Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Munkarka Muqdisho Yaal Muruq Ha Loo Sheegto

 

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

 

 May 16, 2003  

    

    Xamareey yaa ku xaal marinaayo

Wiilashaadi weey ku dandareeyeen, 

Waayeelkaadi tala ma qaataan talana ma keenaan, 

Tolkaadi waa tira dhaafay waa tun weynaaday oo teknikada gacantooda ku jirto waa tira dhaaftay waxaasa ka dhiman ku dhaqanka "quraansha aruurtay bulac waa jiidaa",

Aqoonyahankaaga lagama aqoon badno taladoodana ma shaqeyso oo tubti aqoon loo mari lahaa isbaaraa taalo,

Culumadaadi caamada kama soocno oo kuwa na horboodayo ayaa caama u batay, 

Saraakiishaadi waa mid martida u adeego iyo mid xishoonayo darjana dalkiisa u haayo iskalana weyn hoos imaanshaha damiin bartay dabka sida loo rido iyo mid debadaha  joogo oo sidaa dan mooday, 

Tujaartaadi waa mid dadka dhiigooda cuno, mid hoos u quuto dadkana aan u sheegin iyo mid isagaba aan ka noolayn xaaraan iyo xalaal wixi gacantiisa ku jiro una adeego jinni iyo insi intooda xun iyo mid  ka wareeray yaa wanaagsan oo uu xariga ku xirtaa, 

Dhalinyaradaadi waa mid dabka walaal lagu shido, waa mid aan dandaro kuugu dhaamin iyo mid ay ku taagan tahay goormaad ka baxaysaa  nimcadi naarta u ekaatay, 

Intaa waxaa kuu dheer oo aan wanaag ahayn maantana wanaag lagu tilmaami karaa si ku meel gaar ah in hogaamiyayaasha u dhashay Muqdisho iyo agagaarkeeda aynan weli ku dayicin oo aynan talada ku wareejin mooryaan ka soo jeedo marti xumaatay oo dooneyso in ay  boobka Xamar Cade u maraan gacan ku dhigida hogaanka sare ee laga hago ummadda Soomaaliyeed.

     Xamar Cade  ma'ahan magaala ku abuurantay isnaceyb, ma'ahayn magaalo soo galootiga la dareensiiya in ay marti ku yihiin, Xamar Cade waxay ahayd magaalo loo siman yahay ku noolaashadeeda, ka shaqaysigeeda laakin lagu kala duwan yahay cod bixinteeda marka la dooranayo maayarka gobalka iyo duqa magaalada ka hor afduubki dowladeed ee 1969 ay ku kaceen saraakiil ka tirsanayd ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Xamar waa Caasumada Soomaaliya waxayna saldhiga koowaad u ahayd dowladihi dhexe ee Soomaaliya ka soo talin jiray haddana iyada oo saas jirto waxay lahayd maamul ka madaxbanaan dowladda dhexe oo uu madax ka yahay maayarka gobalka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho oo labadoodaba jagadaas ku yimaado doorasho madax banaan ka hor kacaanki uu madaxda ka ahaa ina Siyaad ee ku tuntay xuquuqda u madaxbanaanida doorashada maayarka gobalka uu ka soo jeedo ruux kasto oo Soomaali ah. Maayarka Gobalka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho  oo doorasha madax banaan ku yimaado ayna soo doortaan dadka gobalka u dhashay kuna dhashay waxaa ugu danbeeyay uguma danbeysee sanadki 1968 ,waxaana maamulkoodi soo af jarmay marki la dilay alla  ha u naxariistee Mudane  Cabdurashid.C. Sharma'arke Madaxweynihi hore ee Soomaaliya oo isagana loo soo doortay si madaxbanaan iyo codkaada dhiibo, lana afganbiyay dowladi uu madaxda ka ahaa, Xamar Cade ma lahayn dhaqan xuma ah kanaa reer hebel ah iyo kanaa reer hebel ah marka la barbar dhigo hab dhaqanki ka jiray goballada Soomaaliya qaarkood ama intooda badan, sifooyinka wanaagsan ee Xamar iyo xadaaraadi ka jirtay  iyo dhibaatada ay u geystaan dib jir aan u dhalan gobalka si khalad ahna ku yimid laguma soo koobi karo hadal kooban.

     Xamar maamul ha loo sameeyo waa hadal aflagaada ah oo aan la qaadan karin marki ay ka soo yeerto mooryaan sabab u ah dhibaatada ka jirto Xamar Cade iyo tan ka jirto Soomaaliya guud ahaan, welina faraha kula jiro abaabulida turaanturooyin Soomaali ku kufto haddii aynan iyaga hogaanka qabanayn, Xamar maamulkeeda wuxuu ku imaan karaa laba weji oo kaliya waxaana soo saddexeeya weji kale oo labada weji gunaanad iyo kama danbeyn u ah.

