Mudulood Page

RAI 1  Live BBC Live Aljazeera TV Live Dubai TV Live Saudi TV live Falastin TV Live Al-jeria TV
Wargeyska Abaaji
STN News Xamar
BBC Laanta Af Som.
BBC Laanta Baafinta  
Africa World Tonight  
Facus On Africa  
USA Somali Radio  
Denmark So. Radio
Sweden So. Radio
Radio S.L.Hargeysa  
TV Djibuti

News

Radio Xamar Cadey
SaveSomalia.org
Banadir News
BBC Hourly News
BBC Hourly updated  
Dalka News  
Midnimo News  
Qaranimo News  
Codka Beesha News
Codka So.Galbeed
Marka Cadey News  

Xamar Cadey

 
 
 
 

Shirka Mbaghati Waa dhagar Abaabulan Ee Dhulka Soomaaliyeed Ma Jirtaa Meel Naga Dhexeyso

by: Abdallah Moallim Maxamud (Abdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

 July 8, 2003  

   Mbagathi laguma kala maqno mid dalka iyo dadkaba denbi ka galay in gaaban maahine oo ay iyaga daacad ka tahay murugada taal waddanki xal ha loo helo, gogashaas kama maqno mid ku haminayo wasiir ama wasiir ku xigeen isku day in aad ka hesho fadhigan ama xubin ka noqoto barlamaanka xiga ee martida u noqon doono reer hebel,mid is leh ma ka heshaa masruufki ciyaalka dadkan waashay ee lacagta ku bixinayo madaxweyno Soomaaliyeed mar uun noqo iyada oo aynan jirin goob dowladaas ku shaqeyso ee diyaar u ah. ,mid halkaa u tegay yeynan ka dhalan gogashaas  dowlad cadaalad soo celin karto si aan la isugu soo qaadin dalka yaa denbi ka galay ,mid doonayo in uu hantiyo dadaalki uu u soo galay boobka deegaan uunnan ka soo jeedin ,mid is leh yaan la is weydiin jariimooyinki ka dhacay dalka Soomaaliya loona geystay ummadda Soomaaliyeed doodiisana tahay waa in la sameeyaa guddi la mid ah guddiga xaqiiqa raadiska iyo iscafinta ee dadweynaha reer koofur Africa isaga oo hilmaamay in ay Soomaali tahay dad kaliya waajibna tahay ruuxi denbi galay in la horkeeno maxkamad ku caddayso ama ka dayso eedeynta loo soo jeediyay. Inta badan dadka halkaa isugu tegay nin iyo naagba gacanta midig wuxuu ku wataa dan gurracan uu isaga u arko maslaxad shaqsiya ama mid qabiil xume ,tan bidixna wuxuu ku wataa maxaa kaa galay yeynan dhalan dowlad aan HAA aqbalnay danahaada Dhahayn . qalbigooda,caqligooda iyo indhohaadana ma arkaan Dowladdi Mbagathi lagu soo dhiso xagee u deegaan ah oo la geynayaa oo somaali weyn ka dhexeyso balsa waxaa u muuqdo oo kaliya jaga uun ka hel dowladdi halkaa lagu soo dhiso ,sidoo kale indhahooda ma arkaan maslaxadda guud in ay ku jirto in uu ruux walbo wax ka doono danta guud oo aan tiisa gaarka ah ka baxsanayn.

