Markii
eey IGAD ku dhawaaqdayay fadhigii Eldored oo la lahaay
Somaali aa lugo heshiisiinaa, kadibne waxaa lugo
dhisaa doowlad loo wada dhayahay oo federaali eh aan
la fajacay riyada doowladaha mudaayo in Somaali dayaar
u tahay in eey ka baxdo dhibka soo jiitameeysay 12ka Sano oo la soo dhaafay.
Markaan
arkay wafuuda ka qeeb galeeyso iyo qabqablayaasha u
soo labistay oon wada aqaano ogahayne waxeey yihiin
iyo waxeey rabaan;
aan waxaan qoray maqaal aan ku magacaabay “ELDORED
DOOWLO HAKA SUGINA”
Anigu ma aqaano faalka, mana aqriyo xidigaha; waxaanse
ogahay in tuugado wax isla xaddo, kadibne qeeybsiga ku
dirirto.Waxaan ka qeeybgalay 7 fadhi oo heshiis lugu
saxiixay oo aan wax kasoo bixin. Sida aad ogtihiine
7dii ka
dambeeysana waxeey noqdeen hal bacad lugu lisay.
Waxaa
fadhi kasto ka qeeyb galo oona maamulo heraaygii ina
Siyaad iyo lama naflayaal shir kasto agtaagan
oo kulligoot eemkodu yahay in shirka fashalmo.Intaas
waxaa noo dheer dagaaloogayaal dadki xasuuqaayo maalin
walba, ilihi dhaqalene leexsaday, wadaado
munaafiqiin eh, odayaal dhiiga ka beec mushtaro iyo
lama mirle yaal aan cidne dooran oo laaynaayo
dadki ka sugaayay wax u qabad iyo maamul loo wada
simanyahay.
Waxaan
goob kasto ka maqneeyn calooshood u shaqeeysta yaal
iyo habro xusulobuur eh oo shalay macroofan
qabiil la daba ordaayay tuugo rabto in eey kor degto
dad kale, kuna kordhisato doowlad
Doowlad
ku sheega iyo golohooda shacabka wax kama qaban
brograam keey ku dhaarteen ineey fulinaayaan,
waqtiga eey isu qabteen, ma sameeyn hal sharci, mana
laga filanaayo inta ka dhiman waqtigooda.Waxeey
ka badinwaayeen in eey ku diriraan qeeysiga lacagtii
mucaawinada eheed oo dalalka carabta usoo dhiibta
masaakiinta qaajada iyo cudurka laaynaayo.
Burcadaan
afduubtay dadki iyo dalki soomaaliyeed waxeey heshiis
ku yihiin in eey marne dhalan doowlad
iyo sharci kala saaro mujrimka iyo muwaadhinka
nadiifka eh. Waxeey ka cabsanaayaan in maxkamad loo
soo taago dembiyadii eey ka galeen dadka iyo dalka.
WAXEEY ogyihiin haddii doowlo dhalato:
1) in maxkamad la horkeenaayo dembigeey galeene loo
ciqaabaayo
2) in dhaca, dilka, handadaada iyo afduubka oowsan
u soconeeyn
3) in
dhaqaalaha beenta eh ka dhamaanaayo faqrina soo wajaho
4) in
canshuur la qaadaayo badeecad kasto oo dalka soo gasho
5) in
eey furdo,garoon dayaarad eeysa haaysan karin
6) in
aan muqadiraad dalka la keeni karin luguna beerikarin
7) in
lacag been eh la sameeysan karin lana keeni karin
dalka
8) in
cidne sheegan karin dhul eeysan laheeyn, loona
celinkaro meesheey ka timid
9) in
laga ilaaliyo sixir bararka eey dadka ku
macluuliyeen,uyukan ku naaxeen
10)
in derejada walbo loogu tartamidoono cilmi iyo
doorasho
11) in hubka eey ku gumeeystaan dadweeynaha la qaadidoono
12) in safar dibada eh iyo baasaboor laga mamnuuci karo
13) in laga xanibikaro shaqa doowlo muddo 10 sano eh
14) in eey la qeeybsadaan koleeraha, tubekoloosiga iyo daacuunta
eey dadka badeen
Beryahaan
dambo waxaa seminar loo furay habro wada maxan eh iyo
kuwo dhalmo gooyay oo aan matali karin hablaha
sharafta leh ,assii la rabo in lagu fushado barnaamij
ee wataan 2 jaahil oo ka dhumay jidkii anshaxa iyo 4
dabaal oo dabasocoto.
ILAAH
aan idinku dhaariyee, xalka soomali ma waxaa laga
sugaa Caato iyo Kanyare
Maxa ka qusseeyo mamulka BANADIR? Furdada iyo Garoonka Hamar? Xaggeey degaan balaayada baas?
Meel eey u laabtaan meesan leheeyn?
Soomaalido waa garay in eey dhaca
iyo boobka dantoodo ku jirto ee
maxaa leeyskaga qabalayaha?
Waxaan nahay 7 milyan oo isku af
eh, isku diin eh ee isku dan ma nahay?
Ma waxaan iska qabon weeynay
tuugo aan ka badneeyn 200 oo ku qaraabanaayo
magac qabiil eey qajo iyo xabad ku laayeen.
Waad ogtihiin waxa keenay burburka
dalka, dumista qaranka iyo qaxa 2milyan oo ruux
waxaa ugu weeynaay xaqdarada
qabiil kobciska, abuurista gobolada cusub oo loogu talagalay qabiil gaar
eh, si eey ku helaan berri sed eey ku
helilaheeyn doorasho
iyo tirakoob xaq eh.
Waa idiin caddahay in eey soo
fashileen shirkii keenyo oo lugu madadaalinaayay
ummadda soomaaliyeed; markaaseey abaabuleen shir
Xamar oon waxba ka jirin.
Su’aashu waxeey tahay: ma
saanaan ugu xareeysanaaneeynaa jahilin Diin iyo IImaan
midna aan laheeyn, assi maalin walbo filin
cusub noo dhigaayo?
Filinkaan dambe waxaa la yiraa
“hal tilaab horay u qaad, seddaxne gadaal u qaad “
Meshii loo socday hasii fogaatee.
Xurriyo waxaa loo quuraa naf iyo
maalba, haddii aad midna ogoleeyn saa rabtaa?
Waxaan ku leeyahay waa isu
naxariisaweeysee EEBEHEEY KUMA NAXARIISTO
Qore: Prof.
Omar Hasaan Galagul
galagulone@yahoo.com