirka la leh
dowladahaas oo garto in aynan jirin cid gaarsiin karto
hogaanka sare ee dalka Soomaaliya iyada oo ka timaado
dadweynaha Soomaaliyeed oo kaliya maahine.
Aan u
noqono ka jawaabida maamul ay yeelato magaalada Muqdisho
ma ku imaan karaa talooyinka xubnaha aan kor ku soo
xusnay oo geddigoodba
ku nool riyo dhalanteed ah ee laga soo min
guurshay kitaabki macalin Siyaad ee hordhaciisa
ahaa qeybi ee xukun.
1) Marnaba ha
filan, taladana ha ku darsan nabad iyo guul laga soo
hooyo dadaalka loogu jiro maamul u sameynta magaalada
Muqisho kol haddii u xubin ka yahay dadaalkaas gacan ku
dhiigle aan aqoon
u lahayn diinka uu haysto iyo dhaqanka uu ku abtirsado
amaba aan ixtiraam u heyn labadaba, waxaa hubaal ah in
ay ceeb, lama maqal iyo lama arag nagu tahay waa haddii
aan nahay reer Banaadir in
aan ka dhur sugno nabad ka curato olalaha nabad doonka
ee magaalada Muqdisho laga wado iyada oo uu ka mid yahay
ragga u olaleynayo arrintaas ninki burbriyay guulihi
laga gaaray kacdoonki shacbiga Somaaliyeed ee 1990
lagaga
eryay waddankeena dowladi kali taliska ahayd oo uu
hogaaminayay madaweyne Maxamed Siyaad Barre, ninki kala
daadshay maamulki Jananki hogaamiyaha u ahaa isaga oo ku
diidan garashada uu jannanki gartay in
uu ku fashilmay gacan ku dhigida magaalada Muqdisho
isaga oo adeegsanayo xoog Qabiil, ninkan oo aan ka qaan
gaarin xagga maskaxda welina aaminsan in Soomaaliya lagu
xukumi karo tabihi Maxamed Siyaad iyo qabiil kaliya
in uu gacanta ku dhigo halbowlaha maamulka dhexe
ee Soomaaliya, ninkan isaga ah oo maalkiisa qeyb ka mid ah
uu ka yimaado beero
mukhadaraad oo uu ku leeyahay koofurta dalka waa sida ay
sheegaan ilo lagu tilmaamay xog'ogaal, ninkan isaga ah
oo gobalka Mudug ku dhashay una dhashay mar walbana ku
hadaaqo haddii aan nahay reer banaadir si xishood la'aan
ah oo qaawan ama daryeelid la'aan gobalki uu ku dhashay
oo xushmo gaar ah in uu siiyo ay isaga
ka mudnayd iyo in uu maanka ku haayo, dadaalna u galo
maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud halka uu ku dan
seegay ku taagnaashada raad lagu wiil iyo walaal waayay
gaaridiisana ay tahay riyo xalay ku dhaaftay, ninkan
isaga ah oo xubin ka noqday tiro iyo dhowr urur sidi USC,
SNA, SRRC, SRRC Nekuru, G8 iwm mid welibana ay tahay
danta uu ugu jiro dana qalafsan iyo la dagaalanka wixi
uu u arko in ay ka baxsan yihiin riyo uu ku riyooday
1990 marki la eryay kaliye taliye Siyaad, waxaa iyadana
arrin lala yaaba ah in uu ninkan iyo mooryaantiisa ay Muqdisho
ka joogaan meel aan ka badnayn hal kilometer oo
dherer ah ama inta u dhexeyso km4 iyo km5 haddana ay
hawo kaga jirto in ay hoos yimaadaan dadweynaha reer Muqdisho
oo leh xadaarad soo jireen ah kuna
nool dhul aad u baaxad weyn kana hortagay boobki uu la
maaganaa deegaankooda 1990 iyaga oo ka tabar yar xaalka
ay maanta ku sugan yihiin, waxaa iyadana tala
xumo nagu raagtay ah sugitaanka nabad ka curato
magaalada Muqdisho kuna timaado howl uu gacan ku
leeyahay nin ay ku kulmeen sifooyinkaas xun oo dhan iyo
kuwa kale oo aan lagu soo koobi Karin maqaal kaliya.