   Rag miyaa laga waayay inta u dhexeyso Raas Caseer iyo Raas Gabooni ama isku soo duub Soomaaliweyn dhulkeeda. miyaynan noo muuqan howsha ka socoto gogasha doofaareey in ay tahay dhagar abaabulan oo aan dheef ka danbayn ee Soomali waqtiga looga dhuminayo iyo in aynan ku maqnayn danaha ummadda Soomaaliyeed iyo dalkooda misa arinta waa gogol xumaaneed gar u doono iyo bohol iska tuur,miyaynan ka daalayn gogol dibuheshiineed ee dibadda dalka lagu dhigo dhamaadkeedana noqdo fashil ama dhowr sano oo kale dib u dhac ku yimaado xal u helida murugada Soomaali ku habsatay, miyaynan noo muuqan Mbagathi dowlada ka soo baxdo in ay mareyso waddadi kooxda Carta ay martay, howlna kaga idlaaneyso qabiilka ay u martiyaan hoostiisa ilayn dowladi la soo dhiso maanta fara kuma hayso meel la geeyo ee ummadda Soomaaliyeed  ka dhaxeyso, meel walbo oo waddanki ka mid ah waxaa fadhida  habar libaax oo aynan u gala soocnayn gar iyo gardarro, gaajo iyo dhereg ,afka iyo gacantana la gaareysa cidi soo hormarto tala aad u soo jeediso warkeedaba iska daa. Soomaali weyn waxay markhaati ka yihiin warki ka soo yeeray Cabdalla Deerow Gudoomiyihi Baarlamaanka kooxda Carta isaga oo joogo Nayroobi uu ku lahaa Madaxweyne anigaa ah oo Madaxwenihi DKM ama guddoomiyihi kooxda Carta wuxuu ku tuntay Dastuurki waddanka u degsanaa sidaa darteed dastuurka wuxuu waajibiyay in laga xayuubiyo mansabkaa haddaba waa su'aal ee Soomaali weyn ma idinla thay Cabdalla Deerow in uu hadalkaa iyo mid ka fududba dhihi karay isaga oo joogo Iskoolo Boliisiyo kuna ay wareegsan yihiin mooryaan ka soo jeedo beesha gudoomiyaha kooxda Carta loona yaqaan Booliska DGM.waxaa hubaal ah saadaasha muuqatana farta ku fiiqeysaa Madaxwenihi la soo doorto in uunan hayn meel uu geeyo dowladi lagu soo dhiso Mbagathi oo aan ahayn beesha uu ka soo jeedo hoosteeda iyo beeshi hoosteeda ku martigeliso dowladdaa. labadan arrimoodna waxaay sabab cad u yihiin in dowladaa waa haddii la soo dhisee iyo mid kaloo ku timaado qaabkaa ay fashil ku dhamaanayaan waayo haddii loo martiyo Madaxweynaha beesha uu ka soo jeedo iyo mooryaanteeda ,Madaxweynaha uma dhaqmayo si ka duwan gudoomiyihi kooxda Carta marki uu dalka tegay dhaqanki uu la yimid iyo Mukulaal Mooryaanteeda dhexjoogto miciya laibaax ayey leedahay, haddii uu Madaxweynahaas tagana beeshi martigeliso hoosteeda, dowladaas isqabqabsi kama baxayso iyo sidan wax yeel jaalle Madaxweyne oo aynan ahayn howsha isaga tag.

   Mbagathi waxaa itaas u dheer in ay gogashaas joogaan dowlado colaad kaga dhexeyso maareynta fikradaha hogaamiya fulaan iyo ku tartanka sidi ay talo buuxdo ugu yeelan lahaayeen dowlad Soomaaliyeed ee halkaas lagu dhiso iyo weliba in ay dowlad kasto gadaal ku haysato kaartadi lagu fashilin lahaa shirkaas in guul laga gaaro haddii aynan ka muuwqanayn maslaxadda ay dowlad fulaan ka leedahy dalka Soomaaliya inta aan dowladda halkaas lagu dhiso u ambabixin dalka Soomaaliya.

