Juun
08, 2003
By A. Siyaasi ©2003,

Arrimaha
murugasan ee Soomalida oo xal loo helaa waa lama
huraan sida uu lama huraan u yahay cawska jiilaal, waa
lama huraan in ay Somaliya ka
anbaqaado dowlad ku soo dabaasho kala
danbayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo, waa lama huraan
waddanki oo mar kale la isaga goosho iyada oo aan qabiil
ama waa reer hebel la isku maagayn, waa lama huraan
adiga oo nabad ku seexda nabadna ku soo tooso
shaqadaadina nabad ugu kalaxo, waa lama huraan in dib
loo arko magaalooyinka Soomaalida oo Boolis nabada
ilaaliyo gaafwareegayo, waa lama huraann in aan mar kale
aragno xuduudyada Soomaalida oo ay ilaalinayaan ciidanka
qalabka sida ee Soomaaliyeed, waa lama huraan in
dugsiyadi waxbarashada dib loo furo iyaga oo ku wada
shaqeynayo manhaj kaliya, waa lama huraan mar kale in la
soo nooleeyo xarumihi caafimaadka oo hoos yimaado
kormeerka iyo ka warhaynta dowlad Soomaaliyeed oo loo
dhan yahay, waa lama huraan in la helo tujaaro iyo
tujaar ku shaqayso jawi nabad ah oo ku noolaashadiisa
loo wada siman yahay, waa lama huraan waddooyinka
Soomalida oo dib loo furo adiga oo aan arkayn ama
maqlayn isbaaradan waxay u taala mooryaan hebel, qabiil
hebel iyo
mujaahid hebel oo dadaal ugu jiro difaaca danaha reer
hebel, waa lama huraan in aan mar kale helno meel aan u
dacwaano iyo meel lagaaga dacwoodo iyo garsoor cadaalad
ku dhisan ee dadka u kala xaq soora, waa lama huraan in
dib loo furo adeegyadi dowlada oo ay ugu horeeyaan
garoomada diyaaradaha iyo deggadaha, waa lama huraan in
aan aragno goballada dalka oo mid walbo leeyahay maamul
madaxbanaan oo u gaar ah si looga sar koro in uu mar
kale dhaco dhibki ka dhacay magaalada muqdisho 1990 ka
dib marki la riday dowladi kali taliska ahayd oo
adeegyada waddanka oo dhan ku soo koobtay magaala
madaxda Dalka Muqdisho,
waa lama huraan adkaynta sportiska oo isaga ahaa
adeega kaliya oo aan baabi'in loona sinaa maamulkiisa
kana madaxbanaanaa musuqmaasuq iyo kan waa reer hebel
kanna waa reer hebel , waa lama huraan, waa lama huraan,
waa mid aad u adag in la soo koobo arrimaha lama
huraanka ah ee maanta Soomaali weyn u baahan tahay
waxaasa su'aal ah jawaab cadna in laga baxsho u baahan
sideen ku gaarnaa oo ah sidee shirka Mbagathi uga Socdo
Soomaali weyn oo rag labaatan kor u dhaafay isu soo
sharaxeen qabashada hogaanka Soomaaliyeed uga dooranaa
hogaamiya ku sifoobay caddaalad iyo shaqa hufan oo ka
madaxbanaan musuqmaasuq, hogaamiya awood u leh in uu
dalkeeni ku soo dabaalo nabad iyo kala danbayn lagu
nasto, sharciga oo lagu dhaqmo,dastuurka oo la xil
dhowro iyo fulinta arrimaha aan kor ku soo sheegnay
intooda badan sanadaha hore ee hogaamiyahaas la doorto
fooda ku soo haayo waa haddii uu guul ku dhamaado
shirweynaha lagu heshiisiinayo Soomali weyn
qabashadiisana ay ka soo shaqeeyaan hay'ada caalamiya
iyo dowladaha aan deriska nahay.
Inta
aanan seefta ku dhufan ka jawaabibda sideen ku dooranaa
codkeenana u siinaa hogaamiya hal adag ,dabeecad wacan,
la shaqeyn karo dhamaan ragga ku hardamayo gacan ku
dhigida halbowlaha maamulka dhexe ee waddan
bahalo galeen ah,abuuri karana adeegsiga rag
briquraadiyiin ah kuna wacan dhisida dowlad eber ka
bilaabeyso oo ay horyaaliin turaanturooyin badan iyada
oo aan isku dhac imaan ka caraysiin karo hogaamiyaal
hubeysan danahooda shaqsigaana uga muhimsan yihiin
danaha guud ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaan
afar qeyb u kala qaadeynaa fayl taariikheedka ragga
isu soo sharaxay jagada ugu sareyso ee dalkeena ama
noqoshada madaxweynaha dalka Soomaaliya annaga oo ka
fogaanayno in aan farta ku fiiqno xumaanaha ay leeyihiin
shaqsiyaadka isa soo sharaxay qaarkood si shaqsi ah .