2) Waa ka
daran oo dibi dhal waana arrin aan loo fadhin in ay guul
ka soo hoyato dadaalka loogu jiro maamul u sameynta
magaalada Muqdisho iyada oo uu gacan ku leeyahay
dadaalka loogu jiro nabadeynta deegaanka gobalka
Banaadir iyo magaalada Muqdisho nin
isaga badanaaba halhayskiisa yahay kolki uu
khudbadaynayo aayada Qura'aan iyo axaadiista Nabigeena
Suubinaa Nabad Korkiisa ha Ahaatee haddana
ficilkiisa yahay duruusti uu ka bartay
macalinkiisa Siyaad oo ah qeybi oo xukun, nin dadweynaha
marki uu la hadlaayo ku canaanto fuliya cahdiga aad
gasheen haddana isaga uga hormaro jebinta cahdiga,
ninkaas isaga ah ma jeclo in la iska weydiiyo xoolihi
lagu soo xera galshay baryo iyo magaca dadweynaha uu ku
doodayo in uu madaxweyna u yahay, ninkaas isaga ah mar
walbo wuxuu hadal hayaa in uu ka shaqeeyo dib u
heshiisiinta Soomaali weyn welina lama haayo isaga oo
arrintaas kala kulmay hogaamiyayaasha hubeysan ee
Soomaaliyeed marka laga reebo xigtadiisa hoose,
Cusmaan Caato, Qanyare, Aadan Madoobe iyo xaabsade
muddadi ay kooxdiisa soo doorteen ilaa haddeer, waxaa
intaas u dheer in uu ka shaqeeyo sidi uu u fashilin
lahaa shirweynaha hadda uga socdo kooxda Mbagathi dalka
Kenya oo aan isaga ka duwanayn kii kooxda carta xagga
damaca gacan ku dhigida hogaanka Somaaliyeed iyo
hantidooda, waxaa iyadana aan arrin lala yaaba ahayn in
hogaamiyaha kooxda Carta geed dheer iyo geed
gaaban u fuulo beryahan la kulanka koox uu isaga hadda
ka hor ku tilmaamay in ay yihiin dagaal oogayaal isaga
oo doonayo in ay raggan dowr ka ciyaaraan fashilinta
shirweynaha kooxda Mbagathi uga socdo dalka Kenya si ay
ugu sahlanaato in uu muddo kale iyo magaca madaxweyne ka
iibsado barlamaan ku sheega kooxda Carta .
Maqaal
kaliya lagumo soo koobi karo danaha guracan oo ay u
shaqeeyaan shaqsiyaad badan oo ka mid ah ragga u
olaleynayo maamul u sameynta magaalada Muqdisho iyo
furitaanka dekadda iyo garoonka diyaaradaha magaalada
Muqdisho, waxaasa hubaal ah nabad ka curato Muqdisho in
ay ku jirto in meel kaliya lagu
soo ururiyo miraha ku jiro guntiga hogaamiyayaasha u
dhashay gobalka Banadir halka uu mirahaas mid waliba oo
iyaga ka mid ah u daadin lahaa miro saaran geed Faasid
ah ama ku jiro gacanta kuwa abaabulayo qoditaanka godki
lagu duugi lahaa hogaamiyaashan deegaanka u dhashay.
Soomali
weyn nabadeeda qeyb weyn oo ka mid ah waxaa
laf dhuunta ku taagan ku noqday magaalada Muqdisho,
magaalada Muqdishana maamul iyo nabad ay ku nasato
kagana baxdo dhibaatada ay la dul joogaan gacan ku
dhiiglayaal aynan danahooda dhaafsiisnayn u adeegida dan
shaqsi iyo qabiil been ah oo lagu habar kacsado waxaay
ku imaan kartaa midnamada hogaamiyayaasha siyaasada,
aqoonyahanka, culaamaaudiinka iyo oday dhaqmeedka u
dhashay deegaanka Banaadir iyo inti garaneyso qiimaha ay
leedahay nabad kuwada noolaasho iyo in uu Ilaaheey
towfiiqda waafajiyo.
Nin
lagu seexdow ha seexan soo jeed oo ha seexan.
Abdallah Moallim
Maxamud
Moallem10@hotmail.com