   Macangagnimo iyo indha aan quus qaadan meel khayr qabto laguma gaaro ,dugsiya wax lagu barto oo aan maanhaj ka dhexeyn gobal walba waa ku yaaliin ,dhaqtar ku daaweeyo haddana ay dili karaan mooryaan faraha laga daayay gobol walba ayey ka jirtaa, xoolo,ugaar iyo geedihi waddanka oo la dabargooyo gobal walbo ayey ka jirtaa, qabiil lagu habarkacsado oo aan haddana loo maqnayn danihiisa aan kabaxsanayn danaha Soomaaliyeed gobal walba ayey ka jirtaa, qiima la'aanta nafta beni'aadamka iyo dil aan loo meel dayin sharcina aan ahayn gobal walba ayey ka jirtaa,mooryaan ay jidadka u taal isbaaro la yiraa jeebkaada ha ku baxsado mas'uulna ay ka yihiin ragga aan ku sheegno hogaamiyayaal Soomaaliyeed meel walba ayey taalaa, isku soo wada duub dhibaatada iyo amnidarrada dalkeena ka jirto lama haayo ruux aynan saameyn ku yeelan nolol maameedkiisa laakin dhib wuxuu ka jiraa dadki la rabay in ay xal u helaan dhibatada ka jirta waddakeena oo badankooda hooy u noqday daciifnimo, iimaan la'aan iyo u sacaba tumida nin isaga kow ka ah hortaagnaashada danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.haddaba waxaa su'aal ah sidee looga baxaa dhibaatada iyo murugada ummadda Soomaaliyeed hortaal, dabataal , calooshoodana dhex taal.

   Waxaa dhibaatada aan gacanteena ku abuurnay looga bixi karaa in aan ilaaheey u noqono isagana aan tala saarano iyo in gogol dibuheshiineed la dhigo dalka gudihiisa oo ku timaado codsiga indheergratada, aqoonyahanada, culumaa'udiinka iyo tujaarta xalaal quudata ah oo  aan iyaga ku howlanayn dadaalna ugu jirin sidi ay wax uga noqon lahaayeen dalka Soomaaliya hadafkoodana ku kooban yahay xal in loo helo dhibaatooyinka Soomaliweyn kala gaaray ,waa in qeybta hore ee wada hadallada gogashaas laga fogaado ka hadlida awood qeybsiga ugu sareeyo dalka inti xal looga helayo daaweynta sababaha ugu waaweyn mid ka mid ah ee hortaagan in dalka Soomaaliyeed ka dhalato dowlad la wadaago maamulkeeda cadaaladna ku shaqeyso. waa in gogashaas qeybteeda hore xal loogu helaa dhibaatooyinka ka jiro caasumada Soomaaliya Muqdisho oo ah halki lagu kala tegay haddana ay ka jiraan mid ka mid ah masaa'ibka hortaagan in ay Soomaali weyn arrin ku heshiiso. Waxaa hubaal ah in ay xamar noqon karto  halki mar kale la isugu yimaado laguna heshiiyo haddii gogashaas runta lagu wado hadlo lagana dheeraado Colowna gar leh Carabowna gar leh. Colow waxaan uga jeedaa dadki  xoog ku doonay kursiga in ay qabiil ku daadihiyaan sababna u ahaa abuuritaanka colaad Soomaali kala gaarto oo aan ilaa hadda dhamaan , Carabowna waxaan uga jeedaa dad ku fashilmay in ay maamul u sameeyaan deegaankooda ama Banaadir isla markaasna aan u jeedin in ay ka badin waayeen iscolaadinta dhexdooda ah, una aynan muuqan dhibaatada iyaga iyo Soomaaliba hortaal  in ay ku egtahay qaab xumida Xamar cadde taal oo xal loo helo .

Abdallah Moallim Maxamud
Moallem10@hotmail.com

Newspapers

Hiiraan News
Ayaamaha News
Somali Press News
Himilo News  
Ra'yi Press  
Outside Somalia  
True Somalia.Net  
Dayniile News
Arlaadii News
Somaali Globe News  
AllPuntland News

Al-Qur'an Juz 26

Tafsiirka Qaaf
Tafsiirka Al-Xujuraat
Tafsiirka Al-Axqaaf
Tafsiirka Al-Jaathiyah  
Tafsiirka Al-Fatx  
Tafsiirka Muxammad  
Tafsiirka AdDukhaan  
Qalbiga Insaanka
Axkaamta Soonka
Aafada Carabka  
Maalinta Qiyaamo  

Xamar Cadey

 

Aqoon La'aani waa iftiin la'aan, Aragtida kala duwan oo laysku ixtiraamo waa Guul