1)
Qeybta koowaad ee raggan jagada madaxweynaha isu soo
sharaxay waa rag mudda dheer la soo shaqeeyay , jagooyin
muhimana ka soo qabtay dowladi kali taliska ahayd oo uu
madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad,raggan waxaa intaa u
dheer in aan horay loo arag iyagga oo ka gadoodanayo
xumaanihi uu ku kacay taliskaa ay xubna sare ka ahaayeen
sidi iska casilaadi jagadiisa ama xumaan diidmadi ka
timid Ibraahim Meygaag Samatar oo kale ,lama arag iyaga
oo jagooyinkooda iska casilay xumaan diidmo awgeed ,mudadi
ay haayaan jagooyinkaas oo gaarsiisan wasiir lama arag
wax qabad shaqsiya oo ay leeyihiin lana tilmaami
karo,raggan lacagaha ay isku sharaxayaan qeyb ka mid ah
waxay kasoo jeedaa lacago laga dhacay khasnadaha
maamulka guud ee dalkeena waxaana taa u sahlay iyago oo
qaarkood xidid guur keenay ama mid dhalasha la lahaa
hogamiyihi taliski hore ina Siyaad, raggan haba yaraatee
laguma yaqaan hufnaan iyo shaqo wacan iyaga taa waxaa u
wehliso in shirki carta lagu tijaabiyay hogaaminta dalka
waxayna dalka ku soo siyaadiyeen dib u dhac iyo
jahwareer hor leh oo waddanka madaxa la galo,ugu danbeyn
raggan lama arag waqtiyadi ay socdeen
dagaalada sukeeyo ilaa haddeer iyaga oo ku howlan
qaboojinta dagaaladaas ama xal u helida guud ahaan
arrimaha murugsan ee Soomaaliweyn ,raggan waxaa la arkaa
oo kaliya dhamaadka shirarka Soomaalida loo qabto iyaga
oo isu sharaxayo qabashada jagada madaxweyninimo, cod
bixiyow ka digtoonow in aad codkaada siiso raggan leh
sifooyinka xun ee aan kor ku soo sheegnay.
2)
Qeybta labaad waa qeyb xumaan iyo debandabyo aan ka
yareyn qeybta koowaad ee aan kor ku soo tilmaanay,raggan
waa rag aan hami kale lahayn qabashada madaxweynimo
maahine ,raggan waa rag halgan dheer oo dhiig badan ku
daatay u soo galay qabashada jagadaas ,siyaasadoodana
waa reer hebel aniga haddii aan lay dooran danaha reerka
qatar ayey ku jiraan,raggan waa rag ku tuntay horayna u
baabi'yay xisbiya siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen
ugu danbeyntina xisbiyadaas ku soo reebay hal
jufo,raggan waa rag ku tuntay dastuurka u dhigan ama ay
ku heshiiyeen dadyowga goballada ay ku doodayaan in ay u
maqan yihiin danahooda
, raggan waa kuwa dhiig u daadinayo noqoshada mas'uul oo
kaliya, raggan waa rag doonayo in ay darajo ku gaaraan
gacan ka hadal,raggan waa kuwa lagu yaqaan
in ay siyaasadooda ku salaynsantahay qabiil iyo
haddii aan lay
siin jagada aan rabo yaan la heshiin gogashana ha lagu
kala tago ,raggan qaar ka mid ah waxay u dhaqmaan sidi
gumeysi oo kale waxayna ku jaga doontaan aniga ayaa dhul
hebel xoog ku heysto iyo dadka degan haddii xal la
doonayana waa in la tixgeliyaa mooryaanimadayda,cod
bixiyow ka digtoonow in aad codkaada siiso mooryaan iyo
caskari bartay dhiig daadiska xigtadiisa iyo
Soomaaliweyn.