 1) Maamul xamar yeesho wuxuu ku imaan karaa iyada oo la helo dowlad ay ka danbeeyaan soo dhisideeda Soomaali weyn heshiis ku ah dowlad loo dhan yahay maamul ku meel gaar ahna u sameyso magaalada Muqdisho keddibna u gudubto diiwaan gelinta dadka deggan deegaanka Muqdisho ee xaq u leh in ay cod ka dhiibtaan doorashada duqa magaalada Muqdisho iyo maayarka Gobalka Banaadir, diiwan gelintaas waa in lagu saleeyo diiwanki uu lahaa deegaanka Muqdisho wixi ka horeeyay dagaaladi sukeeya iyo dowladi kali taliska ahayd ee awooda Soomaaliya gacanta ku dhigtay si sharci dara ah 21 Oktober 1969, iyada oo laga dheeraanayo in ay gacan ku yeeshaan maareynta diiwan gelinta qolyaha hadda sheegto in ay xoog ku haystaan xaafada ka mid ah Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo jeedo asal ahaan goballada dhexe ee dalka Soomaaliya, waa in ay ahaadaan dad khibrad  leh qolyaha loo xilsaarayo diiwan gelinta, waa in ay ahaadaan khubaro caalamiya iyo khubara ka soo jeedo goballada aynan dadkoodo ku doodayn in ay gacan ku leeyihiin maamulka gobalka Banaadir, waa in ay khubaradan adeegsadaan waaya aragnimada dadki ka shaqayn jiray qeybta diiwan gelinta munishiibiyo wixi ka horeeyay regiimki Siyaad madaxda ka ahaa  ee waddanka kula wareegay si sharci darra ah. Taana waa mid aad u adag in ay ka timaado Soomalida maanta oo ku fashilantay maamul u sameynta dalkeeda talana kaga ekaatay in ay dowlad u soo dhisaan dowladda ku tilmaaman ilaa haddeer in ay yihiin cadowgooda dhul Soomaaliyeedna xoog ku haysto, waa mid aad u adag in ay ka timaado Soomaali aan weli garan gogal ay dalkooda ku dhigtaan in ay ka wacan tahay tegida gogal la rabo in lagu dhamaystiro shirqoolki lagu soo maleegay demada Carta ee dalka Jabuuti iyo guud ahaan gogal loogu dhigo dal shisheeya isla markaasna ay goob joog ka yihiin dowlado ay colaad kaga dhaxeyso gacan ku dhigida ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya, cadowtooyada ay isu haayaana ay ka badan tahay tan ay Soomaali gudaheeda isu hayso..

 2) Tan labaad maamul ay Xamar cadde yeelato waxuu ku imaan karaa in ay gogol nabadeed ku baaqaan hogaamiyayaasha dadyowga asal ahaan ka soo jeedo Gobalka Banaadir, gogashaasna waa in ay ugu yeeraan qolyaha sheeganayo in ay xoogooda ku deggan yihiin magaalada Muqdisho si wadajir loogu falanqeeyo maamul u sameynta gobalka Banaadir, gogashaas waa in looga dhawaaqo maamul uu yeesho gobalka Banaadir hogaamiyaha  u sareeyana loo magacaabo hogaamiya ka soo jeedo dadyowga u dhashay gobalka, sidoo kale gogashaas waa in lagu magacaabo guddi loo dhan yahay oo si ku meelgaar ah kala shaqeeyo maareynta gobalka maayarka gobalka inti ay ka dhacayso doorasha madax banaan  oo lagu soo doorto maayarka Gobalka iyo duqa magaalada Muqdisho, guddigaas waa in ay ka shaqeeyaan hub ka dhigista mooryaanta iyo dhaqan celintooda iyo mooryaanta oo dib loogu celiyo goballadi ay ka yimaadeen keddib marki la baro xirfad ay ku shaqaysan karaan, taana waxaa diidayo nin aaminsan in uu hoygaaga dhexdiisa xoog ku joogo in uunan yeelayn wada hadal uga bax hoygayga ama aan wax ku qeybsano si nabad ah oo aan aniga ku maamulo haddii aad ila joogeyso dhulkaadina dayacday ilayn igama adkaana anna kaama adkaane.

     Tan saddexadad waa talo aan la hurayn iyo gunaanadka labada talo ee aan kor ku soo tilmaamay iyo asbaabaha aynan ka shaqayn karin, tan saddexaad waa ku camal falida xadiiski nabigeeni suubanaa Moxamed Cabdallah ibna Cabdilmudalib (Nabad Korkiisa Ha Ahaate) oo ahaa "Ninki idinka mid ah oo arko munkar ha ku badalo gacantiisa haddii uu awoodi waayana ha ku badalo carabkiisa haddii uu awoodi waayana qalbiga ha ka diido kaana waa iimaanka midka ugu daciifsan" tan saddexad  Muqdisho iyo Soomaali guud ahaan waxay nabad iyo maamul wanaagsan ku gaari karaan iyada oo Soomaali iskaashato, la iskana celiyo xoogna loo sheegto hogaamiyayaasha  caadaystay munkarka iyo adeegsiga quwad dib jir ah si ay u gaaraan dana guracan oo aan Soomaali weyn u adeegayn dib u dhac weyna dalkeena ku sameeyay, waa in dagaal culus lagu qaado hogaamiyayaasha caadaystay rabitaanka in xalka Soomaaliya lagu soo afjaro in looga tanaasulo haysashada xoolihi ay boobka ku heleen, beerihi ay xooga kula wareegeen, guryihi ay xooga ku dageen, dilalki ay geysteen oo laga cafiyo iyo intaas oo loogu daro qabashada hogaanka sare ee dalka Soomaaliya iyo maareynta maamulka gobalka Banaadir oo ilaa hadda ah fadhiga dowladda Soomaaliyeed. Waa in laga faa'iideysto si fiicanna loo adeegsado talooyinka ka soo yeerayo dadyowga adduunka ee nabada jecel oo gartay in aan la aqbali karin in ay Soomaaliya madax ka noqdaan kuwi dadka Soomaaliyeed gumaaday meel walbo oo ay joogaana wejiyadooda la yaqaan, kuwi ceelasha sumeeyay, dhulki iyo duur joogtadana xaalufiyay, kuwi warshadaha debada uu iib geeyay welina u soo jeedo in ay xoog ku dul joogaan dhulalka dad Somaaliyeed oo lagu yaqaan xadaarad soo jireen ah iyo nabad jaceyl.

Abdallah Moallim Maxamud
Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul