Intaanan aqrin Dastuurka ku meelgaarka eh iyo midka lugu
mideeyay lamadi aragti oo u dhexeeysay kooxda shirka
joogto iyo inta kale oo ku nool Somalia iyo dibadaba aan
waxaa dhameeystayr
· haddi 24 qof isu sharahday madaxweeynenimada,
· mid kalane isdoortay isna duubay,
· dagaal oogayaashii, doowladii hore iyo tii dambe
deeqiweeysay cadadii xildhibaanadii hore iyo intii lugu
kordhiyay,
· wasiiradi caddadoodi aan la sheegin ,
· cid walbane u duubatay in eey hesho sed samigeeda ka
badan,
· wada shaqeeyntiina kumeel gaarka noqotay, anna
madaxweeyne eh iyo waa ku casilay,
· warkiine ku dhamaaday anakaa dooraneeyno isna
dooraneeyno,
· lana diiday tiradii macquulka eheed ee barlamaanka
iyo wasiirada,
WAXAA IGA SUUSHAY
Rajadii yareed aan ka qabay dhalasho qaran soomaaliyeed,
waxeey iga dhimatay markaan arkay in laga hadlaayo uun
qeeybsi derejo aan weli gacanta ku jirin, assii
shacbigoo dhan u sugaayo sidii bil soonqaad iyo seeymo
roobeed. Maskaxdeeyda ka dheer in quwa aa arkaayo hi
rgeliyaan Doowlad ka saarto dad Kaayna dhibka eey ku
jireen 12ka sano oo la soo dhaafay.
Waxaan sidi wedkeey u hubaa in eey ku dadalidoonaan
sidi eey u tirtiri lahaayee dembiga eey ka galeen
shacbiga iyo dhaqaalihi eey duudsadeen; haddiiba eey u
suurta gasho in eey dhisaan Doowlad ku meel gaar eh.
DASTUURKA KU MEELGAAR EH
Markaan aqriyay 61da qodob oow ka koobanyahay keey
dhigeen kooxda Keenyo iyo 118dii Qodob eey qoreen
guddiga ka koobn 8 wax garad aa waxaa ii
dhamaatay in nasuugaayo jid dheer, si lugu gaaro
xurriyad, cadaalo iyo sinaan. Dastuurka badidiis waxaa
laga soo guuriyay kii 60 oo asagane laga soo guuriyay
markiisi hore kan talyaaniga. Waxaa kaloo lugu buux
buuxiyay wax loogu yeeray federali oo u eg:
AAN DUUBTEE MARADA II CELI .Addunka waxaa jiro 201
DASTUUR oo nuuc walba leh oo la laga qaadan karay cabir
iyo daraasad si loo qoro mid ka tarjumo waqtiga adag oo
lugu jiro.
Waxaa wanaag sanaanleheed in Dastuurka loo dhiibo dad
khibrad iyo aqoon u leh, lana garab dhigo guddi soomaali
eh oo la shaqeeyo, una tilmaamo baahida, dhaqanka iyo
tabarta dhaqaalo Dalka. Waxaa laga badin waayay in shir
kasto oo lugu heshiin siinaayo soomaalida eey hor
horboodaan DAGAALOOGAYAAL iyo DERIS KU SHEEG EH, oo
dantoodu ka duwan tahay middeeyna, una taagan in eey
abaabulaan shirar lugooyo iyo waqti dhumis eh, assi wax
dhaleeynin.
Dastuurka si xun aa loo qoray,ma dhameestirna,waa is
qilaafsanyahay, Dal iyo dadne, luguma maamulikaro.
QODOBKA 9LAAD
EQUALITY OF THE CITIZENS BEFORE THE LAW: Sinnanta ( mid
ahaanta ) muwaadhiniinta sharciga hortiisa
National origin:dalkaso eey ka soo asqumeen ( ka soo
jeedaan )
Birth:meel kasto eey ku dhashteen
Language:luqa kastooy ku hadlaan
Religion:diin kasto eey leeyihiin
Sex:lab iyo dhidig waxee yihiin
Economic or social status: dhaqaale ama heeybad kasto
eey leeyihiin
Political opinion:ra yi siyaaso kasto eey qabaan
Shall have equal right and duties before the law: waa in
eey uga sinnaadaan sharciga
xaquuqda xaquuqda eey leeyihiin iyo mida lugu leeyahayba
without distinction: qoomiayad, ama qabiil
Intaas markaan aqriyay aan waxaan ku tagay qodobka 42aad
oo ka hadlaayo XULASHADA Madaxweeynaha, siiba jabka 3aad
oo leh: WAA IN OOWSAN QABIN NAAG AJNABI EH, OOWSANE
GUURSAN I NTA OOW XILKA HAAYO Waxaa jiro muwaadhiniin
badan oow xaaskoodu yahay AJNABI oo karti
iyo cilmi Leh eey ku maamulaan dalkooda, aad u dhaamana
kuwaa shaatiga kujin eh tolonaayo.
MAXAA KA REEBAY XAQUUQDA IYO SINNANTA KU CAD QODOBKA
9AAD EE DASTUURKA KU MEELGAARKA EH; MAXAASE GOOBTA
KEENAY NAAGOHOODA, KANA REEBAY KUWA DASTUURKA QORAY
NAAGOHOODA? MAXAA LOO ILOOBAY IN LAGA REEBO DOOWLADA IYO
BAARLAMAANKA:
Kuwa dadka laayay,
Kuwa warshada dhoofistay
Kuwa bada iyo berriga suntan ku shuba
Kuwa afduubay maraakiibta bad weeynta mareeyso,
Kuwa ka taajiray lacagta beenta eh,
Kuwa ka taajiray beecmushtarka xaaraanta eh iyo sicir
bararka,
Kuwa degan ama guryihii iyo astaantii qaranka,
Kuwa muqaadiraadka keeno ,ama beero iyo
Kuwa ku baabiyiyay dhalin yaradii iyo dhaqaalihii.
HILMAAN HADAL KUMA JIRO
WAXAAN ILOOBAY IN KOOXDA GUURISAY DASTUUR KU SHEEGA EEY
KA KOOBAN YIHIIN DEMBIILA YAASHA LA SOO TAAGI LAHAAY
MAXKAMADDA, LUGUNA QAADI LAHAAY DEMBIGEEY KA GALEEN
DADKA IYO DALKA SOOMAALIEED.
Waxaan soo aragnay:
Shirar Badan, Heshiis Badan, Saxiix Badan,Baarlamaan
Badan,Wasiiro Badan,Qaajo Badan, Cudur Badan, Boob Badan,
Kufsi Badan,Dil iyo BEEN BADAN.
Filimkaan horaan u galnee yoow BEDELID KA SUGAA?
XAQ IYO XURRIYO, prof.Galagul.
___________________________________