3)
Qeybta sadexaad waa wiilal dhalin yar ee badankooda
ku haboon qabashada jagada madaxnimada Soomaaliya,
waa rag badankooda
leh aqoon cilmiyeed laakin waxay dhibaatadooda tahay in
ay waddanka mudda dheer ka maqnaayeen , raggan ma laho
waaya aragnimo ku filan oo ay
kula dhaqmaan mooryaan dhaqankooda ka hooseeyo
duur joogtada ku nool howdka,raggan waxaa ka mid ah
ceebahaooda in ay badankooda ka dhaadhacsantahay haddii
ay dowlad fulaan oo xoog leh wadato iyaga in ay
Soomaaliya dib ugu soo celin karaan kala danbayn iyo
sharciga oo lagu dhaqmo,raggan waxaa ka maqan oo aan u
muuqan in ay Soomaaliya horay ugu fashilmeen xoogaga
waaweyn ee adduunka iyo in aynan suurtagal ahayn in
mashruuc laga
fuliyo dalka haddii aynan dadkiisa soo dhoweyn
howlgalkaas, raggan waxay ku wacan yihiin in loo
adeegsado dib u dhiska dalka iyo soo noolaynta adeegyadi
dowladda.
4)
Qeybta Afaraad waa fara ku tiris waana rag lagu yaqaan
shaqa hufan, caddaalad ku dhaqan waqtiga ay ku jireen
shaqadooda howl wadeenana ka ahaayeen xukuumadihi hore
ee dalka ka soo talin jiray,raggan waxaay la yimaadeen
dadaal dheeraad ah
keddib marki la riday xukuumadi kali taliska
ahayd dalkana fooda la galay dagaalo sukeeyo oo faraha
looga gubtay welina aan la soo af jarin dagaaladaas iyo
asbaabihi abuuray,raggan dadaalkooda waxaa ka mid ah
in aynan dhinac la safan qabiil ahaan dagaaladi sokeeya
waxayna ka shaqayn jireen xal u helida dagaaladaas iyo
sidi loo qaboojin lahaa taas oo ay u dheerayd in ay
gacanta ku haayeen goobihi ay ka shaqayn jireen kuna
dadaaleen in aynan baab'in sida maanta hay'ada sportiska
marqaati uga tahay arrintaas,raggan waxay mar mar
jeebkooda ka bixi jireen dhaqaalo lagu kaabo howlaha
sportiska si aynan u joogsan, calankeenana uga sii
lalmado goobaha ay ka dhacaan tartannada ciyaaraha ee
Caalamka. Cod bixiyow codkaada sii nin lagu kalsoonaan
karo horana loo yaqiin waxqabadkiisa iyo kartida uu ku
dhex leeyahay bulsha weynta Soomaaliyeed meel walbo oo
ay joogto.
Ugu
danbeyn gunaanadka faaladan waa jawaabta sideen u
dooranaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha isu soo sharaxay
qabashada jagada madaxweyna shirka Soomaliweyn uga socda
Mbagathi.cod bixiyow u fiirso faariska maanta ku fiican
furdaaminta filroon adiga oo ku tixgelinayo
waayaragnimadiisa,dalka muxuu u qabtay ,hal'adaygiisa,
kartidiisa iyo ugu danbeyn ma yahay nin dadka u sinaan
karo ,ma yahay nin xikmad kula socon karo mooryaanta
qoryaha sidato dalka gudihiisa ,ma yahay hogaamiya aynan
horay isugu dhicin hogaamiyayaasha lagu yaqaan ilaalsiga
danahooda gaarka ah ka hor danaha guud ee ummadda
Soomaaliyeed ,ma yahay hogaamiya aanan lagu tuhmeyn in
uu dhashay qabiilka maanta Soomaaliya lagu eedeeyo in ay
gacan weyn ku leeyihiin deganaansha la'aanta dalka ka
jirto ,ma yahay hogaamiya xil looga haayo goobta lagu
heshiiyo in la geeyo dowladda Soomaaliyeed ee lagu soo
dhisi doono Mbagathi ,ma yahay hogaamiya darajo ku leh
dhalinyarda Soomaaliyeed
guud ahaan .
Cod
bixiyow ka dheeraaw hogaamiyaha doonayo in uu codkaada
lacag kaa siiyo
waayo hogaamiyahaas wuxuu aaminsanyahay in aad tahay
daciif la iibsan karo sowdkiisa goor walbo,hogaamiyaha
doonayo gadashada codkaada wuxuu muujiyay in uu yahay
nin ku wacan bixinta laaluush ka hor inti aan lagu
aaminin hogaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed .
Cod
bixiyow ogow in dadkeena iyo dalkeena maanta u baahan
yihiin hogaamiya dalkeena iyo dadkeena caddaalad ku
dhaqi karo .
By A.
Siyaasi ©2003,
Abdallah Moallim
Maxamud
Moallem10@hotmail.com